Waxaa lagu dilay Xuduuda Masar Guri ku yaal oo uu ku dhuumaalaysanayay,isagoo dagaalamaya ayay qabsatay. Israa’iil dhan walba horay ayay uga go’doomisay oo ciriiri ugalisay Sinwaar oo waxuu gaaray heer Isgaarsiinta oo idil uu ka fogaado iskana reebo Dadkii oo dhan kaliya Waraaqo,ayuu amarka ku bixinayay. Dilkiisa,waxay utahay Guul kale oo ay gaartay Israa’iil iyo dhabarjab weyn oo ku dhacay Xamaas. Israa’iil way gaartay yoolkeedii ahaa in ay wiiqdo kooxaha Falastiniyiinta ee iska caabinta ku jira oo Qasa Gantaaladii uga soo dhacayay,waa joogsadeen,wayan kala xirtay Magaaladii oo Bad iyo Dhulba,waxaa uga doo geli kara oo kaliya Raashin. Netanyahu fursad Siyaasadeed…
Author: Jibril Qoobey.
Israa’iil sidan oo kale ayay 21-Sep usheegatay in ay dishay Sinwaar hogaamiyaha Xamaas,balse ma dhaboobin. Haatan,way xaqiijisay Israa’iil Dilka Yaxya Sinwaar kadib DNA tijaabin ay samaysay. Sinwaar oo ahaa Ninkii hogaaminayay weerarkii Israa’iil lagu qaaday ee looga dilay 1200 Qof,ayaa u ahaa Israa’iil Yoolka Koowaad. Yaxye Sinwaar waxa uu ku dhashay Xero Qaxooti 1962-dii,waa halgamaa mar ay Israa’iil ku xukuntay Xabsi daa’in. Kadib Dilkii Ismaaciil Haniya,waxa uu noqday hogaamiyaha Xamaas. Haday dhab noqoto,waa dhabar jab kale oo ku dhacay Xamaas iyo guul Milleteri oo ay gaartay Israa’iil.
Afartii Beri ee ugu danbaysay Xamar,waxaa lagu dilay 21-Qof oo ay ku jiraan Sadex Ganacsade marka laga reebo Qaraxa Maanta ka dhacay. Ganacsatada la dilay,waxay eersadeen Kaamirooyin Maamulka Xasan ku amray Ganacsatadu in ay ku xiraan Goobahooda Ganacsi. Maxaa khatar ku ah amniga Xamar? 1.Lacagta 2.Qabiilka. 3.Argagixisada. 4.Safaaradaha. 5.Hay’adaha. 6.Siyaasinta danaystaha ah. 7.Madaxda hay’adaha amniga. Todobadaas Qodob ee khatarta ku ah Amniga Xamar,waxaa mid walba laga samayn karaa Qormo ugaar ah. Sidoo kale,waxaa samaysmay ugu yaraan 5000-Qof oo iskugu jira Siyaasiyiin,Ganacsato,Ciidan iyo Shaqaale oo 7-daas Khatarood fuliya kuna soo qaata Dhaqaale. Ilaa iyo hada lama helin hogaamiye ku dhiirada in…
Mid ka mid Aqoonyahankii ka qaybgalay Shirkii Nabada ee PDRC Garowe ee la kulmay MW Deni,ayaa sheegay in ay ku qanciyeen xal iyo waan waan in laga galo cakirnaanta Siyaasadeed Dalka ka jirta. Aqoonyahanka,ayaa ssheegay”In Deni si cad ugu dhawaaqay wada hadal in uu diyaar uyahay,balse Xasan Shiikh dhankiisa ayay ka dhaqaaqi waayeen oo ilaa Maanta,waxa uu fulin la’a yahay balan aan ka qqabsnay”. Halkaas,waxaa kusoo xirmay doodii Xasan Shiikh uu ka faafin jiray PL iyo MW Deni,taasoo ahayd (Deni dan Shaqsi,ayuu igula dagaalsan yahay iyo waa la afagaran la’a yahay). Qofka jid iyo jiho diidka ah ee Wadanka iska…
Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Cabdirabbi Cabdisamad Maxamed oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo loo laylinayo tabaha xeeladaha gaar ka ah ee hawlgallada iyo hogaaminta. PMPF,waa Ciidan lagu kalsoonaan Karo oo aad udiyaarsan. Sadex Qaybood ayay ka kooban yihiin oo kala ah….. 1.Bada. 2.Kumaandooska. 3.Lugta. Ciidankan,waxay kaloo leeyihiin Qaybo la dagaallanka argagixisada ah iyo Sugida Amniga Xarumaha. Qalab,tababar iyo Saadba,way ka dhisan yihiin tiro ahaana aad ayay ubadan yihiin. Hantida ma guurtada ah ee PL ayay ku jiraan. Halkan ka daawo muuqaalka
Qormadan,waxay dul istaagtay xaalka Geeska Africa iyo khatartaha dul hoganaya. Itoobiya? Gobolka Tigreega kama taliyo Maamulka Abiy,kaliya Maamulka Tigreega Xubno ka mid ah,ayaa ku xiran Adis-ababa. Deegaanka Amxaarada,intiisa badan,waa ka baxay Gacanta Maamulka Abiy,waxaana dhici karta in Caasimada Adis laysla soo galo. Waxaa jira xogo sheegaya Amxaarada,Tigreega iyo Eretereya oo wada socda in ay duulaan kusoo qaadayaan Adis-Ababa. Wararku,waxay intaas ku darayaan in Abiy udiyaar garoobayo uguurista Nasireed hadii uu Adis difaaci waayo oo halkaas uu kasii wado dagaal Qowmiyadeed oo Oromadu ku taageerayso. Somaliland? Doorashada ay ka harsan tahay 30-ka Casho,waxaa laga muujinayaa walwal weyn oo ah in Muuse…
The failure of”the conference was caused by President Hassan’s regid position on core national issues. A trajectory FMS leaders disagreed upon. Last week, JL state as one of the four regional governments that worked with the FGS past two and a half years, withdrew from the conference. Similarly, Puntland state a powerful state administration and the base of the Federal System rejected to participate the conference. This has caused uncertainty about the future of the state building process of the country. As the situation appears, it’s impossible to predict the state of the national affairs. A process that requires a…
Horumarinta Beeraha Puntland,waa Qodob aad muhiim u ah oo ubaahnaa in la dul istaago. Ugu yaraan,waxaa la gaarsiin karaa awooda Beeralayda Puntland Sadex meelood oo meel in Cuntada dibada ka timaada laga maarmo. Sidoo kale,waxaa la gaarsiin karaa awooda Beeralayda Puntland in Qudaarta laga isticmaalo gudaha 100% ay ku filnaadaan. Qodobka Beeraha,waa muhiim la maalgashan karo oo abuuri kara Shaqo iyo Il Dhaqaale. Shirkan,waa in uusan noqon igu sawir ee ay kasoo baxaan wax la taaban karo.
Garoowe: 16 October 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa daahfuray shirka horumarinta Beeraha oo socon doona muddo laba maalmood ah iyada oo lagu soo aadiyay Xuska Maalinta cuntada Adduunka. Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si…
Warqadan,waa farsamo looga siibanayo fashilkii Shirka. Mid way cadahay in uu Fashil weyn ku dhacay qorshihii Xasan ee mudo kororsiga. Balse Axmed Madoobe,ayuu rabaa in uu sii galaafto oo isagana ka Ciideeyo 5-ta Sano ee usalaxan. Xasan Shiikh,waxaa uqorshaysan in uu wakhtiga ka dilo JL oo NOV gaarsiiyo,iyadoon JL Doorasho qaban ,kadibna DFS soo saarto Warqad ay ku sheegayso in hay’adihii Maamul ee JL wakhtigii ka dhamaaday oo aysan Sharci ahayn. Hay’adaha Dowladeed ee JL waxaa wakhtigu kaga eg yahay 14-NOV ee Sanadkan,waxaana laga rabaa Axmed ka hor in Doorasho galiyo oo la helo Maamul cusub oo haysta mudo xileed.…
ONLF ,waxay dib u eegis ku samaynaysaa heshiiskii ay la gashay Maamulka Abiy ee Adis-ababa. Sida jirta Maamulka Abiy,waxba kama fulin Qodobada heshiiska uu la galay ONLF,taa badalkeeda si khaldan,ayuu ula dhaqmay ONLF…. 1.Waxaa laysku dayay in laba garab loo kala jabiyo. 2.Gudiga Doorashooyinka Itoobiya si aan ahayn Sax,ayuu ula dhaqmay ONLF. 3.Gudiga xiriirka Xisbiyada ee Itoobiya si gaar ah,ayuu ufogeeyay iskuguna dayay in uu ka saaro Dimuqraadiyada Xisbiga ONLF. Maamulka Somali Galbeed ee uu hada hogaaminayo Mustafe Cagjar,wuxuu noqday wax loo isticmaalo hagardaamaynta ONLF. Dib u eegistan,waxay keenaysaa in BC soo farageliso khilaafka oo cabashada ONLF wax laga qabto.…
Waxaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday Shirkii Golaha Wada tashiga Qaran. Fashilka Shirka,waxaa keenay damaca xuduud dhaafka ah ee Madaxweyne Xasan,iyadoo ay ku diideen Afartii Dowlad Goboleed marka PL oo horay uqaadacday Shirkan laga reebo. JL oo ka mid ahayd Afarta Dowlad Goboleed ee Xasan ay isla soo Shaqeeyeen Labadii Sano iyo Barkii lasoo dhaafay,ayaa maalmo ka hor iskaga baxday Shirka.. Horay,waxaa uqaadacay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Puntland oo ah Maamul muhiim ah oo wax ka dhisay Dowlada Fadaraalka,isla markaana Saldhig u ah Nidaamka Fadaraalka. Waa rajo xumo,niyad jab iyo hubanti la’aan mustaqbal oo Shacabka Somaliyed soo wajahay. Lama sadaalin karo,xaalka…
Muqdisho, Talaado 15 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulankan,ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Si gaar ah,waxay uga wada hadleen… 1 Xasillinta Deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta. 2.Hirgelinta doorashooyin ay shacabka Somaliyed ku doortaan madaxda dalka. 3 Arrimaha bini’aadanimada.
Israel way dhagesaneysaa Mareykanka balse go’aanka ugu dambeeya waxa uu ku saleysan yahay danaha qarankeena sida xafiiska raysalwasaaraha Israel ay sheegeen. Weli waxaa la isla dhexmarayaa jawaabta ay Israel ka bixineyso weerarkii Iran. Hadal kooban oo ka jawaabaya warbixinta Washington Post ayuu xafiiska soo saaray. Waxaa lagu sheegay jawaabta in Benjamin Netanyahu uu u sheegay Mareykanka in ay diyaar u yihiin in ay beegsadaan bartilaameedyo militeri oo ku yaal Iran halkii ay ka duqeyn lahaayeen xarumaha nukliyeerka iyo kuwa shidaalka. Warbixinta Washington Post waxaa lagu sheegay in Netanyahu uu hadalkaas ka sheegay mar ay taleefoonka ku xiriireen isaga iyo madaxweyne…
Dowladda Talyaaniga,ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Somaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdihso joojisay. Safiirka Talyaaniga u fadhiya Somaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen. Safiir Pier Mario Daccò Coppi uu gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed. Safiirka,ayaa sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna Wasaaradda Arrimaha dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.
“Israa’iil lama dirirayso Ciidamada Nabad ilaalinta ee QM,lama dirirayso Shacabka Lubnaan,waxay la diriraysaa Xusbullaah oo ah argagixiso Iran taageerto oo isticmaalaysa Xuduuda Lubnaan,waxaan idinka codsanaynaa in aad si KMG ah ubanaysaan Saldhigaas inta aan hawlgalka fulinayno”Ayuu yiri Netanyahu. Hadalka Netanyahu,ayaa yimid markii Israa’iil Gantaalo ay riday ku dhaceen Saldhiga Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Koonfurta Lubnaan. Weerarkan ayay Israa’iil kala kulantay canbaarayn caalami ah. Halkan ka daawo muuqaalka
Kuuriyada Waqooyi,waxay ku doodaysaa in Kuuriyada Koonfureed usoo dirtay Hawadeeda Diyaaradaha duuliyaha lahayn ee Drons-ka Bishii lasoo dhaafay tiro ka Sadex jeer,waxayna si gaar ah usoo gaareen Hawada Caasimada Siyool. Kuuriyada Waqooyi,waxay heegan gelisay Ciidankeeda waliba Qaybta Madaafiicda,iyadoo ku goodisay hadii Drons danbe soo galo Hawadeeda in ay jawaab adag oo ah dagaal toos ay kaga falcelinayso. Hadalka hanjabaada ah,waxa uu kasoo yeeray Gabadha awooda badan ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Koonfureed dhankeeda,waxay ku dooday in eedaynta Kuuriyada Waqooyi ay tahay marmarsiiyo dagaal oo aysan waxba ka jirin. JQ.
Subaxnimadii Oktoobar 14, 2024,Dowladda Itoobiya l,ayaa duqaymo diyaaradeed oo aan duuliyaha lahayn iyo kuwa Qumaatiga u kaca ah ka fulisay meel u dhow amagaalada Bahar Dar, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa koonfurta Achefere iyo Waqooyiga Mecha ee Gobolka Axmaarada. Koonfurta Achefere, bambaanooyin laga soo tuuray diyaaradaha qumaatiga u kaca,ayaa lagu weeraray dugsi hoose, kaasoo sababay burbur iyo khasaare soo gaaray dad rayid ah. Ilo deegaanka ah,ayaa xaqiijiyay in hal cunug uu ku jiro dadka dhaawacmay,intaas waxaa dheer, bambooyinka ayaa lala beegsaday Waddooyin aaggaas laga dhisayay. Waqooyiga Mecha, duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay…
Ethiopian government has imported drones from China, Iran, Israel, Turkey, and the United Arab Emirates. Bahirdar, Ethiopia – On the morning of October 14, 2024, the Ethiopian government carried out drone and helicopter airstrikes near Bahir Dar, targeting civilians in the Southern Achefere and Northern Mecha areas of the Amhara region. Starting at approximately 8:30 AM, the attacks left significant damage to civilian establishments, marking a continuation of the escalating violence in the region. In Southern Achefere, bombs dropped from helicopters struck a primary school, causing destruction and civilian casualties. Local sources confirmed that one child was among the injured.…
Safiirka UK ee Somaliya iyo MW Jubaland waxay kuwada hadleen khadka Taleefoonka. Arimaha ay iska dhaafsadeen,waxaa ugu hilnaa Shirka Madasha iyo Qodobada JL ka Biyo diiday. JL,waxay usheegtay Safiirka in ay samaynayaan waxa Dastuurka JL u ogol yahay,isla markaana aysan ka talaabsan karin,taasoo la macna ah in ay Doorasho galayaan Bisha Nov. Sidoo kale,waxaa qorshaysnaa in wefti ka socda Midowga Yurub ay Maanta gaaraan Kismaayo,wayse baaqdeen,waxaana wararku sheegayaan in ay beri tagayaan ama ay dhici karto in la joojiyo Safarkaas. Safaraadaha BC,ayaa intooda badan isku raacay in DG qabsadaan Doorashooyinkooda,isla markaana Xasan Sh.joojiyo deg-dega. Wakiilada BC,waxaa usocday maalmahan kulamo ay…
Xasan Sh iyo kooxdiisa,waxay isku dayayaan in ay Beri War soo saaraan,iyagoo inkiri doona maqnaanshaha JL,isla markaana PL udiri doona fariin ay ku leeyihiin kasoo qaybgala Shirka. MW KG Laftagareen,ayay xoguhu sheegayaan in uu maalmahanba diidanaa JL oo ka maqan Shirka in War murtiyeed laga soo saaro. Xasan weli,waa quusan la’ayahay,waana isa sii miidaaminayaa oo markan JL,ayuu rabaa in uu dagaal lagalo,sida xoguhu sheegayaan.
Wasiirka difaaca Israel Yoa Gallant,ayaa sheegtay in ay casharo ka baranayaan weearkii Xisbullah ee Axadii kaas oo ay ku dhinteen Afar Askari. Wuxuu booqasho ku tagay Goobtii la weeraray oo ah meel u dhow Binyamina, una jirta 33-KM Magaalada koonfurta ee Xayfa. “Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay xoogga saarayaan dadaallo lagu sameynayo xal wax looga qabanayo khatarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Ciidamada Israel,waxay sheegeen in ay duqeeyeen 200 oo Goobood oo Xisbullah ku leedahay Lubnaan. Dhinaca Qasa, IDF waxay sheegeen in ay Ciribtireen…
Muqdisho, Isniin, 14 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada. Shirkan wuxuu fursad…
Dowladda Mareykanka,ayaa ku dhawaaqday in ay Gantaallo casri ah oo difaaca Cirka ah iyo Ciidamo Mareykana ah ay u direyso Israa’iil. Madaxweyne Joe Biden,ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Israa’iil. Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israa’iil, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee Gobolka. Waxaa jira oo kale xogo sheegaya in Ruushku siiyay Iran Gantaalo khatar ah iyo Hub kale,sidaana Mareykanku udadajinayo Gantaaladan Difaaca…
The representative of the Secretary General of the United Nations in Somalia SRSG James Swan met today the President of JL Ahmed Madobe in Kismayo. The agenda of the meeting discussed the National Consultative Conference (NCC) which the Jubaland administration withdrew few days ago. The administration of Jubaland shared with the UN representative views on the Elections and Review of the Constitution of the country. Amb Swan, conveyed the need to return to the Conference and resolve the differences within the Conference, but President Ahmed insisted that he will not return to Mogadishu, and that he is doing what the…
Ethiopia’s black market exchange rate for the US dollar has reached a critical milestone, crossing the 140 birr mark. This widening gap between the black market and the official rates presents serious challenges for the country’s economy, businesses, and consumers. As of mid-October 2024, while the official National Bank of Ethiopia (NBE) rate stands at 116.97 birr per dollar, the informal market has surged to 140 birr, reflecting an alarming divergence. The 140 Birr Milestone: A Tipping Point The significant rise in the black market rate, now standing at 140 birr per dollar, marks a crucial tipping point in Ethiopia’s…
Kooxda Xasan,waxaa uqorshaysan hadii ilaa Isniinta dadaalladan guulaysan waayaan in ay sii daayaan Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka oo aysan qayb ka ahayn JL. Qodobada ay sii dayn doonaan,ayay xoguhu sheegayaan in ay ku jiraan……. B.In DG-yadu qabsan karaan Doorashooyinkooda Nov kadib markii la tixgeliyay Dastuuradooda. T.In Labadii Gudi ee heer Fadaraal iyo heer DG dib loogu hawlgalo. J.In Oktoobar 25-keeda 2025 lawada qabto Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. Xasan,waa isdaadraacinayaa markii uu usocon waayay isku daygii hore,waxa uuna samaysanayaa isku day Labaad oo dhigaya in wax lagu sheegay Doorasho Golayaal Deegaan lagu qabto dhawr Magaalo Sanadka danbe,kadibna uu dalbado mudo kororsi uu…
Swan,waa tagay Kismaayo,isagoo wada fariintii aragtida Xasan ee ahayd Shirka kusoo laabta. JL,waxay ugudbisay aragtideeda iyo in ay ilaalsanayso Sharciyadeeda Dastuur. Si kale hadii loo yiraahdo JL in aysan ku laabanayn Xamar,ayaa Swan loo xaqiijiyay oo ay ku dhaqaaqayso waxa Sharcigu u ogol yahay. Waxaa xusid mudan in soo jeedinta Swan aysan ahayn cadaadis oo kaliya ay ku koobnayd aragti isdhaafsasho. Swan xiligii F&F ,waa isdiidanaayeen PL& JL,markale,hadana,waxaa muuqata in ay kala leexanayaan,isaga iyo Labada Maamul. Sidoo kale Berri,waxaa kusoo Aadan Kismaayo wefti ka socda Midowga Yurub oo isla fariintan oo kale sida.
Waxaan halkan ku caddeynayaa in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS uu ku kacay falal aan waafaqsaneyn sharciga, talo-maroorsi iyo gabood-fallo ka hor imaanaya hannaanka doorashada xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11aad, Dastuurka Qaranka, iyo xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare. Sidaas darteed, waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in warqadda uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi, oo summadeedu tahay GAS/B-11/17/24, kuna taariikhaysan 12/10/2024, aysan lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan. Halkan ka akhriso:- .
Gudoomiyihii ONLF,waa ka goostay Itoobiya oo waxuu galay Dowladaha dariska ah,sida ay xaqiijinayaan Ilo muhiim ah. Sidoo kale Qalbidhagax oo ay wax isla og yihiin,waxa uu aaday Muqdisho. Xogtu,waxay sheegaysaa in ONLF dib iskugu diyaarinayso dagaal ay la gasho Itoobiya Laba sababood awgood…… 1.Abiy oo aan fulin,waxay ku heshiiyeen. 2.Maamulka Abiy oo aad udiciifay ayna jiraan fursado waa weyn oo laga faa’idaysan karo xilligan. Masar iyo Eretereya,ayay xoguhu sheegayaan in ay siinayaan taageero Mileteri iyo mid Dhaqaale,isla markaana ay Somaliya ka samaysan doonto ONLF Saldhigyo. Waa loolan cusub oo Maamulka Abiy soo wajahay oo ay adag tahay in uu ka…
“Waa Difaacaynaa Somaliya Xoriyadeeda”.Ayuu yiri Sisi. Macnaha hadalkaas,waa….. “Waa Difaacanaynaa danahayaga”. Masar ma Difaacayso Dhul iyo Dan Somaliyed,isla markaana jaangoynteeda Siyaasadeed ee Dibada kuma dhisna Diin iyo Sinji. Muhiimadeeda 1-Aad iyo teeda 100-Aad,waa danteeda oo ah Maanta Biyaha Webiga Niil. Itoobiya,waxay Biyo xireen saamayn yeeshay ka samaysatay Webiga Niil oo Shacabka Masar ku tiirsan yihiin. Biyaha Webiga Niil,waxay ku jiraan Qodobada Amniga Qaranka Masar. Isku danaysi,waa imaan karaa lkn,waa in uu isu dheelitiran yahay. JQ.
Cabdi Xaashi ma’ahan,waxa Saalax dilaya Siyaasiyan ee waa Kooxda Villa-da fadhida ee Xasan. Saalax,waxay ku dhibsadeen hor istaagidiisii samaynta RW xigeen 2-Aad. Haatan,waxay rabaan in ay Magacaabaan RW xigeen 2-Aad oo kasoo jeeda KG ugu danbayn Nov. Waxay go’aansadeen in ay Saalax ka saaraan Siyaasada oo waxay u arkeen Nin aysan la Shaqaysan karin,waxayna kaloo ka qaadi doonaan Jagada RW ku xigeenka dhawaan. Waa suuroobi wayday in la ansixiyo Xubintii badali lahayd oo waa lagu kala qaybsamay,balse sida la filayo Villa-da rabitaankeeda,ayaa Shaqayn doona ugu danbayn. JQ.
Nidaam si fiican u abaabulan,ayaa noo dhisan. Horumarka Deegaan ee PL Somaliya meel sare,ayuu kaga jiraa. PL Amni ahaan,Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba meel wanaagsan ayay wax umarayaan. PL 30-ka Sano ee soo socota in ay leedahay Amnigeeda,Siyaasadeeda iyo Dhaqaalaheeda gaarka ah,ayaa muhiim ah,sababtoo ah Somalidu uma bisla in ay wada dhisato nidaam ay wada leedahay oo Xukunku wadaag yahay oo la wada dugsan karo. Ugu yaraan 30-Sano oo danbe Somaliya sida ay hada tahay,waa kusii jiraysaa oo Dowlad dhiska luudayaa,waa sii soconayaa,waana mid aan ugu sii baahanahay in ay PL gaar usii leedahay Amni,Siyaasad iyo Dhaqaale,iyadoo Qayb ka ah…
Millatariga Lubnanayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ka timid Isra’il lagu dilay labo askari oo ka tirsan millatariga halka ay dhaawacmeen saddex kale, saacado kaddib marki millatariga Isra’il ay duqeeyeen saldhig ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnan ku leeyihiin koofurta Lubnan. Ciidanka Lubnan ayaanan qeyb ka aheyn dagaalka u dhaxeeysa Isra’il iyo Xisbullah. War milatariga Lubnan kasoo baxay Jimcihi ayaa lagu sheegay in ciidamada la dilay ay ku sugnaayeen bar koontarool oo ku taalla koofurta gobolka Bint Jubeyl, halkaas oo uu ugu tagtay gantaal lala beegsaday. Duqeynta kale ee ay ay ciidanka Isra’il Jimcihi ku bartilmaameedsadeen saldhiga…
Maanta oo kale,waxaa mudnaanta leh in la xuso Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo oo ahaa hindisihii Calanka. 1954-tii kala Doorashadii Calamada lasoo bandhigay,ayaa lagu qaatay Calanka Buluuga ah ee Xidigta 5-ta Gees leh dhexda kuwata. Calanka Buluuga ah,weli,waa astaanta Qaranka iyo Dugsashada Sinjiga Somaliga ah si walba oo uu xaalku adag yahay. 64-Sano kadib Xoriyadii Somalidu Gobanimo kuma noola,waxaana tusaale u ah Ninkii Calanka ku astaysnaa in uu ku Geeriyooday Qurbe uu gabaad ka raadiyay. Calankeenoow Cawaale,waxa uu ku dhashay Mudug,waxa uuna ku Geeriyooday Canada. Isku soo wada duuboo jiritaanka Qaran mideeya Somalida,weli,waa muhiim.
Afhayeenka Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi,ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jamaac uu lumiyay Kursigiisii Aqalka Sare. Cabdi Xaashi,ayaa sheegay innuu Saalax ku waayay XilkiisavSenatarnimo,sababo la xiriira in uu soo xaadiri waayay Afar fadhi oo baarlamaanka Aqalkiis sare ah. Ibraahim Ciidle Suleymaan, oo soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa ku farisanaya Kursigii Golaha ee uu banneeyay” Saalax. Sida Warar hoose sheegayaan,waxaa jira khilaaf Siyaasadeed oo udhaxeeya Afhayernka Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo RW xigeenka Saalax oo sababay in uu Kursiga lumiyo. Halkan ka akhriso Qoraalka Aqalka-Sare”-
Israa’iil ayaa Diyaarisay Aargoosi Ka Dhan Ah Iraan siday ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo . Wasiirka difaaca Israa’iil galant ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talo-galay u dhacaya . Wuxuuna intaa ku daray in Iran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhici doonaan, laakiin ay arki doonaan Keliya natiijada. Madaxweyne biden ayaa Israa’iil u ogoladay inay Iran ku qaadi karto weerar aargoosi ah,Lknse aanay beegsan Goobaha Nuclearka iyo ceelasha shidaalka ee Iran,siday qortay Jerusalam Post . W/D”-Cabdirisaaq Jubba. Faahfaahin Dheeri ah . https://youtu.be/YoKc4526V8s
The tripartite meeting hosted by Eritrea’s President for his counterparts of Egypt and Somalia was to show a united front position against PM Abiya Ahmed’s overreaching political and security ambitions. The United States, Turkey and other western powers share frustration on Abiya’s aggressive agendas within Ethiopia and the Horn of Africa putting risk to uncontrollable conflicts. Reports from that meeting say that President Sisi has delivered to Somalia military assets and will continue to arm both Somalia and Eritrea to stand against Ethiopia. Egyptian navy are expected to patrol Somalia’s Red Sea corridor to prevent Ethiopian intervention. On the other…
Xisbullah ayaa isu diyaarinaysa dagaal muddo dheer qaata Koonfurta dalka Lubnaan kaddib markii Israa’iil ay leysay hoggaankii sare ee ururka. Xisbullah,ayaa yeelatay hoggaan cusub oo Milatari si uu u sii wado Gantaalada ay ku ridayaan gudaha Israa’iil iyo dagaalka dhulka ee ka socda Koonfurta Lubnaan, sida labo ilo wareed oo arintan aad ula socda ay u sheegeen wakaaladda warrarka ee Reuters. Ururka Xisbullah,ayaa dib u dhac weyni ku yimid Sedexdii Todobaad ee la soo dhaafay, markaas oo inta badan hoggaan keedii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka geystay Koonfurta Caasimada Bayruut,waxana ugu weynaa hoggaanka la khaarajiyay Xasan Nasrullah. Kooxdan Iran…
Dadka degan Gobolka Florida,ayaa qiimeynaya burburka ka dhashay duufaanta Milton, taasi oo kicisay roobab xooggan iyo daadad ka dhashay duufaano iyo koronto la’aan baahsan markii ay soo gaartay xeebta. Duufaanta,ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo uu dheer yahay khasaare hantiyeed oo Lixaad leh. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VTfcaM9tI1U?si=JYlEdSASgOrR-qjn
Xamse Xataa Naftiisa ma matalo,waxa uuna uyaqaan Xasan Macallinkiisii. Jagada uu ku fadhiyo,waa mid Siyaasadeed oo matalaad ah,isla markaana wadata Shaqo Dastuuriya. Xasan,waa Ciilqabe Qabiil oo aaminsan in Beesha uu ka dhashay ay gaarto Guulo ugaar ah oo ay ka dhex samayso Somalida. Wuxuu dhibsanayaa Dastuur iyo Nidaam ay hormuud ka ahaayeen hirgelintiisa Beel kale oo aan tiisa ahayn in lagu hago Dowladnimada Somaliya. Aragtida Talyihiisa Nabadsugida,ayuu aaminsan yahay ee ah (1991,Beeshayadaa adkaatay),waa fahan khaldan oo koox Beesha Xasan kasoo jeeda ay iska dhaadhicisay. Balse Beeshu soo gelideedii 91-dii Xamar oo ahayd Caasiimadii Wadanka,waxay ugu badashay Magaalo Qabiil gaar ah…
Ujeedka kulanku,waa fariin loo dirayo Abiy oo oranaysa (Kulligayagu,waa kuu midaysanahay). Fariintan in la diro,waxaa fasaxay Maraykanka oo si weyn uga niyad jabay hogaaminta Abiy ee toobiya. Warar,kulankaas laga helayo,ayaa sheegaya in MW Masar soo gaarsiiyay Somaliya Maraakiib dagaal oo Itoobiya leedahay in ay joogaan Badda Somaliya oo ay dhawaan tagi doonaan Berbera. Kulankan,waxay Somalidu ka faa’idaysaa cadaadis saarida Abiy in ay sii xoojiso. Dhanka kale Masar,waxay keenaysaa Xamar Markab kale oo Hub ah,iyadoo tababaraysa ku dhawaad 200 oo ah Askartii Madaafiicda ah. Hubka Masar keenayso iyo tababarada ay bixinayso,waxay kusoo aadayaan xilli Somaliya aysan lahayn Ciidan Qaran,waxaana walwalka ugu…
Wasaaradda Caafimaadka Qasa waxay sheegtay in tirada lagu dilay Qasa ay dhaaftay 42,000 oo Qof. Qaramada Midoobay,ayaa xogtan u aragta mid laysku haleyn karo. Wasaaradda kalama soocin rayidka iyo kooxaha hubeysan. Dhowr jeer oo hore ayey sheegtay in dadka ugu badan ee geeriyooday ay yihiin Haween iyo Carruur. Dhinaca kale,Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee Falatsiin l,ayaa sheegay in ugu yaraan 400,000 ay ku xaniban yihiin waqooyiga dagaalka dartiis. Philippe Lazzarini wuxuu sheegay in dad badan lagu qasbay in ay ka baxaan xerada qaxootiga Jabaliya kaddib markii Israel ay soo saarto amaro halkaas looga baxayo. Wuxuu intaas ku daray in sahayada…
Buug cusub oo uu qoray Bob Woodward oo ahaa wariyihii wax ka sameeyay baaritaanka fadeexadii Watergate ayaa sheegay in Donald Trump uu si qarsoodi ah ugu diray mashiinada lagu baraao Covid 19 madaxweyne Putin si shaqsiyan u isticmaalo mar sahaydu ka yaraatay. Ololaha Madaxweyne Donald Trump way beeniyeen eedaas loo jeediyay. Buugga oo cinwaan looga dhigay ‘Dagaal’ waxaa sidoo kale ku jira waxyaabo ka hadlaya in Donald Trump uu si qarsoodi ah ula xiriiri jiray Putin ilaa iyo markii uu ka tagay xafiiska sida ay soo xigteen warbaahinta Mareykanka. Donald Trump wuxuu sheegay in ay yihiin waxyaabo aan run aheyn…
Saraakiisha Caafimaadka Falastiiniyiinta,ayaa Arbacada maanta ah sheegay in duqaymo habeen hore ay Israa’iil ka fulisay Waqooyiga iyo blBartamaha Qasa ay ku dhinteen ugu yaraan 18-Qof. Weerarkii ugu dambeeyey,ayaa yimid ayada oo dagaalka Marinka Qasa uu Sanad jirsaday, kuna dhinteen in ka badan 40.000 oo Qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Caafimaadka Qasa oo Xamaas ay maamusho. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GuBBq9Wiz2A?si=AGiOB49QacnaNs1v
Waxaa jira cadaadis,dadaal iyo baayac la rabo in Axmed lagu soo celiyo Xamar iyo Shirka B&K Wadanka. Dadaalka iyo baayaca,waxaa wada Xasan Sh oo toos ula xiriiraya Axmed,isla markaana Gacmo kalana adeegsanaya. Cadaadiska,waxaa wada BC oo ay QM ugu horayso,waxayna isku dayayaan in ay sameeyaan dhex-dhexaadin. Ujeedka BC,waa in aan lakala tagin oo khilaafka Wadanka ka jira sii xoogaysan oo intii wada socotay aysan sii kala tagin. Wefti ka socda BC oo uu hogaaminayo Swan,ayaa tagi doona Kismaayo si ay Axmed ula kulmaan. Ilaa iyo hada dadaalka iyo baayactanka Xasan,wax waa ka badali waayeen Axmed,balse cadaadiska BC,ayaa lawada eegayaa saamaynta…
Jabuti,ayaa ka shakiday loolanka Badda ee Xasan Itoobiya kula jiro in uusan daacad ka ahayn. Jabuti,waxay haysaa xogo lagu kalsoonaan Karo oo ah in Xasan loolankiisa Itoobiya ee Badda aysan dhab ka ahayn oo uu jiro qorshe uqarsoon. Tuhunka Jabuti,waa mid sii xoojinaya midkii ay qabeen Dad badan oo Somalida waxgaradkeeda ah. Sida soo ifbaxaysa Xasan iyo Ismaaciil,waa kala shakiyeen. Inta badan Xasan,waa danayste tiisu kala weyn tahay danta Qaranka oo muhiimad siiya Lacagta. Su’aashu,waxay tahay… Yaa aaminaya Xasan hadii Jabuti aamini wayday? JQ.
Sannad kaddib markii uu billowday dagaalka Qasa, ee hadda ku sii fiday Lubnan, ayay Xisbullah iyo Israel Isniinti Shalay is weydaarteen Madaafiic cusub. Xisbullah,ayaa Gantaallo ku duqeysay Magaalada Saddexaad ee ugu weyn Israel ee Xeyf, halkaas oo ay saraakiisha Isra’aaiiliyiinyu sheegeen in uu jiro khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi. Xisbullah waxay sheegtay in ay gantaallada “Fadi 1” ay ku bartilmaameedsatay saldhig millatari oo ku yaalla koofurta Xayfa. Gantaal kale ayay sheegtay in ay ku ridday deegaanka Tiberias oo 65 km u jira Xayfa. Millatariga Israel ayaa sheegay in ilaa 190 madfac ay ku dhaceen Israel Isniintii. Ilaa 12 qof ayay sheegeen…
Alleyle Xasan meeshii la rabayayuu kusoo dhacay… 1.Dastuur ku falaadidii waa kakac. 2.Doorasho diyaarsashadii waa kakac. 3.Dagaalkii argagixisada,waa kakac. Sadex Sano,waxa uu kasoo Shaqaynayay,waa Hal Bacaad lagu lisay. Saakay,waxay kusoo ururtay Sanad Doorasho oo haray iyo taladii oo Dhulka taala. Kusoo dhawoow waaqiciga iyo waxay PL 3-Sano ka hor kaaga digtay. Farmaajo,wixii uu isku dubaritay Xabad baa looga kala daadiyay balse Xasan Hadal,ayaa looga riday. Markaad talo xun tahay,oo Cuno jeceshahay oo Qabyaaladuna kugu xoog badan tahay sida Xasan,ayaad ceeboobaysaa. Waxa uu awooday… B.In uu Wadanka mideeyo. T.Argagixisada wadajir loola diriro. J.Ciidan Qaran lawada dhisto. X.Dhaqaalaha la midaysto. Kadibna haduu…
Si rasmi ah,ayuu ufashilmay Shirkii K&B ee Xasan Shiikh. MW JL oo Shalay dib ugu laabtay Kusmaayo,ayaa sababtay fadhilka Shirka oo markii horaba PL ka maqnayd. Axmed Madoobe,waxa uu ku dooday Laba Qodob oo kala ah… 1.PL,waa in la helaa ka hor intaan Doorasho Qof iyo Cod ah la aadin. 2.In uusan haysan Mudo xileed usaamixi kara gaarista go’aano masiiriya,maadaama Sanadkii ku darsiga ah ee uu siiyay Baarlamaanka JL uu ku eg yahay Bisha Nov Sanadkan. Qorshihii Xasan,ayaa sidaa ku fashilmay oo kala daatay. Dad badan,ayaa qabay Xasan sidaan si ka wanaagsan in uuuhogaamin karay Wadanka. Sidoo kale si ka…
LATEST ON TIGRAY TPLF FACTIONS. 1) The TPLF faction led by Debretsion to have “removed President @reda_getachew his post as interim President of Tigray region. 2) The Tigray IRA, led by @reda_getachew, calls it an “official coup declaration” and pledges legal action against TPLF faction of Debretsion. 3) The Tigray Security Forces state “We will not allow anarchy, and we will not remain silent.” Getachew Reda, Tigray’s interim president, and his section of the TPLF, including General Tsadkan, are closely allied with Ethiopian PM Abiy Ahmed’s Prosperity Party (PP), while TPLF chairman Debretsion believes that the delegates he sent to…
Talaabooyinkan lagu samaynayo Sadex Iskuul Technical-ah oo kala ah…. 1.Iskuul Beeraha ah. 2.Iskuul Xoolaha ah. 3.Iskuul Kalluumaysiga ah. Tani,waxay wax ka taraysaa Shaqo abuurka iyo in la helo xirfadlayaal. Waxay kaloo,jihaynaysaa aragtida PL isku filnaata oo uqumta danaheeda gaarka ah kana hormarisa wax walba. Maamulka Deni,waxaa laga rabaa in ay Bulshada jiheeyaan oo usameeyaan Rajo iyo hiigsi una soo bandhigaan 10-ka Sano ee socota sida Wadanka ay la rabaan in uu u ekaado. Muhiimadu,waa in Maamulku diyaariyo Mashaariic waa weyn oo Bulshada la wadaago,kadibna hirgelintooda loo hawlgalo. In Bulshadu Deegaamadeeda ku nagaato,waxaa fure u ah in Nolol looga sameeyo. 30-ka…
“James Swan si khaldan, ayuu u fahmay sawirka dhabta ah ee siyaasadda ee Soomaaliya, xog khaldan ayuuna siiyey Golaha Ammaanka, marwalba waxa wanaagsan aragti isku dhiili-tiran”,Ayuu yiri Wasiir Juxaa. Waa loo baahnaa in la PL ka hadasho warbixintii Swan siiyay fadhigii QM ee ku saabsanayd Somaliya. Swan,waxa uu si khaldan ugu talax tagay Dastuurka iyo Qodobada Xasan ku falaaday ee aan laysku raacsanayn. Ma ahayn in uu ku daro warbixinta uu ka bixinayo Somaliya Qodobo Dastuur oo aan laysla ogolayn. Inkastoo warbixintiisa uu kusoo afmeeray,wax walba,waa in ay noqdaan wax heshiis lagu yahay,hadana Dastuur lagu falaaday in uu soo hadal…
It is highly important to get the operations against Daish and Alshabab in Galgala mountains to take are approached with carful consideration including organizing IC partners and local commumities to win the war. Countries with experience should be consulted to receive necessary resources including aerial support. Operations in this difficult terrain should be planned with a winning strategy. Both the United States and the United Arab Emirates have provided financial and logistical support for PL in the past. Their role will be indispensable to defeat the terrorist groups who are suffocating PL’s commercial hub Boosaaso. Without a doubt, the growing…
Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israel duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta. Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza. Bayaan ka soo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax,hoos ka…
Muuqaal naadir ah oo ka soo muuqday qolka xogta lagu kala qaato ee Aqalka Cad, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden waxaa uu Jimcihii ku sheegay in Israa’iil aysan weli go’aansan sida ay uga jawaabeyso weerarkii sawaariikhda ahaa ee ay qaadday Tehraan, wuxuuna ku boorriyey Israa’iil in aysan beegsan bartilmaameedyada saliidda Iran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Biden https://youtu.be/__gpRg13crY?si=HQbLghVfPBRQ6pXd
Waa muhiim in loo helo hawlgalka lagu qaadayo argagixisada Labada Buurood Agab kala duwan oo ay ku jiraan Diyaarado Drons ah. Sidoo kale hawlgalkaas,waa in uu helaa diyaar garow sare oo uu ku socon karo mudo gaaraysa 6-bilood oo xiriir ah. Maraykanka iyo Imaaraadka,waa Dowladaha ka taageeraya PL hawlgalkan oo ku bixinaya Dhaqaale,Qalab iyo Saad. Si gaar ah Imaaraadku,waxa uu PL siinayaa Diyaaradaha Drons-ka ah oo wax duuba,kuwaasoo muhiim u ah dagaalka. Maraykanku,marka laga soo tago in uu diyaariyay qorshe uu kula hawlgalayo Ciidamada PL oo fariisin KMG ah uga samaysanayo Garoonka Bosaso,hadana,waxaa jira Dhaqaale toos ah oo uu siinayo…
Bosaso: 06 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Deeq Waxbarasho oo ay Dowladdu bixisay iyadoo kaashanaysa Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso, taasi oo in ka badan 30 Arday lagu barayo Cilmiga Badda iyo Kalluumeysiga . Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Dowladdu siinayso sidii dadka reer Puntland loogu diyaarin lahaa in ay ka faa’idestaan kheyraadka badeenna ku jira, wuxuuna xusay in hadda Ardayda deeqda Waxbarasho lasiiyey ay bilow u tahay ka faa’ideysiga iyo maalgashiga kheyraadka Badda oo loo baahanyahay in ay lawada qeyb qaataan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada .…