Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ka qeyb-galaya mudaharaad ay ku baaqeen mucaaradka oo ka socda caasimadda Nairobi. Dibad-baxyda ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha Isbahaysiga Azimio, kuwaasi oo ka cabanaya sicir-bararka nolasha Kenya oo aad u kacsan iyo sidoo kale dowladda madaxweyne William Ruto oo aysan ku qanacsanayn. Iska hor-imaad u dhaxeeya dibad-baxayaal dhagxaan tuuraya iyo booliska ayaa ka dillaacay qeybo ka mid ah Nairobi iyo ugu yaraan hal magaalo oo kale, taasi oo ah deganaansho la’aantii ugu horreysay ee dalka ka dhacda tan iyo markii sanadkii tegay la doortay Madaxweyne William…
Author: Jibril Qoobey.
Waxaa fashilmay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh Gobolka Gedo uqorshaysnaa in uu ku tago Arbacadan soo socota. Fashilka ku yimid,waxaa sababay Laba Qodob oo kala ah.. 1.Dadka reer Gedo oo ku xiray shuruud oranaysa,”ka jooji ku darsashada Axmed Madoobe ama yaysan aqoonsan Dowlada Fadaraalka’,taasoo Xasan uusan rabin in uu sameeyo,sababtoo ah laftigiisu diyaar uma ah doorasho xor ah oo JL midayn karta in ay dhacdo xiligan. 2.Itoobiya oo dhankeeda shuruudo ku xirtay,taasoo oranaysa “Hadaad rabto in asn Gobolkan kaala shaqayno nala dumi JL-ta Axmed Madoobe hogaaminayo oo aan kula dhisano mid cusub”taasna Xasan haatan waa ka war wareegayaa oo uma diyaarsana…
Dadaalka kooxda fadhida Villa Somaliya,waa in ay helaan dayn gaaraysa 30-Bilyan oo dolar,taasoo Somaliya loo ballan qaaday. Bisha Sep ee Sanadkan,waxaa qorshaysan in loo aqoonsado Somaliya Dal iskufilan lagana joojiyo Deeq oo dhan nooc walba ay tahay. Taa badalkeeda,wuxuu Dalku awood uyeelanayaa in uu qaadan karo dayn,waana sababta M.Xasan ugu dhagan yahay nidaamka midaynta Canshuuraha Dalka. Hadafka Xasan waa in Miisaaniyada Fadaraalka laga dhigo 2-Bilyan Sanadkii,isla markaana DG kasta lasiiyo 10-15 Milyan oo dolar Bishii. Taa badalkeeda DG walba ku wareejiyo Dowlada Dhexe Dekedihiisa iyo Garoomadiisa dakhliga uga soo xarooda. Dhamaan DG bartamaha iyo Koonfurta Dalka ku yaal,waxaa ka leh…
Kulanka Beri foog Afar Saac ku dhexmari doona Puntland iyo BC Nayrobi waa umuhiim Dowlad dhiska Somaliya. Puntland waxay la wadaagaysaa BC doodeeda ay ka qabto khilaafka iyada iyo Dowlada Fadaraalka dhexyaal. Waxay soo bandhigi doontaa qorshaheeda ku aadan diyaar garowga in lawada hadlo. Sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee ka yimaada BC,ayaa kulanka looga xaajoon doonaa. Villa Somaliya kooxda fadhida xiligan,waa ku filnaan waayeen in ay hogaamiyaan Dalka,waxaa khasab noqotay in girgirka lagula dhago oo aan lagu halayn Dowladnimada.
Madaxweyne Xasan,waxuu tagey Ugandha si uu tababar ugu soo xiro Ciidan halkaas ku xaraysnaa. Waa shaqo uu ku filnaa Ra’isalwasaaraha ama Wasiirka difaaca,balse loo Gacan banayn waayay. Ujeedka socdaalka Xasan waa ka weyn yahay tababar soo xirid ee waxaa ku hoos jira Rasaas iyo Hub Musafeni laga soo qaadayo oo la qarinayo. Waxa ugu weyn oo Xasan iyo kooxdiisu isla gaabinayaan waa Ciidamo gaaraya 10-kun oo loogu kala tababarayo Turkiga,Masar,Eretereya,Jabuti iyo Ugandha in ay soo laabtaan oo ay qalabaystaan. Qorshaha Ciidankaas laga leeyahay waa in bartamaha iyo Koonfurta Dalka laga hirgeliyo Hawiye Power Kursiga lagu sii haysto laguna lunsado Deeqaha…
Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZVpYi1DHTuc
Golaha dhexe ee TPLF,ayaa waxaa la sheegay in Getachew Redan ayu doorteen inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega doorashadii uu qabtay. Telefishinka Gobolka Tigray, ayaa sheegay in Getachew Reda ay kooxda TPLF u dooratay inuu noqdo madaxweynaha maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee Tigrayga. Sida ku cad heshiiskii ay dawlada dhexe iyo kooxda TPLF bilo ka hor ku gaadheen magaalada Pretoria, ayaa ahaa in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddaasi, iyadoo lagu go’aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo sameeyo gobolka Tigray. Ka dib marka la dhiso ay maamulka ku meel gaarka…
GOORMAAD WAX GARATAAN Ujeedada laga leeyahay dagaalka lagula jiro Shabaab ma ka duwan tahay middii laga lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah ee markii dambe Shabaab u xuub siibtay. Waxaan ognahay in aasaaska Maxkamadaha Muqdisho aysan ka dhalan mukhlisnimo iyo niyad wanaag loo qabo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee looga dan lahaa in lagu maareeyo dilalka, dhaca, kufsiga, boobka iyo dulmigii xad dhaafka ahaa oo ka dhex socday dagmooyinkii Muqdisho oo beel beel loogu habsaday oo marakan dulmigii iyaga harqiyey oo har iyo hoyaad u diidey ayaa waxay damceen iney diinta Islaamka ka dhigtaan “AALAD BEELAHA HAWIYE LAGU KALA CELIYO”. Waad xasuusataan…
Sideedaba siyaasaddu, waa ku dhiirasho wakhtiga munaasabka ay tahay si aad dhaxal iyo xusuus uga tagto. Taarikhdu iyadaa dib isu qorta. Waxaan soo xusuustaa, si la mid ah waxa maanta taagan, in laga bilaabo 2012 ilaa 2014 in xiriirka Puntland iyo dowladii hore ee Hassan Sheikh uu aad u xumaa oo wax wada shaqayn ah aysan jirin. Iyadoo uu xaal sidaasi u cakirnaa, ayaa waxaa xalkeeda u guntaday PM Abdiweli Sheikh Ahmed magacaabistiis kadib December 2013, isagoo isla markiiba ku dhaqaaqay talaabooyin odaytinimo oo dib loogu soo celinaayey kalsoonida labadda dhinac (Confidence building measures). Ugu dambayntina wuu guuleystay, taasoo keentay…
Khasaarihii dagaalkii Maanta? Hargeysa? Waxaa la geeyay 110-Askari oo dhaawac oo ay kujiraan 4-Saraakiil sar-sare ah. Oog? Wadarta guud Askarta dhaawaca ah ee la geeyay oo markii danbe geeriyootay laguna aasay Oog waa 45-Askari. Waxay kala ahaayeen 7-Sarkaal oo ay kujiraan Labo Taliye Guuto,Madaxii Tababarada Guutada 9-aad, 2 Abaanduule Guuto. Burco ? Wadarta Guud ee dhaawaca la geeyay waa 165-Askari. 10-waxay Ku dhimatay Isbitaalka Burco. 50-Askari waa Dhaawac halis ah. Ciidamada SL ee goobta dagaalka ku maqan? Inta ku dhimatay goobtii dagaalka ama lala yahay ama la qabtay Askarta SL waxay isku dar noqonayaan 73-Askari. Wadarta guud khasaaraha soo gaaray…
400-kun iyo jajab Shacabka PL ee ka weyn Da’da 18-jirka ah,ayaa isku diiwaangelisay Doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in Laba Gobol aysan Diiwaangelin ka qabsoomin,kuwaasoo kala ah Sool iyo Cayn. Sidoo kale Bulshada Puntland Boqolkiiba Lixdan waa Dadka ka yar Da’da 18-jirka. Taasi waxay ka dhigan tahay Boqolkiiba Toban in Bulshada PL isdiiwaangelisay. Ma xuma xaqiiqdii marka la qiimeeyo Diiwaangelintan caqabadaha ku hareeraysnaa. Runtii Saakay PL in ay shaaciso Diiwaangelin,iyadoo dhanka kalana dagaal ka socdo Gobol ka mid ah Gobolladeeda waa wax weyn. Dadkii Madaxweyne Deni ku diiday sii wadida Diiwaangelinta oo aan Anigu ku jiray waa nalooga lahaa,waana saxsanaa go’aankii…
Dhaawicii Siyaasadeed ee Sanadka 2023,waxuu ku dhacay Xamse iyo Axmed. Dhaawacaasi,waxuu ahaa markii,iyagoo fadhiya PL oo ehel soke la ah loo xilsaaray Masuuliyiin kale in ay xal ka raadiyaan. Iyaga iyo hogaanka PL waa kala fogaan karaan,siday ku timid dib ugu mashquuli mayno,waxayse ahayd xataa ugu yaraan in ay diidaan in lagu qoro Warmurtiyeedka oo ay ku dagaallamaan si isfahan Odaytinimo ah in loogu diro Ergadaas. Ceeb iyo bahdil way ka saraysaa waxa ku dhacay Axmed iyo Xamse ee waa dhaawac Siyaasadeed oo taariikhda galay kuna yimid damiinimo Siyaasadeed. Puntland loolankii Villa Somaliya way ku adkaatay si buuxda,talada Dalkana,iyadaa marti…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga ayaa shaaciyay wadarta guud ee liiska horu-dhaca ah ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland ee Diiwaangelintu ka qabsoontay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/r2ChxvhZxOU
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baarayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday. Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social saacadihii hore ee Sabtida maanta ah ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xiri doono Talaadada toddobaadkan.”…
Waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubaland oo gaaraya 200 oo Qof,ayaa ku shiray Nayrobi. Kulankooda waxay ku falanqeeyeen xaalka xiligan ee Jubaland waxayna soo bandhigeen dib udhacyada waa weyn ee jira. Haldoorka isku yimid,ayaa soo saaray Warmurtiyeed ay kaga hadleen Jubaland iyo guud ahaan Somaliya. Dareenka taagan waa mudo kororsiga sharcidarada ah ee Axmed Madoobe samaysanayo iyo horumar la’aanta Gobolka haysata. Jibril Qoobey.
Halkan hoose ka daawo muuqaalada Maxaabiista iyo Gaadiidka ay ka qabsadeen Ciidamada SSC kuwa SL. Muuqaalka 1-Aad Muuqaalka 2-Aad Muuqaalka 3-Aad Muuqaalka 4-Aad
Dagaalka Laascaanood,ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaas. Dagaalka,ayaa markii hore ka bilowday Aaga Bari ee Maraaga,waxaana isku haleelay Ciidamada uu hogaaminayo Jimcaale iyo kuwa Somaliland. Khasaare,ayaa ka dhashay dagaalkaas iskugu jira dhimasho,dhaawac,Maxaabiis,Gawaari lakala qabsaday iyo kuwo lakala gubay. Dagaalku,waxuu ku fiday markii danbe Aaga Galbeed oo uu ka dhacay dagaal xoog badan oo dhaliyay khasaare xoog leh,waxaana si weyn ugu jabay Ciidamada Somaliland. Aaga Galbeed,waxaa Somaliland looga gubay 3-Gaari,iyadoo looga qabtay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal oo gaaraya Sadex Gasri oo kala ah.. 1.Gaari Suu ah. 2.Gaari Beebe ah. 3.Gaari Jiib ah. Ciidamada Somaliland,ayaa Madaafiic kusoo garaacay Guryaha…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sameeyay guddi hoggaamin doona xisbigiisa haddii la xiro, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saacado ka hor inta aan la horgeyn maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo. Halyeeygii hore ee cricket-ka xulka Pakistan ayaa hoggaaminayay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay, kadib markii xukunka laga riday sannadkii hore, waxaana la diiwaan geliyay kiisas badan oo isaga ka dhan ah. Booliska ayaa isku dayay inay qabtaan Talaadadii, laakin kuma guuleysan, taasoo keentay in ay isku dhacaan taageereyaasha xisbigiisa. “Waxaan sameeyay guddi go’aano qaadan doona – haddii – la i xiro”…
Xalku waa kaliya in Calanka iyo Basaboorka lagu midaysnaado oo ay utaagnaadaan midnimada sinjiga Somaliga. Amniga iyo dhaqaalaha waa in dib loogu kala baxaa oo DG walba yeeshaa Lacag ugaar ah iyo Ciidan ugaar ah. Somaliland gooni istaag bay weli taagan tahay,waxaa lagu soo xarayn karaa Konfedereeshin ay iyagu haystaan amnigooda iyo dhaqaalahooda. Bartamaha iyo Koonfurta Dalka wax ka badan Calan iyo Basaboor lalama wadaagi karo loomana Gacan gelin karo,sababtoo ah mahan Deegaamo laga tixgeliyo Sharciga iyo nidaamka. Qabyo tirka Dastuurku waa Konfedereeshinka oo loo guuro lagana heshiiyo Xarunta,hogaaminta iyo mudo xileedka. Somalida layskuguma dhiibi karo awoodaha dhaqaalaha iyo amniga.…
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1636773970069561344?s=20
Sadexda Qodob Shirka Madasha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka marnaba PL qayb kama noqon karto. Amniga? Ma jiro haba yaraatee Saad Amni oo Xamar uga yimaada PL. Majirto Qalab iyo Gaadiid Amni oo Xamar usoo mara PL. Majirto Mushahaar,Guno iyo tababar Ciidan oo Xamar uga xiran Puntland. Majiro qorshe,hogaan iyo xog amni oo ka dhaxeeya PL iyo Xamar. Midaynta Canshuuraha? Puntland kuma wareejinayso Ilaheeda dhaqaale Dowlad aan laysku halayn karin oo aan masuul ahayn. Dastuurkeeda,ayaa uqeexaya awoodaha ay ku wareejin doonto Dowlada Fadaraalka marka lays waafajiyo Labada Dastuur oo la qabyo tiro kan Fadaraalka. Puntland habayaraatee majiri karo caqli saliim ah…
Warmurtiyeedka Shirka Madasha Baydhabo ee Bartamaha iyo Koonfurta Dalka,ayaa maanta lasoo saarayaa. Qodobada kasoo bixi doona,waxaa ka mid ah… 1.Baaq xoojin iyo dardargelin ah oo ku aadan dagaalka argagixisada. 2.Is afgarad ku aadan midaynta Canshuuraha. 3.Doorashooyinka oo laga dhigayo Galmudug,Hirshabelle iyo JL Dec 2024,halka KG ay noqon doonto Jan.2024. Dhamaan Qodobadan waxay ubaahan yihiin hirgelintooda Somali midaysan iyo Dastuur qabyo tiran. Sidii la filayay Shirkan,waxaa macno tiray maqnaanshaha PL,waxaana laga ilaalshay oo kaliya in uu fashilmo oo lagu soo kala dareero. Warmurtiyeedka kasoo bixi doona Shirkan kama duwanaan doono Waraaqo lagu sii qoray Imtixaan tijaabo ah. Jibril Qoobey.
12-ka Kun ee Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kasoo gudbaya Xuduuda Gedo iyo Ciidamada la diyaarinayo waxay Aas-aas uyihiin Jubaland-ta cusub. Ciidamadaas waxay isku furi doonaan Gobolka Gedo,kadibna waxay xorayn doonaan Caasimada JL ee lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha Aug 2024. Qorshahan,waxaa wax ka og Xasan Shiikh,waxuuna ku garabsiinayaa Siyaasiyiinta ay xiligan jaanta isla hayaan ee reer Gedoodka ah. Axmed Madoobe,waxuu Baydhabo ufadhiyaa oo usamaynayaa tanaasul walba oo ka hor imaanaya Dastuurka JL iyo kan fadaraalka in ilaa December 2024 loo sharciyeeyo mudo kororsigiisa. Jubaland,waxaa la joogaa markii loo heli lahaa hogaamiye mideeya. Jibril Qoobey.
Baarlamaanka Puntland,waxuu go’aamin doonaa in Doorashada Baarlamaanka soo socda ee badali doona kan hada jooga lagu soo doorto doorasho dadban. Halkii Xildhibaan,waxaa dooran doonta 400 oo Ergay. Fikradan,waxaa isla qaatay Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiga doorashada,waxaana ansixin doona Baarlamaanka. Deni,waxuu go’aansaday in uusan isku dayin mudo kororsi markii uu arkay sida aysan PL uga gadmayn. Balse,waxuu rabaa in ugu yaraan uu wax kusoo kordhiyo hanaankii doorashada PL ee 20-kii sano udanbeeyay ay ku soo dhaqmaysay. Aragtidan Bulshadu way soo dhawaynaysaa oo waxay meesha ka saaraysaa Odoyaashii dhaqanka iyo Siyaasiyiintii ku daabnaa ee soo qoran jiray Xildhibaanada. Waxayse ku qurxoon tahay in…
Qodobkii Doorashooyinka dib,ayaa looga soo daray Shirka Baydhabo. Si guud,waxaa laga xaajoonayaa Sadexdii Qodob ee kala ahaa.. 1.Doorashooyinka. 2.Amaanka. 3.Midaynta Canshuuraha. Qodobadan waxay qayb ka yihiin dhamaystirka Dastuurka,balse waa la farataysanayaa. Doorashooyinka in la mideeyo,waxaa ka horeeya in uu jiro Dastuur qeexaya oo rasmi ah. Amaanka,waxaa la rabaa in ay jirto siyaasad amni oo Dalka midaysa,waana in Dastuurku dhamaystirmaa. Canshuuraha in la mideeyo,waxaa ka horeeya in Dastuurka la qabyo tiro. Dastuurka qabya tirkiisana waxay ku xiran tahay in Somaliland xaalkeeda meel la saaro.
Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=igAaAxfPmLQ
Tuli-guuleed waa Deegaankii uu kasoo go’ay Qamadigii uu ku faanayay Abiy in dalka dibadiisa loo dhoofinayo. Waa Deegaan Beereed Qani ah oo Deegaanka Somalida ka tirsan,waxayna ku taal Xuduuda Oromada. Deegaankan,waxaa qandaraas ay ku maalgelinayso oi ku kacaya 300-Milyan oo dolar u ogolaatay Shirkada samaysa Biirta. Abiy oo ka duulaya Deegaankaas Barwaaqadiisa in Somalida Gacanteeda laga saaro,ayaa Degmo ka dhigay Makanisa oo ka tirsan Oromiyaa. Deegaankan,waxuu kaloo 97-km ujiraa Seylac oo Oromadu qorshaysanayso in ay Deked ka dhisato mustaqbalka dhow. Haatan Deegaanka Tuli-guuleed waxuu bartanka ugalay Laba Degmo oo Oromo leedahay oo kala ah Makanisa iyo Jinacsaney. Shalay Dadkii Deegaanka,ayaa…
Goor-dhow la soco Shir-jaraa’id oo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ay ku qabteen xaruntooda dhex ee Garowe kuna soo xireen Diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lwWDgVT1XMA
Baydhabo, Maarso 15, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NXEesCmyv7A
Waa loo baahnaa isku dayada Itoobiya ee ku aadan LC in la fashiliyo. Garaadadu go’aan waxtar leh ayay qaateen markii ay diideen in ay tagaan Adis-ababa. Itoobiya waxay isku dhex wadaa qorshayaal is hardinaya oo aan lahayn jiho loo raaco. Balse fahamka ugu weyn waa in ay reer Galbeedka aragtidooda ka fogaanshaha Beesha Daarood la qabto ama uga horayso. LC in ay waa la difaacayaa xataa hadii Nato laysku arkayo. Jibril Qoobey.
Waxaa jira warar sheegaya in laga saaray Ajandaha Shirka Baydhabo Qodobkii Doorashooyinka. Sababta looga saaray Ajandaha,ayaa lagu sheegay maadaama Puntland ay ka maqan tahay Shirka. Shirkan oo markii hore qorshaysnaa in uu furmo 15-ka Bisha,ayaa kadib dhacay,waxaana maqaamkiisa hoos udhigay kasoo qaybgal la’aanta PL. Jibril Qoobey.
Markab siday Geel dhan 1634 Neef oo kasoo anba baxay Dekeda Berbera,ayaa laga celiyay Dekeda Jidah ee Sacuudi Carabiya. Waxaa lagu amray Markabka in uu soo maro Wado sax ah iyo habraac la aqoon san yahay. Aqoonsiga laga rabo waa midka Dowlada Somaliya ee la aqoonsan yahay. Safaarada Somaliya ee Sacudiga ku taal,ayaa horay ugala hadashay Ganacsatada Somalida ee xoolaha kasoo dhoofsada Berbera in ay maraan habraaca la aqoonsan yahay ee Dowlada Federaalka Somaliya. Somaliland waxay bixisaa aqoonsi calaamadeedu ay saaran tahay oo aan la aqoonsanayn,waana midaas mida dhibka keenaysa. Dhawr mar ayay arintan oo kale horay ugu dhacday Ganacsatada…
War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland (Puntland Economic Corridor & Investment Conference) oo maanta ku soo geba-gaboobay magaalada Garoowe Shirkan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 40 shirkadood oo isugu jira shirkado Caalami ah iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa intii uu socday si weyn loogu lafa guray Fursadaha maalgashi ee kajira Puntland. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xiritaankii shirka Khudbad dheer ka jeediyay ayaa kasoo qaybgalayaasha la wadaagay qodobo badan oo laga faa’iidey shirka mudadii Sadexda maalmood ahayd. Halkan ka akhriso:-
Kadib markii ay xaqiiqowday in aysan PL sinaba uga qaybgalayn Shirka Baydhabo la baajiyayna socdaalkii Laftagareen ee Garowe,ayaa lagu adkaystay in Shirku qabsoomo. Puntland waa uguul Siyaasadeed in Dowlada Fadaraalku kusoo ururto Bartamaha iyo koonfurta Dalka,si gaar ahna iyada loola macmiilo. Shirkan,waxuu xaqiijinayaa doodii PL ee ahayd waxqaybsiga Dalku,waa Sadex meelood oo kala ah… 1.PL 2.SL. 3.B.iyo K. Mar walba oo PL iska ilaaliso ku milanka Xamar iyo Maamulada laga biilo Dekeda Muqdisho waxay helaysaa Mashaariicdeeda horumar,waxayna difaacaysaa Fadaraalka iyo Dowladnimada Somaliya. Madaxweyne Deni waa ku amaanan yahay in uu Albaab walba kasoo xirtay kooxaha qabsaday Villa Somaliya ee D+D.…
Shirka Baydhabo,waa mid ku kooban B&K Dalka oo aan miisaan lahayn. Caalamka ay ku tiirsan tahay taageeradooda Dowladnimada Somaliya waxay kula shaqeeyaan Somalida is ogol. Qodobada looga xaajoonayo waa Sadex kala ah… 1.Amaanka. 2.Fadaraalaynta hanaanka maaliyada. 3.Doorashooyinka. Sadexda Qodob midna wax kama qaban karaan… 1.Amaanka majirto Siyaasad midaysan oo Dalka kawada dhaxaysa,waxa ugu weyn ee kasoo bixi kara waa baaq la dagaallanka argagixisada ah. 2.Hanaanka Maaliyada ee lawato waa mid Dowlad Dhexe usamaysan oo la rabo in hal Gacan lagu shubto Canshuuraha kasoo xarooda Dekedaha iyo Garoomada Dalka. Galmudug,Hir-shabelle iyo KG maleh Ilo dhaqaale kasoo xaroodo oo lagala wareegayo oo…
Itoobiyaanku waxay wadaan waa badbaadinta Muuse Biixi. Deni casuumadiisa Adis waa in ay jihada dagaalka khaldaan kuna saaraan cadaadis PL in ay dagaalka ay sida dadban ugu jirto ka baxdo. Balse M.Deni mowqifkiisa uu la hor tagayo Itoobiyaanka waa cad yahay,waana ” PL dagaal kuma jirto”. Gudoomiyaha Baarlamaanka SL iyo Xisbiga Cirro,waxaa loo casumay iyagana in ay culayska ka yareeyaan Muuse oo doorashada aqbalaan,isla markaana joojiyaan taageerada ay uhayaan kacdoonka Shacabka LC. Itoobiya waxay fahansan tahay dagaalka LC in ay PL wado,isla markaana Xisbiga Waddani door ku leeyahay. Muuse Maanta,ayaa Adis laga sugayaa. Jibril Qoobey.
Waxba kama jirin ku dhawaaqistii Madaxweyne Xasan ee ahayd in uu hayo Dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Wadada Garacad-Goldogob. Waxa uu madasha ka sheegayay waxay ahayd Lacag Laba Milyan oo dolar ah oo xiligii Fahad ay Odoyaal reer Goldogob ah si Abtinimo ah uga codsadeen Fahad in uu ugu daro qorshaha Qaranka Wadada Goldogob-Galkacyo,taasoo hada ADB usoo ogolaaday. Wax kale uma hayo Wadadaas,dhawaan weftigii Xamar kula kulmay ee ka socday Dekeda,waxuu ku yiri qorshaha Qaranka,ayaan idinku daray. Kuma jirin arimaha lagu yaqaanay M.Xasan Beenta marka laga soo tago Eexda iyo musuqa. Wadada Garacad-Goldogob xiligan dhismaa ku socda,waxaana Gacanta ku haysa Shirkada…
Xeer- ilaaliyaha Fadaraalku,waxuu udanbeeyay Dadka kasoo jeeda Puntland ee xilalka ka haya Dowlada Fadaraalka oo la beegsanayo. Waa go’aan cad oo Madaxweyne Xasan soo jeediyay kuna amray kooxdiisa in Qofkii PL kasoo jeeda aan shaqo laga siin Fadaraalka kan hayana laga qaado. Xeer- ilaaliyaha,waxaa laga dalbaday in uu iscasilo,qaatana Lacag Rubuc Milyan dolar ah,markuu diidayna,waxaa loo gudbiyay Baarlamaanka. Booskiisa,waxaa udiyaarsan oo lagu badalayaa Mungaab oo la rabo in uu sharciyeeyo mudo kororsiga la diyaarinayo. Puntland waa awood xoog badan markay timaado Siyaasada Somalida,Madaxweyna walba oo la dirira ugu danbayn isagaa Siyaasada ka baxa. Jibril Qoobey.
Ruwaayad iyo ka fogaansho waaqici,ayuu weli ku dhex jiraa hogaamiyaha SNM Muuse Biixi. Shalay Garaadada,waxa uu ku sheegay argagixiso,maantana waa la hadlayaa oo iyagaa Sool matala,ayuu leeyahay. Dagaalka LC horay,waxuu ku sheegay mid SL dibada looga soo duulay oo ay iska kaashadeen PL iyo argagixiso,saakayna,waxuu leeyahay waa dhibaato reer SL dhextaal oo iyadoo kale ay horay uga dhex dhici jirtay. Miyuusan ogayn in Garaadadii Sool ay la kulmeen QM oo dhawaan qaraar cad soo bixi doono? Miyuusan ogayn BC in ay xoortay oo Mucaaradkiisii iyo Gudoonkii BL Adis lagu shirinayo? Miyuusan ogayn LC in ay xor tahay loona sameeyay difaac…
Muqdisho, Maarso 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Itoobiya ay u soo magacaabatay Soomaaliya Mudane Muktar Mohamed Ware. Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Muktar Mohamed Ware…
Shirweynaha Maalgashiga Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland oo si habsami leh usocda Garowe,ayaa waxaa ka mid ah wafuuda ka qaybgalaysa wefti ka socda DDSI. “Bulshada DDS waxay kasoo wareegayaan Dekeda Berbera,waxayna usoo wareegayaan Dekeda Garacad”Ayuu yiri Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-JIrfD2RJA4
Garoowe: 14 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad ay Dowladda Puntland Kula wareegtay 13 Gaadiid ah oo ay Dowladda Imaaraadka ugu deeqday Dowladda Hoose ee Garoowe. Gaadiidka ay maanta la wareegtay Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka kooban Cagaf-cagafyo, Dabdamis, Basas, Bukaan-Laroor, Gawaari nooca xamuulka ah iyo kuwo yaryar , waxaana loogu talagalay in lagu dardargeliyo adeega Dowladnimo ee Xafiiska Degmadu u hayo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay deeqdan Gaadiidka ah, wuxuuna kormeeray gaadiidka oo lagu soo bandhigay Munaasabadda isagoo warbixinta Gaadiidkan ka dhegaystay Guddoomiyaha Degmada…
Waxaa faahaahin dheeraad ah ka soo baxaysa qarax saaka arroornimadii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Warrarka,ayaa sheegaya in ugu yaraan shan askari iyo afar qof oo ra’yid ah ay ku dhinteen weerarkaas. Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa,ayaa la sheegay in lala beegsaday Gurigaaas oo ku dhawaa xarumo Dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere. Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.
Weftigii Golaha amaanka QM ee xaqiiqo raadinta ahaa,waxay kula kulmeen Caasimada PL ee Garowe Garaadada Beesha Dhulbahante. Garaadadu waxay ka hadleen Gudiga xaqiiqo raadinta ah Lix Qodob oo kala ah… 1. Taariikhda Dhulbahante. 2. Daraawiish. 3. Doorka xornimada ee Dhulbahante. 4. SL in aysan qeyb ka ahayn. 5. Dhibkii dhacay oo SL dusha ka saareen. 6. Magaca siyaasadda SSC-Khatumo. Gudiga oo qorshahoodu ahaa in ay tagaan Laascaanood ayaysan usuuroobin maadaama dagaalku weli socdo. Sidan oo kale Gudi xaqiiqo raadin ah ayay Qaramada Midoobey udirtay Hargaysa si ay wax uga soo waydiiyaan xasuuqa dhankooda maamulka SNM ee Muuse Biixi. Kulamadan kadib…
Go’aano ka soo baxay ka soo baxay Gudiga Amniga Gobolka Mudug kuwaas oo lagu dardargalinayo adkaynta Amniga Gobolka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/gpLEKyZemMc
Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai. Riyadh Air “ayaa ujeedkeedu yahay inay duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 goobood oo caalamka ah kahor 2030,” waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA. Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu…
Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada PL ee Shirka Xamar? Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay go’aan ku qaadatay in aysan ka qaybgelin Shirka Xamar ee uu diyaarinayo Wasiir Faarax. Sababta aysan uga qaybgalayn ayay ku sheegtay in danta laga leeyahay ay tahay igu sawir la tusayo Deeq bixiyayaasha caalamka. BC,ayaa shuruud uga dhigtay Wasiir Faarax in uu Puntland keeno Shirka,hadii uu awoodi waayana,waxeeda gaar loo siinayo oo loo tixgelinayo cabashadeeda. Faarax,waxuu si cad utaagan yahay in wax loo qaybsadaa Somaliya iyo Somaliland. Somaliya oo uu udhigayo Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray oo PL ku jirto in Xamar la hoos keeno,ayuu qabaa. PL waxay taagan…
Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uusan Xasan Shiikh kasoo saarin Godka Siyaasadeed ee uu ku dhacay. Xasan Shakal Siyaasadeed,ayaa qabsatay… 1.Maraykanka oo dagaalka argagixisada taageerayay,waxuu ka niyad xun yahay sida shaqadu usocoto. 2.Reer Yurub maba ku faraxsana dagaalka argagixisada. 3.Qatar shuruudeedu waa Alshabaab oo lala heshiiyo lala sameeyo awood qaybsi Dowladeed. 4.Imaaraadku waxay taagan yihiin saxiix Saldhiga Milleteri hadaad hiil naga rabto. 5.Turkigu si Odaytinimo ah,ayuu uxeeladaysanayaa. 6.Gudaha dalka,waxay wax ku socon karaan wada shaqaynta Dowlada Dhexe iyo DG,taasna,waxaa fashiliyay khilaafka PL oo ah (Awood Siyaasadeed aan la dhayalsan karin). Puntland oo ka duulaysay isbahaysi Siyaasadeed macnana uusan usamaynayn isbahaysi…
Garoowe : 13 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garoowe ka socon doona muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shirweynahan oo uu tilmaamay in wax weyn laga faa’idi doono, xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga , Ka Dowlad ahaana Puntland soo dhoweynayso in la maalgashto Dalka . Furitaanka Shirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo iyada soo diyaarisay Kulanka iyo Goleyaasha kale ee Dowladda Puntland, Rugti Ganacsiga ,…
Bosaso: 13 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 16 ee 11-da March 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahidda loo qabo dardar-gelinta dhismaha Wadada Dangoroyo – Ely ee Gobolka Nugaal. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Guddiga Dhismaha Wadada Dangorayo – Eyl loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin :- 1. Aadan Maxamed Ciise Guddoomiye 2. Cismaan Guureeye Kaarshe G.Kuxigeen 3. Cawil Xasan Tooxyare Xubin 4. Mukhtaar Cabdiraxmaan Xubin 5. Faysal…
Garowe: March 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxay mudanayaashu ku falanqeeyeen xaaladda Bani’aadanimo ee Gobolka Sool iyo doorka Golaha Wakiillada ee ka qeyb galka arrimaha Bani’adanimino ee dadka ku waxyeeloobey weererada arxandarada ah ee maamulka labaxay Somaliland uu geystay magaalada Laascaanood. Dood iyo falanqayn kadib Guddiga Joogtada ah ayaa waxay go’aamiyeen in Golaha Wakiilladu qaaran lacageed kaga qeyb gaato Gurmadka Bani’aadanimo ee Laascaanood. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada…
Maxay yihiin caqabadaha ugu waa weyn ee ku gadaaman helida Jubaland lawada leeyahay.? 1.Axmed Madoobe oo aan rabin in JL lala yeesho,maamulkeedu baaho lagana baxo Kismaayo,si gaar ah ma danaynayo in Gedo xal loo helo oo ay JL-ta kale soo raacdo. 2.Waa itoobiyaanka oo raba in Gobolkan uu noqdo mid ay kula gorgortamaan JL iyo Fadaraalka,diyaarna uma ah in ay wareejiso oo waxay urabtaa in uu ahaado balo xijaab Somaliya ay ku dhex haysato. 3.Waa kooxaha ku xiran Itoobiyaanka oo hankoodu hooseeyo kuna kooban yahay Canshuurta,Maamulka iyo Nabadsugida in ay iska haystaan. 4.Waa Fadaraalka oo mar walba M.fadhiyaa uu dibindaabyeeyo…
Waxaa jira iskuday Gawaarida Qudaarta ukala qaada PL iyo Koonfurta Dalka loogu soo rarayo Hub,sida xogo la helayo sheegayaan. Rasaaasta lagu soo rarayo Gaadiidkaas,ayaa iskugu jirta mida culus iyo Gumucyada Madaafiicda Goobta M-30 D-30 jntapinte. Waxay usocotaa Rasaastaas Ciidamada SNM ee ka dagaallamaya duleedka Laascaanood. Rasaastan,ayaa laga soo raray Xeryaha Ciidanka Hiil Walaal ee Jabuti oo ku kala yaal Hiiran iyo Galguduud,sida xoguhu sheegayaan. Jabuti dhawr jeer,ayaa lagu tuhmay in ay Saanad Ciidan ugu soo gudbisay Ciidamada SNM Diyaarado. Balse xogtan waa qorshe cusub oo ka duwan kuwii hore khatartiisana leh. Jibril Qoobey.
M.Xasan si weyn,ayuu ugu soo hungoobay Qatar iyo Imaaraadka booqashooyinkii uu ku tagey ee ku salaysnaa dhaqaale raadinta. Imaaraadka iyo Xasan ? Markii ugu horaysay waxay shuruud uga dhigeen in uu lasoo heshiiyo Yuhuuda,waana aqbalay oo qarsoodi,ayuu ku tagey kuna soo saxiixay heshiiskii (Abraham). Kadib,waxay ku xireen Saxiixa Dekedaha Bosaso,Berbera iyo Muqdisho oo qayb ahaan laga siiyo iyaga,waa fuliyay Berbera iyo Bosaso,wayse ku adkaatay faragelinta mida Muqdisho ee Turkigu haysto. Markale,ayuu ku laabtay Imaaraadka,waxayna hordhigeen in uu Saxiixo Saldhig Milleteri oo 50-sano ah,kaasoo Bosaso ay ka samaysanayaan,waase ku dhici waayay oo Maraykanka,ayaa uga digay. Xasan,waxuu soo jeediyay in Saldhiga loo…
ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND. Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo…
Boosaaso: 11 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 14 ee 8-da March 2023, kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntand Qodobkiisa 54-aad Markuu arkay: Baahidda loo qabo ka faa’iidaysiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan noocyada kala duwan ee Macdenta. Markuu arkay: In aanay jirin Sharci dhaqangal ah oo lagu canshuuro ama lagu bixiyo shatiyadda Khayrkaadka Macdenta. Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo habraaca lagu jaangoynayo canshuurta iyo khidmadaha ka ganacsiga…
Madaxweyne Deni,waxaa casuntay Dowlada Itoobiya,waxuuna aadayaa maalinka Berri foog ah. Sidoo kale waxay Dowlada Itoobiya casuntay Muuse Biixi hogaamiyaha SNM. Itoobiya waxay rabtaa in dagaalka LC ay ubadasho mid dhexyaal PL iyo SL oo ay kawada xaajoodaan isna hor fariisiso Muuse iyo Deni. “Dowlada Puntland waxay ku bixisay dagaalkan Hub,Saanad,Dhaqaale iyo adeegyo kale oo muhiim ah”Ayay leedahay Itoobiya. “Itoobiya waxay og tahay waxa ka dagaallamay LC ilaa hadana difaaca ku jira in ay yihiin Ciidamada Dowlada Puntland oo Shaarka loo badalay”Ayay kula dooday PL. Waa siyaasad cusub oo maaraynteeda ubaahan qorshaha Itoobiya la Shir timid. Jibril Qoobey.