Author: Jibril Qoobey.

Nidaam si fiican u abaabulan,ayaa noo dhisan. Horumarka Deegaan ee PL Somaliya meel sare,ayuu kaga jiraa. PL Amni ahaan,Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba meel wanaagsan ayay wax umarayaan. PL 30-ka Sano ee soo socota in ay leedahay Amnigeeda,Siyaasadeeda iyo Dhaqaalaheeda gaarka ah,ayaa muhiim ah,sababtoo ah Somalidu uma bisla in ay wada dhisato nidaam ay wada leedahay oo Xukunku wadaag yahay oo la wada dugsan karo. Ugu yaraan 30-Sano oo danbe Somaliya sida ay hada tahay,waa kusii jiraysaa oo Dowlad dhiska luudayaa,waa sii soconayaa,waana mid aan ugu sii baahanahay in ay PL gaar usii leedahay Amni,Siyaasad iyo Dhaqaale,iyadoo Qayb ka ah…

Read More

Millatariga Lubnanayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga…

Read More

Maanta oo kale,waxaa mudnaanta leh in la xuso Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo oo ahaa hindisihii Calanka. 1954-tii kala Doorashadii Calamada lasoo bandhigay,ayaa lagu qaatay Calanka Buluuga ah ee Xidigta 5-ta Gees leh dhexda kuwata. Calanka Buluuga ah,weli,waa astaanta Qaranka iyo Dugsashada Sinjiga Somaliga ah si walba oo uu xaalku adag yahay. 64-Sano kadib Xoriyadii Somalidu Gobanimo kuma noola,waxaana tusaale u ah Ninkii Calanka ku astaysnaa in uu ku Geeriyooday Qurbe uu gabaad ka raadiyay. Calankeenoow Cawaale,waxa uu ku dhashay Mudug,waxa uuna ku Geeriyooday Canada. Isku soo wada duuboo jiritaanka Qaran mideeya Somalida,weli,waa muhiim.

Read More

Afhayeenka Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi,ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jamaac uu lumiyay Kursigiisii Aqalka Sare. Cabdi Xaashi,ayaa sheegay innuu Saalax ku waayay XilkiisavSenatarnimo,sababo la xiriira in uu soo xaadiri waayay Afar fadhi oo baarlamaanka Aqalkiis sare ah. Ibraahim Ciidle Suleymaan, oo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa ku farisanaya Kursigii Golaha ee uu banneeyay” Saalax. Sida Warar hoose sheegayaan,waxaa jira khilaaf Siyaasadeed oo udhaxeeya Afhayernka Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo RW xigeenka Saalax oo sababay in uu Kursiga lumiyo. Halkan ka akhriso Qoraalka Aqalka-Sare”-

Read More

Israa’iil ayaa Diyaarisay Aargoosi Ka Dhan Ah Iraan siday ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo . Wasiirka difaaca Israa’iil galant ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talo-galay u dhacaya . Wuxuuna intaa ku daray in Iran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhici doonaan, laakiin ay arki doonaan Keliya natiijada. Madaxweyne biden ayaa Israa’iil u ogoladay inay Iran ku qaadi karto weerar aargoosi ah,Lknse aanay beegsan Goobaha Nuclearka iyo ceelasha shidaalka ee Iran,siday qortay Jerusalam Post . W/D”-Cabdirisaaq Jubba. Faahfaahin Dheeri ah . https://youtu.be/YoKc4526V8s

Read More

The tripartite meeting hosted by Eritrea’s President for his counterparts of Egypt and Somalia was to show a united front position against PM Abiya Ahmed’s overreaching political and security ambitions. The United States, Turkey and other western powers share frustration on Abiya’s aggressive agendas within Ethiopia and the Horn of Africa putting risk to uncontrollable conflicts. Reports from that meeting say that President Sisi has delivered to Somalia military assets and will continue to arm both Somalia and Eritrea to stand against Ethiopia. Egyptian navy are expected to patrol Somalia’s Red Sea corridor to prevent Ethiopian intervention. On the other…

Read More

Xisbullah ayaa isu diyaarinaysa dagaal muddo dheer qaata Koonfurta dalka Lubnaan kaddib markii Israa’iil ay leysay hoggaankii sare ee ururka. Xisbullah,ayaa yeelatay hoggaan cusub oo Milatari si uu u sii wado Gantaalada ay ku ridayaan gudaha Israa’iil iyo dagaalka dhulka ee ka socda Koonfurta Lubnaan, sida labo ilo wareed oo arintan aad ula socda ay u sheegeen wakaaladda warrarka ee Reuters. Ururka Xisbullah,ayaa dib u dhac weyni ku yimid Sedexdii Todobaad ee la soo dhaafay, markaas oo inta badan hoggaan keedii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka geystay Koonfurta Caasimada Bayruut,waxana ugu weynaa hoggaanka la khaarajiyay Xasan Nasrullah. Kooxdan Iran…

Read More

Dadka degan Gobolka Florida,ayaa qiimeynaya burburka ka dhashay duufaanta Milton, taasi oo kicisay roobab xooggan iyo daadad ka dhashay duufaano iyo koronto la’aan baahsan markii ay soo gaartay xeebta. Duufaanta,ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo uu dheer yahay khasaare hantiyeed oo Lixaad leh. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VTfcaM9tI1U?si=JYlEdSASgOrR-qjn

Read More

Xamse Xataa Naftiisa ma matalo,waxa uuna uyaqaan Xasan Macallinkiisii. Jagada uu ku fadhiyo,waa mid Siyaasadeed oo matalaad ah,isla markaana wadata Shaqo Dastuuriya. Xasan,waa Ciilqabe Qabiil oo aaminsan in Beesha uu ka dhashay ay gaarto Guulo ugaar ah oo ay ka dhex samayso Somalida. Wuxuu dhibsanayaa Dastuur iyo Nidaam ay hormuud ka ahaayeen hirgelintiisa Beel kale oo aan tiisa ahayn in lagu hago Dowladnimada Somaliya. Aragtida Talyihiisa Nabadsugida,ayuu aaminsan yahay ee ah (1991,Beeshayadaa adkaatay),waa fahan khaldan oo koox Beesha Xasan kasoo jeeda ay iska dhaadhicisay. Balse Beeshu soo gelideedii 91-dii Xamar oo ahayd Caasiimadii Wadanka,waxay ugu badashay Magaalo Qabiil gaar ah…

Read More

Ujeedka kulanku,waa fariin loo dirayo Abiy oo oranaysa (Kulligayagu,waa kuu midaysanahay). Fariintan in la diro,waxaa fasaxay Maraykanka oo si weyn uga niyad jabay hogaaminta Abiy ee toobiya. Warar,kulankaas laga helayo,ayaa sheegaya in MW Masar soo gaarsiiyay Somaliya Maraakiib dagaal oo Itoobiya leedahay in ay joogaan Badda Somaliya oo ay dhawaan tagi doonaan Berbera. Kulankan,waxay Somalidu ka faa’idaysaa cadaadis saarida Abiy in ay sii xoojiso. Dhanka kale Masar,waxay keenaysaa Xamar Markab kale oo Hub ah,iyadoo tababaraysa ku dhawaad 200 oo ah Askartii Madaafiicda ah. Hubka Masar keenayso iyo tababarada ay bixinayso,waxay kusoo aadayaan xilli Somaliya aysan lahayn Ciidan Qaran,waxaana walwalka ugu…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Qasa waxay sheegtay in tirada lagu dilay Qasa ay dhaaftay 42,000 oo Qof. Qaramada Midoobay,ayaa xogtan u aragta mid laysku haleyn karo. Wasaaradda kalama soocin rayidka iyo kooxaha hubeysan. Dhowr jeer oo hore ayey sheegtay in dadka ugu badan ee geeriyooday ay yihiin Haween iyo Carruur. Dhinaca kale,Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee Falatsiin l,ayaa sheegay in ugu yaraan 400,000 ay ku xaniban yihiin waqooyiga dagaalka dartiis. Philippe Lazzarini wuxuu sheegay in dad badan lagu qasbay in ay ka baxaan xerada qaxootiga Jabaliya kaddib markii Israel ay soo saarto amaro halkaas looga baxayo. Wuxuu intaas ku daray in sahayada…

Read More

Buug cusub oo uu qoray Bob Woodward oo ahaa wariyihii wax ka sameeyay baaritaanka fadeexadii Watergate ayaa sheegay in Donald Trump uu si qarsoodi ah ugu diray mashiinada lagu baraao Covid 19 madaxweyne Putin si shaqsiyan u isticmaalo mar sahaydu ka yaraatay. Ololaha Madaxweyne Donald Trump way beeniyeen eedaas loo jeediyay. Buugga oo cinwaan looga dhigay ‘Dagaal’ waxaa sidoo kale ku jira waxyaabo ka hadlaya in Donald Trump uu si qarsoodi ah ula xiriiri jiray Putin ilaa iyo markii uu ka tagay xafiiska sida ay soo xigteen warbaahinta Mareykanka. Donald Trump wuxuu sheegay in ay yihiin waxyaabo aan run aheyn…

Read More

Saraakiisha Caafimaadka Falastiiniyiinta,ayaa Arbacada maanta ah sheegay in duqaymo habeen hore ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga iyo blBartamaha Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 18-Qof. Weerarkii ugu dambeeyey,ayaa yimid ayada oo dagaalka Marinka Qasa uu Sanad jirsaday, kuna dhinteen in ka badan 40.000 oo Qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Caafimaadka Qasa oo Xamaas ay maamusho. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GuBBq9Wiz2A?si=AGiOB49QacnaNs1v

Read More

Waxaa jira cadaadis,dadaal iyo baayac la rabo in Axmed lagu soo celiyo Xamar iyo Shirka B&K Wadanka. Dadaalka iyo baayaca,waxaa wada Xasan Sh oo toos ula xiriiraya Axmed,isla markaana Gacmo kalana adeegsanaya. Cadaadiska,waxaa wada BC oo ay QM ugu horayso,waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan dhex-dhexaadin. Ujeedka BC,waa in aan lakala tagin oo khilaafka Wadanka ka jira sii xoogaysan oo intii wada socotay aysan sii kala tagin. Wefti ka socda BC oo uu hogaaminayo Swan,ayaa tagi doona Kismaayo si ay Axmed ula kulmaan. Ilaa iyo hada dadaalka iyo baayactanka Xasan,wax waa ka badali waayeen Axmed,balse cadaadiska BC,ayaa lawada eegayaa saamaynta…

Read More

Jabuti,ayaa ka shakiday loolanka Badda ee Xasan Itoobiya  kula jiro in uusan daacad ka ahayn. Jabuti,waxay haysaa xogo lagu kalsoonaan Karo oo ah in Xasan loolankiisa Itoobiya ee Badda aysan dhab ka ahayn oo uu jiro qorshe uqarsoon. Tuhunka Jabuti,waa mid sii xoojinaya midkii ay qabeen Dad badan oo Somalida waxgaradkeeda ah. Sida soo ifbaxaysa Xasan iyo Ismaaciil,waa kala shakiyeen. Inta badan Xasan,waa danayste tiisu kala weyn tahay danta Qaranka oo muhiimad siiya Lacagta. Su’aashu,waxay tahay… Yaa aaminaya Xasan hadii Jabuti aamini wayday? JQ.

Read More

Sannad kaddib markii uu billowday dagaalka Qasa, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Israel Isniinti Shalay is weydaarteen Madaafiic cusub. Xisbullah,ayaa Gantaallo ku duqeysay Magaalada Saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi. Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa. Millatariga Israel ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israel Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen…

Read More

Alleyle Xasan meeshii la rabayayuu kusoo dhacay… 1.Dastuur ku falaadidii waa kakac. 2.Doorasho diyaarsashadii waa kakac. 3.Dagaalkii argagixisada,waa kakac. Sadex Sano,waxa uu kasoo Shaqaynayay,waa Hal Bacaad lagu lisay. Saakay,waxay kusoo ururtay Sanad Doorasho oo haray iyo taladii oo Dhulka taala. Kusoo dhawoow waaqiciga iyo waxay PL 3-Sano ka hor kaaga digtay. Farmaajo,wixii uu isku dubaritay Xabad baa looga kala daadiyay balse Xasan Hadal,ayaa looga riday. Markaad talo xun tahay,oo Cuno jeceshahay oo Qabyaaladuna kugu xoog badan tahay sida Xasan,ayaad ceeboobaysaa. Waxa uu awooday… B.In uu Wadanka mideeyo. T.Argagixisada wadajir loola diriro. J.Ciidan Qaran lawada dhisto. X.Dhaqaalaha la midaysto. Kadibna haduu…

Read More

Si rasmi ah,ayuu ufashilmay Shirkii K&B ee Xasan Shiikh. MW JL oo Shalay dib ugu laabtay Kusmaayo,ayaa sababtay fadhilka Shirka oo markii horaba PL ka maqnayd. Axmed Madoobe,waxa uu ku dooday Laba Qodob oo kala ah… 1.PL,waa in la helaa ka hor intaan Doorasho Qof iyo Cod ah la aadin. 2.In uusan haysan Mudo xileed usaamixi kara gaarista go’aano masiiriya,maadaama  Sanadkii ku darsiga ah ee uu siiyay Baarlamaanka JL uu ku eg yahay Bisha Nov Sanadkan. Qorshihii Xasan,ayaa sidaa ku fashilmay oo kala daatay. Dad badan,ayaa qabay Xasan sidaan si ka wanaagsan in uuuhogaamin karay Wadanka. Sidoo kale si ka…

Read More

LATEST ON TIGRAY TPLF FACTIONS. 1) The TPLF faction led by Debretsion to have “removed President @reda_getachew his post as interim President of Tigray region. 2) The Tigray IRA, led by @reda_getachew, calls it an “official coup declaration” and pledges legal action against TPLF faction of Debretsion. 3) The Tigray Security Forces state “We will not allow anarchy, and we will not remain silent.” Getachew Reda, Tigray’s interim president, and his section of the TPLF, including General Tsadkan, are closely allied with Ethiopian PM Abiy Ahmed’s Prosperity Party (PP), while TPLF chairman Debretsion believes that the delegates he sent to…

Read More

Talaabooyinkan lagu samaynayo Sadex Iskuul Technical-ah oo kala ah…. 1.Iskuul Beeraha ah. 2.Iskuul Xoolaha ah. 3.Iskuul Kalluumaysiga ah. Tani,waxay wax ka taraysaa Shaqo abuurka iyo in la helo xirfadlayaal. Waxay kaloo,jihaynaysaa aragtida PL isku filnaata oo uqumta danaheeda gaarka ah kana hormarisa wax walba. Maamulka Deni,waxaa laga rabaa in ay Bulshada jiheeyaan oo usameeyaan Rajo iyo hiigsi una soo bandhigaan 10-ka Sano ee socota sida Wadanka ay la rabaan in uu u ekaado. Muhiimadu,waa in Maamulku diyaariyo Mashaariic waa weyn oo Bulshada la wadaago,kadibna hirgelintooda loo hawlgalo. In Bulshadu Deegaamadeeda ku nagaato,waxaa fure u ah in Nolol looga sameeyo. 30-ka…

Read More

“James Swan si khaldan, ayuu u fahmay sawirka dhabta ah ee siyaasadda ee Soomaaliya, xog khaldan ayuuna siiyey Golaha Ammaanka, marwalba waxa wanaagsan aragti isku dhiili-tiran”,Ayuu yiri Wasiir Juxaa. Waa loo baahnaa in la PL ka hadasho warbixintii Swan siiyay fadhigii QM ee ku saabsanayd Somaliya. Swan,waxa uu si khaldan ugu talax tagay Dastuurka iyo Qodobada Xasan ku falaaday ee aan laysku raacsanayn. Ma ahayn in uu ku daro warbixinta uu ka bixinayo Somaliya Qodobo Dastuur oo aan laysla ogolayn. Inkastoo warbixintiisa uu kusoo afmeeray,wax walba,waa in ay noqdaan wax heshiis lagu yahay,hadana Dastuur lagu falaaday in uu soo hadal…

Read More

It is highly important to get the operations against Daish and Alshabab in Galgala mountains to take are approached with carful consideration including organizing IC partners and local commumities to win the war. Countries with experience should be consulted to receive necessary resources including aerial support. Operations in this difficult terrain should be planned with a winning strategy. Both the United States and the United Arab Emirates have provided financial and logistical support for PL in the past. Their role will be indispensable to defeat the terrorist groups who are suffocating PL’s commercial hub Boosaaso. Without a doubt, the growing…

Read More

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israel duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan ka soo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax,hoos ka…

Read More

Muuqaal naadir ah oo ka soo muuqday qolka xogta lagu kala qaato ee Aqalka Cad, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxaa uu Jimcihii ku sheegay in Israa’iil aysan weli go’aansan sida ay uga jawaabeyso weerarkii sawaariikhda ahaa ee ay qaadday Tehraan, wuxuuna ku boorriyey Israa’iil in aysan beegsan bartilmaameedyada saliidda Iran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Biden https://youtu.be/__gpRg13crY?si=HQbLghVfPBRQ6pXd

Read More

Waa muhiim in loo helo hawlgalka lagu qaadayo argagixisada Labada Buurood Agab kala duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Drons ah. Sidoo kale hawlgalkaas,waa in uu helaa diyaar garow sare oo uu ku socon karo mudo gaaraysa 6-bilood oo xiriir ah. Maraykanka iyo Imaaraadka,waa Dowladaha ka taageeraya PL hawlgalkan oo ku bixinaya Dhaqaale,Qalab iyo Saad. Si gaar ah Imaaraadku,waxa uu PL siinayaa Diyaaradaha Drons-ka ah oo wax duuba,kuwaasoo muhiim u ah dagaalka. Maraykanku,marka laga soo tago in uu diyaariyay qorshe uu kula hawlgalayo Ciidamada PL oo fariisin KMG ah uga samaysanayo Garoonka Bosaso,hadana,waxaa jira Dhaqaale toos ah oo uu siinayo…

Read More

Bosaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga . Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .…

Read More

Bosaso: 05 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn…

Read More

PL Jaamacadaheeda iyo horumarkeeda,ayay ku mashquulsan tahay oo waa ka gudubtay wakhti ku lumintii Somali weyn Qaran ah. Badalka Dowlad dhis Somaliyed,waxaan gelinaynaa Dowlad dhis PL oo yoolkeedu yahay isku filnaansho dhan walba ah. Ku milanka Koonfur,waxay nagu ahayd,waxaanan ka fiirsan oo qiiro Somalinimo na gelisay,waxayna ahayd khalad weyn oo aan galay dib in aan ugu aqoonsano Caasimad Xamar oo aan weliba horkacno Dowladnimo lagu cesho. Maanta meel fiican ayay noo maraysaa,waxaana haysanaa Maamul noo dhismay iyo fursado waa weyn. Shaqada ugu horaysa,waa in aan kala miirno PL iyo Koonfur oo aanan Qayb ka noqon DG-yada Magaca ah iyo Maamulka…

Read More

Waxaan tacsi tiiraanya leh ka diraya geerida naxdinta leh ee ku timi walaalkey, saaxibkey Cabdirahman Cabdulle Cismaan ( Shuke), Allaha u naxariiste, oo Jimcaha maanta Oct 4,2024, ku geeriyoday magaalada Nairobi dalka Kenya. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynaya xaaskisi Hawa Aden Camey, qoyska rer Abdulle Othman, ehelada kale iyo asxaabtiisi tirada badan, dadka rer Puntland iyo rer Somalia oo dhan. Ilaahey ha ka samir siiyo, isaga na dembigisa Allaha dhaafo oo Jannadi Firdowsa ha geeyo. Aamiin yaa Allaah. Abdirahman-Shuke AUN waxa uu ahaa aqoonyahay iyo siyaasi ruugcadaa ah ee cimrigiisi oo dhan u adeegayay dadka Somalia. Wuxu ka mid…

Read More

K&B Somaliya,waxaa weli ka dhex socda dood kusii siqaysa khilaaf oo ku aadan Doorashada. Xasan oo ah Madaxweynaha K&B,waxa uu ku adkaysanayaa oo ka samayn la’a yahay tanaasul Doorasho Qof iyo Cod ah baan qaban karnaa. Dowlad Goboleedyada KG,Hir-Shabelle iyo Galmudug,waxay ku raacsan yihiin aragtida Xasan Shiikh. JL,waxay weli taagan tahay halkeedii oo waxay ku doodaysaa Doorasho Qof iyo Cod ah ma dhici karto Laba Qodob awgood….. 1.PL oo maqan aawadeed,,waxay Doorashadan sii kala diraysaa Wadanka. 2.Nabad diidka oo aan laga xorayn Dhulka suurtagal mahan Doorasho Cod iyo Cod ah. Villa Somaliya iyo cadaadiska Axmed? Si Axmed Madoobe cadaadis loo…

Read More

Dooda Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta.. Doodda XSM: 1. Hal sano oo loo kordhiyo DG. 2. ⁠Afar bilood oo lagu ansixiyo sharciga Doorashooyinka iyo Xisbiyada. 3. ⁠Doorashada oo loo qabto Bartamaha iyo Koofurta Somaliya. (Waxaa ku raacay Qoor Qoor, Guudlawe, Madaale iyo Laftagareen) Doodda Axmed Madoobe: 1. DG Dastuurkooda, Baarlamankooda iyo Xukuumadaha aan talada la wadaagno. 2. ⁠Doorashada waxaa ka muhiimsan Midnimada Dalka,mana ahan suurto gal in aan ka tashano PL. Waa in la raadiyaa. 3. ⁠Doorashada waxaan u arkaa in la qabto tan Madaxweynayaasha ilaa iyo bisha November. 4. ⁠Kaddibna Doorashada 4-ta DG iyo tan PL aan isku geyno…

Read More

Axmed Madoobe ma diidana Sanadka ku darsiga ah,balse,waxa uu khaldayaa Laba Dowladood oo kala ah……. 1.Kenya oo kula soo ballantay in uu qabto Doorashada oo uusan raacin qorshaha Xasan,sababtoo ah Kenyanka,waxaa muhiimad uleh JL. 2.Imaaraadka oo kula soo ballamay in uusan raacin qorshaha Xasan oo uu qabsado Doorashada,sababtoo ah Imaaraadka iyo Xasan,waa kala dhaqaaqeen. Axmed oo cadaadiska Kenya iyo Imaaraadka iyo qancinta Xasan isqabadsiintooda la jahwareersan,ayaa hindisay Doodan ah… 1.PL Shirka ha timaado. 2 Khaatumo xal haloo helo. Ujeedka Axmed,waa….. B.In uu Shirka geliyo buuq oo haday umarto sidaa ku tago,isagoo isku muujinaya hogaamiye qiyam ku dagaalamay oo masiirka Daarood…

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa xariga ka jaray wejiga Labaad ee Wadada Laamiga ah ee jidka 30-ka Boosaaso, oo la dhameystiray 3.5KM, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay wejiga Saddexaad ee wadadan oo dhan 2.4KM. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari, Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Bari iyo Injineerada gacanta ku haya dhismaha Wadada jidka 30-ka ee Boosaaso. -DHAMMAAD- -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Read More

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay. Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha…

Read More

Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso,waxay Xarun ku meelgaar ah ka heli doonaan Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Xaruntaas,waxay ka hagi doonaan Duqaymaha iyo la socodka awooda Argagixisada Labada Buurood. Taliska Africom Qaybta ka hawlgalaysa Garoonka Bosaso,waa Ciidan gaar ah loo agaasimay weerarada Argagixisada. Ciidankaas,waxa uu ku hubaysan yahay Maraakiib dagaal oo Badda ah iyo Ciidanka gaar ka ah ee Cirka. Sidoo kale,waxaa Qayb ka ah hogaamo kale oo Dowladda PL kala shaqayn doona Sirdoonka iyo howlgelinta Dhulka. Dhanka PL,waxaa xogta iyo Sirdoonka la hawlgalaya Hay’ada Sirdoonka PL ee PISA,halka Dhulka iyo hawlgallada gaarka ah ay la hawlgalayaan Urur Madaxtooyada ah oo si…

Read More

Wada xaajood hoose oo socday,ayaa lagu dhameeyay intii badnayd khilaafka hogaanka PSF iyo Madaxtooyada. Waxa kaliya ee harsan,waa la kulanka Agaasimaha PSF Maxamuud Diyaano ee Madaxweynaha. PSF,waxay ka qaybgalaan howlgalka baaxada leh ee wiiqida awooda Daacish,waxayna toos ugu biirayaan Shaqada. 15-Gawaarida Gaashaman ah iyo 200-Askari,ayaa loo qoondeeyay in ay hawlaglka kaga mid noqdaan.

Read More

Waa 6-Qodob ujeedka Safarka MW ee Xarunta Ganacsiga PL Bosaso….. 1.Abaabulka Ciidamada Dowladda iyo Dadka deegaanka si loogu midoobo hawlgalka la dagaallanka Daacish. 2.La kulanka Taliska Afrcom oo imaanaya Bosaso. 3. La kulanka Ciimada Midowga Yurub oo uu kula kulmi doona dusha sare ee Maraakiibta dagaalka ee EU,waxaana kulan gaar ah la qaadanaya Qaybta Ciidanka ee EUCUP Somaliya. 4.Xarig jarka Dekada 5.Xalinta khilaafka PSF. 6.Kulamada Dadweynaha. Ugu badnaan 10 Beri,ayuu joogi doonaa oo dib,waxa uu ugu soo laaban doonaa Garowe Caasimada Siyaasada Dowlada PL oo uu ka furmi doono Kalfadhiga Baarlamaanka 15-ka Oktoobar. J

Read More

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo,ayaa Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo u doortay Maxamed Cabdirisaaq Daacad. Duqa cusub,ayaa haatan ahaa Gudoomiyaha Xaafada Yameyska. Sidoo kala waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dhagacade. Dadka yaqaan,waxay ku tilmaamaan in uu yahay Nin firfircoon oo aragti fiican. Gaalkacyo,waxay la’adahay hogaan DH haga oo muujiya waxqabad ilaa iyo hada.

Read More

Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen. Dalka Denmark, laba qarax,ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen. Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho Socdaalka Madaxweynaha,ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka kaasi oo looga hadli doono Xaaladaha guud ee ka jira Dalka Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Israa’iil,ayaa Arbacada Maanta ah ku dhawaaqday in uusan soo geli karin Dalkeeda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “persona non grata”. Bayaan uu soo saaray, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku tilmaamay Guterres inuu yahay “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, mid ka soo horjeeda Israa’iil oo taageera argagixisada.” Bayaan uu soo saaray Arbacadii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Katz, ayaa ku dhawaaqay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu yahay (shakhsi aan halkan laga rabin) wsxs uuna raaciyay in Qofkii aan si cad u cambaareyn karin weerarka foosha xun ee Iiraan ay kusoo qaaday Israa’iil uusan…

Read More

Israel on Wednesday declared UN chief Antonio Guterres “persona non grata”, banning him from entering the country. The decision was taken by the Israeli foreign ministry for failing to unequivocally condemn Iran’s missile attack on Israel yesterday. Foreign minister Israel Katz announced on social media that he has declared Guterres a “persona non grata” in Israel.

Read More

Iran launched at least 180 missiles into Israel on October 1, marking a further escalation in the ongoing conflict between Israel and Iran’s proxies, including Hamas, Hezbollah, and the Houthis. It remains unclear as to how much damage the Iranian missile attack caused in Israel. But reports say one of the high-profile targets was the Mossad headquarters in a residential area of Tel Aviv. Images have emerged and media outlets — such as CNN and The Guardian — have reported craters caused by one of the missiles not far from the Mossad headquarters. One of the reports described the crater…

Read More

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gudbiyaan mooshin ku saabsan xil ka qaadis la doonayo in lagu sameeyo madaxweyne ku xiigeenka dalka, Rigathi Gachagua Hogamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu, Kimani Ichung’wah, ayaa xaqiijiyay in moshinka ka dhanka ah Gachagua la hor geyn doono baarlamaanka xiliyada duhurada manta. Si mooshinka u dhaqan galo, waxaa loo baahanyahay taageerada 233 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana jira warar sheegaya in durbaba 302 xildhibaan ay saxiixeen. Madaxweyne ku xiigeenka ayaa lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobka 10-aad ee dastuurka dalka oo la sheegay inay horseedi…

Read More

Iran,ayaa weerar culus oo Gantaallo ku qaaday Israa’iil Caawa. Hawada Israa’iil,ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada. Ciraaq iyo Urdun,ayaa iyaguna xiray Hawadooda. Madaxweyne Joe Biden,ayaa ku amray Milatariga Maraykanka in ay caawiyaan difaaca Israa’iil oo ay soo ridaan Gantaalada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Israa’iil. Militariga Israel ayaa goor dhow sheegay in gantaallada ay istaageen,mana cada khasaaraha ka dhashay weerarka Gantaallada ee Iran soo qaaday. Hanaanka Difaaca ee ka hortaga Gantaallada Israa’iil,ayaa si wacan shaqeeyay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Garoowe: 01 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirka Dowladda iyo Hay’adda UNICEF, Kaasi oo lagula ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay Shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay. Dowladda Puntland ayaa soo saari doonta Habraac iyo Hage ay ku cadahay nidaam iyo hanaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn…

Read More

2-Oct,ayaa qorshaysan in uu furmo Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka,inkastoo Hir-shabelle codsanayso in dib loogu dhigo ilaa 7-Bisha. 4-ta DG ee K&B,waa ka soo wada qeyb galayaan,sababtoo ah,waxaa uga xiran Lacagtii Kabida Miisaaniyada oo Xasan si dadban rahmad ugaga dhigay imaanshaha Shirka. Qodobada looga wada xaajoonayo layslama meel dhigin oo matalayaal ka socday Axmed Madoobe oo utagay Muqdisho sii diyaarinta Qodobada,waxba uma hirgelin oo Villa-du,way ka war wareegaysaa sii diyaarinta Ajandaha. Balse,waxaa la filayaa in looga wada hadli doono si guud Shirkaas…. 1. Dastuurka 2. ⁠Ansixinta shuruucda Doorashooyinka 3. ⁠Arrimaha Itoobiya 4. ⁠Dagaalka Nabad diidka. DG,waxay wataan aragti oranaysa…

Read More

Garaad Jaamac hadalkiisa ah ..”Mudug iyo Khaatumo halaysku daro”,waa fariin maldahan oo micnaheedu yahay=Puntland. Garaad Jaamac,waa kaga fiican yahay qadiyadaha Garaadada kale,waxaana uu arkaa dhowr Arimood oo kala ah…… 1.Reer PL-ta kale oo aan kula Xisaabtamin Gefafkii horay uga soo gaaray,taa badalkeedana taageeray shuruud la’aan,Gefafakaas oo kala ahaa… B.Dhulkii Bintilaan oo uu ula jeeday hoos dhigis. T.Ma idinaan guursateen hadaad og tihiin Colaada MJ iyo Isaaq idin hayo oo ula jeeday MJ waa Cadowgiina. 2.Garaadka oo ujeeda Dagaalkii LC hadii Qof ku helay maqaam iyo Magac in uu isaga yahay,hadana aan rabin in uu dib ulumiyo oo hormuud ka noqdo…

Read More

Talyaha Ciidamada Itoobiya,ayaa sheegay in uu fashilmay qorshihii Hub ka dhigista Ciidamada Tigreega Dhaqaale la’aan darteed. “Dowlada Itoobiya ma awoodo in ay Hub ka dhigis ku samayso TPLF dhaqaale Dari awgeed oo dib,ayuu udhacay Dhaqaalihii laga sugayay BC”Ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”TPLF,waa Cudud xoogan oo ku hubaysan noocyada Hubka culus iyo midka fudud oo gaaraya 75000-100.000 oo Askari”Ayuu yiri Talyaha Ciidamada Itoobiya. Hadalkan,waxa uu ka danbeeyay markii TPLF ay markale awooda Maamul ee Deegaanka Tigreega ay si dadban ula wareegtay,iyadoo garabka Siyaasada ee Xisbiga loo doortay hogaamiyaha Rugcadaaga ah ee ay aadka ujecel yihiin Shacabka Tigreega ee Debreshon.…

Read More

Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya,ayaa difaacay,isagoo ka khudbaynaya Shirka QM heshiiskii is af-garad ee ay la galeen Maamulka Somaliland. Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie,Ayuu yiri “Is af-garadkaas,waxa uu salka ku hayaa hannaanka Siyaasadeed ee Somaliya u yaalla marka heshiis la galayo”. “Ujeedada heshiiskan,ayaa ah kobcinta horumarka Gobolka,waxaana kuwo la mid ah heshiiskaas Af-garad aan la galnay dhawaan Dowlado kale”Ayuu ku daray hadalkiisa,W.Arimaha Dibada Itoobiya. “Majirto sabab DFS ay uhuriso Colaad oo ay muhiimad ysiin waydo xiisadaha Gudaha Wadankeeda ka haysta”Ayuu ugu danbayn yiri.W.A.Dibada Itoobiya. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Milatariga,Israa’iil,ayaa Maanta sheegay inay duqayn ku dileen Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan Ururka Xisbullaah. Sidoo kale Xisbullaah,ayaa xaqiijisay in Cali Karaki oo ahaa Talyaha Ciidamada Jamhadda ee Jiidda Koonfureed uu ka mid ahaa Dadkii lagu dilay isaga iyo hogaamiye Xasan Nasrullaah duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Koonfurta Beirut Jimcihii. Waa Sarkaal kale oo muhiim ah oo laga dilay Xisbullaah,xilli kooxdan reer Lubnaan ay la daalaa dhacayso dharbaaxooyin halis ah iyo dilkii hogaamiyahoodii Xasan Nasrullaah.

Read More

Mooshinka laga keenay Fiqi,waxaa ka danbeeya Xasan oo raba in uu isdhaafiyo,isla markaana eeda ay qaataan Baarlamaanka. Ujeedkiisu,waa in uu yiraahdo (Kuma diidani ee Baarlamaankaa ku diiday). Xasan,waxaa cadaadis ku noqday hadaladii uu ka qoray ama uu ku yiri Reer KG Fiqi iyo dhaleecaynta balaaran ee loogu soo jeedinayo in uusan uqalmin Wasaarada Arimaha Dibada. Fiqi,waxaa muuqata in uusan gaarsiisnayn Wasiirka Arimaha Dibada oo xataa Luuqad ahaan uusan diyaarsanayn,waxaana xoguhu sheegayaan Labadii Safar ee ugu muhiimsanaa midna in uu kaxaystay Yuusuf Garaad midna Cawaale Cali Kullan. Xasan,waxa uu rabaa in uu Fiqi Cuno oo ku badalo Qof kasoo jeeda PL,isla…

Read More

Danaha Siyaasadeed Maraykanka ee Bariga Dhexe,waxaa qayb ka ah in Shiicada iyo Sunniyiinta loolankoodu uusan dhamaan. Hadafka daneed ee Maraykanka,waa in aan laga maarmin oo loo midoobin laguna mashquulin danihiisa. 15-kii Sano ee udanbeeyay,waxaa la diciifiyay awoodii Sunniyiinta ee Bariga Dhexe,waxaana kor loosoo qaaday awoodii Shiicada. Sidoo kale,waxaa fursado loo siiyay Shiicada in ay iska dhiciyaan Sunniyiinta,balse Shiicadu markay guulo ka gaartay loolankii lagu taageerayay ee Sunniyiinta,waxay ugudubtay danihii Galbeedka iyo Israa’iil. Hadaba,iyadoo laga duulayo xakamaynta awooda Shiicada ee xuduudii loo dajiyay soo dardartay,ayaa Israa’iil laga adeejiyay. Laga soo bilaabo Xarunta Shiicada ee Tehran ilaa Yemen,waxaa lagu qaaday hawlgallo ka…

Read More

Israa’iil,waxay ka dhisan tahay Sirdoonka oo ay kaga horayso Wadamada Bariga Dhexe oo idil,waxayna ku hawlgalaan Tiknoolajiyad casriya oo sare. Israa’iil,waxay dhex gashay nidaamka Isgaarsiinta IRAN iyo kan Guud ee Shiicada ay taageerto ee Bariga Dhexe. Si gaar ah,waxayna ku guulaysatay in Taleefoono gaaraya 20-kun ay geliso Suuqyada Taleefoonada Lubnaan,kuwaasoo Dadka qaatay ay ku jireen taageerayaasha iyo Xubnaha muhiimka ah ee Xusbullaah. Dadka ay ku dishay ama dhaawac halis ah ay ku gaarsiisay Taleefoonada ay ku xiratay Aaladaha,waxaa ku jira Safiirkii IRAN oo fariin Telkiisa loogu soo diray ku Indho beelay. Sidoo kale,waxay Israa’iil ka dhex samaysatay Dad basaasiin ah…

Read More

Rabitaanka Shacabka SL,waxaad moodaa in ay aaday Xisbiga Wadani iyo Musharax Cirro. Fanaaniinta Xidigaha Geeska Heesahoodu,wax weyn ayay ka badaleen olalaha socda,waxayna garab unoqdeen Wadani iyo Cirro,iyagoo kusoo beegmay xilli xasaasiya. Gacan qaadkii Gabadha Fanaanada ah ee yax-yaxa ku noqotay guud ahaan Dimuqraadiyadii iyo bisaylkii Bulsho ee SL,ayaa Xisbiga Kulmiye Olalihiisa dhabarjab ku noqday. Berbera oo ah Magaalada Cirro Deegaan hoose ahaan uga soo jeedo,waxaa ka dhacay Wacdaro. Si Guud Olalaha Doorasho ee SL,waxa uu usocdaa si qurux badan. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Xisbulaah ugu danbayn,way aqbashay in la shaaciyo Geerida hogaamiyahoodii Xasan Nasrullah. Israa’iil,waxay iyadu xaqiijisay in ay dishay Shalay Duhurkii Xasan Nasrullaah. Netanyahu ka hor inta uusan uduulin Shirkii QM,ayuu saxiixay Dilka Xasan Nasrullaah. Waxaa lagu dhuftay Gantaal kuwa Shubka ka dhex baxa ah,waxaana Israa’iil uxaqiijiyay Dilkiisa,Basaasinta muhiimka ah ee ay ku dhex leedahay Xisbullaah. Sidoo kale Xisbullaah,waxaa laga dilay 11-Sarkaal oo muhiim ahaa. 75-Gantaal oo kuwa Shubka ka dhex baxa ah ayay Israa’iil ku gaaracday Xarumaha Xisbullaah Shalay oo qura. Israa’iil,waxay kaloo Koonfurta Lubnaan ka fulisay hawlgal dhaliyay 350-Qof oo dhimasha ah iyo 2700-Qof oo dhaawac ah. JQ.

Read More