Author: Jibril Qoobey.

Secretary of Defense Lloyd J. Austin III welcomed Somali President Hassan Sheikh Mohamud to the Pentagon today praising the Somali leader for real progress at a very dangerous time. Austin said the two men are meeting at a key moment in Mohamud’s presidency as the African Union begins a drawdown in the country and Somali forces are stepping up. “This period will be especially important given the ongoing hostilities — including instability in Sudan — and the persistent threat of al-Shabaab,” Austin said. “I’ve been encouraged to hear of the continued success of the current phase of Somali-led operation against…

Read More

Madaxweyne waa guulaysatay Siyaasiyan ee ugudub Wajigii 3-Aad. Laba Qodob mid samee.. 1.Qabo Shir jaraa’id oo Dadka jihee una sheeg halka loo socdo iyo hanaanka loo gudbayo si rasmi ah. 2.Qabo Shirweyne wadatashi oo ufuran dhaqanka iyo Siyaasiyiinta oo idil,kaasoo looga tashanayo 8-Janaayo. Hadaadan Labadaas mid samayn,waxaad luminaysa taageerada Bulshada iyo hogaaminta Siyaasada oo aad hada haysato,waxaana kaa faa’idaysanaya kuwa laga adkaaday. Aaran waad ka adkaatay… 1.Siyaasiyan waad udishay. 2.Milleteri ahaana waad udishay. 3.Sumcad ahaana waad udishay. Hogaamiyahoodii Maxamuud,waad ka saartay Dowladnimada,waadna ka saartay Garowe,Caawana damaanad qaadka Isimada,ayuu ku soo hoyday. Muhiimadu waa in Bulshada PL aad Mustaqbalkooda ucadayso si…

Read More

Waxba kama jiraan sheekada ah Dowlada,ayaa qorshaynaysa Hub ka dhigis ay ku samaynayso Maleeshiyada la cayrshay. Sheekadaas,waxaa Suuqa gashtay Aaran-shaydaan oo raba in ay garab kaga helaan Bulshada Xoola dhaqatada ah ee aan xog ogaalka ahayn ee Beesha. Dowladu cidna weerar kuma ahan,kaliya waxay ilaalinaysaa maqaamka iyo hay’adaha Dastuuriga ah,waana uturaysaa Dadkeeda. Garowe waa degan tahay,Noloshu si caadiya ayay kusoo laabatay. Amniga gudaha iyo dibada Magaalada si weyn,ayaa looga shaqaynayaa,waana laga hor istaagay Maleeshiya danbe oo gudaha usoo gasha. Jibril Qoobey.

Read More

Magaaladaas quruxdaas leh ee reer PL Boqradeen,isla markaana maalgashteen ayay rabaan Afar Nin oo isku jifi ah in ay lahayste uhaystaan?. Baarlamaankii Ummadda ayay damceen in ay iyagu xirtaan kuna khasbaan Xildhibaanada in tooda lagu shaqeeyo? Rabitaanta Bulshada PL 98% ayay isku dayeen kooda oo ka ah 2% in loo xayiro.? Dimuqraadiyadii,ayaa laga hakiyay Magaalladan,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac? Diiwaangelintii,ayaa loo hakiyay in mudo ah Magaalladan,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac? Madaxweynihii,ayaa dhaq-dhaqaaqiisa koobay,iyadoo laga fogaanayo isku dhac? Ammaankii Magaalladan,ayaa la sugi waayay,iyadoo laga baaqsanayo isku dhac?. Intaas,waxii ka danbeeya ma Baarlamaanka iyo Madaxtooyada furayaashoodaa lagu wareejiyaa? Ninkii arki waaya nimcada…

Read More

Garoowe: June 21, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska. 2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah. 3. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah…

Read More

Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada,waxay ubadan tahay in uu noqdo Sanadkan dabayaaqadiisa Cabdirisaaq Khaliif. Weftigii QM ee yimid Garowe,ayaa M.Deni hordhigay in uu keensado Musharax Ra’isalwasaare oo ay Xasan ugeeyaan. Kadib Deni,ayaa la xiriiray Garaadada,una gudbiyay fikradiisa ah in Cabdirisaaq halkaa la geeyo,waxuuna usheegay in BC ka codsatay Musharaxiisa Ra’isalwasaare. Garaadadu way ku raaceen,waxayna ku xoojiyeen in ay M.Xasan kalaba sii hadlayaan dhankooda in uu aqbalo soo jeedintaas. Xasan Shiikh oo markii hore Garaadada shuruud uga dhigay haday ka rabaan maamul Gobol oo Kmg ah in uu umagacaabo in 17-ka Xildhibaan ee Sool ku leedahay Baarlamaanka PL ay siiyaan oo uu kusoo saaranayo…

Read More

Garoowe: June 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1…

Read More

Fadhiga 5-aad ee Kal-fadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajandaha fadhiga maanta ayaa ah Dhageysiga Warbixinadda Guddiyada Golaha waxaana warbixin soo jeedin doona; 1. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska 2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah 3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda 4. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabadka 5. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha 6. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta DHAMMAAD

Read More

Xoghayaha Arimaha dibada Maraykanka,ayaa booqasho ku tagey Shiinaha ugu danbayn. Dhawr jeer ayay baaqatay booqashadiisa Shiinaha sababo jiray aawadood,kuwaasoo lagu xusi karo murankii Baarashuudkii Basaaska ee Hawada Maraykanka lagu arkay iyo Xaalada Taiwan. 5-sano waa masuulkii ugu sareeyay ee Maraykan ah oo taga Shiinaha. Booqashadan,waxay leedahay xiiso gaar ah,waxaana ugu weyn arimaha looga xaajooday Ganacsiga iyo amaanka oo ay ugu horayso arinka Taiwan. Shiinaha,waxa uu rabaa in Maraykanku faraha kala baxo arimaha Taiwan oo uu u arko arin Shiinaha gudihiisa ah. Sidoo kale Shiinuhu waxuu rabaa in uu Maraykanka la yeesho iskaashiga Ganacsi oo ballaaran. Halka Maraykanku Taiwan uyahay Sxb…

Read More

Garoowe: June 19 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Guddiyada, waxaana warbixin soo jeediyay; 1. Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa 2. Guddiga Shuruucda, Caddaalada iyo Arrimaha Diinta iyo Dastuurka 3. Guddiga Arrimaha deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah 4. Guddiga Amniga & Nabadgelyada. Warbixinta ayaa ku saabsanayd kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha…

Read More

Xilku waa meerto,balse Jeyte hogaamintiisa weli Hiiraan waa ubaahnayd. Shacabka caadiga ah ee R.Hiiraan,waxay muujiyeen dareenkooda ay ku taageersan yihiin Gudoomiyaha xilka laga qaaday Jeyte. Wax la fududaysan karo ma’ahan hadalka Xildhibaanka Baarlamaanka Fadaraalka ku jira ee si cad usheegay Alshabaab in ay ku bixiyeen $2-Milyan xilka qaadista Cali Jeyte. Sidoo kale saamaynta,taageerada iyo awooda Jeyte ku helay la dagaallanka argagixisada waxay macno tirtay Guudlaawe iyo Dabageed waliba waxay miisaankii uu ku lahaa Hiiraan hoos udhigtay Dabageed. Loolan Siyaasi ah iyo galaan-gal Alshabaab sameeyay,waxay noqotoba Jeyte waa la galay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1670398342784745472?t=R–0XrtCdEcYK5HnjJ8y4Q&s=19

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,ayaa Sabtidii sheegay in aan maamulkiisu fududayn doonin jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri. Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan Dalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada. Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xiran, xubinimada isbahaysiga…

Read More

Cali Jeyte,waxuu ahaa Gudoomiye soo hogaamiyay Gobolka xilli adag,si gaar ah waxaa lama ilaawan ah dagaalkii sifaynta argagixisada doorkii uu ku lahaa. Waxaa lagu tilmaami karaa hogaamiyihii Macawisley ee hormuudka u ahaa dagaalka argagixisada in abaal looga dhigay xilka qaadis,waa nasiibdarro weyn. Halkan ka akhriso wareegtada xilka qaadista:-

Read More

Way diideen in wax laga badalo Dastuurka si Ururada loo furo,isla markaana Doorashada Madaxweynaha looga dhigo mid Dadweynuhu toos Codkooda ugu soo xushaan. Madaxweynaha oo diidan in khilaafku sababo Gacan ka hadal,ayaa hakiyay Qodobkaas ilaa xal laga gaarayo”talo ma dhaafin”. Halkaas markay marayso Dimuqraadiyadu ha socoto oo yaan la hakin hana lagu galo Doorashada Xildhibaanada Xeerarka Dastuuriga ah ee qoran haatan. Xildhibaanadu waxay ku imaanayaan Cod Dadweyne,sida Dastuurka ku qoran haatan,waxaana la joojinayaa laalidii la samayn jiray Doorasho walba. Xisbiyadu waa Sadex sida Dastuurka ku qoran haatan. 10-ka Nov hala qabto Doorashada Xildhibaanada oo Dadku toos Codkooda ugu soo dooranayaan,sida…

Read More

Sida la filayo,waxaa Dowlada Somaliya loo ogolaan doona in ay toos usoo iibsan karto Hubka. Taangiyada iyo Diyaaraduhu kuma jiraan Hubka loo fasaxi doono Somaliya dhawaan. Shuruudo,ayaa la socda qaadista cunaqabataynta oo ay ka mid yihiin… B.In ay sugnaato haynta iyo maamulida Hubkaas. T.In D G iyo Dowlada dhexe isla ogol yihiin Hubka lasoo iibsanayo. J.In la dhiso Ciidamadii Qaranka. Waxaa caqabad ku ah wada shaqayn la’aanta Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada qaadista cubaqabataynta. Dowlada Maraykanka,ayaa go’aanka qaadista cunaqabataynta Hubka gadaal ka riixaysa. Jibril Qoobey.

Read More

Somaliya maka jirtaa Dowlad gaarsiisan in laga qaado cunaqabataynta Hubka? Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin….. 1.Waa kuwee Ciidamada Hubka ubaahan ee Somaliyed? B.Ma kuwa Dowlada Dhexe udiiwaangashanbaa? T.Ma kuwa Macawisleydaa? X.Ma kuwa Puntland baa? Kh.Ma kuwa Somaliland baa? 2.Dowladee laga qaadayaa cunaqabataynta? B.Villa Somaliya miyaa ? T.Puntland miyaa? J.Somaliland miyaa? Somaliya Dowlad masuul ah oo dhamaystiran kama jirto,waxaana weli socda Geediga Dowlad dhiska. Majiraan Dastuur,Siyaasad Amni,Siyaasad Dhaqaale iyo Ciidan lagu midaysan yahay oo Somaliyed. Somaliya xiligan uma diyaarsana in laga qaado cunaqabataynta Hubka laguna wareejiyo masuuliyada Amni. Si gaar ah Somaliya Ciidan wada matala oo lagu tilmaami karo Ciidan Qaran…

Read More

Aragtida iyo soo jeedinta Dowlada Puntland ee caqabadaha ku wareegsan Dowlad dhiska Somaliya ayay soo gudbisay. Waa tallaabo loo baahnaa in la helo halka PL doodeedu fadhido. Maanta,waxii ka danbeeya Xasan iyo Dowlada Dhexe ayay wax la jiraan oo la eegayaa dhankooda. BC iyo PL waa kala badbaadeen oo waxaa la hayaa dooda Puntland. Dalkan waxay PL ka tahay Mulkilayaasha Qaran ee ugu miisaanka culus Dhul iyo Dadba. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Ajandaha Kalfadhiga Baarlamaanka PL,waxaa ku jiray Qodob ka hadlayay maalgelinta DP World ee Dekeda Bosaso iyo Mashruuca Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Waxay ahayd in laga doodo,kadibna Sharciga la marsiiyo oo la ansixiyo si ay unoqdaan Ummadda hantideeda. Nasiibdarro Saacadii ugu danbaysay,waxaa soo farageliyay Madaxtooyada oo codsatay in laga saaro Ajandaha. Ujeedka Madaxweynaha waa Laba Qodob oo kala ah.. 1.DP World oo diidan in lala Xisaabtamo oo Miiska lasoo saaro. 2.Madaxweynaha oo laftigiisu ka baqaya in lala Xisaabtamo oo Mashruucyada Biyaha,Korontada iyo Saamiga Garoonka ee Qoyskiisu qaatay ay noqdaan kuwo Ummada PL leedahay oo banaanka usoo baxa. Qodobkan markii lagu soo daray…

Read More

Qodobkii muhiimka ahaa ee ay ahayd in laga doodo oo cod la galiyo gadaal,ayaa loo dhigay kadib Codsi Madaxweynaha ka yimid. Qodobkaas,waxuu ahaa wax ka badalka Dastuurka oo ay ku xirnayd sii socoshada Dimuqraadiyada. Madaxweyne Deni,ayaa dalbaday in loo hakiyo ilaa inta uu soo dhiraadhirinayo Qodobkaas,Baarlamaanku waa ka aqbalay. Way dhici kartaa in lasoo celiyo hadii taageero loo helo oo heshiis isfahan laga gaaro,hadii kale waxuu noqon doonaa mid laga gudbay,taasoo ka dhigan in Dimuqraadiyadii halkaa lagu hakiyay oo Xildhibaanada soo socdaa ku imaan doonaan hab Beeleed. Baqdinta,waxaa keenay digniinihii iska soo daba dhacayay ilaa Shalay ee loogu digayay Baarlamaanka.…

Read More

Waa loo baahnaa xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Amniga. Wasaaradu waxay noqotay fadhiid fashilan oo ku ceebowday shaqadii Amniga. Xaruntii Ganacsiga PL ee Bosaso ayay argagixisadu ka adeeganaysaa oo Ganacsatadii ku khasbaysaa Lacag Baad ah in ay bixiyaan. Fashilka amni ee taagan in Dowladu uga falceliso xilka qaadis sare waa loo baahnaa,balse waa in aysan ku koobnaan Wasaarada ee la dul istaagaa Booliska iyo Sirdoonka. Dhaqaalaha ugu badan waxay Dowladu ku bixisaa Amniga hadana,waxaa ka jira fashil weyn oo la taaban karo. Jibril Qoobey.

Read More

Xaruntii Sadexaad ee Ganacsi ayay argagixisada Daacish ka xirtay xarumahoodii Bosaso. 1.Waxay gubeen Xaruntii ugu waynayd ee Almacruuf Bosaso,waxayna xireen Laba kale oo isla Bosaso ah. 2.Waxay xireen Isbitaalka National Laba maalmood ka hor. 3.Waxay xireen Warshada Isbuunyada maalin ka hor. Xubnaha fulinaya hawlgalladan ee argagixisada ah,waxay isticmaalayaan Taleefoonka Shirkada Somtel oo ka bilowda 06.. Ujeedka ay Ganacsatada ubartilmaameedsanayaan waa ka qaadida Lacag baad ah oo ay uyaqaabaan Sakawaat. Ilaa iyo hada laamaha amaanka Puntland waxba kama qaban arinkan soo xoogaysanaya,waxaana xusid mudan in Bosaso ay fariisin utahay Labada Ciidan ee ugu casrisan PL ee PMPF iyo PSF. Sidoo kale…

Read More

Jubaland waa Dhul Somaliyed ee ma’ahan Dhul Beesha Daarood kaliya ay leedahay. Tusaale? Jubbada Dhexe? 60%,waxaa dega Beesha Hawiye. 2%,waxaa dega Raxanweyn. 1% wax ka yarna,waxaa dega Jareerweyn. Halka Daaroodku ka dego 37%. Jubbada Hoose? 60%,waxaa dega Daarood. 40%,waxaa dega Hawiye. Gedo? 70%,waxaa dega Daarood. 5% ,waxaa dega Hawiye. 25%waxaa dega Raxanweyn. Macquul masii ahaan doonto in magaca iyo maqaamka nidaam ee JL Kismaayo lagu sii haysto,iyadoon Somali laga qaybgalin. Khasab,waxaa ah in Dhulka la dhigo talada Somalina laga soo qaybgaliyo. Hadaan sidaa la samayn,waxa Kismaayo ka jira kama duwanaan doonaan isbahaysigii Dooxada Jubba. Xalka Jubaland,waa mid Somaliyed ee ma’ahan…

Read More

Garoowe, June 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismail Mohamed Warsame, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada, oo ay soo xaadireen 52 Mudane. Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Cod aqlabiyad ah Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 52aad ee Goluhu ka shaqeyn doono mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan si rasmi ah…

Read More

Shirkadihii Shidaal ee Kenya ay Qandaraaska ku siisay in ay Shidaal ka qodaan Baddii ay kula muransanayd Somaliya,ayaa dalbaday in loo celiyo dhaqaalihii ay Dowlada Kenya ka hormarsatay. Shirkadaha,ayaa ku doodaya maadaama Badda dhanka Kenya laga waayay Shidaal oo qaybtii laga helayna loo xukumay Somaliya ay Dowlada Kenya soo celiso Lacag dhan $200-milyan. Dowlada Kenya,ayaa dhankeeda ku dooday in Lacagtii baxday laga soo qaado wax gubtay maadaama heshiiskii fashilmay oo uu yimid,waxaan la filayn. Balse Shirkadaha,ayaa shuruud uga dhigay Kenya haday rabto in la baabi’iyo heshiiskaas iyo Lacagihii lagu kala qaatay in ay Somaliya la gasho heshiis Gobol oo Shidaal.…

Read More

BC waxay xiriir toos ah lasoo samaysay Madaxweyne Deni. Arimaha ay kala hadleen,waxaa ugu waa weynaa Hal Qodob oo ah… 1.In PL ay kusoo laabato Geedi socodka dhismaha Dowladnimada Dalka shuruud la’aan. Maraykanka oo ugu cad cadaa Safiirada la hadlay Madaxweyne Deni,waxuu ku yiri…. “Ma yeelayno Dalkan in Ninba meel ooto,waxaan ka rabnaa daganaan siyaasadeed iyo la dagaallan argagixiso,PL waxay leedahay hadaf la yaqaan oo aysan lahayn DG kale ee ha lumin”. Hadalka M.Deni loosoo gudbiyay waa midkii M.Xasan loo sheegay Shalay,waxaana xoguhu tilmaamayaan in Safiiradu la hadleen Deni ka hor intaysan Shalay la kulmin Xasan. Marka la qiimeeyo jawiga…

Read More

Waa Khariiradii ugu macquulsanayd ee laga sameeyo Dhulka Somalida iyo sida ay Qabiilooyinku ukala degaan. Daarood awoodiisa Dhuleed oo lagu tilmaami karo 80% waa Dhulka haatan loo yaqaan Puntland ee Beelaha Harti. Galgaduud waxay Daaroodku ka degaan 1% wax lagu tilmaami karo. Gedo iyo Jubooyinka,waxay ka degaan Beelaha Daarood 70%. Dirta? Dhulka ay degto waxay ubadan tahay 90% Dhulka loo yaqaan Somaliland,guud ahaan Somaliyada kale si goos goos ah ayay ugu degaan wax lagu ururin karo 10%. Hawiye? Waa Beesha Labaad ee Dhulka ugu weyn degta marka laga soo tago Beesha Daarood,waxayna awoodeeda Dhuleed ka jirtaa Gobollada Dhexe iyo Banaadir…

Read More

Ururka argagixisada Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay Shan Qof oo ay ku Eedaysay “Jaajuusiin”. Dowladaha Mareykanka iyo Somaliya ayay ku eedeeyeen in ay u ahaayeen Jaajuusiin,balse masoo bandhigin Cadayn Alshabaab. Dadka ay toogteen Shabaab,ayaa ahaa Shan Nin oo da’doodu u dhaxayso 28 ilaa 52 jir. Xukunka,ayaa ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada-Hoose Khamiistii shalay. Maxkamadaha Argagixisadu maleh qareen difaaca eedaysanaha,waxaana awooda go’aan qaadashada leh Ninka Xaakimka ugu magacaaban ee markaas fadhiya Kursiga goobta ay ku tilmaamaan Maxkamada.

Read More

BC mowqifkeeda,ayay ucadaysay Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh. Afar Qodob,ayayna kusoo koobeen mowqifkooda ku Aadan Somaliya xiligan,kuwaasoo kala ah… 1.Ku laabo dagaalka argagixisada ee aad ka jeensatay. 2.Keen Puntland qiimo walba oo ay kuugu kacdo. 3 Jooji isku dhacyada Ciidamada ee Barawe iyo Bardaalle. 4.Jooji khilaafyada Siyaasiga ah iyo kala qaybsanaanta cusub. Si gaar ah Maraykanku ,waxuu usoo qaatay Puntland tusaale ah in si walba aan looga maarmin Geedi socodka Dowladnimada Somaliya,sidaa daraadeed Deni raadi haduu ku diido,Anagaa raadinayna,balse wakhti geli. Xasan,waxaa dharbaaxo ku noqotay in lagu yiri…”Mudo kororsiga haduu ahaan lahaa mid ku xiran dagaalka argagixisada waa fahmi lahayn,balse doorasho…

Read More

IC’s position declared their position to Hassan Sheikh They summarized their position in Somalia in Four points. 1. Go back to the war on terror that you turned away from. 2. Bring Puntland at any cost. 3 Stop the military clashes in Barawe and Bardalle. 4. Stop political conflicts and new divisions. Specifically, the United States has clarified its position on Puntlsnd’s important role and taken Puntland as an example of the rebuilding of Somalia’s government which cannot be without Puntland in any way. President Mohamoud is now dealing with a political slap as he was told… “If the extension…

Read More

Sideed sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya,ayaa ku dhintay qarax haleelay baabuurkooda oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab sida uu sheegay booliska Qaraxa ayaa Talaadadii ka dhacay gobolka Garissa ee waqooyi bari oo xuduud la leh Soomaaliya. “Waxaan weerarkan ku weynay sideed sarkaal oo boolis ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska gobolka Waqooyi Bari John Otieno. “Waxaan tuhun sannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha.”

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta booqasho ku yimi Xarunta Dhexe ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland. Madaxweynaha waxa xarunta kusoo dhaweeyay Gudddoomiyaha Guddiga Mudane Abdirisak Ahmed Said, waxa uuna xubnaha sare ee Guddiga iyo Hawlwadeenada TPEC ee Xarunta Dhexe ku bogaadiyay shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen isagoo ugu Hambalyeeyay inay soo qabteen Hawl Hufan oo shacabka Puntland iyo daneeyayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ba u riyaaqeen. Madaxweynaha waxa uu Guddiga iyo Hawlwadeenadaba ubalanqaaday in Dowladdu ay sii wadi-doonto tayaynta iyo taagerida guddiga doorashoyinka. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Guddiga Mudane Abdirsak Ahmed Said ayaa Madaxweynaha…

Read More

Madaxweyne Deni oo garab istaagay Shacabka Gedo,Barawe iyo Bardaalle. “Madaxda Dowlada Dhexe,waxaan usheegayaa in aysan samayn ficilladii ay ku dhaliili jireen Dowladii hore oo ay iyagu dhibanaha uhaayeen oo aysan Shacabka Gedo ka xirin Hawada kana joojin Diyaaradaha”Ayuu yiri M.Deni. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=4kBh0omxMQo&feature=share7

Read More

Garowe: 15 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Madaxweynaha oo jeediyay khudbadiisa Dastuuriga ah, ayaa Golaha la wadaagay horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga , Dimuqraadiyadda iyo Arrimaha Bulshada. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame , Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Golaha Garsoorka DPL, Xafiiska Xuquuqul Insaanka DPL, Ururada…

Read More

Ajandihii Golaha uqabsoomay Kalfadhigii 51-Aad? 1. Waxaa Golaha loo soo gudbiyey warbixinta guddiyada Golaha, taasoo ku aadanayd kormeerada iyo dabagalka Hay’adaha Dawladda, waxqabadka xukuumadda, baahiyaha bulshada iyo caqabadaha jira. 2. Waxaa Golaha lagu hor-dhaariyey Axmed Bashiir Askar Xuseen oo xubin ka noqday Golaha Wakiillada isagoo bedeley Allah ha u naxariistee Xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen. 3. Goluhu wuxuu xasaanad siiyey Xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha dadweynaha ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka. 4. Xasaanadsiinta xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah. 5. Ansixinta Wasiiro Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno, si waafaqsan qodobka 64-aad ee Dastuurka. 6. Soo saarista…

Read More

Garoowe, Juun 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Furitaanka Kal-fadhiga 50-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Senator ka tirsan Aqalka Sare ee JFS, Maxkamadda sare ee…

Read More

20-ka Bishan,waxaa la qabanayaa Doorashada Golayaasha Sadexda Degmo ee harsan. Bisha 7-Aad,waxay Maxkamada Dastuuriga ansixin doontaa natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka. Bisha Sideed,waxaa la dooran doonaa Duqyada Degmooyinka. 5-ta Xisbi,ayaa ansax noqon doona oo yeelan doona Miisaaniyadooda iyo maqaamkooda. Gudiga Doorashada rasmiga ah,ayaa la dhisayaa,waxayna soo diyaarin doonaan Doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha. Nov,ayay ubadan tahay in ay qabsoonto Doorashada Baarlamaanka Puntland oo markii ugu horraysay ku imaan doona Cod Dadweyne. 8-da Janaayo 2024,waxaa sidii caadada ahayd uqabsoomi doonta Doorashada Madaxweynaha,balse markan ku imaanaya Cod Dadweyne. Puntland Dimuqraadiyada oo la dhawray Sharciyadeeda,ayaa muuqata. Jibril Qoobey.

Read More

Kal-fadhiga Baarlamaanka Dowlada Puntland Berri foog si habsami leh,ayuu ufurmayaa hadii rabi idmo. Waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxweynaha Dowlada Puntland. Qodobada mudnaanta leh ee horyaala,waxaa ka mid ah…. 1.Doorashada Madaxweynaha oo loo rarayo Cod Dadweyne. 2.Doorashada Xildhibaanada oo loo rarayo Cod Dadweyne. 3.Xisbiyada oo loo rarayo 5-Xisbi. Jibril Qoobey.

Read More

Mareykanka,ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 5-Milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada. Eedeysanahan,ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka. Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kaib.

Read More

Wax qiimo ah oo uu leeyahay majiro Urur Goboleedka IGAD oo waa hore,ayuu dhintay. Warka kasoo baxayna waxba ma gooyo. Wadamada ku jira Labo,waxaa lagu maamulaa Xeerka QM ee Dalalka aan Siyaasiyan isku filnayn,waana Somaliya iyo S.Sudan. Itoobiya,iyadaaba dagaal sokeeye iyo burbur dhan walba ah la tacaalaysa. Kenya waxay la’adahay Miisaaniyadii Dalku ku socon lahaa,waxayna qarka usaaran tahay in ay iska bixin waydo Daymaha. Jabuti waa kaligii Taliye ku nool Dulaalka Saldhigyada reer Galbeedka iyo Somalida. Ugandha waxay ka dabarataa Miisaaniyada Ciidankeeda dhaqaalaha ay ku hesho hawlgalka Somaliya. Sudan way carowday oo waa ku daysay,mana soo noqon doonto abid. IGAD…

Read More

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa maanta la geynayaa maxkamad ku taalla magaalada Miami ee gobolka Flordia, isaga oo wajahaya 37 dacwadood ah oo la xiriira in uu si khaldan u maamulay dukumintiyo sir ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka. Amniga magaalada Miami ayaa aad loo adkeeyay. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/live/uZPyv-Wr1nY?feature=share7

Read More

The family from the Madhiban community of Bosaso, the young people were sentenced to compensation. The father of the family, who spoke to the media, said that he is grateful for the justice they received from the PL government and the community the youths came from. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1668611389470982146?t=M5iuGjoqEeMO7KmB9jgRmg&s=19 The court’s sentence for the young offenders is $4000 in compensation and 6-year imprisonment each. This shows that the Puntland Justice system is mature and powerful. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1668582377138929666?t=DdQlgvZoIHHPjvi6kk2Dlg&s=19

Read More

Qoyskii kasoo jeeday Beesha Madhibaan ee reer Bosaso,ayaa Dhalinyaradii lagu riday Xukun iyo Magdhow. Aabaha Qoyska oo Saxaafada la hadlay,ayaa sheegay in uu maqsuud ka yahay Cadaalada ay ka heleen Dowlada PL iyo Beesha ay Dhalinyaradaas kasoo jeedeen. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1668611389470982146?t=M5iuGjoqEeMO7KmB9jgRmg&s=19 Xukunka Maxkamadu ku riday dhalinyarada xadgydubtay,ayaa ah $4000 oo Magdhow ah iyo 6-5 Sano oo xarig ah Midkiiba iyo $1000 Ganaax ah. Tani waxay muujinaysaa in nidaamka Cadaalada Puntland yahay qaan-gaar awood leh. Halkan ka daawo hadalka Aabe Afwayne. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1668582377138929666?t=-90ryTx4eL046RPveTFVGw&s=19

Read More

President WilliamsRuto said that “ They have taken a decision with Somalia, Ethiopia, South Sudan and Kenya will be engaging face to face with General Burhan and General Dagalo in the upcoming 10 days” . The President of Kenya with his counterparts in Somalia , South Sudan and Ethiopia will take this initiative of mediation on behalf of igadsecretariat. The mediation face to face meeting with the two generals will negotiate with them in providing humanitarian assistance to the people of Sudan. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1668585273762914305?t=Thv-eG-4ESwihVfS11rQ4A&s=19

Read More

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky,ayaa ka falcelinayay Gantaalada Ruushka ee habeenimadii xalay ay ku garaaceen dhismayaal ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaala Kryvyi Rih. “Ruushku waxay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah dhismayaasha la dego, magaalooyinka caadiga ah iyo dadka,”Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine. Waxa uu tacsi u diray dhammaan kuwii eheladooda ku waayey,wuxuuna yiri.. “Argagixisada weligood lama cafin doono”. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=qcY7n2Mzgmg&feature=share7

Read More

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa muujiyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in uu kulan fool-ka-fool ah la yeesho jeneraalada isku haya Suudaan si loo xalliyo dhibaatada halkaas ka taagan. Waxa uu sheegay in Kenya, iyada oo ah Guddoomiyaha “quartet-ka” ee dalalka Gobolka ay ka go’an tahay inay si fool ka fool ah ula kulmaan Labada dhinac si loo helo xal waara. Dagaalka,ayaa Sudan ka socda tan iyo 15-kii April,kaasoo u dhexeeya Ciidamada, oo uu horkacayo taliyaha Ciidamada Cabdel Fattah al-Burhan, iyo Ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenkii hore ee Militariga Maxamed Xamdan Dagalo…

Read More

Silvio Berlusconi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga ayaa geeriyooday isagoo 86 jir ah. Wuxuu ku dhintay isbitaalka San Raffaele ee magaalada Milano, sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga. Berlusconi, oo ah maalqabeen caan ah ayaa saddex mar qabtay xilka Ra’iisul wasaaraha muddadii; 1994-1995, 2001-2006 iyo 2008-2011. Waa milkiilaha kooxda kubadda cagta ee AC Milan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=xWLRBqlvwM0&feature=share7

Read More

Muqdisho, Juun 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka,ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah. Dhanka kale…

Read More

Ergayga Q M ee Somaliya Catriona Laing,ayaa Dowladda PL ugu Hanbalyaysay Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee u qabsoomay 25-kii May 2023 iyo doorka bani’aadantinimo ee ay ka qaadatay colaada Laascasnood,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1667843215062454275?t=0im-Vj85RMM7Sfyy8VYlEQ&s=19

Read More

Waxaa xusid mudan in doorashadii 33-dii Degmo ay ku dhacdey rabitaanka Shacabka oo ka soo daaley nidaamkii hore ee Beelaha ku dhisnaa oo siyaasaddu ay u afduubnayd Dad gaar ah. Waxay ahayd Doorashadii ugu dhibta yarayd ee ka dhacda Somaliya,taas oo Puntland u soo jiiday sumcad ballaaran. Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta isa saaran ee isku danta ah,waxaa ka badan oo mudan in la tixgeliyo rabitaanka Bulshada. Puntland waa in ay horey ugu socotaa Dimuqraadiyada ku fadhida rabitaanka Shacabka. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni markii uu gaaray Hoyga,waxuu raaligelin buuxda siiyay Islaanka,isagoo usoo hoyday. Islaan Ciise,waa ka aqbalay usoo hoyashadaas Madaxweynaha. Kadib Madaxweyne Deni,waxuu Islaanka uxaqiijiyay in uu diyaar uyahay wadahadal uu la galo cid walba oo waxtirsanaysa. Si gaar ah,waxuu M.Deni uqeexay arimaha uu diyaarka uyahay in laga wada xaajoodo ee mudnaanta leh… 1.Doorashooyinka. 2 Dastuurka. 3.Xiliga kala guurka. Islaan Ciise,waxuu ballanqaaday in uu ku laabanayo Mucaaradka oo uu kasoo qaadayo waxa ay ka qabaan wada hadal ay la galaan Dowlada. Kadib marka uu la kulmo Mucaaradka in Islaanku Gogol dhigo,taasoo ay kasoo qaybgalaan Siyaasiyiinta iyo Isimada PL ,ayaa laysla fahmay.…

Read More