Author: Jibril Qoobey.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliya,waxay si weyn u amaantay Dimuqraadiyada Puntland hirgelisay,waxayna sheegtay in ay hormuud ugu tahay guud ahaan Somaliya oo la rabo in ay jihadaas Aado. Laascaanood iyo doorka Puntland ayay bogaadisay kuna dhiirigelisay in ay sii xoojiso. Dib uhabaynta Dastuurka iyo Dowlad dhiska Somaliya ayay ka codsatay in PL ay doorkeeda muhiimka ah qaadato. Dhanka Dowlada Puntland waxay Beesha caalamka ku amaantay Warkii ay kasoo saartay xaalka LC. PL waxay xoojisay in sida uu yahay loo fuliyo warka kasoo baxay Golaha amaanka. Soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo ayay la kulantay Wakiilka Xoghayaha guud ee Somaliya. Halkan ka daawo…

Read More

3000 oo ka mid ah Ardayda ufariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland,waa Ardaydii kasoo qaxday Laascaanood. Dowlada Puntlabd,ayaa usamaysay tixgelin gaar ah,waxaana looga dhigay Waxbarashada Lacag la’aan. Guud ahaan Ardayda reer Sool ee helay taageerada Dowlada Puntland,ayaa gaaraya 15000-Arday. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1667484832664879105?t=oPqfTZpok39LM-sQSgWFTQ&s=19

Read More

Dear Ministry of Education and Higher Education of Puntland and Puntland State Government, I would like to bring to your attention the situation of the students from Las-Anod who are currently preparing for their final exams in grades 8 and 12. Given the challenges they have faced; I strongly suggest that special consideration be given to these students during the examination process. In our world today, unfortunate circumstances such as wars, health conditions, or other disasters can significantly impact the lives of individuals. When students find themselves in such dire situations, it is crucial to provide them with support and…

Read More

Ku dhawaad 22626-kun oo Arday,ayaa ufariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland. Madaxweyne Deni,ayaa ufuray Imtixaanka Shahaadiga ah Saakay Ardayda reer Puntland. Waa fursad uusan haysan hogaamiye walba,si gaar ah intooda badan kuwa Geeska ee ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada. Puntland lama dhayalsan karo. Puntland waa Sadex meelood oo meel Somaliya,Dhul iyo Dad ahaanba. Sidoo kale,waxay hormuud ku tahay horumarka laga sameeyay Waxbarashada Geeska oo idil. Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland maleh musuq,maamul xumo,cabasho iyo dhaliilo la taaban karo oo laga dhex arko. Waa wax weyn oo lagu farxo,lagu faano oo guul la taaban karo u ah Puntland iyo guud ahaan Somaliya.…

Read More

Sagaal Qof oo Lix ka mid ah ay yihiin Shacab iyo Saddex Askari,ayaa ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee Maqaaxida Luulka Badda. 10-Qof,ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo lasoo af-jaray saqdii dhexe ee Xalay. 84 Qof oo ay ku jiraan Carruur,Haween iyo Waayeel,ayaa laga soo badbaadiyay argagixisada. Argagixisada arxanka daran ee Shabaab,ayaa ku faanay in ay fuliyeen weerarkaas. Ciidamada iyo Shacabka Geeriyooday rabbi ha’unaxariisto, Si gaar ah Ciidanka fuliyay hawlgalka,waxay mudan yihiin qadarin iyo karaamayn. Argagixisadu waa Cadowga bini’aadamka oo idil. Jibril Qoobey.

Read More

United Nations said on Friday that U.N. personnel cannot be made persona non grata after Sudan declared U.N. special envoy to Sudan Volker Perthes unwelcome in the country. Sudan’s army – led by General Abdel Fattah al-Burhan – and the country’s paramilitary Rapid Support Forces began fighting eight weeks ago, sparking a major humanitarian crisis. They agreed a nationwide, 24-hour ceasefire from Saturday morning, U.S. and Saudi Arabian mediators said on Friday. Sudan said on Thursday it had notified the United Nations that Perthes was persona non grata. Burhan had previously expressed his disapproval of the envoy. “The Secretary General…

Read More

Wasaarada Gaashaandhiga,ayaa sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo kala wareega Shaqada kuwa Atmis ee baxaya. 2000-Askari oo Atmis ka mid ah,ayaa baxaya Bishan dabayaaqadeeda. Halka Sanadkan dhamaadkiisa ay qorshaysan tahay in ay iyaguna baxaan 3000 oo kale. Ciidamada Atmis ee jooga Somaliya,ayaa lagu dhaliilaa Diciifnimo,Shaqo xumo iyo musuq. Midowga Yurub oo bixiya Ciidamada Atmis dhaqaalaha ku baxa,ayaa wada cadaadis ah in ugu danbayn laga saaro Somaliya,waxayna qorshaynayaan in ay uwareejiyaan dhaqaalahaas dhismaha Ciidamada Somalida. Balse wax walba waxay ku xiran yihiin in la helo Siyaasad amni oo Qaran,taasoo Somalidu kuwada socoto. Halkan ka akhriso:-

Read More

Weerar Qarax ku bilowday,ayaa lagu qaaday Maqaaxida Pearl Beach ee ku taala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho. Saraakiil katirsan Ciidamada Amaanka ee Dowlada ayaa inoo sheegay in koox hubeysan ay gudaha ka dagaalamayaan Ciidamada amaankana ay wadaan howlgal lagu soo afjarayo weerarka. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan waxaana la soo bad baadiyay qaar kamid ah dadkii goobta ku sugnaa.

Read More

Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda. Ilhaan, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa horey xubin uga aheyd guddigan muddadii Congress-kii 116-aad. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in asxaabteyda dimoqraadiga ay iigu codeeyaan ku-xigeenka xubinta ugu sarreysa Dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda,” ayey tiri xildhibaan Cumar oo bayaan soo saartay. “Miisaaniyadaha waxay ka tarjumayaan qiyamkeena. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay inaan ku biiro hoggaanka wanaagsan Brendan Boyle, si aan u hubinno inaan riixno miisaaniyado ay dadka u dub dhexaad…

Read More

1.Shirka W.Maaliyada ee DG iyo Dowlada Dhexe. 2.Gedo iyo magacaabista maamulka cusub. 3.Qaraarka Golaha amaanka ee LC. 4.Fahad Yaasiin iyo qirmadiisa. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/9mXINDt94F4 [contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

Read More

Maamulka SNM,waxuu jawaab uga dhigay Warbixintii kasoo baxday Golaha amaanka Sadex Qodob oo kala ah… 1.In si khaldan wax loogu sheegay QM. 2.In Puntland hurinayso colaada LC. 3.In Alshabaab qayb ka yihiin colaada. Sida muuqata jawaabta SNM maleh qiimo unoqon kara jawaab celin amarada iyo Eedaymaha kasoo baxay Golaha amaanka. SNM Milleteri ahaan ayay ujabtay markii hore,kadibna Maalinba maalinta ka danbaysa Siyaasiyan ayay usii hoobanaysay. Saakay,waxay maraysaa in loogu yeero Waqooyiga Somaliya oo laga gudbo magacii uhirgalay ee Somaliland. Sidoo kale in BC ku dhiirato ku dhawaaqista Muqadasnimada ilaalinta midnimada,Xornimada iyo Xuduudaha Qaran ee Somaliya. SNM ma lumin oo kaliya…

Read More

Waa Prof. Ka gaaray Cilmiga dhaqaalaha maqaam sare oo soo noqday.. 1. Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ah. 2.Wasiirka Qorshaynta Fadaraalka. 3.Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya. 4.Madaxweynaha Dowlada Puntland. Gaas Maxaa taariikhda ugalay? B.Hogaamiyihii ka xoreeyay Muqdisho Alshabaab. T.Hogaamiyihii hirgeliyay Dastuurka Fadaraalka Somaliya. J.Hogaamiyihii ka saaray Somaliya Kmg-ka. X.Hogaamiyihii dhisay Labada Garoon Diyaaradeed ee Bosaso iyo Garowe. KH.Hogaamiyihii hindisay Dekeda Garacad iyo Wadada Ceeri-gaabo-Ceel-daahir. D.Hogaamiyihii ka hor tagey gulufkii ugu cuskaa ee argagixisadu kusoo qaado PL. Gaas kuma ceebaysnayn in uu han yeesho oo uu la tartamo Madaxweyne Sh.Shariif,waxaase lagu tixgeliyaa in uusan Xaman oo qiray qiimihiisii wada shaqayntoodii kadib. Fahad,waxuu muujiyay…

Read More

Dollarku malluminayo saamayntiisa caalamka sababahan awgood… 1.Sicirka Saliidda caalamka,waxay ku jaan go’an tahay Dollar-ka. 2.Kaydka Lacageed ee Wadamada caalamku haystaan waa Dollar. 3.Lacagta rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado,layskuna hallayn karo waa Dollar. 4.Swift iyo IBAN-ka Baananka caalamku ku shaqeeyaan waxay Gacanta ugu jiraan Maraykanka. 5.Xarunta Ganacsiga Aduunka,Sanduukha Lacagta iyo Baanka Aduunka waxay ku yaallaan xarumahoodu Maraykanka. Labo Tirilyan oo dollar,ayaa lagu qiyaasaa in ay wareegayso,taasoo 40% ku wareegaysa Maraykanka dibadiisa. Majiro Waddan ama Midow leh Lacag usoo dhawaan karta Dollar-ka,waxaana macnaheedu hoos udhacay qiimihii Lacagta Yuro oo mar la saadaalinayay in ay loolan la geli karto Dollar-ka. Dowladaha…

Read More

Sanaadiiqda Imtixaanaadka Puntland,ayaa laga raray Wasaaaradda Waxbarashada,waxaana loo kala diray Gobolada kala ah…. Bari, Sanaag, Haylaan Karkaar, Mudug iyo Gardafuu,Sool, Cayn iyo Nugaal. Koormeerayaasha iyo ilaaliyaasha Imtixaanka,ayaa gaaray Xarumaha Imtixaanaadka ee Gobolada iyo Degmooyinka,waxaana lagu wargalinayaa in ay nidaamka imtixaanka iyo hanaankiisa ixtiraamaan. Culimadda Puntland waxaa laga codsanayaa in ay usoo duceeyaan Ardayda maalmaha imtixaanku socdo. Sadex Casho,ayaa ka harsan qabashada Imtixaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Maamulka Axmed Madoobe umagacaabay Gobolka Gedo,waxuu soo kordhinayaa o kaliya Laba arimood oo kala ah… 1.In reer Gedo dhexdooda ay isku dhacaan. 2.In waan-waantii rajada laga qabay libidho. Axmed si weyn,ayuu ugu deg-degay xaqiiqdii maamul umagacaabida Gobolka Gedo,waxaana muuqata in uu ka rajo dhigay Gedo oo Gacantiisa soo gasha. Jubaland lawada leeyahay,waxay ku imaan kartaa Sadex Qodob oo kala ah… 1.In Doorasho xor ah la hirgeliyo. 2.In Ciidanka la mideeyo. 3.In Caasimada loo raro Gedo. Jibril Qoobey.

Read More

Shirkan kusoo gaba-gaboobay Muqdisho ee udhaxeeyay Wasiirada Maaliyada DG B iyo K Dalka iyo Dowlada dhexe. Muhiimada ugu weyn ee laga lahaa,waxay ahaayeen Laba Qodob oo kala ahaa… 1.In Baanka Aduunka la tuso wada shaqayn,isla xisaabtan iyo Xisaab celin. 2.In lagu qaybsado Lacag $20 ah oo Midowga Yurub ku kabayo Miisaaniyadaha DG iyo D.Fadaraalka. PL shirkan iyo heshiiskan qayb kama ahan oo horay ayay uqaadacday. Waxay PL ku adkaysanaysaa in aysan qayb kasii ahaan karin waxa Xamar ka socda. Maqnaanshaha PL,wuxuu sababay in ay istaagaan Shaqoooyin badan oo socday.

Read More

Garaadadu waa asiibeen jawaabta ay ka bixiyeen Qoraalka kasoo baxay Golaha amaanka. Warka Golaha amaanka ee lagu amaanay Itoobiya dadaalkeeda,waxuu bahdil weyn ku yahay Villa Somaliya. Xasan Shiikh,waxuu damcay in uu ka dhigto qadiyada Sool wax uu ku jees-jeeso,waase laga saaray Gacantiisa ka daba tagiisa Caawana macno maleh. Haatan xaalku,waxuu uwareegay Itoobiya oo haysata taageerada BC iyo wada shaqaynta Xaafiiska Unsom ee amarka qaba. Itoobiya,waa halka Labada dhinac ku xiran yihiin isu socodka Ganacsiga iyo galaan galka siyaasada,waana mida keenaysa in ay fulinta go’aan kaas Gows danbeedka unoqoto. Garaadada,waxaa laga rabaa in ay dhisaan Xaafiis Siyaasada iyo gar-gaarka isku dubarida…

Read More

Fahad qoraalkiisu,waxuu macno yeelan lahaa markuusan Runta ka weecan xataa haday isaga bahdil ku tahay. Rooble run kama sheegin xaqiiqdii ee wuu colaad hadlay. Rooble jaajuus ma’ahayn shisheeye,taas waa ku Deel qaaf Fahad Yaasiin. Ma liibaane lagu Liibaanay sida uu ufasiray ma’ahan xaqiiqdu ee sida uu jeclaa,ayuu udhigay. Rooble mudo gaaban,ayuu haystay oo ahayd in uu hirgeliyo doorasho,isla markaana mideeyo Somalida. Rooble ma’ahayn Nin dhaqaale haystay ama lahaa Sxb Siyaasadeed oo dhabarka ka taagnaa. Shan Qodob oo isaga,Beeshiisa iyo Somali ay ku liibaantay,ayaa taariikhda ugalay,kuwaasoo kala ah…… 1.In la isticmaalo sidii Khayre oo uu diiday. 2.In uu Farmaajo Siyaasada ka…

Read More

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Qaraar tirsigiisu yahay SC/15313- ka soo saaray dagaalka Laascaanood… 1- Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in si deg-deg ah looga saaro ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, waxayna ugu yeereen ciidanka deegaanka in ay is xakameeyaan oo ka fogaadaan falal hurin kara dagaal iyo hadalada xanafta leh. 2- GolahA mmaanka ayaa soo dhaweeeyey dadaalada & Hindisaha nabadda ee ay wadaan dawladda faderaalka, Itoobiya & Odayaasha beelaha oo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa, wada hadal rasmi ahna dhinacyad u dhexmari lahaa, waxayna ugu baaqeen dhinacyadu in ay xabad joojin deg deg…

Read More

The members of the Security Council reaffirmed their full respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. The members of the Security Council expressed concern about the ongoing violence in Laascaanood, situated in the Sool region of Northern Somalia, which has led to a large number of civilian casualties and the displacement of more than 150,000 people. They expressed their deep sympathy and condolences to the families of the victims and wished a full and speedy recovery to those injured. The members of the Security Council welcomed efforts and initiatives by the Federal Government of Somalia…

Read More

Dhaxalsugaha awooda badan ee Boqortooyada Sacuudiga ee loo yaqaan MBS,ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Blinken. Kulanka oo socday 1:40 Daqiiqo,ayaa diirada lagu saaray wada xaajood dhab ah oo laga galay arimaha dhaliyay khilaafka soo kala dhexgalay Labada Wadan ee leh isbahaysiga soo jireenka ah. Arimaha laga wada hadlay waxay kala yihiin….. 1.Xiisada Iran iyo Sacuudiga. 2.Saliida iyo dhimista wax soo saarka Sacuudiga. 3.Dagaalka Yemen iyo arimaha amniga guud ahaan. 4.Dilkii Wariye Kharshooki. Sacuudiga,ayaa u arka in Maraykanku ku daawaday loolanka uu kula jiro Shiicada ee Bariga dhexe,isagoo ka filayay garab weyn. Sidoo kale si shakhsiyan ah MBS,waxaa …

Read More

Laba Markab dagaal oo ay kala leeyihiin Maraykanka iyo Shiinaha,ayaa isku dardari gaaray Biyaha caalamiga ah ee Taiwan ku aadan. Inkastoo Markabka Shiinuhu ka yaraa kan Maraykanka,hadana waxay isku jirsadeen Labada Markab 130-Mitir. Shiinaha,ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu khatartaas abuuray,halka Maraykanku ku tilmaamay masuuliyad daro ay ku kaceen Shiinaysku. Falanqeeyayaasha,ayaa qaba in Shiinuhu si ula kac ah usameeyay khatartan,isagoo uga dan leh in uu fariin ugu diro Maraykanka. “Kabax Badda Taiwan oo ku laabo Dalkaagii qabsana danahaaga”Ayay ku jawaabtay W.Difaaca Shiinaha. Hadii dagaal ka dhex qarxo Labada Wadan,waxaa khasaaraha ugu badan soo gaaraya Shiinaha,sababtoo ah waxa lagu dirirayo waa…

Read More

Boqortooyada Sacuudiga oo aan ku faraxsanayn qiimaha Saliida caalamka oo hoos ugu dhacday $76 Fuustadii,halka ay Sanadkii hore ka ahayd $112,ayaa ku samaysay dhimis wax soo saarkeedii Saliida. Hal Milyan oo Fuusto ayay ka dhintay wax soo saarkeeda Boqortooyada oo ah Wadanka ugu soo saarka badan caalamka Saliida. Sacuudiga,ayaa raba in qiimaha Saliida caalamku gaaro $80 Fuustadii,balse majiraan Dowlado kale oo la qaatay go’aankan. Dhaqalaha Sacuudigu,waxuu ku tiirsan yahay dhoofinta Saliida uu hodanka ku yahay. Jibril Qoobey.

Read More

Biyo xireenkii aadka uweynaa Kakhovka,ayaa la burburiyay. Dowlada Ukrain waxay ku eedaysay in Ruushku burburiyay Buundadaas balaaran ee Biyo xireenka ah,halka Ruushku dhankiisa eeda saaray Ukrain. Biyo xireenkan oo ay maraan Biyo gaaraya 18-Milyan oo Mitir Cube ah,ayaa Waqooyigiisa,waxaa maamusha Ukrain,halka Koonfurtiisa ay maamulaan Ruushka. Fatahaada ka dhalatay Buundada burburtay ee Biyo xireenka,ayaa keentay in Dowlada Ukrain ku dhawaaqdo xaalad deg-deg ah,kadib markii Biyuhu la tageen Guryo fara badan,Gaadiid oo ay baabi’iyeena Dhul Beereed balaaran. Ku dhawaad 16-kun ilaa 22-Kun oo Qof,ayaa khatar ugu jira in ay saameeyaan Biyaha fatahay. Kooxaha gurmadka ee Ukrain,ayaa wada dadaal ay kaga daad guraynayaan…

Read More

Mogadishu, Somalia, SONNA) – Representatives of Qatar, Somalia, Türkiye, the United Arab Emirates, the United Kingdom and the United States of America met in Doha on Monday 5th of June 2023, in their 3rd meeting to discuss the current situation in Somalia, particularly the security, political and humanitarian issues. The partners affirmed their support for the Federal Government of Somalia to achieve security and stability in the current situation, and discuss ways to enhance confidence building, capacity-building, and emphasize coordination of counterterrorism and international security assistance. They welcomed the Federal Government of Somalia’s commitment to strengthening its security sector capacity…

Read More

“Ragaani waa Raggi Axmed Madoobe Madaxweyneha ka dhigay oo hadii abaal jiro Naftooda iyo Maalkoodaba u huray Cabdi Cali Raagena goob joog,ayuu u ahaa waxtarkoodii Jland maanta asaga intii uga baahan… Jland Dadka gudaha ah markii laga soo tago siyaasadeeda waxaa jaan gooya PLAND, Itoobiya iyo Kenya”Ayuu yiri Sayid Abdul . Xaqiiqdu waxay tahay in JL ubaahan tahay isbadal hogaamineed oo dhalin kara wax wada lahaansho. Dowlada,Siyaasiyiinta,Ganacsatada iyo haldoorka reer PL ee horay udhisay JL,waxaa haatana laga rabaa in ay abuuran isbadal hogaamin oo JL ku yimaada. Waa muhiim in la helo iskaashiga Dowladaha Kenya iyo Itoobiya. Jibril Qoobey.

Read More

Catriona Laing is the new representative of the Secretary General of the United Nations that will organize Somalia. The status of being welcomed is equivalent to the level of a leader of a country or nation. After 60 years, Somalia is still under passive colonialism, and there is no time to overcome it. This video shows that the United Nations rules this country and the official government is….. There is a hunting force with a higher salary and service than the Somalis. It has more secure hunting facilities and better service than Villa Somalia. It has decisions that are sometimes…

Read More

Waa Wakiilka cusub Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey uqaabilsanaan doonta Somaliya. Maqaamka lagu soo dhaweeyay waa mid udhigma heer hogaamiye Waddan ama Mustacmarad. 60-Sano kadib Somaliya weli waxay ku hoos jirtaa Gumaysi dadban,mana muuqato wakhti ay ka gudbayso. Muuqaalkan,wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobey ay Dalkan xukunto oo Dowlada rasmiga ah ay iyadu tahay….. Waxaa ujooga Ciidan ugaar ah oo ka Mushahaar iyo adeeg sareeya kuwa Somalida. Waxay leedahay Xarumo ugaar ah oo ka amni iyo adeeg fiican Villa Somaliya. Waxay leedahay go’aamo mararka qaar ka xoog badan kuwa Dowlada Somaliya ee magac uyaalka ah. Miisaaniyadooda iyo qorshayaashooda Wadan ayay leeyihiin…

Read More

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa xisbiga Jamhuuriga u gudbiyey waraaqihiisa musharaxnimo ee caddaynaya inuu u tartamayo jagada musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga ee sannadka 2024, isaga oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa kula tartami doona musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynihii uu ka hoos shaqayn jiray ee Donald Trump, oo isna haatan loollan ugu jira booskaas. Pence oo hore u soo noqday madaxweyne ku xigeen iyo guddoomiyaha gobolka Indiana, ayaa haatan go’aansaday inuu si rasmi ah uga mid noqdo musharaxiin tiro badan oo ka qayb gelaya doorashada is reebreebka ee xisbiga gudihiisa. Mike Pence,ayaa doonaya…

Read More

Wadamada Saliida soo saara,ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka. Boqortooyada Sacuudiga,ayaa sheegay in ay dhimi doonto Hal Milyan oo Fuusto maalintii (bpd) bisha Luulyo. Opec+,ayaa sheegtay in bartilmaameedka hoos u dhaca uu gaari doono 1.4 Milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024. Opec+,ayaa ku dhawaad ​​40% ka ah Saliida ceyriinka ah ee Aduunka go’aamadeeduna waxay saameyn weyn ku yeeshaan qiimaha Shidaalka ee Caalamka.

Read More

Xasan Shiikh,waxuu markale codsi dhex-dhexaadin isaga iyo Deni ah udiray RW Abiy. Sida muuqata Deni waa kaga adkaaday Xasan loolankii Siyaasadeed ee Sanadka socday. Is hardintii ugu danbaysay oo ahayd Dimuqraadiyada iyo hirgelinteeda,waxay guushu raacday Deni oo noqday hirgaliyaha Dimuqraadiyada saxda ah ee Geeska. Xasan mahayo guul uu ka keenay dagaalkii argagixisada. Xasan mahayo guul uu ka keenay Dayn Cafinta. Xasan mahayo guul uu ka keenay Somali heshiis ah,Dunidana la heshiis ah. Xasan mahayo guul uu ka keenay Qabyo tirkii Dastuurka. Xasan mahayo guul uu ka keenay Shidaal baaristii. Xasan mahayo guul uu ka keenay fikrada gooni goosatada Hargaysa. Xasan…

Read More

Kulankii Golaha Shacabka Fadaraalka,ayaa ubaaqday kooram la’aan. 103-Xildhibaan,ayaa soo xaadiray fadhiga Golaha ee Maanta. Inta badan Xildhibaanada ka maqan fadhiga,waxay ku sugan yihiin isla Magaalada Muqdisho. Xildhibaanada,ayaa u arka in fadhiga Golaha ay macno tirtay maqnaanshaha Gudoomiyaha iyo Gudoominta Abshirow oo loo arko marka ay jiraan arimo xasaasiya in looga dhuunto. Abshirow waxaa si weyn loo dhaliilaa khibradiisa iyo hab hogaamintiisa Golaha. Gudoomiye Aadan Madoobe,ayaa Sacuudiga udhoofay xili Qodobo xasaasiya taagan yihiin,waxaana muuqata in uusan rabin in lagu sawiro qorshaha Villa Somaliya ee mudo kororsiga Dastuurka baalmarsan.

Read More

Ugu danbayn Gedo Duulimaadyadeedii,waxaa laga gaaray is afgarad. Maalinka Berri ah,ayaa la filayaa in ay dib ubilowdaan Duulimaadyada Diyaaradaha ee Gobolka Gedo. Waxaa lagu heshiiyay in aysan soo qaadi karin Diyaaradaha imaanaya Gobolka Dad ka socda Maamulka Axmed Madoobe. Amarka lagu joojiyay markii hore,waxuu kasoo baxay Talyaha NISA Mahad Salaad,waxaana la ogaysiiyay Xoghaye Xamse. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musefeni,ayaa ku dhawaaqay in 54 Askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Somaliya. Hadalka Musefeni ,ayaa imaanaya Todobaad kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. Al-shabaab,ayaa dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 137 Askari oo Ugandhays ah. Musefeni,ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay Saldhigga dib ugala wareegeen Al-shabaab,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=U3AhOvlwJxQ&feature=share7

Read More

Duqeymo cirka ah, madaafiic iyo qaraxyo ayaa Sabtidii ruxay caasimadda dalkaasi ee Khartuum, iyadoo dagaalka u dhexeeya Labada dhinac uu galay Toddobaadkiisii Siddeedaad. Dad ku nool magaalada,ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Sudan ay beegsadeen fariisimada Xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF ay ku leeyihiin Khartuum. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=e1Ea5t72s54&feature=share7

Read More

Gidiga Doorashada kmg ah ee PL,waxuu ugudbiyay natiijadan Maxkamada Dastuuriga ah. Maxkamadu waxay haysan doontaa mudo Bil ah oo ay sugayso cabasho haday jirto. Bil kadib Maxkamada Dastuuriga ah,way ansixinaysaa Natiijada Doorashada hadaan cabasho ka daba imaan. Markaas kadib,waxaa loo gudbayaa fariisinta Golayaasha iyo doorashada Duqyada Magaalooyinka. Si nidaamiya oo qurxoon ayay wax usocdaan. Jibril Qoobey.

Read More

Nin adag,ayaa ka baxay Golaha Wasiirada Turkiga Sulayman Soylu,kaasoo ka mid ahaa awoodii Turkiga ee Arimaha Gudaha waxa uuna ahaa Ninkii ugu hadal kululaa gaar ahaan Luuqada Reer Galbeedka. Waa Ninkii dagaal Af iyo Adin ah lagalay Jamhadihii Maraykanka iyo Reer Galbeedku taageerayeen ee Xuduuda Siiriya. Sidoo kale Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Turkiga,waa madaxii Sirdoonka Turkiga iyo Gacantii Midig ee Erdogan,wuxuuna ka mid yahay Siyaasiyiinta awooda leh. Hakan Fidan,dhanka Gudaha,waa Ninkiu ugu hadalada kululaa Xukuumada Erdogan,isla markaana qab qabtay oo Cagta mariyay Mucaaradkii Gudaha. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=xOWC1zvkZ3E&feature=share7

Read More

Garaadadu waxay la kulmeen saakay Wakiilada BC Xalane. Si dadnimo leh iyo dood macquul ah ayay la shir tageen. Waxay cadeeyeen in aysan qayb ka ahayn wax la yiraahdo SL oo ay qayb ka yihiin DFS. Waxay dul istaageen in aysan jirin wax la yiraahdo SL oo uu yahay magac laga guuray. Waxay difaaceen hiilka Beelaha Harti uga yimid oo ay yihiin Dadkoodii oo ka dhiidhiyay xasuuqa Ciidamada Muuse Biixi. BC waxay usheegeen xalku in uu yahay in Ciidanka Muuse oo u guura Oog. Ugu danbayn waxay ka mahadceliyeen taageerada bini’aadantinimo ee BC,waxayna gudbiyeen in ay dhisayaan maamul rasmiya oo…

Read More

Doorashada Puntland ee Wof iyo Cod,waa Xisbiyo ee Qabiil ma’ahan Dadku,waa in ay fahmaan. Xisbigu Qofka uu wato,ayaa soo baxaya mar walba. Dimuqraadiyadu waa Qof xulasho ee ma’ahan Qabiil xulasho,waxaana ka arki kartaa Bosaso oo Warsangeli ka heli jiray hab Beeleedkii Hal mid,haatana Xisbi ahaan ay kusoo baxeen 8-Xubnood oo Beesha kasoo jeeda. Xaqiiqdii way shaqaysay Dimuqraadiyadeenii curdinka ahayd oo Dadkeenu bisayl ayay muujiyeen. Jibril Qoobey.

Read More

Taliye ku-xigeenka 1aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur,ayaa ka qayb galay Kulan lagu shaacinayay hawl galinta Xaafiiska Cabashooyinka gudaha Ciidanka Booliska Puntland,ayaa ka qabsoomay qolka shirarka ee Taliska Ciidanka Boliiska Puntland ee Garoowe. Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska, Hoggaanka Qorshaha iyo Tabobarada, Hoggaanka Nabadalkayada Waddooyinka, madax ka socota Degmada Garoowe, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland, Qaybta iyo Saldhigga Bartaha Boliiska iyo dhamaan xubnaha Guddiga Cabashooyinka Ciidanka Boliska Puntland. Xafiiska Cabashoyinka Gudaha Ciidanka Boliska ayaa loo dhisay inay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshadu qabto oo laga tirsanayo xafiisyada, Xubnaha iyo Xil…

Read More

Guddiga KMG ee doorashooyinka TPEC,ayaa shaaciyey natiijada doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. Natiijada,ayaa muujineysa in 72% ay usoo baxeen Dadkii isdiiwaangeliyay,taasoo ka dhigan in ay codeeyeen Dad gaaraya 186,181 Kun oo Qof. Waxaa harsan Codaynta 67-kun oo Qof oo ku kala nool Garowe,Dangoronyo iyo Godob-jiiraan. Ururada ugu awooda badan,ayaa noqday Mustaqbal,Ifiye,Kaah, Mideeye iyo Sincad. Doorashadan,ayaa PL uga dhigan mid macno weyn u leh,waxayna ka dhacday 33-Degmo. Dadweynaha reer PL,ayaa si weyn ugu faraxsan in ay Codkooda wax ku doortaan. Halkan ka akhriso sida loo kala helay:- Jibril Qoobey.

Read More

Garaadada,waxuu si cad ugu yiri Xasan Shiikh…”Somaliland,ayaa laydin yaqaan oo aad ku xisaabsan tihiin,mana aqoonsan karo Maamul SSC”. Kadibna Mahad Salaad,ayuu ku yiri anba bixi Garaadada. Mida kale Garaadada maba casumin si toos ah Xasan Shiikh ee waxaa safarkooda Xamar abaabulay ku xigeenka Aqalka-sare Cabdullaahi Tima-cade. Xoghaye Xamse wax hiil ah uma muujin Garaadada. Jibril Qoobey.

Read More

Fadhiga Golaha Shacabka lama hor keeni doono warkii kasoo baxay Madasha aan loo dhamayn. Ajandaha Qodobka ku jira,waa mid ka hadlaya sharciyad siinta Gudiga dib U Eegista Dastuurka,waana dhaqan caadiya in Sanad walba lagu furo Qodobkaas fadhiga Golaha. Warkii kasoo baxay Madasha,waxuu ku hor imaan karaa Golaha Labo arimood midkood,kuwaasoo kala ah… 1.In Golaha Wasiiradu ka doodaan,kadibna usoo gudbiyaan. 2.In 11-Xildhibaan Mooshin ku keenaan oo Gudoonkuna ku raaco. Sida muuqata warkii Madasha aan loo dhamayn kama gadmayo Golaha Baarlamaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Ma’ahan markii ugu horaysay oo uu ballanqaad usameeyo Garaadada Axmed Madoobe. Iskabadaa in uu fuliyo ballanqaadyadii hore,waxuu si cad udiiday in uu soo saaro Warqad uu ku taageerayo halganka Sool ka socda. Haatan Garaadada,ayuu isku sawiray,waxuuna usheegay in uu halganka ku darsanayo Dhaqaale iyo Saanad Ciidan. Looba jooge?? Jibril Qoobey.

Read More

Tasci,Caleema saar iyo Deeq raadin Shaqo kale oo dibada ah dalka faa’ido u ah odaygu ma wuusan hayn? Ilaa hada Hal Safar oo macno uleh Dalka iyo Dadka kuma jiraan Kunka socdaal ee uu galay. Heshiisyo Garoomo,Dekado,Wadooyin iyo dan guud safar ah waligiis Xasan uma bixin,waxa uu raadiyo waa Lacag Cadaan ah. Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Ra’isalwasaaraha iyo Wasiiradu maxay utaagan yihiin? Jibril Qoobey.

Read More

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka. “AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad…

Read More

Sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo isfahanka ay wada saxiixdeen Somaliya iyo Ruushka,waxuu ku salaysan yahay Kooxda Wagner. Abshir si gaar ah,waxaa loola kulan siiyay Sarkaal KGB hawlgab ka noqday oo kooxda Wagner qayb ka ah. Isfahanka rasmiga ah,waa in kooxdaas ka hawlgasho Somaliya,gaar ahaan Puntland oo Ruushku danaynayo. Waxaa,wakiil gaar ah laga dhigay Gabadha M.Xasan,iyadoo Khadar Faroole oo dhanka PL loo wakiishay. Dhanka dhaqaalaha lagu hawlgalayo,waxaa lasoo marsiinayaa Abshir iyo Gabadha Xasan. Hawlgalkii khal-khal gelinta Doorashada ee Garowe,waxuu ahaa shaqadii ugu horaysay oo Khadar fuliyo,sida wararku sheegayaan. Ruushku,waxuu isku dayayaa loolan in uu kula galo reer Galbeedka Qaarada…

Read More

Wadahadallo laba geesood ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa hakad la geliyay muddo aan la cayimin, sida uu Arbacadii sheegay madaxa wadahadalladaasi. Wadahadallada ayaa la hakiyay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka, sida uu sheegay Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac. Isbaheysiga mucaaradka Azimio La Umoja ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Ruto ee Kenya Kwanza (Kenya First). Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer…

Read More

Waxaa muuqata in Xoghaye Xamse fahan badan uusan ka haysan,waxii kasoo baxay Madashii aan loo dhamayn ee Xamar. Marka la fiiriyo hadalkii Maanta ka jeediyay Shirkii Golaha Wasiirada Dowlada dhexe,waxaa kusoo baxaysa waxa loo diray isaga iyo waxa Xasan Baarlamaanka ka hor sheegay in sy kala Labo yihiin. “Xasan,waxuu noo sheegay,waxii kasoo baxay madasha aan loo dhamayn in ay tahay talo soo jeedin ee aysan ahayn Sharci lagu dhaqmayo?? Xoghayntu,waxuu na leeyahay waa heshiis ay tahay in la fuliyo oo Wasaarad walba ay ku hawlgasho?? Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1664244592621830144?t=J_lnwd8mVs113jm2UZ_pxQ&s=19

Read More

31daMay,2023- Dallada Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) iyadoo ka duulaysa Qiyamka iyo Mabaadi’da ay ku dhisantahay ee ah maamul-wanaaga iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxay xoojinaysaa mar walba in hannaanka dhismaha dowladnimada soomaaliyeed iyo go’aamada masiiriga ah ay noqdaan kuwa lagu gaaro qaab Wadar-ogol ah oo lagu wada qanacsan yahay. Bulshada Rayadka ah ee Puntland waxay u aragtaa go’aamadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) kuwa aan daawo u ahayn khilaafaadka Siyaasiga ah ee dalka ragaadiyey, waxayna sii abuureen dareen ah bulshadu inay ka quusato xal u helida ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan iyo mindimada ummadda soomaaliyeed guud ahaan. Golaha Wadatashiga Qaran…

Read More

“Somaliland la fariista,Anagaa ballan-qaadayna in ay Gooja-cade ka baxayaan”Ayuu Xasan hordhigay Garaadada. Ujeedka hadalkaas,waa in Caalamka iyo Somalida la tuso in Sool SL ka mid tahay. Sidoo kale,waxaa loo sharciyaynayaa hadalkii Muuse Biixi ee ahaa..”Halaysku kaaya daayo Anaga reer SL,ayaa wada hadlayna”. Hadalkii kale ee Muuse,ayaa isagana wado fur loogu samaynayaa,kaasoo ahaa…”Dowlada SL waxay diyaar utahay in wixii tabasho ah ay ka dhagaysato reer Sool oo ay yihiin Dadkeedii oo ay udhibrinayso”. Garaadadu haday aqbalaan,iyadoon Gooja-cade aysan ka bixin SNM wada hadal,waxay fashiliyeen halgankii meesha sare marayay. Xasan,waxuu Wado fure uyahay Muuse Biixin ee yaan lagu kadsoomin. Jibril Qoobey.

Read More

Magaalada Buulomareer oo Toddobaadkii hore ay Al Shabaab ku qaadeen weerar saldhig halkaas ku yaal oo ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Afrika ee ATMIS ayey dadku badanaa ka qexeen. Sida ay wararku nagusoo gaarayaan, ma jirto cid hadda gacanta ku haysa maamulka magaalada oo ay isaga bexeen ciidamadii halkaas lagu weeraray ee Uganda iyo sidoo kale kuwa Al Shabaab oo la sheegay in iyaga qudhoodu aysan ku sugnayn magaalada. Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa labaduba ku sugan deegaanka Golweyn oo qiyaastii 7km u jirta magaalada Buulo Mareer. Weerarkaas ayay…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni. Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka. Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran. “Ayada oo…

Read More

Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhiyaan Beesha Daarood,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaaraha Beesha Hawiye. Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhido Beesha Hawiye,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaare Beesha Daarood. Waa awood qaybsiga Dalka si loo ilaaliyo ku xadgudubka awooda iyo Hal Gacan in aysan gelin hogaaminta Dalka. Saakay Kursigaa,waxaa ku fadhiya Nin,kaasoo ku matalaya Beesha,waase ku filnaan waayay matalaadii iyo hogaamintiiba. Sidoo kale Ninka kale ee ay ahayd in uu ilaaliyo matalaada oo uu xisaabtamo,waxaa la weynaatay Sanad ku darsiya. Taariikh,ayaa isqortay oo sidaanoo kale Axmed Cumar Jees,ayaa qaatay Gudoomiye Baarlamaan Dowlad ay dhisanayeen Caydiid iyo Tuur oo la oran jiray Salballaar,iyadoo loo…

Read More

Waa kuwan Odoyaashii Siyaasada iyo talada ugu waa weynaa,æ Muuse Suudi iyo Cabdiqaybdiid ahaana Senetero matalayay Beesha Hawiye oo Madaxweyne Deni Ergo uga ahaa Madaxweyne Farmaajo in uu siiyo Ra’isalwasaarahoodii oo markaas ay awood qaybsi ulahaayeen. M.Deni waagaas waa qaaday Ergadaa,isagoo ilaalinaya midnimada Dalka,waana midii keentay in Rooble la magacaabo. Maanta tii oo kale,ayaa taagan oo Hawiye,waxaa Ergo looga yahay in ay Madaxweynahooda ka keenaan Ra’isalwasaaraha Daarood kana joojiyaan ku xadgudubka. Dalku waa awood qaybsi iyo matalaad,Kursiga Daarood halkaa hala dhigo hana helo matalaad sax ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1663530590606434305?t=bI1ePTZ0j4ahBxYrcmlB4g&s=19

Read More