Author: Jibril Qoobey.

Garowe, May 21, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM) Mr. Guy Griffin. Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Dawladda Puntland. Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Dowladda Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya. Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha…

Read More

Aaran iyo R.Faroole markay la kulmeen Gudigii Saakay waxay ku gorgortameen in laga qaado xayiraada oo la laalo dacwada Maxkamada. Suldaan Garaase,waa ka leexday oo si cad,ayuu ugu sheegay in ay khaldan yihiin Aaran+ Faroole. Balse waxay isku hallaynayeen Islaanka,isaguna,waxuu saaray Gudi,kaasoo soo jeediyay in ay saaraan Ciidanka,waxayse ku doodeen in Amarka soo qabashada laga dul qaado. Kadib Gudiga Islaanka,ayaa la xiriiray Madaxweynaha oo ka codsaday in laga qaado xayiraada Ragaas. Ugu danbayna Madaxweyne Deni,waxuu kusoo wareejiyay M.xigeenka,Wasiirada iyo Islaanka xalinta arinkaas. Jibril Qoobey.

Read More

Muuse Biixi,ayaa loo diiday Visa uu ka dalbaday Safaarada Koonfur-Afrika ee Itoobiya. Safaarada,ayaa ku salaysay diidmadeeda dacwad ka taala. Waa tallaabo bilow u ah soo caanbaxa in ugu yaraan 50-Wadan ay ka taalo Dacwad Muuse Biixi. Sida la og yahay Safaaradaha reer Galbeedka,ayaa ugu horeeya kuwa aan Visa laga siinayn oo lagu daray Dadka xayiraadu saaran tahay. Halkan ka akhriso

Read More

Santuukhyada Cod bixiyayaasha,ayaa gaaray Gobolka Mudug Galabta Casar liiqii. Waxaa soo afjarmay shaki laga muujinayay in ay gaari doonaan iyo in kale,kadib markii kooxda Aaran-shaydaan iyo R.Faroole isku dayeen in ay hor istaagaan. Mudug waa Gobolka Cod bixiyayaasha ugu badan ay iska diiwaangeliyeen oo ay Ururadu ku kala baxayaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1659984548203986947?t=fOAdwyb5atrhw13q-HiN7Q&s=19

Read More

Garowe, May 20, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa maantay khadka zoomka shir kula yeeshay Safiirada Dalalka Sweden, Denmark, Germany iyo masuuliyiin ka tirsan safaaradaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Shirka ayaa looga hadlay dardargelinta barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo sii wadista qorshaha hirgelinta doorashooyinka hal cod iyo hal qof ee Degmooyinka, kaas oo hadda meel wanaagsan maraya. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer la iskula lafa-guray ilaalinta Amniga Doorashooyinka iyo arrimaha Siyaasadda guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland sidii loogu wadi lahaa hab xasiloon oo ku dhisan…

Read More

Horumarkan la sheegay in Somaliya ay ka samaysay Barnaamijka Dayn Cafinta oo ay soo gaartay heer fiican,waxuu ku kooban yahay kaliya IMF iyo Barnaamijkeeda. Guud ahaan Barnaamijkii Daynta Cafinta ee Baanka Aduunka ma’ahan ee waa qaybta IMF Barnaamijyadeeda mid ka mid ah horay usocodkan. Waa dadaal socda, siina soconaya illaa lagu dhawaado xiliga go’aan gaarista *completion point*. Waxay u badan tahay in Sanad kale lagu daro maadaama ay jiraan caqabado. Barnaamijka Dayn Cafintu ma dhawa qorshihiisa,waxuuna weli ubaahan yahay shaqooyin badan oo ay ugu horeeyaan… 1.Midaynta Canshuuraha Dalka 2.Midaynta Miisaaniyadaha Dalka. Fashilkii ku yimid Barnaamijka Dayn cafinta dhawaan ee Baanka…

Read More

Shirka hogaamiyayaasha G-7,waxa ugu weyn ee horyaala,waa in ay keenaan fikrad looga hortagayo khatarta Shiinaha ee caalamka. Dhaqaalihiisa oo kobca,waxuu khatar ku yahay si toosa iyo si dadbanba maamul wanaaga caalamka…. 1.Dimuqraadiyada 2.Xuquuqda bini’aadamka 3.Xoriyada iyo karaamaynta noolaha. 4.Amaanka. Shiinuhu ma’ahan Wadan maamulku baahsan yahay,talada lawada leeyahay,cadaalada loo wada siman yahay. Dal noocaasa oo Hal Qof taladu ka go’do in uu dhaqaale ahaan guulaysto,waxuu marin habaabinayaa caalamka,isla markaana macno tirayaana hab maamulka Dowladnimo ee casriga ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1659884674334744578?t=jFF9uHlXFN46frVZfabmoQ&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Iskushuban: 19 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay degmada Iskushuban ee Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa Bulshada Degmada Iskushuban ku baraarujiyey ka qeybgalka Doorashada Goleyaasha deegaanka, si ay codkooda ugusoo doortaan Golaha deegaanka ee Degmada shakhsiyaadka ay u arkaan in ay waxtar u leeyihiin. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Abid,ayaa lagu ganaaxay in uu iska sharaxo Gobolka Minisota Naasir Warsame,waxaana lagu eedeeyay kicin Bulsho kadib markii taageerayaashiisu ay Gacan ka hadal ka dhex sameeyeen Hoolkii tartanka. Muuqaalo ay duubeen Kaamirooyinka,ayaa noqday cadaymo buuxa oo loo cuskaday Ganaaxa la saaray. Sidoo kale,waxaa Maxkamad la saari doonaa in badan oo taageerayaashiisa ah. Naasir,waxuu iska sharaxay Word-10 oo Somalidu aysan ku badnayn,waxaana lagu qiyaasaa Somalida degan ee codaysa 3000-Qof,iyadoo guud ahaan Dadka codeeya ee Xaafadaas ay dhan yihiin 8000-Qof. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

Horumarkan la sheegay in Somaliya ay ka samaysay Barnaamijka Dayn Cafinta oo ay soo gaartay heer fiican,waxuu ku kooban yahay kaliya IMF iyo Barnaamijkeeda. Guud ahaan Barnaamijkii Daynta Cafinta ee Baanka Aduunka ma’ahan ee waa qaybta IMF Barnaamijyadeeda mid ka mid ah horay usocodkan. Waa dadaal socda, siina soconaya illaa lagu dhawaado xiliga go’aan gaarista *completion point*. Waxay u badan tahay in Sanad kale lagu daro maadaama ay jiraan caqabado. Barnaamijka Dayn Cafintu ma dhawa qorshihiisa,waxuuna weli ubaahan yahay shaqooyin badan oo ay ugu horeeyaan… 1.Midaynta Canshuuraha Dalka 2.Midaynta Miisaaniyadaha Dalka. Fashilkii ku yimid Barnaamijka Dayn cafinta dhawaan ee Baanka…

Read More

Waa Guul Taariikhi ah in gabi ahaanba la xiray Wadadii Oog ee gurmarka dhaawaca iyo Saadku usoo marayay SNM. Ciidanka Difaaca Sool,ayaa isku fidiyay dhamaan Jidadka isku xira Oog iyo Gobolka Sool intiisa kale. Gaar ahaan Wadada Laamiga ah oo xooga la saaray Labadii Dagaal ee ugu Danbeeyay kuwaas,ayaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamada SNM. Dhanka SNM,waxaa la xaqiijiyay in Burco la gaarsiiyay 84-dhaawaca iyo 38-dhomasho ah oo Ciidankooda ah. Dhanka Beelaha SSC Waxaa soo xarooday gurmadkii Labaad oo Beelaha lagu qoray kuwaas oo gaaraya kumanaan Askari. Dhanka Beelaha Harti,waxa dhamaan soo wada xarooday Tiradii ugu Badnayd ee loo baahnaa.…

Read More

Waa wax weyn Beelaha Harti oo midaysan kana wada shaqaynaya ilaalsashada Nidaamkooda,Amnigooda iyo midnimadooda. Hal Sano ka hor Garaad Jaamac,waxaa loogu yeeri jiray Garaadka guud ee Somaliland,Maantana badbaadinta PL,ayuu hormuud ka yahay. Dhanka kale Garaadadu jid ay ka baxaan ayay ufureen Aaran iyo reer Faroole,kadib markii ay waan-waan iyo dhex-dhexaadin bilaabeen. Garaad Jaamac oo ka hadlayay Garowe,ayaa kawaramay waxa uga qabsoomay dhex-dhexaadintii ee ay isla qaateen Dowlada.. “Madaxweynihii waan u tagnay, isagoo waliba safar ah ayaan Qardho ugu tagnay, golaha deegaanka iyo dawladdaha hoose awalba dood lagama qabin, wuxuu ahaa arin ay dadku doonayeen, laakiin arinka 8 Janaayo iyo…

Read More

Hogaamiyaasha Todobada Wadan ee ugu awooda badan Dhaqaalaha iyo Dimuquraadiyada caalamka ee G-7,ayaa kulmaya. Hiroshima oo ah meesha uu ka dhacay weerarkii ugu horeeyay ee Atomiga dhamaadkii dagaalkii Labaad ee Aduunka,ayay Todobaad dhamaadkan isugu imaanayaan. Shirkan,ayaa lagu casumay hogaamiyayaasha Ukrain iyo South Korea oo xulufo weyn la ah Maraykanka. Arimaha ay diirada saarayaan hogaamiyayaasha G-7,ayaa kala ah.. 1.Cunaqabatayno dhaqaale oo dheeriya sidii Ruushka loo saari lahaa. 2.Taageero Milleteri,mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed sidii loo siin lahaa Ukraine. 3.Diirad saarida hanjabaadaha Shiinaha ee ka dhanka ah Taiwan. G-7 oo ka kooban Wadadamada Canada,France,Germany, Italy,Japan,United Kingdom iyo United States.

Read More

Leaders of seven of the World’s most powerful democracies are gathering in Japan for the Group of seven summit . The weekend meeting happening in Hiroshima, the location of the World’s first atomic attack at the end of World War II . World leaders Canada, France, Germany, Italy, Japan, The United Kingdom and The United State We’ll be looking for ways to punish Russia, possibly by improving enforcement of economic sactions against Moscow. There’s also a desire to militarily, economically, and politically support Ukraine’s defense. Another big focus will be Beijing’s escalating threats against Taiwan. Japan has also invited the…

Read More

Waayuhu waa isku eg yihiin,hadafku waa mid,qorshayaashuna waa kuwii oo kale. Hogaamiyaha xiligan iyo kii waagaas,ayaa kala badalan,waa Cabdullaahi Yuusuf iyo Deni. Waayuhu waa isku eg yihiin oo Madaxweynihii xiligaas ee PL,ayaa loogu abaabulay kacdoon,iyadoo mudo xileedkiisii gabaabsiga ahaa iyo murankii doorashada loo marayo. Hadafku waa midkii oo waxuu ahaa in lagu kala diro midowga Dadka iyo Dhulka Beellaha Harti. Qorshayaashu waa kuwii burburinta Puntland-ta Saldhiga u ah nidaamka Fadaraalka ee caqabada ku noqday gooni goosadka Hargaysa,kali cunka Xamar,danaysiga Geelle iyo danaha Gumaystaha Ingiriiska ee Geeska Afrika. Fuliyayaashu waa isku mid oo waa Rag awood iyo dhaqaale si walba ku…

Read More

Banderbayla: 18 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa fagaare Kula hadlay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Banderbayla oo kulan soo dhoweyn ah u sameeyay Madaxweynaha iyo Wafdigiisa. Madaxweynaha ayaa Bulshada uga mahadceliyey soo dhoweynta, wuxuuna dhegaystay baahiyaha kajira deegaanka oo ay ugu horeyso Wadada Banderbeyla, wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay in muhiimad gaar ah Dowladdu siinayso Wadada Sidii dhakhso ugu dhismi lahayd si mustaqbalka ay Degmadu u hesho horumar, maalgashi iyo dalxiis wanaagsan. Bulshada deegaanka ayaa cod dheer ku taageeray hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, iyagoo muujiyey sida ay u garab taaganyihiin Urur Siyaasadeedka KAAH ee uu…

Read More

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy,ayaa ku biiri doona Shirka hogaamiyayaasha G-7 ee magaalada Hiroshima Wadanka Japan. Hogaamiyaha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in uu Zelenskyy ku casumay shir madaxeedka G7 intii uu ku guda jiray booqashadiisa Kyiv bishii March. Oleksiy Danilov, oo ah xoghayaha amniga Qaranka Ukraine iyo Golaha difaaca,ayaa telefishinka Qaranka ku xaqiijiyay in Zelenskyy uu ka qeybgali doono Shir madaxeedka G-7. Zelenskyy ka qaybgalkiisa Shirka G-7,waxuu uleeyahay macno weyn,maadaama uu ubaahan yahay garab joogta ah si uu iskaga caabiyo duullaanka Ruushka. Madaxda dalalka ugu horeeya caalamka dhaqaalaha iyo Dimuqraadiyada,ayaa soo saari doona cunaqabatayno cusub oo lagu soo rogayo Ruushka.

Read More

Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy will join leaders of the world’s most powerful democracies in Hiroshima, Japan, making his furthest trip from of his war-torn country as leaders are set to unveil new sanctions on Russia for its invasion. Oleksiy Danilov, the secretary of Ukraine’s National Security and Defense Council, confirmed on national television that Zelenskyy would attend the summit. “We were sure that our president would be where Ukraine needed him, in any part of the world, to solve the issue of stability of our country,” said Danilov. “There will be very important matters decided there, so physical presence is…

Read More

Warbixin ayay soo saareen Guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee loo xil saaray dabagalka colaadda ka taagan Laascaanood. Warbixinta oo ah mid qarsoon,ayaa lagu dul istaagay Shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lug leh colaada LC. Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee iyagu dagaalkan Gacanta ku haya,isla markaana masuul ka ah xasuuqa,barakaca iyo burburinta Magaalada iyo Shacabka LC,ayaa kala ah… 1.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid,Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland. 2.Jeneral Cabdi Cabdilaahi (Cabdi Dheere) Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Somaliland. 3.JG/Sare.Faysal Cabdi Bootaan Taliyaha Qaybta 7-aad, wuxuuna qaabilsan yahay howlgallada Laascaanood. 4 – G.Sare Ibraahim Ashkir,Taliyaha Qaybta 10-aad ee fadhigeedu yahay Gooje Cadde oo Waqooyi Bari ee Laascaanood. Guddigu…

Read More

Nairobi – A confidential report by U.N Panel of Experts investigating the conflict in Las Anod, a city in northern Somalila, has identified several key individuals involved in the months-long bloody fighting between Somaliland troops and SSC-Khatuma forces which killed hundreds and displaced more than 200,000 from their homes. The report obtained by Horn Examiner, the experts said they have also gathered evidence of potential violations of International Humanitarian Law and international human rights law during the conflict. The report by the Panel which was submitted to the United Nations Security Council identified the four individual, including three senior military…

Read More

Dagaalkii Saaka bilowday hadduu sii Laba jibbaarmay. Aagga Maraaga & Barigaba 3-Jiho,ayuu ka socdaa. Dhuyuc Xuunsho -Dhinaca Galbeed wuu ka sicdaa. Dhinaca Galbeedka Dagaalka,ayaa soo gaaray Xerada Goojacadde. Dhinaca Waqooyi Wuxuu ku Fiday Aagga Girin-Giirta & Samakaab. Dagaalka Maanta,waa ka culus yahay kii shalay,waxaana la filayaa Dhimasho & Dhaawac badan. 18-May,waxaa laga xusay Xabad. Jibril Qoobey.

Read More

Taliska Booliska Mudug si weyn,ayuu ugu diyaar garoobay ilaalinta amniga Bulshada xiliga Doorashada. Talye Maxamuud Cabdixakiin oo ah Nin dhalinyaro ah oo laga soo badalay markii hore Madaxtooyada Puntland qaybteeda amniga,waxuu ka muujiyay Mudug shaqo sare. Mudadii uu xilka hayay,waxaa la kowsaday dhawr arimood oo kala ah… 1.La dagaallankii argagixisada oo socda. 2.Isku dhacyada ay sababaan muranka Dhulalka oo faraha ka baxay. 3.Isku dhacyada Beelaha ee Miyiga oo batay. 4.Danbiyada ka dhaca gudaha Magaalada oo siyaaday. Dhamaan arimahaas,waxuu uga gudbay si xigmad leh oo Maanta Gobolku waa xasiloon yahay. Inta uu hogaaminta Booliska Mudug joogay,waxa uu dhisay…. B.Unug gurnadka deg-dega…

Read More

Sagootin Safiir waa diiday Madaxweyne Deni in uu u Aado Xamar,taa badalkeedana,waxuu saakay ukalahay Olalaha Doorashada ee Gobollada Bari. Deni arimaha uu mudan yahay in lagu tixgeliyo,waxaaga ugu horeeya Qabka sareeya ee uu leeyahay. Puntland waxay ku mashquulsan tahay Dimuqraadiyad iyo Mashaariic horumarineed. Somaliya waxay maraysaa in Safiir la badalay Xaflad lagu sagootinayo ay iskugu yimaadaan Madaxdii Dowlada Fadaraalka ee Labada heer. Jibril Qoobey.

Read More

Madashu waa Dowlada Puntland, waa Dowlad hoos tagta Dowlada Federaalka ee Soomaaliya (federal system) waa dawlad jirsatay 25 sano ku soo dhaqmaysay xaaladaha kal xeerar kala duwan iyo dastuur kumeel gaar ah iyo mid rasmi. Waa Dowlad ku soo caano maashay 25 sannadood nabad, amni, hormar iyo dhanka kaabayaasha dawladeed sida dhaqaalaha, haykal dawladeed, waxbarashada, dhismayaasha sida jidadka, garoomada diyaaraha, dakadaha IWM. Waa dawlad galisay maal, muruq iyo caqli sidii soomaaliya uga bixilaheed burburkii soona kabato si soomaaliya oo wada jirta aduun waynaha wax ula qabsan laheyd. Intaas markaan uga soo tago soodaalka puntland ee aan lagu soo koobi karin…

Read More

Waxgaradka,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka iyo Saraakiisha Gobolka Nugaal,gaar ahaan Beesha Ciise Maxamuud,ayaa si weyn uga hor yimid Shaqaaqadii dhacday Habeen hore  ee layskugu dayay in lagu hor istaago Doorashada Golayaasha Deegaanka. Hormuudka Gobolka ee hadlay oo ay ka mid ahaayeen,Qarjab,Siciid Dheere iyo Dadk kale,waxay sheegeen in aysan sinaba u aqbalayn in la hor istaago Dimuqraadiyada. Maxamuud Shiikh Xaamud oo ka mid ahaa Aqoonyahankii ka hadlay Madasha,ayaa muujiyay sida ay ugala weyn tahay qadiyada PL Qof jeclaysi. Maxamuud Waxay Walaalo yihiin Wasiirkii hore ee Cadaalada Cawil Sh.Xaamud oo hada ka mid ah kuwa wax xumaynay,isla markaana  waxaa Gabadhiisu ay Oori utahay Ina Faroole. Maxamuud…

Read More

Maleeshiyada SNM ee weerarka soo qaaday,ayaa markii hore xoogaa hinqisay Ciidanka difaaca Sool ee Aaga ku Aadanaa Tuulo Samakaab. Kadib gurmad fiican oo gaaray Ciidamada difaaca Sool jab weyn ayay gaarsiiyeen kuwii SNM,waxaana loo baacsaday kuwa SNM dhanka Tuulo Samakaab,iyagoo difaac ka xirtay meel ujirta Hal KM iyo Bar. Tuulo Samakaab,waxay ku taal Laamiga Burco Aada,hadii ay qabsadaan Ciidamada difaaca Sool waxay ka dhigantay in laga jaray Wadadii Saadka Maleeshiyada SNM. Dhanka Maraaga,waxaa ka dhacay dagaal xoog leh oo Maleeshiyada SNM looga qabsaday Buuraha Maraaga,waxayna dib ugu gurteen Toga Maraaga oo hadii markale loo xoog sheegto ay noqon doobto in…

Read More

Sirdoonka Qaranka Kenya,waxaa loo dhiibay Nin Somalida Kenya ah oo miisaan leh,kana soo jeeda Qoys miisaan culus ku leh Siyaasada Kenya. Ma fududa hogaaminta Sirdoonka Kenya oo ah mid ka mid ah Dalalka Afrika ugu horeeya oo ugu muhiimsan. Sirdoonka Kenya marka laga soo tago gudaha Kenya,waxuu saamayn weyn ku leeyahay Qaarada iyo Caalamka kale,waxaana soo dhexmara shaqooyin muhiim ah. Nayrobi Caasimada Kenya waa mid ka mid ah xarumaha Diblomaasiyada iyo shaqooyinka caalamiga ah ay ka dhaqaaqaan ee Qaarada. Jibril Qoobey.

Read More

Cabdullahi Maxamed Nuur oo loo yaqaanan 30 jir 30-Milyan haysta waa Lataliyaha Madaxweynaha arrimaha Xagjirka. Xaaskiisii hore ee Labadda Caruur ah u dhashay waxaa loogu magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ka hortaga Hubka sharci-darada ah. Su’aalaha iswaydiinta mudan,ayaa waxay yihiin…. 1.Ehelka Xasan mooyee Ummadda inteeda kale ma geyaan mise uma qalmaan miyaa xilalka Dowlada?? 2.Hadii la ilaaliyay Xuquuqda Ehel M.Xasan meeday tii 15-ka Nilyan ee Somalida ah?? 3.Nin iyo Xaaskii ma loo Gacan gelin karaa Shaqadaas xasaasiga ah ee Hubka iyo Xagjirnimada?? Xasan,waxuu soo afjaray maqaamyada wax lagu xusho ee kala ah.. 1.Aqoon. 2.Ilbaxnimo. 3.Bisayl 4.Khibrad. 5.Da’A Waa la wada gaaray xili…

Read More

Waa Siyaasi qaan-gaar ah Cumar Cabdirashiid. Si cad,ayuu usheegay in ay khasab tahay qabsoomida Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland shido la’aan. Waxuu kaloo sheegay tabasho walba oo jirta in lala aado Gudiga Doorashada. Waxaa xaqiiqowday in Cumar uu ka carooday Warkii khaldanaa ee Shalay laga soo saaray kulankii uu qaybta ka ahaa,kaasoo la sheegay in aan sida loo qoray ama loo shaaciyay Warmurtiyeedka aan laysku ogayn oo qolo dhexe wax leexisay. Cumar,isagoo ka daba tagaya Warkii Shalay iyo shaqaaqadii Xalay ee daba socotay,ayuu iska beri yeelay Labadaba in uu qayb ka ahaa. Gantaal Siyaasadeed culus oo dhabarka ka jabiyay,ayuu ku dhuftay…

Read More

Hadalka Beesha Caalamku,waxuu Puntland u ahaa garabgal Dimuqraadiyadeed. Marka ugu horaysa waxay Beesha caalamku dul istaagtay in ay si dhow ula socoto Dimuqraadiyada PL. Marka xiga,waxay sheegtay in ay si dhow ula socoto kuwa dhibka ku haya,waxayna ku baaqday in ay xal wada xaajood wax lagu xaliyo. Cadaadis gaar ah ma saarin Dowlada iyo Gudiga Doorashada midkoodna. Muhiimada ugu weyn ee PL ay ka heshay warka Beesha Caalamka,waa in hirgelinta Dimuqraadiyada ka socota ay heshay dareenka caalamka. Jibril Qoobey.

Read More

Sanduukhyadii waa gudbeen Cod bixinta 5-ta Gobol ee kala ah… 1.Karkaar. 2.Bari. 3.Gardafuu 4.Sanaag. 5.Haylaan. Hadafka shaqaaqadii Xalay waxay ahayd in la hor istaago Sanduukhyadaas,balse ilaahay mahadii khasaare kooban,ayay ku gudbeen. Ciidanku si masuuliyad ah ayay isku xakameeyeen Xalay. Dhalinyaradii Deegaanka ee la khalday,waa arinkooda Gacanta ku haya waxgaradka. Turaaturooyinku waa badan yihin,loomase hakanayo. Yoolku waa Puntland ugudubta Dimuqraadiyad. Jibril Qoobey.

Read More

Garowe, May 15, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdullahi Said Aw-Yusuf ayaa soo xirey shirka wadatashiga hannaanka Federaalaynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Puntland iyo DFS oo mudo 2 bari ah ka socday magaalada Garowe. Shirkaan ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa lagu lafaguray ka doodista isfaham la’aanta ka jirta dhinaca Dastuurka iyo Arrimaha Federaalaynta, wadaaga masuuliyadaha ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo DFS, mabaa’dida hannaanka Federaalka iyo xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladaha xubnaha ka ah DFS, dhamaystirka la’aanta Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan hirgelinta hannaan Federaalka. Sidoo kale, waxaa aad…

Read More

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland,ayaa sheegay in Shaqaaqadii Xalay ka dhacday duleedka Garowe uu ka danbeeyay Ergayga dhaqaalaha ee Xasan Shiikh Khadar Cabdiraxmaan Faroole. Laba Askari oo Boolis ah,ayaa ku geeriyooday Shaqaaqadaas,waxaana ku gubtay Laba Xarun oo Shidaal,sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Juxaa. Weerarka Xalay,waxaa fuliyay Ciidan joogay Beer uu leeyahay Khadar Faroole oo ku taal duleedka Garoonka diyaaradaha Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/j57g9LIUyrY

Read More

Dagaalka,ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu ka socda Bariga iyo Galbeedka magaalada Laascaanood. Dagaalka,ayaa waxaa soo qaaday Ciidamada Maamulka Somaliland. Ilo Dadka Deegaanka ah,ayaa sheegay dagaalka la’isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa, kala duwan. Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socota dukheyn xoogan oo ay ku hayaan Magaalada Maleeshiyada SNM.

Read More

Garoowe: 15 May, 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed E. Osman Karaash ayaa Shir-guddoomiyey Shir heer Caalami ah oo u dhexeeyey Dowladda iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Hay’addaha Caalamiga ah ay Gar-gaar bini’aadanimo oo xoogan ugu fidin lahaayeen Shacabka kasoo barakacay Xasuuqa Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood oo geystay khasaare Naf iyo maalba keh. Shirka waxa ka qayb galay guddiga Dawladda ee Arrimaha gurmadka bini’aadanimo ee Laascaanood. DHAMMAAD.

Read More

Turkiga,ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii Axadda. Si kastaba ha ahaatee, Erdogan, oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaas 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee dalkaas, ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayay. Iyadoo in ka badan 96% sanaadiiqda cod bixinta la tiriyay, Erdogan ayaa ku hogaaminayay 49.44% halka Kilicdaroglu uu helay 44.86%. sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu. Guddiga sare ee doorashada ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah aan la hubin, maadaama…

Read More

Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, ka dib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta. Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay. Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto…

Read More

Garowe, May 14, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta khadka zoomka shir kula qaatay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha caawiya barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland oo ay kamid yihiin UNSOS iyo Hay’adda UNDP. Shirka ayaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland, dhammeystirka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 33 Degmo, Fahamka guud ee Doorashooyinka Dadweynaha ee Puntland ka socda, xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee hay’adda bahwadagta iyo Dowladda Puntland. Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka socday Hay’addaha taageera barnaamijka Dimuqraadiyeynta la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland iyo Shacabkaba dhammeystirka hirgelinta hannaan dimuqraadiga ah ee…

Read More

Qof aan Ururada Siyaasada ku jirin boos ugama banaana ka hadalka iyo jaangoynta Siyaasada Puntland. Si gaar ah Niman boobka iyo isdabamarinta Siyaasadeed kusoo fuulay masraxa una arka waxa kaliya ee ay kusii joogi karaan in ay tahay Suuqaas Madow oo sii socda Bulshadu uhakanmayso. Waxa ugu weyn ee ay samayn karaan waxay tahay in ay Xoogaa Qoryo ah oo ay ka samaysteen Dhiiga Shacabka Puntland meelaha la istaag-taagaan. Kun haday ku dhimanayso Dowlada halagu garabsiiyo hirgelinta Dimuqraadiyada,iyadaa wax noogu taal. Nin sheeganaya Siyaasi oo iskadaa in uu Aayaheena ka taliyee aan gaarsiisnayn xataa in Agaasime Waaxeed laga dhigo yuusan…

Read More

Sadex kooxood,ayaa khatar ku ah qabsoomida Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland. Sadexdaas kooxood waxay kala yihiin…. 1.Xasan Shiikh iyo Villa-da Xamar oo u arka in PL uga guurayso Xero kale oo taariikhiya. 2.Shaqsiyaadka Deni mucaaradsan oo ay cid walba adeegsan karto wax walbana ay kala weyn tahay la dirirkiisa. 3.Argagixisada Shabaab iyo Daacish oo ka faa’idaysan kara isku soo baxyada Dadweynaha. Dimuqraadiyadu in ay hirgasho waxay muhiim utahay Bulshada Puntland iyo tan guud ee Somaliyed. Faa’idada ugu weyn ee Dimuqraadiyada,waxaa helaya Bulshada caadiga ah,sababtoo ah,waxay meesha ka saaraysaa kuwa fashilmay ee hor taagan,waxayna soo saaraysaa Dadka macnaha leh ee fursada loo…

Read More

Khariiradan waa sida ay ukala haystaan Magaalada Khartuum Caasimada Sudan Ciidamada iska soo horjeeda. Calaamada Cagaarka waa qaybaha ay haystaan Milleteriga Sudan. Calaamada Guduudka waa Aagaga ay haystaan Maleeshiyada RSF. Sida muuqata inta badan Magaalada,waxaa maamula Ciidamada Milleteriga Sudan,wayna ka awood badan yihiin kuwa RSF. Balse culayska haysta,ayaa ah in kuwa RSF ay ku dhex dagaallamayaan Xaafadaha oo ay gabaad ka dhiganayaan Guryaha,Isbitaalada iyo Iskuulada. Sacuudiga,ayaa waxaa ka socda wada xaajood ay dhinacyadu aqbaleen in ay fulinayaan,waxii lagu heshiiyo. Inkastoo hadana dagaalku sii socdo.

Read More

Turkiga,ayaa maanta u codeynaya , doorashada ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20-sano oo uu xukunka hayay. Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu,ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HpbcmARISt4

Read More

Dagaal culus oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa weli ka socda caasimadda Sudan ee Khartoum iyo magaalooyin kale ka hor wadahadallada xabbad joojinta ee maanta la filayo. Dadka Deegaanka,ayaa sheegaya in Ciidamada Suudaan ay duqeeyeen goobo ay dad rayid ah degan yihiin, halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti shacab. Dhinacyada dagaallamaya,ayaa Khamiistii saxeexay “inay diyaar u yihiin inay fulin doonaan waxa lagu heshiiyo”, ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka. Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah.

Read More

Gaalkacyo: 14 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad loogu mahadcelinayo laguna dhiirigelinayo Bulshada Gaalkacyo, Sidii wanaagsaneynd ee ay taageerada ugu muujiyeen urur Siyaasadeedka KAAH iyo Waxqabadka taariikhiga ah ee Madaxweynuhu ku hoggaamiyey Puntland. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Bulshada Gaalkacyo shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen, sida isdiiwaangelinta, qaadashada Kaararka codka iyo ka qeybgalka Ololaha iyo isu soo baxyada Doorashada, si gaar ah wuxuu uga mahadceliyey Cududii taageero ee Bulshadu u muujisay Ururka KAAH iyo Dowladda Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Madaxweyne Deni kama qaybgalayo Xaflada sagootinta Safiirka Maraykanka ee Somaliya oo 17-ka Bishan loo qabanayo. Casuumad loosoo diray,ayuu ka cudurdaartay in uu aqbalo,waxuuna usheegay Safaarada in uu ku mashquulsan yahay doorashada Golayaasha Deegaanka. Balse xogo kale,ayaa sheegaya in Deni diidan yahay is araga madaxda kale ee Somalida oo Xafladaas lagu wada casumay. Madaxweynaha,Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynayaasha DG,ayaa Xaflada lagu casumay. Maraykanka,ayaa Safiir cusub usoo magacaabay Somaliya,waxaana la badalay midka hada jooga. Jibril Qoobey.

Read More

Waa Dacwad ay ka gudbiyeen Xasan Shire Wardoonka Puntland,gaar ahaan qaybta la dirirta la dagaallanka Lacagaha Sharcidarada ah ee lakala gudbiyo. Sida ku cad Warqada,waxaa hay’adaha amaanka Sweden lala wadaagay xog hoose oo cadayn u ah qaybta uu ka yahay Lacagaha llaaluushka ah ee nidaamyada lagu dumiyo. Xasan,waxuu haystaa dhalasho Wadanka Sweden ah,gudbinta Dacwadana waxay ku keeni kartaa ugu yaraan in si gaar ah Isha loogu hayo dhaqdhaqaaqiisa. Waa wax cad in Xasan Shiikh usoo dhiibay Lacag lagu khal-khalgelinayo Dimuqraadiyaynta PL Xasan Shire Abgaal. Halkan ka akhriso:-

Read More

Si buuxda ayay uheshiiyeen reer Mudug iyo Madaxweyne Deni. Markii koobaad,waxuu hoygiisa ku booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdille,isagoo uga soo hoyday waxii kala gaaray xiligii doorashada. Kadib,waxuu la kulmay Labada Xildhibaan ee kala ah Fu’aad iyo Cawil,iyagana si dhamaystiran ayay uheshiiyeen. Kadib,waxuu la kulmay Nabadoonadii oo ay is afgarteen. Maanta Shirweyne,ayaa layskugu yimid,kaasoo lagu ducaystay oo lagu ballamay wada shaqayn iyo tushuush la’aan. Waxaa la oran karaa Mudug,waxay raacday Deni. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1657423850835963904?t=j7uLI9nmD5Beks4419Vydw&s=19

Read More

Talyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire oo Shir jaraa’id qabtay,ayaa udigay cidii isku dayda in ay carqaladayso doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland. “Siyaasigii ama Odaygii isku daya si Sharciga baalmarsan in uu ufowdeeyo Codaynta Doorashada,talaabo,ayaan ka qaadaynaa”Ayuu yiri Muumin. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1657370738238664705?t=cD6YAxs4hLAchRFgyedzmQ&s=19

Read More

Dooda laalida Qodobka qoraya in ay yihiin Xisbiyadu yihiin 3-Xisbi ee Dastuurka PL,waxay dhacaysaa June natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka kadib. Waa qorshe macquul ah in lakala leexiyo Doorashada Golayaasha iyo dooda Qodobkaas. Siyaasiyiinta aan ku faraxsanayn Dimuqraadiyada,ayaa isku dayaya in ay ka dhigtaan marmarsiiyo oo soo dhex maraan Dastuurka. Balse Dastuurka PL waa ubaahan yahay in dib loogu laabto Qodobada ay ka mid yihiin.. 1.Habka Doorashada Madaxweynaha. 2.Tirada Xildhibaanada. 3.Tirada Xisbiyada. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’salwasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan,ayaa lagu wadaa in laga sii daayo Xabsiga, maalin kadib markii Maxkamada sare ay go’aamisay in xarigiisii ​​foosha xumaa uu ahaa sharci darro. Garsoorayaasha,ayaa u ogolaaday Mr Khan dammaanad ilaalinaysa, taasoo la macno ah in aan dib loogu soo xiri karin eedeymahaas ugu yaraan laba toddobaad. Goor sii horreysay, Mr Khan ayaa sheegay in uu ka baqayo in mar kale la xiro kaddib markii la sii daayo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/FUzPGVWc8Tc

Read More

Guud ahaan Puntland waa Amni iyo kala danbayn. Bulshadu si weyn ayay ugu diyaar garowday Doorashada. 95%,ayaa qaatay Kaararka Codbixinta oo udhiganta 374-kun oo Qof oo ka mid ah 400-kun oo isdiiwaangelisay,waxaana weli socda Kaarar bixinta. Agabkii lagu geli lahaa doorashada Qaybtiisii Labaad,ayaa soo gaaray Puntland,kaasoo ka kooban.. B.Sanaadiiqdii Codbixinta. T.Qolka Codbixiyaha. J. Khadda farta (lagu calaamadinayo Codbixiyaha). X.Tooshka lagu xaqiijinayo Kaarka Codbixiyaha iyo farta codbixiyaha (Hadduu mar codeeyay qabanaya). Kh.Kolayadii Agabka lagu gurayay. Dowladu waxay diyaarisay dhaqaalihii lagu geli lahaa Doorashada oo dhan 3-Milyan oo dolar,taasoo aysan waxba ku darsan BC. 6000-kun oo Askari oo qayb ka ah amniga…

Read More