Author: Jibril Qoobey.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay Puntland iyo Somaliland in ay joojiyaan colaadda Gobolka Sool,isla markaana ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan,   Sidoo kale Qaramada midoobey waxay ku boorisay in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo.   Hadalkan ayaa shalay kasoo baxay fadhigii Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka sheegay arimaha Somaliya.   Puntland ayaa horayba u tixgalisay baaqyo iyo codsiyo uga yimid beesha caalamka ,kaasoo lagu dalbanayay in la hakiyo colaada Puntland iyo Somaliland,balse Muuse Biixi ayaa noqday Nin wax walba oo xal ah ka dhago adaygay.   Musse Biixi ayaa todobaadyadii lasoo…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federaali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.   Warkan ayaa kasoo baxay fadhiga Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka yeeshay arimaha Somaliya .   Waa fariin si toos ah ugu socota Dalalka,kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh hagardaamaynta dib usoo kabashada qaranimada Somaliya.   Fariintan waxay si gaar ah ugu socotaa quwadaha shisheeye ee faragalinta tooska iyo mida dadban ku haya arimaha Somaliya iyo kuwa gudaha ee diidan in nidaamka dowliga ah…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya.   Waa markii koowaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah.   Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka ka mid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay.   Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan.   Qaar badan oo…

Read More

Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobaneeyo kale oo ay caruur ku jiraanna ku dhaawacmeen, weerar dhinca cirka ah oo lagu qaaday deegaannada ay maamulaan mucaaradka ee gobolka Idlib ee dalka Suuriya.   Kooxda dhinaca xuquuqda aadanaha ee kor kala socota dagaalka sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska, ayaa ku warrantay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday xaafadda Zardana oo ku taalla waqooyigalbeed ee gobolka Idlib.   Wariye ka tirsan wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo ku sugan Idlib ayaa sheegay in isbitaallada la geeyay dhaawacyada dad isugu jira dumar, caruur, waayeello iyo waliba qaar ka…

Read More

Jeneraal Samora Yunis ayaa laga bedelay taliyenimadii ciidamada Itoobiya.   Nin la taliye sare u ah ra’isal wasaarahacusub, Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaaday “shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga” Itoobiya.   Fariin uu u qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Jeneraal Seare Mekonen noqon doono ninka bedeli doona Samora.   Dhanka kalana taliyihii ciidanka Cirka, Jeneraal Adem Mohamed, ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha nabadsugidda oo waxa uu bedelayaa Getachew Asefa oo xilkaa hayey 17 sanadood.   Talaabadan waxa la qaaday dhawr bilood uun ka hor markii uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora.  …

Read More

Borama waa magaalo dadka Somalidu usiman yahiin ku noolaan karaan,dhisan karaan, ka ganacsan karaan,waxna ka baran karaan.   Ma lahin Dakad iyo il dhaqaale oo aan ahayn inaan umada Soomalida ka iibino Aqoon iyo Amni taasi oo keentay in maanta 40% dadka dagan Borama ay yahiin dad Gobolkasta oo Soomaliya ah ka yimid, dibada ka yimid jeclaaday Borama sababta oo ah waa meel loo siman yahay . Borama maanta waxaa dhisay oo dhaqaalaheeda kor u qaaday ardayda waxbarashada usoo doonatay iyo qoysaska usoo guuray si halkan ugu noolaadaan kuwaasi oo jeclaaday nabada, waxbarashada iyo jawiga magaalada iyo Borama oo ah…

Read More

Faysal Cali Waraabe Oo Digniin Udiray Reer Puntland Una Hanjabay Ardayda Reer Puntland ee Waxka Barta Gobolka Awdal,gaar haan Jaamacada Camuud ee Boorame.   Faysal Cali Dhurwaa,ayaa Sheegay in 500 Oo arday reer Puntland ah in ay Boorama joogaan.isagoo ka hadlaya ardaydaas fariina udiray shacabka Reer Boorama, waxuu yiri”Reer Awdal ogaada waa cadaw giina Ardaydaas”.   Dhanka kale waxaa Caawa u jawaabay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo sheegay hadii ay xagtini gaarto Ardaydaas in ay kala xisaabtamayaan Beesha Godaybiirsay ee Ardaydaas ay martida u yihiin.   “Reer Boorama Faysal Cali Waraabe waxba nama yeeli karee yuusan gacantiina wax nagu yeelin Ardayda…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad fadaraali ah oo si wanaagsan u shaqeysa. War kasoo baxay Golaha Amaanka ee qaramada midoobey,ayaa waxaa si buuxda u wada taageerey 15-ka wadan ee xubnaha ka ah golahaasi oo kala ah:-   -Ruushka………Guddoonka sanadkan haya. -Maraykanka, -China, -France, -UK, -Bolivia, -Côte d’Ivoire, – Equatorial Guinea, -Ethiopia, -Kazakhstan, -Kuwait, -Netherlands, – Peru, -Poland -Sweden.   Warka uu Golaha shalay kasoo saaray arrimaha Soomaaliya qeybta looga hadlay Midnimada & Madaxbanaanida dalka ayaa lagu yiri;  …

Read More

PRESS STATEMENT 07/2018 The United Nations Under-Secretary-General (USG) for Political Affairs, Rosemary DiCarlo, visited the Somali capital today and held a series of meetings with the country’s leadership to reiterate the UN’s support to the people and Federal Government of Somalia, as well as to discuss issues of mutual interest and priority. The Under-Secretary-General was welcomed by the President of the Federal Government, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo. During her visit, she was accompanied by the Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Michael Keating. Speaking at Villa Somalia after meeting with the President, Ms. DiCarlo said the aim of her first field visit…

Read More

The UN Under-Secretary-General for Political Affairs Rosemary DiCarlo concluded a day-long visit to Somalia today, her first field trip since her appointment to the position one month ago.   Ms. DiCarlo’s visit to Somalia is part of a regional tour of three countries in the East Africa.   The Under-Secretary-General met with Federal President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and senior federal government officials at the Presidential Villa in the Somali capital, and they reviewed the political, security and economic situation in the country.   “I wanted to come to show how important Somalia is to the United Nations. It’s a…

Read More

Maalmahan waxaa saxaafada qaarkeed ay qoraysay warar ay sheegeen in ay kasoo xigteen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada,kuwaasoo sheegaya in wada hadal ubilowday Puntland iyo Somaliland,wada hadalkaas oo ay gar wadeen ka tahay Dowlada Itoobiya   Hadaba xiriir aan la samaynay Madaxtooyada Puntland ayay warkaas si adag ugu beenisay.   Madaxtooyada ayaa sheegtay in uusan warkaasi sal iyo raad toona lahayn,isla markaana aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid hawlgalkii difaaca dalka.   ”Puntland waa wadaysaa difaaca dalka inta Taako kamid ah dhulkeeda uu ku jiro gacanta cadawga”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha sar-sare ee Madaxtooyada Puntland.  …

Read More

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Safarka Madaxweynaha  ee Magaalada Baydhabo, Xeerka Biyaha Puntland iyo Warbixino Kale. Amniga Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee Puntland  iyo duulaanka qaawan ee lagu hayo gobolka Sool, waxayna goluhu caddeeyeen inaan la  fiirsan karin  qaylo dhaanta iyo caburinta shacabka Laascaanood  lagu hayo ee lulaya Calanka Buluuga ah, iyagoo u taagan astaan midnimo iyo  wadajirka Ummada Soomaaliyeed. Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Aminga Soomaaliya ee…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka ee fadhiya magaalada Washington.   Danjirayaal 50 kor u dhaafaya ayaa afurka ka qeyb galay, walow warbaahinta ay sheegtay in afurkaasi sanadkan aan loo joogin sida kuwii sanadihii hore, waxaana ka maqnaa hogaamiyeyaal muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray kuwaas oo sanadkan ka soo qeyb galin.   Kulankan afurka ah ayaa u muuqday mid cidlo ah marka loo eego kii sannadkii hore ee uu madaxweynihii hore ee Obama u sameeyay muslimiinta.   Shucuubta Islaamka…

Read More

 President Abdi Mohomud Omar a visionary leader of Somali regional state of Ethiopia: Abdi Mohamud Omar, president of Somali regional state is the mastermind visionary leader behind the tremendous achievements in the region.   In this short piece I will ruminate the political disorder and security failures that Ethiopian Somali region had experienced before the current administration led by Abdi Mohamed Omar come to power and I will share with you the current political development and socioeconomic achievements.   When the ruling party EPRDF comes to power in 1991 Ethiopia cemented a new era of justice and equality among all…

Read More

Maxamed Aadan Xirsi Terra rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu ahaa hormuudka saxaafada Somaliya.daqiiqaddo ka hor ku geeriyooday Isbitaal ku yaal magaaladda London,Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambaysay xanuunsanaa. Taariikh iyo door muhiim ah oo lama ilaawaan ah,ayuu ku lahaa saxaafada Soomaaliya. Bahda idil News Waxay Tacsi udirayaan guud ahaan Umada Somalida,gaar ahaan Qoyskiisii iyo eheladisii. Wax ka xasuuso taariikhdiisii saxaafadeed. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hv3fXKCpdK0

Read More

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran loona yaqaan Danab ee Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.   Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay bur buriyeen Saldhigyo ee Alshabaab deegaanadaasi ku lahaayeen.   Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab ku dhawaad 20-qof oo la xiriirinayo in ay ka mid yihiin Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.   Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la haday…

Read More

Dagaalamayaasha Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo xarunta KMG-ah ee maamulka Koonfur-Galbeed sida ay ku qoreen bar ay wararkooda ku baahistaan kooxda Al-Shabaab.   Al-Shabaab ayaa sheegay in Jihada Koofureed ay ka weerareen deegaankaas,kadibna ay kala wareegeen Maleeshiyadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa.   Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiray dagaal waqti kooban qaatay oo halkaasi ka dhacay.   Saraakiisha Maleeshiyada maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa iyaguna xaqiijiyay in deegaankan oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ay uga baxeen dib ugurasho dagaal ayna dib ugu soo laaban doonaan…

Read More

Ra’isalwasaare Abiye oo ah masuul dhalinyaro ah furfuran oo leh aragti bisayl ku fadhida,ayaa la yimid isbadal hogaamineed oo ay shacabka Itoobiya ilaa iyo hada ku faraxsan yihiin..   Abiye isbadalada ilaa iyo hada uu la yimdi waxaa laga xusi karaa..   1.Qaadida amarka deg-deg ah ee saarnaa dalka.   2.Aqbalida go’aanka Xuduuda ee Qaramada midoobey.   3.Ku dhawaaqis furfurida ganacsiga sida Taleefoonada iyo Internet-ka.   Dowladda Ethiopia ayaa talaadadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa.   Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu…

Read More

Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xariga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qabqabtey Labadii Cishe ee lasoo dhaafay magaalada Jigjiga. Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda. Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ku waraysatey khadka telefoonka ee dalkaasi Ethiopia. Dhinaca kale, masuuliyiinta dowlada deegaanka Somalida Ethiopia, ayaa ayaguna sheegay in arinkaan uusan waxba ka jirin. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somalida Ethiopia Idiris Ismaaciil oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay eedayntan,hoos…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Garowe. Madaxweynaha oo markii uu diyaarada kasoo dagay ay kusoo dhaweeyeen Garoonka madaxsare oo ka mid ah Xukuumada,ayaa loo galbiyay qaybta Nasashada ee garoonka. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa oo Baydhabo uga qaybgalay shirka amniga Qaranka Dalka oo socday mudo sadex cisho ah,ayaa saxaafada uga waramay qodabadii shirkaas kasoo baxay iyo doorka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PYjhvzppjto

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey  garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe  ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu soo laabtay xarunta Kmg-ah ee Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay qaybta VIP-da ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxuu ku faahfaahiyay shirkii amniga qaranka dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday madaxda Somalida Magaalada Baydhabo. Shirka ayaa xalay saqdhexe lasoo gabagabeeyay lagana soo saaray Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda Somalida oo idil.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/27Pm9kTL6FQ

Read More

Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay xaafad ka mid ah degamda Howl-wadag ee gobolka Banaadir ku dileyn Nin Nabaddoon ah oo degmadaasi Caanka ahaa.   Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Cali Shire oo ka tirsan degamda Howl-wadaag,waxaana nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseeen Geedi Jimcaale.   Qofka mid ah Dadka ku nool Xaafada Cali Shire ayaa sheegay in Nabadoonka lagu dilay Albaabka hore ee gurigiisa,iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.   Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa5 June 2018 uga qayb galay soo xiritaanka shirka amniga Soomaaliya oo Baydhabo ka socdey 3-5 June Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Ra’isal Wasaarha Dowladda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Khayre,  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha…

Read More

Waxaa Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga socda maalinkii labaad shirweynaha amniga qaranka oo ay iskugu yimaadeen madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Qodobka kali ah ee ilaa iyo hadeer isfahanka laga gaaray dhamaan qodobadii ilaa shalay laga doodayay,ayaa ah qaybsiga khayraadka dalka,waxaana udhigan yahay sidatan. 1.Wadaaga Kheyraadka Dalka.(Shidaalka):- Arrimaha soo saarista shidaalka ayaa la isaga soo dhawaadey sida loo qeybsanayo haday noqon lahayd Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Qodobada laysku mari la yahay ee taagan,ayaa kala ah:- 1.Amniga. 2.Habka Doorashada 2020 3.Siyaasadda Hadaba dood iyo falanqayn kadib qodobada…

Read More

Baarlamaanka dawladda Itoobiya ayaa laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka sarnayd tan iyo bishii Maarso. Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in la qaado xaaladdii degdega ahayd ee dalkaas la galiyay dibad baxyadii iyo Isbadalkii siyaasadeed ee dhacay ka dib. Ra’iisulwasaarahii hore ee Itoobiya ayaa is calisay dhawaan, isaga oo sheegay in uu waddada u xaarayo in dalka ay ka dhacaan isbadallo siyaasadeed lana dhagaysto dalabka shacabka,hoos ka daawo muuqaalka. https://youtu.be/NFGv2HcQoQA

Read More

Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1-million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee ku nool Soomaaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed. Lacagtan halka Milyan ah ee Ra’isalwasaare xigeenka Dowlada Fadaraalka gudoon siisay maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxaa qayb ka ah…

Read More

Talyaha Ciidamada Badda Puntland Arminal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ,ayaa ka warbixiyay weerarkii saldhiga Ciidamadaas ee Balikhadar. Talyaha ayaa sheegay in weerarkaas ay si adag iskaga difaaceen,isla markaana 50-kamid ah Maleeshiyada Alshabaab ay ku dileen goobta. Talyaha ayaa sidoo kale sheegay in waagu markuu baryay ay ka daba tageen kuna gaareen maleeshiyadii argagixisada meel u jirtay Saldhigooda 14-km,halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoog leh oo dhawr saac socday ugu danbayna guushu ku raacday Ciidamada Badda Puntland ,sida uu sheegay Talye cabdirisaaq,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Hakan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/V1oQ5qQVJRM

Read More

Tv-ga Dowlada Puntland ee PLTV ,ayaa warbixin uu ka diyaariyay weerarkii argagixisadu ay kusoo qaaday fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada difaaca Puntland ee Balikhadar. Warbixinta ayaa sheegaysa in Ciidamada difaaca Puntland ay ka gaareen guulo waa weyn ka hortaga weerarka argagixisada iyo ka daba tag ay sameeyeen Ciidamada,hoos akd aawo muuqaalka- Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/erPaKmXrENc

Read More

Mas’uuliyiinta gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ku matala Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku taageerayaan go’aankii isimada goboladaas ku dhawaaqeen ee ahaa in ay Puntland lagu garab istaago xoraynta iyo soo celinta deegaamada maqan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zavbEocOGAs

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4 June 2018 uga qayb galay magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka amniga qaranka Soomaaliya, shirkaas oo maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamar’ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale. Shirkaan oo ah kii Afraad  oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020. Sidoo kale Shirka ayaa…

Read More

Ilo xogogaal ah oo ku sugan Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sheegay in xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya uu qalab xafiiseed uu galabta oo Taariikhdu ku beegan tahay 03/06/2018 ka diray Magaalada Muqdisho. Qaabkaas,ayaa la gaarsiiyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland. Qalabkan wuxuu ka kooban yahay mashiinada faraha iyo sawirada qaada iyadoo ujeedada loo geeyayna ay tahay in halkaas laga furo xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliya. Maxaa keenay in Soomaliland xiligaan ogolaato in xafiiskan laga furo Hargeysa? Kadib dagaalkii ka dhacay gobalka Sool gaar ahaan Tukaraq ee u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland waxay Dowladda puntland joojisay dadkii reer Somaliland ee…

Read More

Gudiga difaaca Puntland oo ka hadlay dhalinyaradii u dhalatay Hargaysa ee laga soo celiyay tahriibta dibna looga soo dajiyay Muqdisho,isla markaana diyaarad looga soo qaaday,balse Muuse Biixi udiiday in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Hargaysa.   Sidoo kale Gudigu waxuu sheegay in hawlgalkii Sool uu wali sii socdo,dhibaatayntii shacabka Laascaanood ee maamulka Jeegaantuna uu sidiii wali usii jiro.   Gudigu waxuu shacabka Puntland gudo iyo dibadba ku baraarujiyay in ay ogaadaan dullaanka lagu soo qaaday sharaftooda iyo dowladanimadooda.   Ugu danbayn gudigu waxuu hanbalyo iyo bogaadin udiray Ciidamada difaaca Puntland ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka,gaar ahaan kuwii…

Read More

Maalin ka hor weerarka Alshabaab ee Puntland,ayuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in Puntland hubka laga dhigo oo weerar lagu qaado. Mahan hadal fudud,sidoo kale mahan hadal la oran karo waa iska yiri,xile gubahan horay uhaan jiray Xildhibaanka . Dalxa hadalka uu sida cad ula soo istaagay waa in lagula xisaabtamaa,iyadoo loo marayo sharciga dalka uyaal. Si gaar ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah waa in ay Dalxa ka mamnucaan in uu qayb ka noqdo dhamaan qorshayaasha loo diyaarinayo horusocodnimada dalka,sidoo kale waa in uusan cag soo dhigin deegaamada ay ka arimiyaan. Dalxa hadalkiisu waxuu gaarsiiyay in loo aqoonsan…

Read More

Ugu yaraan 50-Xildhibaan ayaa Puntland ku matala labada Aqal ee baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. 50-kaas Xildhhibaan marka laga saaro dhawr kamid ah oo noqday Wasiiro iyo ku xigeeno ama dulaaliin sare intooda kale waa asal madoorshe igu buuxso utaagan. Intooda badan Xildhibaanadan waa kuwo ku cusub siyaasada oo aan lahayn hiigsi iyo aragi dan guud. Dhawrka iyagu gadmay ee jagooyinka kala duwan helay waxaa laga xusi karaa… 1.Xildhibaan Xuseyn Ciid. 2.Xildhibaan Xayir. 3.Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh. Labada Wasiir ee Xayir iyo Xuseyn Ciid waxay uqaateen in Puntland ay leeyihiin beelaha Maxamuud Saleebaan oo kaliya masuuliyada ka shaqaynta danaheedana ay iyaga saaran…

Read More

Cabdiqaasim Sallaad wuxuu ka soo jeeday deegaanka Gobolka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan   Farmaajo wuxuu kasoo jeedaaa Deegaanka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan.   Cabdiqaasim wuxuu aad ugu aragti dhawaa Maxamed Siyaad Bare wuxuuna aad uga soo horjeeday nidaamka Federaalka   Farmaajo wuxuu aad iyo aad aamisan yahay in Siyaad Bare uu ahaa taliskiisii mid an maanta u baahan tahay Dawlad oo federaalka yahay wax qaldan   Cabdiqaasim Sallaad wuxuu aamin sanaa beelaha uu ka dhashay Cabdullahi Yuusuf iyo Caydiid ama Cali Mahdi in yihiin kuwa soomaali ka dagi la’day loona baahan yahay in la caburiyo Farmaajo wuxuu Aamin…

Read More

Landlocked Ethiopia is planning to build a navy, Prime Minister Abiy Ahmed said during a briefing of the heads of the country’s National Defense Force.   “Following the efforts made to build capacity of our national defense, we built one of the stronger ground and air forces in Africa,” the ruling party-funded Fana Broadcasting Corp. reported Abiy as saying on Friday. “We should build our naval force capacity in the future.”   Two calls to the mobile phone of Abiy’s national security adviser, Abadula Gemada, didn’t connect.   Ethiopia currently has a civilian Ethiopian Maritime Training Institute on Lake Tana.…

Read More

Shacabka Sarmaanyo iyo Awrboogays,ayaa dhigay mudaaharaad xoog leh oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Jeegaanta,isla markaana ay taageersan yihiin Puntland. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay sida ay ugarab taagan yihiin hawlgalka dib u xoraynta Sool ee ay ku guda jiraan Ciidamada difaaca Puntland. ”Dooni mayno Somali diidka,waxaan taageersanahay Puntland ,sidoo kale waxaan garab taaganahay Ciidamada Puntland”ayay ku dhawaaqayeen shacabka soo banaan baxay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BSWYZjzHeFw

Read More

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah iyo  wafti uu hogaaminayo in ayaa gaaray magaalada Baydhabo si ay halkaas ugaga qaybgalaan shirka muhiimka ah ee looga xaajoonayo amniga qaranka dalka,hoos ka daawo muuqaalka sida loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Baydhabo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hI1c2MaQixA

Read More

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa unba baxay isaga iyo wafti uu hogaaminayo magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirka amniga qaranka.   Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah kasoo qaybgalkiisa.   Shirkii Brussels ee looga xaajoonaay dib u dhiska Ciidamada Qaranka Somaliya oo ay taageerayso beesha caalamka,ayaa shuruud looga dhigay in Somalidu la timaado waxay heshiis ku yihiin.   Dowladaha xubnaha ka…

Read More

Caawa waxaa si weyn shaki usoo kala dhexgalay Maleeshiyada Jeegaanta iyo Maleeshiyada Ina Canbaashe .   Kala fogaanshahan ayaa waxaa keenay ka gadaal markii Maleeshiyada jjeegaantu ay dib u gurasho sameeyeen iskuna ururiyeen Deegaanka Ganbadhe oo qiyaastii 25-km ujira magaalada laascaanood,sidoo kale Jeegaanta ay Hubkoodii cuslaa udaad guraysteen Taliskooda Oog .   Saraakiisha hogaamisa Maleeshiyada jeegaanta waxay ka walwalsan yihiin hadii dagaal kale dhaco in laga awood roonaado kadibna kacdoon shacab uu kaga bilowdo gudaha Laascaanood lagana reebto Hubkooda muhiimka ah.   Hadaba horjooge Ina Canbaashe oo arinkaas ka caraysan ayay caawa waxay is afdhaafeen Talyaha Maleeshiyada jeegaanta Nuux Taani.…

Read More

Ciidamada difaaca Puntland (PSF) hawlgal ay qaadeen kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay weerar gaadmo ahaa kusoo qaadeen fariisinka 20-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan kuwa Badda ee (PMBF) ay ku leeyihiin Buuraha Galgala Baliga loo yaqaan Bali-Khadar ayay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen cadowga argagixisada ah ee Alshabaab. Ciidamada oo isticmaalayay tababarkooda sareeya iyo qalabkooda u dhamaystiran waxay dhawr jiho kaga yimaadeen Maleeshiyada argagixisada ah. Dagaal socday dhawr Saacadood oo aan waxba laysku reeban,ayaa kusoo gabagaboobay jab iyo naasa beel lagu dhigay argagixisada Alshabaab. Ciidamada difaaca Puntland ayaa guud ahaan maleeshiyadii aragixisada ee soo duulaan tagtay oo ugu…

Read More

Garaad Saleebaan Garaad Mohamed Garaad Mohamud oo kamid ah isimada ugu caansan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan gobolka Sool ayaa si kulul uga hadlay daandaansiga maamulka Soomaaliland ay kawado deegaamo katirsan goboladaasi.   Garaad Saleebaan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shacabka kunool gobolka Sool aysan katirsanayn Soomaaliland aysana ku qanacsanayn inay ku biiraan maamul wax u dhimaya dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed   Garaad Saleebaan,ayaa yiri”Markaan Xabad kala daalnay oo awoodoodii aan tusnay ayay caruurihii iyo dumarkii xirxireen oo Xabsi ka buuxiyeen”..   Hoos ka daawo muuqaalka Garaadka oo ak hadlaya arimahaas. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey madaxweynha Dowlad Goboleedka Kuunfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Shacabweyne lulayey caleemo qoyan. Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona saacadaha fooda inagu soo haya magaalada Baydhabo, shirkaasi oo ay ka qaybgali doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dowladda DF Soomaaliya, shirkaas oo lagu gurfeyndoono arimaha siyaasada, Cadaalada iyo amaanka guud ee Soomaaliya. Dhinca Kale Madaxweymaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas…

Read More

Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Faysal hadaladdiisa waxaa ka mid ahaa Daraawiisha Annagaa Jebinnay…. Reerkii Somalida iswaalaba Annagaa Jebinna iyo Durukhaan kale aan soo qaadasho mudnayn… Daraawiishta Annagaa Jebinnay…. Asaaskii Darawaashiishta, sidaan haynno halgankii ugu horeeyey ee Sayid Maxammed AUN waxaa la jaan qaaday Suldaan Nuur AUN oo ahaa Suldaanka Guud Ee Qabiilka Isaaq Gaar Ahaanna Garxejis oo uu Faysal kasoo jeedo… Suldaan Nuur wuxuu ku dhintay halgankaa isagoo ku jira waliba hoggaan sharfoon kaga jira… Haddaan hadalkaaga raaco, ma waxaan buugta taariikhda u gelinnaa reerka aad ku…

Read More

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 02 June,2018 hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab ka fuliyeen degaanka #Maraje ee Buuraha Cal Madow.   Hawlgalkan oo ay ciidanka PSF ku beegsadeen kaga na daba-tageen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa #Togga Maraje ayaa wuxuu jawaab-celin u ahaa weerar gaadmada ahaa ee ay xalay Al Shabaab ku soo qaadeen xero ciidanka PMPF ee Puntland ku leeyihiin degaanka Balikhadar; i   Hawlgalku inta uu socday waxay ciidanka PSF ka dileen argagixisada Al Shabaab 41-ka mid ah Al Shabaabkii xalay soo weeraray Balikhadar, waxaana sidoo kale laga dhaawacay Al…

Read More

Magaalada Baydhabo ee xarunta Kmg ah maamulka Koonfur-Galbeed,waxaa maalmaha soo socda ka qabsoomi doona shirka amniga Qaranka.   Shirkaas waxaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan madaxda Somalida oo idil heer Fadaraal iyo heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.   Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa la filayaa isaga iyo wafti uu hogaaminayo in ay gaaraan Baydhabo.   Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada…

Read More

Weerarkii xalay ay Alshabaab kusoo qaadeen mid ka mid ah fariisimada Ciidamada Badda Puntland Balikhadar ee ka tirsan Buuraha Galgala,ayay Ciidamadu si weyn iskaga difaaceen. Weerarkan oo ahaa mid ay Maleeshiyada argagixisada Alshabaab ay ku han weynaayeen in uu noqdo mid gaadmo ah,isla markaana dhaliya khasaare baaxad weyn,balse nasiib wanaag waxuu noqday mid fashilmay,kadib markii sirdoonka Puntland ay horayba xogta weerarka u heleen. Ciidamada difaaca Puntland,gaar ahaan kuwa Badda ee (PMBF),ayaa si dhamaystiran uga xaajo qaatay iska difaaca weerarkaas. Saraakiisha Ciidamada oo ay idil News la xiriirtay,ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu kala cayriyeen Maleeshiyada weerarka soo qaaday,isla markaana ay goobta uga carareen…

Read More

Xaaf Madaxweynaha galmudug waxuu jooga Garowe,kadib booqasho aan la shaacin oo uu kusoo gaaray halkaas.   Wada hadalo albaabadu u xiran yihiin ayuu ku la leeyahay Madaxweyne Gaas Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe.   Si dhab ah looma shegi karo arimaha y ka xaajoonayaan,balse ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya baahida ugu weyn ee keentay iin Madaxweyne Xaaf Garowe yimaado ay tahay iyadoo khadka Taleefoonada ee koonfurta Somaliya la dhagaysto.   Madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Xaaf ,ayaa maalmaha soo socda isku sii raaci doona magaalada Baydhabao si ay uga qaybgalaan shirka amniga qaranka ee halkaas la qorshaynayo in…

Read More

Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.   Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Shariif Xasan,ayaa mudada ay joogeen magaalada Nayrobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo deegaamadaas.   Labada madaxweyne sidoo kale intay joogeen Nayrobi waxay isku arkeen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka ah,iyadoo wararka laga helayo kulankaas ay…

Read More

Saldhiga Ciidamada Difaaca Puntland ee Bali Khadar waxaa caawa dhawr jiho kasoo weeraray Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.   Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan Taliska Ciidamada Badda PMBF ee buuraha,ayaa noo xaqiijiayy weerarkaas oo ahaa mid ay dhawr jiho kasooq aadeen Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab.   Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,walina waxaa socda dagaalka.   La soco wararkayaga danbe.

Read More

Beesha Guuleed Garaad Barkad oo 4-Gaari oo Tikniko ah Ku Wareejisay Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ENG Camey.   Gaadiidkan Dagaalka Waxaa ku Wareejiyey Puntland Nabadoon Bashiir Osmaan Waraabe Dheere.   Waa qayb kamid ah ka qaybqaadashada hawlgalka dib u xoraynta Laascaanood oo ka timid beesha Barkad.   Camey ayaa gaaray Buuhoodle maalinkii shalay ahaa,waxaana la filaya ain uu sidan oo kale beelaha kale ee reer buuhoodle kala wareego Ciidan iyo Hub lagu xoojiyo hawlgalka dib u xoraynta Sool.   Guud ahaan Puntland waxaa ka socda abaabulka iyo garab istaaga Ciidanka Difaaca Puntland ee ku guda jira hawlaglka dib u xoraynta Sool.

Read More

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuql insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia . “Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”. “Waa in aan loo ogolaan askartan in…

Read More