Author: Jibril Qoobey.

Afar Su’aalood,ayaa MW Deni usoo dhiibay xurmadle Boqor Burhaan markii ay kulmeen. Su’aalahaas,waxay ku socdeen Madasha Mucaaradka,waxayna kala ahaayeen… 1. Hadii la waayo Doorasho ku dhacda 66 iyo 08 Jan 2024, maxaa qorshe Labaad idiin ah? 2. Maxaa amaanka iyo midnimada Pl idiinka qorahaysan? 3. Maxaa hortaagnaa in 24 sano lagu gaaro doorasho Qof iyo Cod ah? 4.SSC KHAATUMO maxaa idiinka qorshaysan? Jawaabaha ay kasoo bixiyeen Madasha Mucaaradku uma qalmaan Su’aalahaas masiiriga ah,waxaana muuqata in aysan aragtiba udiyaarsanayn. Foolxumada ka muuqata Madasha Mucaaradka,aragti la’aanta iyo in uusan ku jirin Siyaasi la goos goosan kara Deni oo buuxin kara Indhaha Bulshada,waxay…

Read More

Xildhibaan Marwo Bashiir,ayaa kaalinta Afraad ka gashay tartankii Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka,iyadoo heshay codod dhan 11 halka Haweenayda xilka ku guulaysatay oo reer Tansaaniya ah heshay codod dhan 172 , waxaana kaalmaha Labaad iyo Saddexaad soo Galay Gabdho matalayay Malawi oo 60-cod heshay iyo Senegal oo heshay 59-cod . Dadaal iyo dhiiranaan xoog badan ayay muujisay Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir,waxaase ka badiyay,waa Dowladeedii oo ugu horeeyo Madaxweynaheedii oo la galay dagaal hankeeda. Kursigan,waxuu ahaa mid muhiim u ahaa Qaranimada iyo Bulshada Somaliyed… 1.Waxuu wax ka badi lahaa muuqaalka Caalamku u arko Qofka Somaliga ah oo haatan ku Shaabadaysan,Burcad  badeed,Argagixiso,Fakhri iyo Qaxooti.…

Read More

Reer Mudug miyay Xisaabtu ka khaldan tahay? 1.20 ka mid ah Argagixisadii ku layn jirtay Gaalkacyo haldoorkii Bulshada oo Duhur laga toogtay. 2.Miinadii loo isticmaalayay Dhismaha Dekeda furdaaminteediii oo aan marna la ilaawi karin. 3.Mashruuca dhismaha Wadada Garacad-Goldogob diyaarintiisa. 4.Mashruuca Casriyaynta Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf diyaarintiisa. 5.Dib uhabaynta iyo Mushahaarka Ciidamada,gaar ahaan kuwa Mudug fadhiya. 6.Difaaca Sool iyo iska dhicinta SNM. 7.Dowlada dhiska Somaliya iyo aragtida PL ilaalinteeda. 8.Awood qaybsiga Siyaasadeed ee leh mudnaanta gaarka ah,sida …. B.Wasiirka Maaliyada. T.G.Gudiga Doorashada. J.Talyaha Daraawiishta. X.Talyaha Ciidamada Badda. Xisaabtu kama khaldana ee waa ufadhidaa Reer Mudug,lagumana dhaliili karo maxaad Deni…

Read More

Garoowe: 26 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo maanta lagu hor dhaariyey Shirka Golaha Wasiirada. Madaxweynaha ayaa Wasiirka cusub ee Amniga alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Madaxweynaha,ayaa faray dhamaan Golaha Wasiirada Dowlada Puntland Qodobada…. Mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland,waa in la waafijiyo siyaasadda Dowladda, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: – 1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU) 2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta 3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland 4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya…

Read More

Madaxweynaha Somaliya,ayaa booqasho uga bilaabatay Qaarada Yurub,gaar ahaan Brusels iyo London. Booqashada Madaxweynaha,ayaa ku salaysan heshiisyo uu lasoo galayo Midiwga Yurub iyo UK. Midowga Yurub,waxuu Somaliya la saxiixanayaa heshiis wax wada qabsi oo ay ku taageerayaan hay’adaha amaanka Somaliya. Hadafku,waa in Midowga Yurub taageero ka gaysto dhismaha Ciidamada Somaliya,isla markaana ka taageero dhanka Miisaaniyada,si loo soo afjaro joogista Ciidamada ATMIS. Sidoo kale MW Xasan,waxuu tagayaa London,waxuuna halkaas kula saxiixan doono Dowlada UK heshiis is fahan ah oo amaanka ah. Ingiriisku,waa Dowlada Gacanta ku haysa Qalinka Somaliya xilligan. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1717344952500244716?t=_ENnD4L2RWlCv18GHvPFYg&s=19

Read More

Garoowe: 25 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah la yeeshay Wafdi Isimada dhaqanka Gobolka Bari ah oo safar ku jooga Garoowe, Kulanka waxaa ka qeybgalay Isimo, Cuqaal , Nabadoono iyo Waxgarad ka socda Gobolka Bari kuwaasi oo safar uga soo laabtay Degmada Buurtinle. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Isimada, cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari, warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland iyo dhameystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee qof iyo cod oo hada maraya meel wanaagsan, Iyadoo ay inagu soo fool leeyihiin Doorashada Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada, Sidaasi darteed ay muhim tahay…

Read More

MW Deni waa ku amaanan yahay in uu qaatay doorkiisa ilaalinta Dastuurka iyo dheelitirka awooda Dowladnimo ee Somaliya oo PL mar walba lagu yaqaanay. MW Xasan Shiikh,waxuu isku dayayaa in uu si bareer ah ubaalmaro Dastuurka Wadanka oo uu udhigto sida isagu jecel yahay. DG-kale waxay noqdeen kuwo aan wax saamayn ah lahayn oo aan waxba ka badali karin Siyaasada Wadanka kuna dhicin in ay khalad ka qabtaan Dowlada Qaran ee fadhida Villa Somaliya. Si gaar ah,waxaa doorkoodii lumiyay Ra’isalwasaarihii iyo Madaxweynihii JL oo buuxin waayay matalaadii laga rabay noqdayna hawl fuliyayaal MW Xasan Shiikh. Jibril Qoobey.

Read More

Guud ahaan khudbadiisu,waa mid masiiriya marka lagu eego Indho Wadaniyadeed oo meel layska dhigo Mucaaradnimo iyo Muxaafadnimo. “PL waxay qayb ka noqonaysaa Dowlad Somaliyed oo Dimuqraadiya,Fadaraal ah kuna salaysan heshiisyadii Qaran ee kasoo bilaabanayay Imbagaati,ilaa inta laga helayo Dowlad Somaliyed oo ilaalinaysa Dastuurka,waxay PL ku dhaqmaysaa Dastuurkeeda xuquuqda uu siinayo”. Waa hadal cad oo ka turjumaya mowqifka PL ee Dowlad dhiska,una ah jawaab farataysiga MW Xasan uu rabo in uu ku sameeyo Dastuurka Fadaraalka. “Reer PL,waxuu ugu baaqay in ay ilaalsadaan midnimadooda oo utoog hayaan khataraha ku wajahan jiritaankooda,waxuu uga digay DFS iyo DG kale in aysan qayb ka noqon…

Read More

Khudbada Madaxweyne Deni ee uu kaga hadlay arimo muhiim ah oo kala ah…. 1.Midnimada Bulshada. 2.Doorashooyinka. 3.Sool iyo SNM. 4.Doorka PL ee Dowlad dhiska. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1717163317326688284?t=Vdch629Onwk_uNorCgzixg&s=19

Read More

Xalay,waxaa la kulmay MW Deni Isimada Garowe ku Shirsan,waxayna kala hadleen in uu joojiyo Doorashada,waase ku Gacansayray oo waxuu ugu jawaabay (Dalku Dowlad buu leeyahay ee ku ekaada Dhaqankiina). Sidoo kale Labada Beeldaaje ee Beelaha CS iyo Siwaakhroon,waxay Xalay yimid Garowe,ayaa lagu sheegay in ay uyimaadeen ka qaybgalka Caleema saarka Isin Degmada Burtinle lagu Caano shubayo Maanta,sida ay xaqiijiyeen Ilo ku dhow dhow. Waxaa Beenowday warar sheegayay in ay uyimaadeen ka qaybgalka Shirka Isimada ee Garowe. Dhanka kale Caawa Bosaso Ciidamo isku dhaf ah,ayaa lagu daadiyay Wadooyinkeeda muhiimka ah. Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 25 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 53-Aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah uga hadlay Waxqabadka Dowladda ee Amniga, Horumarka, Guulaha laga gaaray Dimuqraadiyadda, qorshaha dhameystirka Doorashooyinka Puntland, Guulaha laga gaaray Gobolka Sool, garab istaaga SSCKhaatumo iyo khaladaadka Dastuuriga ay ku kacayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda,…

Read More

Garoowe: 24 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Mareykanka,ayaa Israa’iil kula talinaya inay joojiso qorshaheeda duullaanka dhinaca dhulka ah ee ay ku hanjabtay in ay ku galeyso magaalada Qasa. Arrintan,ayaa imaaneysa xilli ay kordheen duqeymaha culus ee dhinaca cirka ah, iyada oo militariga Israel ay Isniintii fuliyeen 300 oo duqeyn cirka ah. Mareykanka ahaa aaminsan duullaanka dhinaca dhulka ah uu meesha ka saari karo wadahadallada lagu soo deynayo dadka u Afduuban Xamaas.

Read More

Deni,waa ka go’an tahay in uu ku diriro Kursiga. 1400-Askari oo iskugu jira qaybo kala duwan oo Ciidanka ah,ayuu Garowe heegan ku geliyay… 1.350-Ciidanka Badda ah. 2.500-Ciidanka Madaxtooyada ah. 3.400-Ciidanka Daraawiishta oo ay ku jiraan ku dhawaad 300 oo Ciidankii Eretereya lagu soo tababaray ee Xasan Sh.ruqseeyay ah. 4.130-Ciidanka PISF ah. Bosaso,waxuu udiyaarsaday si guud Ciidanka Badda oo ay ka hoos shaqaynayaan Booliska iyo Ciidamo Xaaji Bakiin hoos taga. Mudug culays kama haysto,waxaana sugida amnigeeda ku filan Booliska caadiga ah. Khariiradaaa Gudiga Doorashadu soo saaray,ayuu ku hawlgalayaa oo Bisha 2-Aad,waxay dalban doonaan mudo kordhin 4-Bilood oo kale ah. Deni,waxuu taagan…

Read More

Xurmadle Boqor Burhaan imaanshaha Garowe,waxay isaga utahay Guul,sababtoo ah,waxuu si fudud u xaqiijiyay Gudoonkiisii Dhaqanka Puntland. In isagoo la fadhiya Madaxweyne Deni lasoo saaro Khariirada Doorashada,waxay ka dhigan tahay Shirkii ay ufadhiyeen in aan loo sii baahnayn. Waji gabaxa ugu weyn Dhaqan ahaan,waxuu ku dhacay Suldaan Garaase iyo Beeshiisa Abokor Ciise oo waxay kula kala dhinteen Beesha Muuse Ciise kuna soo afjareen Gudoonkii Islaan Ciise ee Garowe Maanta waa waxba kama jiraan oo Deni,ayaa soo afjaray. Siyaasiyan,waxaa iyaguna dharbaaxo ku dhacday Aaran-jaan oo islahaa Gacanta Boqorka ku bireeya Deni,waase usocon wayday oo wax walba oo kasoo baxa Shirka Isimada ee…

Read More

Ragga haatan ah Mucaaradka marka laga soo tago Xisbiyada Sharciyaysan,waxaa ugu hilsan oo Deni waxuun yeeli kara Aaran iyo Ilmo Diyaano. Aan ku hormarno Ilmo Diyaano haday qaataan Doorashada oo Xisbigooda Olalaystaan Deni way la loolami karaan. Hadii ay ka hor yimaadaan oo Xabbad wajahaan,waxbay yeeli karaan,balse Maalin gelinkeed ka badan ma wadi karaan dagaal,waana looga adkaanayaa. Aaran-jaan iyagu Xisbiga Horseed ee reer Faroole waa soo fuuli karaan,balse waxba kuma helayaan oo Bulshadu ma rabto. Hadii ay dhanka Qoriga Aadaan Deni waxbay gaarsiin karaan,waxaana dhici karta in daraadood 3-da Degmo ee Garowe,Godob jiiraan iyo Dangoronyo Codayn aysan ka dhicin. Hadiise…

Read More

Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa caawa soo saaray go’aanka Guddiga ee Jadwalka Qabashada Doorashadą Golaha-Wakiilladda iyo Madaxtooyada. 𝖷𝖺𝖿𝗂𝗂𝗌𝗄𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖿𝖺𝖺𝖿𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖦𝗎𝖽𝖽𝗂𝗀𝖺 𝖣𝗈𝗈𝗋𝖺𝗌𝗁𝗈𝗈𝗒𝗂𝗇𝗄𝖺 𝖯𝗎𝗇𝗍𝗅𝖺𝗇𝖽(𝖯𝖤𝖢) #𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰 #𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬𝘢.

Read More

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta Xarunta Dhexe ee 𝐏𝐄𝐂 kulan kula yeeshay 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒚𝒂𝒅𝒂 𝑺𝒊𝒚𝒂𝒂𝒔𝒂𝒅𝒅𝒂 Dowladda Puntland, Kulankan ayaa Guddigu xisbiyada ugusoo bandhigeen qabyo qoraalka 𝑿𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 𝑫𝒐𝒐𝒓𝒂𝒔𝒉𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏𝒌𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅 oo Guddigu diyaariyeen. Shirka ayay Guddigu uga dhagaysteen mas’uuliyiinta Xisbiyadan tallooyinkooda ku aaddan qabyo qoraalka 𝑿𝒆𝒆𝒓𝒌𝒂 𝑫𝒐𝒐𝒓𝒂𝒔𝒉𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏𝒌𝒂 𝑷𝒖𝒏𝒕𝒍𝒂𝒏𝒅 iyo fikradaha ay ka qabaan qodobada uu ka kooban yahay. 𝖷𝖺𝖿𝗂𝗂𝗌𝗄𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖿𝖺𝖺𝖿𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖦𝗎𝖽𝖽𝗂𝗀𝖺 𝖣𝗈𝗈𝗋𝖺𝗌𝗁𝗈𝗈𝗒𝗂𝗇𝗄𝖺 𝖯𝗎𝗇𝗍𝗅𝖺𝗇𝖽(𝖯𝖤𝖢) #𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰 #𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬𝘢

Read More

Garowe: 23 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee 23-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Maxamed Xasan (Orshe) loo magacaabay Maareeyaha Kastamka Tuurdibi. Waxaa Maxamed Cali Cabdulle loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Kastamka Tuurdibi. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Buurtinle, October 23, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/S Maxamed Cali Marduuf, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Nugaal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, La taliyaha Madaxweynaha Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaawiido), iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifaax Samatar Ciise, Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Masuuliyiin iyo waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee Degmada Bu ee Gobolka Nugaal. Waa tillaabo horey loogu…

Read More

Milateriga Israa’iil,ayaa sheegay in mid ka mid ah Taangiyadooda dagaalka uu si lama filaan ah u duqeeyay Saldhig Masar ay ku leedahay meel u dhow xudduudda Qasa, ee Kerem Shalom. Kerem Shalom waa isgoyska ganacsi ee keliya oo ku yaal koonfurta Qaza oo hadda xiran. Waxay ku taal meel u dhow halka ay iska galaan soohdimaha Masar, Qasa, iyo Israa’iil. Ciidamada difaaca Israa’iil,ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdadan, waxayna sheegeen in la baarayo sida ay wax u dheceen.

Read More

Meesha wax ka dhaceen,waa Kaam Qaxooti oo Magaalada udhow oo ay degan yihiin Bulshada Jareerweyne. Wiilka la dilay,waxuu kasoo jeedaa Beelaha Jareerweyne,kuwa dhibaateeyay oo hadana dilay,waxay kasoo jeedaan isla Beesha Jareerweyne. 11-Nin oo Beesha Jareerweyne ka dhashay,ayaa loo qabtay,welina Boolisku,waxuu wadaan baaris. Gaalkacyo waa Magaalo ay iskugu timid Somali weyn kuna taal Bartamaha oo ay ku nool yihiin Nus Milyan Dad ka badan,marka wax lala yaabo ma’ahan danbiyada ka dhacaya. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1716245734490554820?t=81Fz1r3LCE7qOmQ64V9-8g&s=19

Read More

Warbaahinta Dowladda Siiriya,ayaa warisay in ciidamada Israa’iil ay diyaaradohoodu duqeeyeen garoomada caalamiga ah ee ku yaalla caasimadda Dimishiq iyo magaalada Waqooyiga ku taalla ee Xalab. Weerarkaas,waxaa ku dhintay hal Qof,isla markaana waxay waxyeelo gaarsiiyeen Dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, taas oo keentay in ay shaqada garoomadu joogsadaan. Israa’iil,ayaa dhowr duqeymo ka geysatay gudaha dalka Siiriya, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, tan iyo markii uu dagaalka billowday. Israa’iil marar dhif ah ayay qirataa weerarradeeda, laakiin waxa ay sheegtay in ay u dhaqmayso si ay uga hortagto Xisbullah iyo kooxaha kale in ay hub kala yimaadaan dalka ay xulufada la yihiin…

Read More

Duqeymihii Xalay ee Marinka Qasa,waxaa ku naf waayay ugu yaraan 80-Qof,iyadoo lagu burburiyay 30-Guri, sida ay warisay AFP. In ka badan 40% Guryaha Qasa,ayaa waxyeelo gaartay amaba la burburiyay, sida ay QM sheegtay. Israa’iil,ayaa dhankeeda xaqiijisay in diyaaradaheedu ay duqeeyeen dhismo ku hoos yaal masjid ku yaala Daanta Galbeed oo ay Xubno ka tirsan Xamaas iyo Islamic Jihaad ay ku qorsheynayeen weerar Argagixiso oo xilliga dhow ay fulin lahaayeen. Wafa oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee maamulka Falastiin, ayaa sheegtay in ugu yaraan Hal-Qof uu ku dhintay duqeynta, dhowr kalena way ku dhaawacmeen dhismaha ka hooseeya Masjidka al-Ansar ee…

Read More

Ciidamada Israa’iil weli waxay si joogta ah ugaraacayaan Magaalada Qasa Todobaadkii Labaad. Maanta,waxay dileen Ciidamada Israa’iil 12-Falastiiniyiin ah,waxayna tirada guud ee Falastiiniyiinta Geeriyootay ka dhigaysaa 5000-Qof,kuwaasoo ubadan Caruur. Ra’isalwasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil,ayaa ku booqday banaanka Qasa Ciidamadooda,waxayna ku dhiirigeliyeen in ay guul kama danbays ah gaari doonaan. Madaxdii Xamaas ee dagaalka geliyay Shacabka Qasa,waxay uga baxsadeen weerarada khatarta ah ee Israa’iil Qatar iyo Turkiga. Si gaar ah hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya,waxay isaga iyo Qoyskiisu degan yihiin Qatar oo ay ku haystaan Nolol sare,waxayna ku dhoofaan Baasabooro Turki ah. Dhanka kale Ciidamada Maraykanka,ayaa burburiyay Sadex Daroon oo ay Xuutiyiinta Yemen…

Read More

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka hadlay fadhiga Golaha amaanka,ayaa sheegtay in loo baahan yahay Puntland iyo Dowlada Dhexe in ay wada fariistaan oo xal uhelaan khilaafka dhexyaal. Sidoo kale,waxay adkaysay in wax ka badal walba oo lagu samaynayo Dastuurka in uu noqdo mid laga wada hadlay oo laga heshiiyay. Si gaar ah,waxay utaabatay muhiimada ay leedahay in la dhagaysto Codka PL oo aan looga maarmin Dowlad dhiska Wadanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1715344531938250793?t=PFiZMuwGfgjjwQmzCxgQ0w&s=19

Read More

Waa arrin muhiim u ah amniga Qaranka ee Mareykanka in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda,sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office. Hadalka madaxweynaha,ayaa ka dhigan in ay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal. Biden ayaa sheegay “in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.” “Xamaas iyo Putin waxay matalaan halisyo kala duwan,”Ayuu yiri Biden. Waxuuna sii raaciyey “laakiin waxay…

Read More

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken,ayaa ka hadlay ka qayb qaadashadii Dowlada Qadar ee sii daynta Labadii Maxbuus ee Maraykanka u dhashay Judith iyo Natalie Raanan, ee ay Gacanta ku hayeen Xamaas. “Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo dawladda Qdar, waxay ahayd caawinaad muhiim ah” ayuu yiri xogahayaha Maraykanka. Balse wuxuu sheegay inuusan si toos ah uga hadli karin faahfaahinta hoose ee doorka Qadar. Waxa kale o ouu sheegay in dadaalo ay ku sii deynayaan muwaadiniin kale oo maraykan ah ay wadaan. Judith Raanan iyo Gabadheeda Natalie,ayaa laga sii daayay Qasa sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Israa’iil. Hooyadaan iyo Gabadheeda,ayaa…

Read More

Dowladda Israa’iil,ayaa Muwaadiniinteeda ku sugan Masar iyo Urdun u sheegtay in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan. Bayaan ka soo baxay Golaha ammaanka Israa’iil,ayaa lagu sheegay in ay sare u qaadayaan digniinaha safarka ee Masar iyo Urdun ilaa heerka 4, talo bixinta in aan loo safrin dalalkan iyo in kuwa sii joogaya ay ka baxaan, sida ugu dhaqsaha badan”. Horraantii toddobaadkan, heerka digniinta ayaa sidan oo kale kor loo qaaday, Turkiga ayaa muwaadiniinta Israa’iil ee halkaas ku sugan lagu amray inay baxaan.

Read More

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobey ee ku aadan Qabyo tirka Dastuurka Kmg ah ee Fadaraalka,waxuu dharbaaxo ku yahay qorshaha MW Xasan ee baalmarsan Sharciga Wadanka. “Waxka badal walba oo laga samaynayo Dastuurka,waa  in ay ku yimaadaan wada ogol iyo wada xaDalka”Ayaa lagu yiri warka QM. Dhanka kale,waxuu garab istaag uyahay ilaalinta midnimada,wax wada lahaanshaha,Dastuurka iyo Dowlad dhiska Dalka. Sidaanoo kale,waxaa war ay soo saareen MW Xasan ugu digay Hormuudka Siyaasada Somalida oo ay ku jiraan MW Sh.Shariif,RW Cumar iyo Xasan. Dowladnimada Wadanka ka jirta,waa mid ku timid heshiis Bulsho ee ma’ahan mid Qof qaabeeyay oo Madaxweyne kaligiis sameeyay ama…

Read More

Wax cusub kuma jiraan warka kasoo baxay Dowlada Qaran ee Fadaraaliga ah ee ku saabsan SSC. Sadex Qodob,ayaa looga gol leeyahay Warkan…. 1.In Puntland laga dhigo mid wax udiidan reer Sool oo xaalad laga dhex abuuro. 2.In Maxaabiista ay ku jiraan Saraakiisha muhiimka ah ee SL lagu helo. 3.In Ra’isalwasaaraha lagu bakhti afuufo,looguna muujiyo Xildhibaanadii iyo Seneteradii Firdhiye galbinayay tixgelin. Xigmada ku jirta warkan,waa soo anba bixin Firdhiye iyo in uusan Gacmo maran lasoo laaban. Puntland,waa in ay si buuxda usoo dhawaysaa,maadaama ay iyadu horay usheegtay in ay la Shaqaynayso Maamulka Dadka Deegaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Warka uu akhriyay Wasiirka Arimaha Gudaha Fadaraalka,waxa uu waafaqsan yahay warkii ay horay ujeedisay Dowlada Puntland,kaasoo ahaa… “Dowlada Fadaraalku,waxay taageeraysaa go’aankii Garaadada,waxayna la Shaqaynaysaa Maamulka kmg ah SSC Khaatumo ee ay dhisteen Dadka Deegaankaas”. Si kale hadii loo yiraahdo,Dastuurka Fadaraalku,waxuu qabaa in mudo 2-Sano ah ay toos umaamusho Dowlada Qaran Gobolkii khilaaf dhexmaro DG-ka uu ka mid yahay. 2-Sano Maamul ka shaqaynaya Sadex Ujeedo,ayaa ka dhismay Laascaanood,kuwaasoo kala ah… 1.Xoojinta Difaaca 2.Gargaarka Bini’aadantinnimo. 3.Jihaynta Masiirka Mustaqbalka. Puntland waa soo dhawaynaysaa,waana ku faraxsan tahay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1714972572532527497?t=-rDnRGtuA6Vn9obwNb-OwA&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Garoowe: 19 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo tobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2024, Ansixinta Xeerka Kheyraadka Macdanta iyo qodobo kale. Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, oo dhan ($387,550,700), taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Biden,ayaa ka laabtay Israa’iil,waxa uuna kulan la qaatay Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada iyo Qoysas intii uu joogay halkaas. Waxaa la baajiyay qorshe socdaal oo uu ku tagi lahaa Urdun oo uu kula kulmi lahaa Madax Carbeed. Socdaalka Bariga Dhexe ee Biden,ayaa la oran karaa guusha ugu weyn ee laga gaaray waa muujinta garab istaaga Maraykanka ee Israa’iil. Intii uu joogay Israa’iil Joe Biden,ayaa israa’iil ku qanciyay islamarkaana kula heshiiyay in gargaar xaddidan la gaarsiiyo Marinka Qasa. Biden,ayaa sheegay in Madaxweynaha Masar Cabdul-Fatax Al-sisi uu aqblay in la furo Marinka muhiimka ah ee Rafax si gargaar loo…

Read More

Codayn dhacday maalinimaddii Arbacada ayuu helay 199 mudane oo ka mida 433 xildhibaan ee joogay golaha, waxaana ka soo horjeestay 22 xildhibaan oo xisbigiisa ah. Jim Jordan ayaa u baahan inuu helo 217 mudane si uu u noqdo afhayeenka golaha. Musharaxa la tartamayey ee ka sharaxnaa xisbiga Dimoqraadiga, Hakeem Jeffries oo laga soo doorto gobolka New York ayaa helay dhammaan codadka xisbigiisa dimoqraadiga oo ah 212 mudane. Aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaanay wax shaqo ahi ka soconin muddo laba toddobaad ah, ka dib markii xilka laga qaaday afhayeenkii hore ee golahaas Kevin McCarthy oo ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga. Golaha…

Read More

Magaalada qadiimiga ah ee Qudus, waa mid ka mid ah goobaha loogu booqashada badan yahay caalamka, hase ahaatee tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu billaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, magaalada Qudus ayaa haawanaysa. Waxaa magaalada ka cararay dalxiisayaal badan oo iman jiray iyo dad badan oo cibaado u iman jiray. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay tahay markii ugu horraysay ee ay arkaan suuqyada magaalada Qudus oo maran. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4XlUGKMus8M?si=4zmJ7gZ9mSJBAcpX

Read More

Madaxweyne Xasan,waxuu qorshaynayaa in uu ubareero baalmarka Sharciga Wadanka udegsan . Dastuurka,ayuu rabaa in uu wax ka badal aan waafaqsanayn Xeerhoosaadka Baarlamaanka uu ku sameeyo. Sidoo kale awood Dastuurku uusan siin,ayuu rabaa in Madaxweyne Xasan ku tallaabsado. Dowladnimada Wadanka ka jirta,waa mid ku timid heshiis Bulsho ee ma’ahan mid Qof qaabeeyay oo Madaxweyne kaligiis sameeyay ama samayn karo. Waxaa War kasoo saaray Madaxweynayaal hore,Ra’isalwasaarayaal hore,Wasiiro hore iyo haldoor kale,ayaa kasoo saaray talaabooyinka MW Xasan rabo in uu qaado si kalitalinimo ah oo baalmarsan Dastuurka Wadanka

Read More

Taliska Guud ee Booliska Puntland,waxaa ka maqan Miisaaniyad gaaraysa $80-kun,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil sare. Halka Taliska Qaybta Bari ay ka maqan tahay $20-kun xiligan,sida uu ii xaqiijiyay Sarkaal muhiim ah. Madaxweyne Deni,waxuu amray in dhamaan wax kharash ah aysan ka bixi karin Khasnada Dowlada xataa adeega maalinlaha ah,sida aan ka helay W.Maaliyada gudaheeda. Waxaa kale oo taal Lacagtii Curaarta ee dhismaha Wadooyinka loo jaray oo aan ka xaqiiqsaday Maamulka Dekeda Bosaso. Sidoo kale Lacagtii laga qaaday Canshuurta Qaadka,ayaa si gaar ah loo ururshay oo taal,sida ay ii xaqiijiyeen Saamilayda iyo W.Maaliyada Madaxdeeda qaar ka mid ah. Warar,ayaa sheegaya in…

Read More

Imaanshaha Wasiirka Gaashaandhiga Kenya ee Muqdisho,waa mid caadiya oo wada shaqayneed. Kenya,waxaa ka jooga Somaliya Laba Ciidan oo midna qayb ka yahay hawlgalka Atmis midna ka Madax banaan yahay. Waxaa kaloo jiray qorshe la dajiyay oo ahaa hawlgal argagixiso la dirir oo Jubbooyinka ku Aadanaa oo Kenya qayb ka noqon lahayd. Sidoo kale,waxaa Kenya saamaynaya mudo kordhinta ay dalbatay Dowlada Somaliya ee ku Aadan hawlgalka Atmis. Madaxweyne Xasan maalmo ka hor,ayuu ka hadlay arinka Ciidamada Atmis,waxayna ubadan tahay in arimahaas ay kawada xaajoon doonaan Wasiir Ducaale. Weftiga Wasiirka Gaashaandhiga Kenya,waxaa la socda dhamaan Saraakiisha Ciidamada qaybaha kala duwan ee Ciidamada…

Read More

Laftagareen lama gaadi karo oo waa digtoon yahay. Waxuu og yahay in la diyaariyay Ciidamadii la qorshaystay in lagu inqilaabo. Sidoo kale,waxuu og yahay Siyaasiyiinta uu ka ceshay Garoonka iyo kuwa uu xirxiray in ay yihiin kuwa loo diyaarinayo Kursigiisa. Qosolka Xasan in uu gaadmo yahay oo meel Dhexe lagu hayo lalana sugayo Doorashada PL dhankay udhacayso,waa dareensan yahay. Yoolka ugu weyn ee laga leeyahay Ciidamada kasoo laabtay Eretereya ee ubadan Beesha MW,waa og yahay in la rabo Shabeelada Hoose in lagaga jaro KG, laguna daro Banaadir State marka isaga Kursiga laga tuuro. Waxa ugu weyn ee Laftagareen loo hayo,waa…

Read More

Laab isa saarida Biden iyo Natanyahu xili Caalamku la murugoonayo Gantaalkii ku habsaday Isbitaalka Qasa,waxay dirtay fariin oranaysa….. “Yuhuuda qanacsanaanteeda,waa muhiimadayada koobaad,hadaan Maraykan nahay”. Kadib Gantaalkii lala eegtay Isbitaalka Qasa ee ay ku naf waayeen ku dhawaad 1000-Qof oo ay ku jiraan Caruur aan danbi lahayn,waxaa la filayay Biden in uu dib udhigo booqashadiisa. Balse,waxuu muujiyay Garab istaag xoog badan oo aan ku xirnayn wax shuruud ah xilli walba iyo xaalad kasta oo jirta. Booqashada Biden ee Bariga Dhexe,waxaa qayb ka ahayd in uu tago Urdun oo uu kula kulmo Madaxda Carabta,waase la baajiyay kadib markii MW Falastiin ku dhawaaqay…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka,ayaa gaaray Israa’iil,waxaana kusoo dhaweeyay Ra’isalwasaare Netanyahu. Laab isa saarida Labada hogaamiye iyo muujinta in Maraykanku si kal iyo laab ah oo gorgortan lahayn ugarab taagan yahay Israa’iil,waxaa dhanka kale dul hogmanay Geerida xad dhaafka ah ee ka dhalatay Gantaalka ku dhacay Isbitaalka Qasa. Booqashadan oo ah mid lagu muujinayo garab istaaga Maraykanka ee Amniga Bulshada Yuhuuda,ayaa Dad badan waxay qabeen in Biden baajiyo kadib Gantaalka lala eegtay Isbitaalka. Balse,waxaa muuqata in Biden uusan dabac ka muujinayn uhiilinta Israa’iil xili walba iyo xaalad kasta. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/live/R1NB3KN2O-M?si=2lFReRsGQule29iY

Read More

Biden oo markii hore ay uqorshaysnayd in uu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha Carabta,ayaa haatan wararku sheegayaan in uu baajiyey safarkaasi. Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu Madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka,ayaa lagu sheegay…. “Kadib wada-tashi uu la yeeshay Boqorka Urdun King Cabdallaha Labaad, isla markaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa in uu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo…

Read More

Qarax xooggan,ayaa Xalay oo Talaado ahayd wuxuu ku dhacay Isbitaalka Qasa oo ay jiifeen Dhaawacyo iyo Bukaano Shacab oo fara badan. Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta,ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso illaa 500 oo Qof. Ciidamada Israa’iil,ayaa beeniyey in ay khaladka leeyihiin, iyaga oo ku dooday in Gantaal habow ah oo ay soo rideen kooxda Islamic Jihad ku dhacay Isbitaalka. Weerarkan,ayaa ku soo beegmay,iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo.

Read More

Garoowe : 18 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta cusub ee Isgaarsiinta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha ayaa kormeeray xaruntan oo si casri ah u shaqeynaysa, lagana howlgeliyay hab isgaarsiin casri ah oo la iskula xiriirayo, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska iyo saraakiisha shaqada gacanta ku haya ee u xilsaaran isgaarsiinta Booliska. Intaasi kadib, Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Taliska Booliska, laamaha danbi baarista, Taliska Qeybta Gobolka Nugaal iyo xafiisyada kale ee Xarunta , wuxuuna Madaxweynuhu kulan qaatay oo warbixin ka dhegaystay, Taliska…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa Arbacada booqan doona Israa’iil, sida uu ku warramay Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken, oo kulamo is-daba joogo ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israa’iil. “Wuxuu halkan imaanayaa wakhti xasaasi u ah Israa’iil,Gobolka iyo Dunida,”Ayuu yiri Blinken. Magaalada Washington,Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Jonh Kirby,ayaa u sheegay weriyayaasha in Biden uu booqan doono Tel Aviv, uuna isla maalintaas tegi doono Amman, Jordan, halkaasi oo uu kula kulmi doono Boqor Cabdallah,Madaxweynaha Masar Cadifatah el-Sisii iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Abbaas. Aqalka Cad,ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu xoojin doono in Xamaas aysan u taagneyn xuquuqda dadka Falastiin u leeyihiin sharaf…

Read More

Kooxda is huwan Damjadiid +Daljir ee Villa Somaliya fadhida xiligan,waxay qorshaysteen intaan la gaarin 2026 Sadex Qodob oo kala ah… 1.Dastuurka oo ay dhamaystirtaan kuna buuxiyaan in Dalku uguuro nidaamka MW iyo ku xigeen. 2.Khayraadka Maamulkiisa oo laga gaaro heshiis udhigan hanaan Dowlad Dhexe oo aan Fadaraal ahayn,kaasoo ay hoos imaanayaan… B.Shidaalka. T.Midaynta Canshuuraha. J.Hanaanka Maaliyada. 3.Amniga Maamulidiisa oo laga gaaro heshiis udhigan hanaan Dowlad Dhexe oo aan Fadaraal ahayn. Maqnaanshaha Puntland ee kulamada iyo heshiisyada DG iyo Dowlada Qaran,ayaa caqabad ku ah xiligan,waana sababta ay awoodooda oo idil ugu jeediyeen Doorashada PL. Hadaba hogaamiyaha PL ee 2024-2029,waxuu muhiim uyahay…

Read More

Ciidanka Eretereya kasoo laabtay,waxaa lagu sheegay 3400-Askari. Kala bar,waa Ciidankii Dowladii Farmaajo udirtay Eretereya,waana kuwa loo diray Bil nasasho ah lana siiyay min $200 oo lagu sheegay Mushahaarkooda. Ujeedka rasmiga ah ee loo fasaxay,waa hasoo noqonina oo laydinma baahna. Halka kala barka kale aan la fasixin oo aan xataa Magaalada lagu soo dayn,waana Ciidankii MW Xasan dirsaday oo laga soo qoray Beeshiisa. Xoga hoose,ayaa sheegaya in loo qorshaystay KG in lagaga tuuro MW Laftagareen Doorashada PL kadib,hadii Deni looga adkaado. Jibril Qoobey.

Read More

Itoobiya waxay Madaxweyne Deni ka codsatay in Dekeda Garacad Saami laga siiyo oo ay Wadadana dhisto. Dekeda Garacad in Saamigeeda 30% laga iibsho Itoobiya,waxaa ka hor yimid Gudiga Maamula ee wakiilka u ah Maalgashadayaasha. Go’aan masiiriya,ayuu ahaa in Gudigu diido danaynta Itoobiya,sababtoo ah waxba lalama yeelan karo Itoobiya oo waa Bad raadis. Haatan,waxay ku dul wareegaysaa Xeebta Seylac in ay ka dhisato Deked,iyada oo inkiraysa Maamulka Deegaanka ka taliya ee SL,iskana indho tiraysa hanaanka caalamiga ah,isla markaana adeegsanaysa Dad Deegaanka kasoo jeeda oo uciil qaba maamulka Hargaysa. Itoobiya waa awood xiligan aysan Somalidu la loolami karin lana soo dhaweysan karin.…

Read More

Waa muhiim Shirkan Xisbiyada Sharciyaysan ee Mucaaradka Puntland ay ku qabsanayaan Garowe 17-20 Bishan. Maantoo kale,waxaa loo baahan yahay aragti wax badbaadisa in la raadiyo. Xisbiyada Mucaaradka,waxaa laga rabaa in ay keenaan hndise dhexe oo layskugu imaan karo. Tusaale” In laalo Qodobka oranaya Madaxweynaha,waxaa dooranaya Shacabka. In Baarlamaanka kaliya ay doortaan Shacabku,kadibna Baarlamaanku doorto Madaxweynaha. Qodobkaas hadii laysla fahmo,waxaa lagu cadaadin karaa Madaxweynaha,Musharaxiinta iyo Xisbiyada Mideeye iyo Horseed oo wuxuu umuuqda mid garab walba ka dhex arki karo tiisa. Sidoo kale mashruucii Dimuqraadiyada u ah badbaado. Xisbiyadu,waxay leeyihiin awood ay kaga hor imaan karaan foolxumaynta Dimuqraadiyada ee Deni wado. …

Read More

The US envoys doubled down on equating Hamas to ISIL (ISIS) to emphasise the brutality of the October 7 attack and make clear that there is no diplomatic solution to pursue, only a military one. The analogy with ISIL goes a long way to providing Israel with carte blanche to wage a “long and painful war” against Gaza. The Biden administration has rejected Arab calls for de-escalation or a ceasefire, rendering the US complicit in present and future Israeli war crimes. It has also demanded from Arab governments and the Palestinian Authority to unequivocally condemn Hamas. Most have refused, with…

Read More

“Ninka Mindida Daabkeeda haya,ayaa utura Wadanka oo damqada”Ayuu yiri MW Gaas. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri….”Khudbada MW waxaan ufasirtay in ay tahay mudada harsan doorasho lagama gaaree ee mudo kororsi hala sameeyo”. Halkan ka dhagayso https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1713879446095089977?t=3ZFP5ctqSpawaMm4ZCyFlg&s=19

Read More

Tirada dadka lagu dilay Marinka Qasa,ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah,ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka. Todobaad,ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah kuwaas oo isugu jiray Ciidan iyo Rayid. Israa’iil,ayaa Marinka Qasa ku qaaday weerar xagga cirka oo aargudasho ah, waxayna isku diyaarinaysaa mid dhulka ah. Halkan ka dawwo muuqaalka https://www.youtube.com/live/6xrWasTT7EA?si=YFjPb0pnD0m8FPep

Read More

Wasiirka Isgaarsiinta Israa’iil ayaa maanta oo Axada sheegay in uu ka raadinayo Golaha Wasiiradda inay ansixiyaan dalab kiisa ku aadan in la xiro xafiisyadda Al-Jazeera ee ku yaala gudaha Israa’iil, isagoo ku eedeeyay inay taageerayaan ururka Xamaas. Soo jeedinta xiritaanka xafiisyada Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qatar ayaa la marsiiyay saraakiisha amaanka iyo khubarro dhinaca sharciga ah sida uu sheegay Shloma Karhi, isagoo intaa ku daray in maanta goor dambe loo gudbin doono Golaha Wasiiradda. Al-Jaseera iyo Qadar midkoodna kama hadlin arintan.

Read More

Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Zahyuuniyadda, Theodor Herzl, ayaa u soo jeediyay gumaystihii Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah. Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen taariikhyahanadu. Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaas o soo bilowday 1950 meeyadii inkasta oo Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962 sii. Israa’iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid…

Read More

Xaafuun Lama maalmood ka hor,waxaa tagey wefti Imaaraatiya oo uu galbinayo Xasan Deni oo ay Walaalo laxmiya yihiin MW Siciid Deni. Qorshaha weftigaasi utagey Xaafuun,waa Laba Qodob oo kala ah… 1.Saldhig Ciidan oo ay halkaas ka rabaan Imaaraatiyiinta. 2.Deked Maraakiibtu ku kala wareejistaan Kunteenarada oo ay ka rabaan Imaaraadku halkaas. Sida wararku sheegayaan mar horaba Saxiixa loogu wareejinayo Xaafuun,waxaa saxiixay Madaxweyne Deni. Reer Xaafuun,waxay Mashruucaas ku helayaan Biyo Macaan oo dhawaan Xariga laga jari doono. Dhaliisha Mashruucyadan ay leeyihiin,waa… B.In aan la hor keening Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka. T.In Qoyska Madaxweynuhu iska maamulanayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan ku amrayaa hay’adaha Dowlada in ay udiyaar garoobaan qabashada Doorasho Qof iyo Codah “Ayuu yiri MW.Deni. ‘Waxaan ugu baaqayaa kuwa qaylinaya in ay ku kala biiraan Xisbiyada oo waliba KAAH waa ufuran yahay”Ayuu yiri MW.Deni. “Sool in ay tahay Puntland ilaa Bulshada Gobolkaas ay Aayahaooda ka tashanayaan oo meel iskugu raacayaan oo ay xaq uleeyihiin dhamaan xuquuqaha Muwaadinka reer Puntland ku leeyahay DDowlad”Ayuu sheegay MW.Deni. Haba yaraatee wax tanaasul ah ma muujin,Ma laba labayn,waana cadaystay rabitaankiisa Wadada uu umarayo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/mY7i6FilrGc?si=CES-KD4MILar9Epo

Read More