Author: Jibril Qoobey.

Madaxweyne Gaas,wuxuu kor istaagay Sadex Qodob oo Xaalka Wadanku ku jiro muhiim u ah,kuwaasoo kala ah… 1.Wadanka khatarta uu ku jiro & dabeecada Dadka Somalidu say tahay hal abuurnimadooda oo haday Dalkooda fursad fiican ka heli lahaayeen siday dibada uga heleen Wadankeenu u horumari lahaa. 2.Sida SL & arrinkeeda uu uga hadlay oo ugu dhiiraday kala Go’a cid horay sidaa ugu dhigtay oo Siyaasi Somaliyed ahi ma jirin,haday noqon lahayd Madaxda DFS iyo Kornayladii SNM ee Ina Kahin iyo Ina Biixi. 3.Sida uu u dul istaagay khataraha Soomaaliya dul hoganaya & in ay jiraan xiligan Wadamo Shisheeye oo si cad…

Read More

Aqoonsiga Qaranka ( National ID),waa Aqoonsi Sharciyad haysta oo waafaqsan nidaamka Fadaraalka. Waxaa maalgaliya Maraykanka iyo QM,waxaana looga gol leeyahay in cadayn loo helo Muwaadinka Somaliyed. Inta badan Dadku,waxay u isticmaalaan qaadashada Basaboor Somaliga,waana Lacag la’aan qaadashadiisa. Qofku iskuma diiwaangelin karo qaab Online ah oo waa in uu Xaafiis tagaa oo laga qaadaa Sawir iyo Faro. Marka Qofku isdiiwaangelinayo,waxaa laga qoraa Magaca,Da’ada iyo Goobta dhalashada. Horay,waxaa la qori jiray Magaalada uu ku dhashay Qofku,hadase,waxaa lagu daray DG uu kasoo jeedo oo hadii aad Galkacyo ku dhalatay,waxaa ku jira Barnaamijka la isticmaalayo Galkacyo PL iyo Galkacyo Galmudug. Diiwaangelinta Doorashada? Qorshaha Xasan…

Read More

Garoowe, 22 Maarso 2025 – Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF. Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.…

Read More

VOA,waa la tabay? 1.Waxay ahayd Idaacadii Qaranka. 2.Waxay ahayd Idaacad aan gaar loo lahayn. 3.Waxay ahayd Idaacad dhexdhexaad ah. 4.Waxay ahayd Idaacad lagu ilaaliyo Afka Hooyo. 5.Waxay ahayd Idaacad lagu soo hirto. 6.Waxay ahayd Idaacad kulmisay Saxafiyiinta,Aqoonyahanka,Culumada iyo Qaybaha Bulshada Somaliyed. 7.Waxay ahayd Idaacad door weyn ka qaadatay dagaalka argagixisad. 8.Waxay ahayd Idaacad door ka qaadatay Dowlad dhiska Somaliya. VOA maalmihii ay hawada ka maqnayd,waa la tabay,gaar ahaan Bulshada aan isticmaalin Baraha Bulshada,ayaa tabay. Qiyaastii 45% Bulshada Somaliyed ee sida tooska ah ugu xiran Radio,ayay ka mid ahayd Nolol maalmoodkooda. Waxaa kaloo VOA ay u ahayd Goob Somalidu udoonato Warka…

Read More

Al-Shabaab has taken control of three critical bridges in Lower Shabelle, raising major concerns about the security of Mogadishu. The militant group captured: 1. Awdheegle Bridge 2. Bariire Bridge 3. Aanoole Bridge Only Jannaale Bridge remains under government control. These bridges are vital routes leading to Mogadishu. When controlled by the government, they helped block Al-Shabaab from moving explosives into the capital, reducing suicide bombings. With three of the four now in militant hands, security experts warn that Mogadishu is at serious risk. In a separate development, Al-Shabaab claimed to have taken Guulane, near Aden Yabaal, shortly after President Hassan…

Read More

Qasrigii Madaxtooyada Sudan,waxaa laga saaray Maleeshiyadii RSF ugu danbayn. Tan iyo 2023-dii ayay Gacanta ku hayeen RSF Madaxtooyada,waxayna u ahayd Xarun muhiim ah oo Saldhig u ah wax iska caabintooda gudaha Caasimada Khartuum. Sudan,waxay gashay colaad sokeeye oo foolxun,waxaana tusaale kaaga filan in Xaruntii Madaxtooyada muuqaalkan yeelato. Dowladnimo dhinacyo badan leh oo mudo soo dhismaysay,ayaa hoobatay xaqiiqdii. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Way muuqatay AS in ay usocdeen qabsashada Gobolka Shabeellada Hoose oo dagaalka ay ka wadaan Gobolka kale ee Shabeellada Dhexe ay uga gol leeyihiin mashquulin oo kaliya. Haatan,waxay Gacanta ku dhigeen Buundooyinkii muhiimka ahaa ee Shabeellada Hoose sida Awdhiigle. Sidoo kale,waxay Maanta qabsadeen Sabiid iyo Canoole,iyagoo dilay Talyihii Ururkii No-50 Jareer. AS,waxay usocdaan in ay qabsadaan ugu danbayn Qaybo ka mid ah Xamar oo kala ah…… 1.Deynile. 2.Suuqa Xoolaha. 3.Huriwaa. 4.Kaxda. 5.Ceelasha Biyaha. Hadii ay usuurowdo AS in ay maamulaan Degmooyinkaas,waxay utahay fursad weyn,wayna adkaan doontaa in laga saaro. Sidoo kale,waxay ka badbaadi doonaan Garaacista Diyaaradaha oo waxay dhexgeli doonaan…

Read More

Sh.Shariif,shuruud adag,ayuu ku xiray Xasan Shiikh,taasoo ah… “Hadaad rabto in aan dagaalka Wadajir ugalno jooji waxa aad ugu yeertay Doorashada iyo Kaararka aad qaybinayso”. Fariintaas Sh.Shariif,waxa uu udhiibay Odoyaal dhexdhexaadinayay Labada Nin,kuwaasoo ay hormuud u ahaayeen… 1.Baadiyow. 2.Cumar Dhagey. Sh.Shariif,waa miruq jira markay timaado Xisaabta hoose ee Beelnimo isaga iyo Xasan,waana awooda dhabta ah ee AS jabin karta, isla markaana hor taagan damaca Xasan ee mudo kororsiga. Xasan,waxa uu Cadale utagay in uu Beelaha ku qanciyo dagaalka in ay ka qaybgalaan,umase suuroobin ilaa iyo hada. Taladu,waa ka baahday Xasan,wax Gacan ugu jiraana majiraan. JQ.

Read More

Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu baabi’iyay Waaxdii Waxbarashada Fadaraalka gebi ahaanteed. Trump,waxa uu sheegay in Waxbarashada loo daayay DG,Magaalooyinka iyo Qoysaska. President Trump Signs Executive Order to Eliminate the Department of Education “Closing the Department of Education would provide children and their families the opportunity to escape a system that is failing them.” President Trump. Talaabadan oo kale,waxaa ubaahan in ay qaado Somaliya oo la baabi’iyo Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka,sababtoo ah looma baahna. Waxbarashada,waxaa iska leh DG iyo Degmooyinka.

Read More

Bilida bilicda Caasimada Garowe iyo Afur Wadareedka lagu qabtay,waxay meel sare gatsay Puntland. Reer Puntland,waxay fariin qurux badan oo ay Somalida ku mataleen,ayay caalamka udireen. Waxay muujiyeen in ay jirto Qaybo Deegaamada Somalida ka mid ah oo xasiloon. Waxay muujiyeen in ay jirto Bulsho Somaliyed oo Nabada iyo Nidaamka udiyaarsan oo ilbax ah. Waxay muujiyeen in ay jirto Qayb Somalida ka mid ah oo argagixisada ka adkaaday iskana sifeeyay kuna cawaynaya xasilooni. Waxay muujiyeen in ay jirto Magaalo Somaliyed oo qurux badan. Reer Puntland Magac iyo Sumcad Somali hesho,iyagaa,ayaa sababa oo dhaliya mar walba.

Read More

Sarkaal Jareeroow oo ahaa Talye Urur iyo ilaaladiisii,ayay argagixisada AS Qarax ku dileen. Jareeroow,waxa uu ahaa Talyihii Ururka No-50 fadhiyay,waxaana Qaraxa lala eegtay,isagoo ugurmanaya Deegaamada cusub ee AS qabsatay. Sidoo kale AS,waxay Gacanta ku dhigeen Deegaamada Sabiid iyo Caanoole oo 10-km ujirta Afgooye Shabeellada Hoose. AS horay,waxay usoo qabsadeen Awdhiigle oo ah Deegaan muhiim ah. Ujeedka AS,waa in ay si buuxda uqabsadaan Gobolka Shabeellada Hoose,kadibna ay ugudbaan Qaybo ka mid ah Xamar. Sida muuqata Shabaab si weyn ayay usoo xoogaysanayaan,waxayna muujinayaan awood.

Read More

Garoowe: 20 March 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa bulshada Caasimada Garoowe kala qayb galay kulan Afur wadareed ah oo uu soo qaban qaabiyey Duqa Caasimadda Puntland Cabdiqaadir Geedi. Afur wadareedka oo ka qabsoomay fagaaraha Caasimada ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xoojinayey isdhexgalka bulshada iyo soo bandhigista bilicda iyo horumarka ay ku tallaabsatay Caasimada oo hadda yeelatay Wadooyin qurxoon, bilic leh isla markaana loo diyaariyay kulamada bulsho ee noocan oo kale ah. Kulanka waxa kasoo qayb galay Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, siyaasiin, culima’udiin, Dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe.

Read More

Socdaalka W.Dowlaha arimaha Dibada Wadanka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho soo gaaray,wuxuu ku salaysnaa umuujin Taageero DFS. Wuxuu ahaa socdaal niyad dhisid iyo taageero umuujin ah,kadib Qaraxii isku dayga dilka ahaa ee MW Xasan Shiikh ka badbaaday. Waxaa jira Dhaqaale aan buurnayn oo kabid Miisaaniyadeed ah oo ay Imaaraadku ufasaxeen DFS. Marka laga soo tago booqashadan niyad dhiska ah lama filayo Imaaraadku in si buuxda ugarabgalo Xasan Shiikh. Imaaraadku,waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay …. 1.PL. 2.SL 3.JL.

Read More

Xasan Shiikh dib,ayuu ugu soo laabtay Xamar,kadib Hal Habeen oo uu soo seexday Aadan-yabaal. Soo laabashadiisa oo ahayd lama filaan,ayaa waxaa sababay amnigiisa oo loo baqay kadib markii AS Madaafiic kusoo garaaceen Aadan-yabaal. Maalin ka hor ayay ahayd markii Gawaaridii galbinaysay Xasan Shiikh oo ahayd Lix Gaari oo kuwa Madaxtooyada ah ay Sadex ka mid ah ku burbureen Qarax argagixisadu AS udhigtay Wadada. Dhanka kale AS,waxaa Gacantooda galay Laba Qore oo ka mid ahaa Hubkii Masar keentay oo wax ka garaaci kara 30-Km. Xaqiiqdii waa walwal iyo fariin khatarteeda leh oo guud ahaan Somalida in MW-nihii furimaha hore ee dagaalka…

Read More

Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane. Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay. Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade. Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal. Tuuta xirashada iyo Aadista Aadan-yabaal ee Xasan Shiikh,waa Sanbuuse laga adimay,sababtoo ah…. 1.Argagixisadu Xamar ayay buux dhaafisay,waxayna si cad u weerarayaan Xarumihii muhiimka ahaa.…

Read More

Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane. Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay. Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade. Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal. Waxay umuuqataa in AS awood muuqata soo geliyeen gudaha Xamar.

Read More

Dhulkii la oran jiray gaari waa,waxaan ubadalnay mid Visa loo qaadan doono oo ku noolaanshihiisa lagu tartami doono. 26-Sano ka hor,waxay ahayd Tuulo yar oo kooban Garowe. 26-Sano kadib dhismihii Maamulka Puntland,waxay noqotay Caasimada Siyaasada Sadex meelood oo meel Somaliya,waxayna yeelatay muuqaalkan. Puntland dhismaheeda,waa sababta ay noogu leedahay qiimaha weyn. Sidoo kale nidaamka Fadaraalka ah,waa waxa uusan gorgortan nooga jirin oo Somaliya Fadaraal ah hadaan la helayn aan taaganahay Somali la’aan baan dooranay. Shacabka reer Puntland,waa awood aan la dhayalsan karin.

Read More

48-dii saac ee u danbeeyay,waxay dileen Ciidamada Difaaca Puntland in ka badan 23 Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. Sidoo kale waxay Ciidanku waxay hawlgalo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle. Firxadkii Argagixisada Daacish,ayaa Ciidanku ku raadjoogaa. Dhanka  kale Toga-jeceel,waxaa Miino Kila kacday Gaari ay lahaayeen Ciidamada Difaaca Puntland,waxaana ku Shahiiday 8-Askari,halka Afar kale ku dhaawacantay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Safaarada UK,waxay canbaaraysay Qaraxii weynaa ee lala eegtay Kolonyadii MW Xasan Shiikh. Safaaradu,waxay Tacsi udirtay ehelada Dadkii ku naf waayay iyo kuwii ku dhaawacmay. Waxay Safaaradu si cad usheegtay in ay garab taagan tahay DFS. Qaraxii Maanta,waxa uu ahaa mid khatartiisa lahaa oo sigay Madaxweynaha DFS ee haysta Aqoonsiga Caalamiga ah.

Read More

Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland. Kulankan,waxaa looga hadlay Laba Qodob oo kala ah… 1.In la dardargeliyo hawlgalka sifaynta argagixisada. 2.In la dhameystiro inta yar ee ka harsan firxadka argagixisada. Barta Taliska ee laga hogaaminayo hawlgalka sifaynta argagixisada ee Bosaso,ayuu ka dhacay kulankan.

Read More

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞: 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝟏𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:- 1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku halayn karo.…

Read More

Tan iyo marki uu bilowday dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish Waxa jira dhacdooyin badan oo qormaya oo ay ka mid tahay dhacdada Cabdiraxmaa Faysal Baarcad (Dhagadheere) oo ah dhacdo mudan in aynu si gaar ah u xusno. Maxay tahay haddaba dhacdada Cabdirixmaan Faysal Baarcad oo ah dhacdo foolaad u ah dhacdooyinka ka dhex dhacaya dagaalka aan kula jirno argagixisada khawaarijta ah ee daacish? Carbdirxaam Faysal Baarcad waxa uu ku dhashay degsiimada Duud-hooyo ee degmada Rako Raaxo ee Gobolka karkaar. Waa 19 jir ka tirsan ciidamada Dowlada Puntland gaar ahaa daraawiishta. waa curadka reerka oo ka kooban 11 qof. Cabdirixmaan…

Read More

Burbur xoog badan,ayuu gaystay Qaraxii lala eegtay MW Xasan Shiikh Maanta xili uu ku wajahnaa Aadan-yabaal. MW,ayaa gaaray Aadan-yabaal si uu udhiirigeliyo Ciidamada dagaalka kula jira AS. AS sidaanoo kale ayay  Hoobiyayaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade xilli uu kasoo degayay RW Itoobiya Todobaad ka hor. Waxaa kaloo xigay hanjabaado iyo xogo lamni oo la helay,kuwaasoo shergayay in la weerarayo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade,waxaana Duulimaadyadii joojiyay Diiyaaradaha Turkish Airways iyo Qatar Airways. Sidoo kale,waxaa isticmaalka Garoonka Aadan-cade ee Shaqaalaheeda hakad gelisay Safaarada Maraykanka. Xogaha amni ee laga helayo Xamar iyo Agagaarkeeda aad ayay u walwal badan yihiin.

Read More

AS,waxay isku dayeen in ay dilaan MW Xasan Shiikh,waase usooroobi wayday oo rabi,waa ka badbaadshay. Qarax culus ayay ku xireen dhisme ku yaalay Wadada uu marayay Madaxweynaha,waxayna la beegsadeen mid ka mid ah Sadexda Gaari ee MW lagu qaado oo Calanku suran yahay. Tani,waxay muujinaysaa awooda AS iyo diciifnimada Laamaha amaanka DFS oo Nisa ugu horayso. Hadii amaanka MW lagu filnaan waayay sugidiisa ma kan muwaadinka caadiga ah,ayaa lagu filnaan karaa?.

Read More

Laahoor,waa Xanuunsanaa wakhtiyadii ugu danbeeyay,waxa ugu daran ee hayay,waxa uu ahaa Xanuunka Dhiig karka,sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka. Xalay,ayaa la geeyay Labo Isbitaal oo ku yaal Bosaso,kuwaasoo mid yahay Kaafi,waxaana loogu sameeyay baaris Caafimaad,mana jirin wax Xanuun ah oo laga helay marka laga soo tago Dhiig karka. Ka hor intaan la gayn Isbitaladaas,waxaa kaloo lagu soo baaray Isbitaalka Ciidamada Badda. “Geeridiisa,waxa sababay,waa Xanuun caadiya,wayna soo bandhigaysaa Dowladu dhawaan jawaabihii laga helay baaristiisii Caafimaad ee lagu sameeyay Xalay intuusan dhiman ka hor iyo kadib”Ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolka Bari. Laahoor,waxay Maxkamada Ciidamada PL ku xukuntay Dil…

Read More

Somaliland’s Pursuit of Recognition: A Reality Check Can Somaliland Attain Recognition from the Federal Government of Somalia? The question of Somaliland’s statehood is fundamentally a matter that must be decided by the Somali people and the Federal Government of Somalia (FGS), not external actors. The broader Somali population does not support the fragmentation of the nation, nor do they wish to see any part of Somalia secede. Moreover, the President of Somalia, as the head of state, cannot and should not advocate for the disintegration of the country. His mandate is to uphold national unity and sovereignty. Opportunities for Somaliland…

Read More

SL,waxaa Lacagtii kaga dhamaatay Xildhibaano Xisbiga Jamhuuriga ah iyo Joornaalo ay ka dhex baadigoobayso Aqoonsi. SL maka heli kartaa Aqoonsi DFS? SL in ay noqoto Qaran gaar ah,,wuxuu ka go’aa Shacabka iyo DFS ee kama imaanayo Dibada. Shacabka Somaliyed ma danaynayaan in ay kala tagaan oo Qayb ka mid ah laga jaro. Sidoo kale MW Somaliyed oo Villa Somaliya fadhiya kama Shaqayn karo kala taga Wadanka. SL iyo fursadaha Midninada? Shacabka SL,waxay wada socodka Somalinimada ku heli karaan fursado waa weyn oo laga xusi karo…… 1.Caasimada JFS oo ay qaadan karaan. 2.Awoodo Siyaasadeed oo ay heli karaan. 3.Miisaaniyad soo kabasho…

Read More

By:-Cabdirisaaq Jubba. Sacuudi Carabiya ayaa Balaayiin Doollar Ku maalgashanaysa Dekedda Casab Ee dalka Eritrea,taasoo dhacda Badda Cas . Warar soo baxaya,ayaa sheegaya in Sacuudi Carabiya ay go’aansatay inay balaayiin dollar ku maalgeliso dekedda Casab , Tallaabadan ayaa la socota Hiigsiga 2030-ka Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, kaas oo ujeedkiisu yahay in la ballaariyo saameynta dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Sacuudiga uu ku leeyahay Afrika iyo gobolka Badda Cas. Lacagta ugu badan ee Maalgashiga sucuudigu,Wuxuu ku baxayaa in la casriyeeyo oo la balaariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dekeda Cassab. Sucuudiga dantiisu waa ay dhaafsiisan tahay kobcinta dhaqaalaha,Sidookale waa tallaabo istiraatijiyadeed juquraafiyeed oo dib…

Read More

Several employees at Voice of America were placed on paid leave on Saturday, one day after President Donald Trump signed an executive order gutting the U.S. government-funded media outlet’s parent and six other federal agencies. Multiple workers at Voice of America, an international media broadcaster that operates in more than 40 languages, shared with Reuters an email that placed them on administrative leave with full pay and benefits “until otherwise notified.” The emails, sent by a human resources executive at the U.S. Agency for Global Media, the VOA’s parent agency, instructed them not to enter their work premises or access internal systems.…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,waxay Cagta mariyeen Talisyo argagixisadu ku dhuumaalaysanaysay oo kala ah…. 1.Godmadow ee Curaar. 2.Lugta Laasku Wehelle. 3.Isha Dharabato oo ka tirsan Togga Jaceel. Ciidamadu,waxay halkaas ku dileen Laba Nin oo Miinaystayaal ah oo argagixisada ka mid ah. Sidoo kale,waxay Ciidanku ka furteen argagixisada…. 1.Gaari Iska-rogo ah. 2.Gaari yar oo ay furfureen. 3.Hubka noocyaddiisa kala duwan. 4. Mootooyin. 5.Saad. 6.Sahay. 7.Lacag. 8.Dahab. Dhamaan Agab,waxay ku Aaseen Godad oo laga soo saaray.

Read More

Boqol Xildhibaan,ayaa ka hor yimid oo buriyay in Xildhibaan Maxamed Abiib laga qaado xasaanadii Xildhibaanimo oo laga saaro Golaha. Xildhibaanka la beegsaday,mudo,wuxuu daba socday Mashaariic la musuqmaasuqay iyo Maamul xumo dhacday. Xaqiiqdii,waa Sharcidaro aan Geed loogu soo gaban in Xildhibaan ku waayo Xubininadiisii dhaliil Golaha fulinta uu usoo jeediyay. Xildhibaanadu,way dhiiradeen,sababtoo ah mid walba,way saamaynaysaa go’aankan oo waxay u ekaanayaan Ari meel ku xaraysan oo kii la rabo lagala bixi karo. Aadan Madoobe,waa Gudoomiyihii ugu liitay oo soo mara Gudoonka Baarlamaanka,waana Nin aan waxba xeerin oo kaliya ku Shaqeeya laaluush. Si Guud Baarlamaankan,waa kii ugu Tayo xumaa Baarlamaanadii Wadanka soo…

Read More

Firdhiye,wuxuu lasoo booday Kayntaroolka Firiryaale ee PL hala qaado. PL,waxay jawaab uga dhigtay Ciidankii fadhiyay Difaaca hore in ay kusoo celiso Kayntaroolkii Fariryaalihii uu Firdhiye yiri hala qaado. Kadib,isagoo cabaadaya,ayuu Karaash soo wacay oo ku yiri maxaa saa loo sameeyay? Karaash,wuxuu ugu jawaabay..(Waxaadan bi’in ma ba’soomin). FG: Ciidanka Difaaca Salinta fadhiya,waa Sadex Urur oo si buuxda qayb uga ah Ciidamada Difaaca Puntland. Halkaas markay marayso,ayuu dhacay dagaalkii Buqdharkayn,waxaa markaas lagu khasbanaaday in Ciidanka halkiisii lagu celiyo ilayn Firdhiye,waxba mahayee. Dagaalkii Buqdharkayn,dhaawicii ka dhashay oo gaaraya 130-Nin,waxaa la keenay isbitaalka Garowe,sababtoo ah kan LC maleh Dhakhaatiir iyo Qalab ku filan la…

Read More

Waa dhab in si ka qurux badan sida uu udhigay Wiilkaa Dhalinyarada ah hadalkiisa udhigi karay,waxaana hadalkiisu gaf ku yahay kala danbaynta iyo Sharciga Puntland. Shiikha Xaaskiisu danbi ma gelin oo waa Gabar reer Puntland oo Sharfan. Culumadu,waa Tiir ka mid ah Tiirarka Bulshadu ku taagan tahay oo leh xurmo weyn,waase khaldami karaan,waana la dhaliili karaa. Si gaar ah Shiikhan,waxaa kasoo baxa hadalo iska hor yimaada oo khatar ku ah Bulshada,waxaana ka muuqata in uu mudan yahay in dib u eegis lagu sameeyo masuuliyadaha uu hayo. (Nimankaas,waa Islaam oo lama layn karo),Ma’ahayn hadal fudud oo la qaadan karo. Nimanka uu…

Read More

AS,ayaa saaka oo Sabti ah lagu soo waramayaa in weerar abaabulan ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda, ee ku sugan Awdhiigle ee Gobolka Shabeellada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay iska hor in aad xooggan oo qaraxyo la socdeen. Weerarada argagixisada AS ee Deegaamada Xaawa Cabdi iyo Jihada Awdhiigle ee Maanta iyo kuwii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Balcad oo dhamaantood Xamar ujira markay ugu fog yihiin 30-KM,waa fariimo khatar muujinaya. In AS isku dayaan si muuqata Ciidan hubaysan in ay ku galaan agagaarka Xamar,waa dhiiranaan cusub. Horay,waxay ku hawlgeli jireen qarsoodi,balse sida hada muuqata,waa bareerayaan,waxayna rabaan in ay ugu yaraan Qaybo ka…

Read More

Ciidamada Difaaca Puntland,ayaa hawlgal ka sameeyay Deegaannada Lugta Huraanhur iyo Togga Raq-raq ee Buuraha Calmiskaad Hawlgalkaas ayay ku dileen Madaxii Drons-ka argagixisada Daacish. Waxay kaloo ku qabteen Saanad Ciidan iyo Talisyo. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Baaqa Nabadeed Colaadaha Gobolada Sool iyo Sanaag ee Madaxweyne Deni. Sanaag xasiloonideedu,waa Geed ka go’an. Shaqaaqo,waa dhacdaa balse,waa in laga daba tagaa oo la daba qabtaa. Dowlada Puntland,waa ku amaanan tahay ka hawlgelideeda Shaqaaqadaas. Sanaag,waxaa usocota dhismaha Wadadii muhiimka ahayd ee Ceeldaahir-Ceerigaabo,kadibna,waxaa ku xigi doona tayaynta hay’adaha Dowlada ee heer Gobol. MW waxa uu tagi doonaa Badhan oo ka hogaamin doonaa Wajiga Afraad ee sifaynta argagixisada oo Calmadow lagu aadi doono. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1900136132735631729?t=aQH6-KJOoAqAWypj0srghA&s=19 https://x.com/JibrilQoobey/status/1900143004012122317?t=zMr2bPTyZju4B2-itVOU1Q&s=19

Read More

Hadaljeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Abdi Farah Juxa uu ka jeediyey deegaanka Shimbiraale ee Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Halkan ka daawo muuqaalka https://x.com/JibrilQoobey/status/1899922006227014141?t=Bz07sSo0ZHk6T_OPIGmWww&s=19

Read More

Ceelbuuh: March 12, 2025: Waftiga Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Abdi Farah Juxa uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane, H.E Abdirahman Khaliif Faarah Waftiga dhaqanka ee uu hoggaamiyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire ayaa shir kula yeeshay magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag guddiga guurta ka kooban 27 oday dhaqanmeed ee xalinta dhacdadii Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag. Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay warbixinta guud ee dhacdadii meesha ka dhacday, u mahadcelinta labada beelood sida wanaagsan ee ay isku xakameeyeen, ciidamada amaanka iyo odayaasha galay hawsha maalintii 1-aad.…

Read More

Boosaaso : 13 March 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha iyo Dowladdaba u muujiyey siday u garab taaganyihiin Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Hillaac). Madaxweynaha ayaa caawa kulanka Dhallinyarada uga dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta Boosaaso oo dhismihiisu dhammaadyahay, caawa laga billaabo magaciisu noqonayo Garoonka Shuhaadada, iyadoo lagu maamusayo Ciidankii ku shahiiday hawlgalka ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac). Kulanka waxa Madaxweynaha Kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo Dhallinyarada Gobolka Bari. …

Read More

Boosaaso: 12 March 2025 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Puntland, Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweynaha, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Rugta Ganacsiga, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga iyo Ganacsato. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ganacsatada warbixin ku saabsan halka uu marayo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyadoo ujeedku yahay in Argagixisada laga sifeeyo Puntland . “Ujeedku waa in Argagixisada laga sifeeyo Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, Argagixisadii dadka buuraha kasoo handadi jiray wa u jedaan Ciidankeena buuraha ugu dhacay” Ayuu yiri Madaxweynaha…

Read More

Maanta,ayuu la wareegay Maxamuud Cali Yuusuf hogaaminta Midowga Afrika. Maxamuud? Waa Rug cadaa Diblomaadiyadeed oo leh Dabeecadihii looga baahnaa Diblomaasi,waxaana lagu sheegaa in uu yahay Nin Dabeecad fiican,aan deg-degin oo ka fiirsi badan. Waxa uu ku hadlaa Afar Luuqadood oo kala ah… B.Canfar. T.Somali. J.Faransiis. X.Carabi. Mudo,ayuu soo ahaa Wasiir Arima Dibadeedka Jabuti. Caqabadaha horyaala? 1.Khilaafka Wadamada Galbeedka Afrika dhexyaal. 2.Khilaafka Congo. 3.Colaadaha Wadamada Bariga Afrika. 4.Khatarta Argagixisada gaar ahaan Daacish. 5.Qancinta Kenya oo Kursiga uga guulaystay. 6.La macmiilka Mesefeni oo si khaldan ula hadlay. 7.Saamaynta Quwadaha Caalamka ee Afrika. Geeska Afrika iyo Maxamuud? 1.Colaada Somalida iyo Canfarta ee Itoobiya.…

Read More

and inclusive Africa where all Africa citizens can benefit from the economic growth, improved well-being and welfare, justice, and freedoms. He underscored the need to have a look at the challenges facing the continent and to find more creative solutions. “I have observed the unreserved commitment by the leadership to the realization of our great aspirations, which essentially consist of promoting the development of the continent, the construction and modernization of the infrastructure we need to ensure the functioning of our industries, the efficient performance of our services, the flow of our export products, and enhanced intra-African trade through the…

Read More

Waxaa la micno ah Doontaas RW Abiy oo Siyaasadiisu umuuqato mid gabalkeedu sii dhacayo. Meel uu si buuxda Gacanta ugu hayo,waxaa jirta Adis-ababa. Maamulada wada Shaqaynta tooska ah la leh,waa Somalida,Canfarta iyo Shucuubta Koonfureed. Maamulka Oromada,waxaa ka socda dagaalo Qaybo badan oo ka mid ahna kuma jiraan Gacanta Maamulka. Maamulka Amxaarada,waxaa ka socda dagaal la rabo in Gacantiisa looga saaro oo xoog badan. Maamulka Tigreega,waa ka baxay Gacantiisa,waxaana lasoo cayriyay Maamulkii Reda ee isaga ku xirnaa. Sidoo kale Abiy,waxaa ka hor yimid Siyaasad khatarteeda leh,taasoo ah isbahaysiga Eretereya, Tigreega iyo Amxaarada,iyadoo awalba uu haystay culayska dibada ee reer Galbeedka. Hadaba…

Read More

Xildhibaanadan,waxay guteen waajjbkii ka saarnaa badbaadinta Somaliya. Soo jeedinta ah ( Madaxweynaha DFS ha iscasilo),waa aragtida ugu haboon xiligan ee wax lagu badbaadin karo. Dhan walba oo laga eego Somaliya,waa sii dumaysaa… 1.Midnimadii Siyaasadeed ee Wadanka oo awalba jilicsanayd,waa burburtay. 2.Canshuur iyo Miisaaniyad horay looguma midaysnayn haatana rajadii ahayd in lagu Midoobo,waa dhimatay. 3.Amnigii oo aan awalba lagu midaysnayn,ayaa sii baaba’ay,waxaana lumay awoodii yarayd ee Ciidamada sheegta Milleteriga DFS iyo Maleeshiyaadkii Beelaha ee iska caabin jiray argagixisada. 4.Hay’adihii Maamulka ee Sharcidajinta,Garsoorka iyo Fulinta,waxay noqdeen Magac uyaal,waxayna lumiyeen doorkii awalba liitay ee ay lahaayeen. 5.Si guud rajadii ahayd in Qaran Somaliyed…

Read More

Ugu danbayn Reda,waa la cayrshay,waxa uuna si dirqiya uga badbaaday Xarig. Adis-ababa,ayuu ucararay Getachow Reda Madaxii Maamulkii KMG ahaa ee Deegaanka Tigreega. TPLF,ayaa la wareegtay awooda Maamul ee Dergaanka,waxayna soo afjartay Maamulkii Reda ee ku xirnaa Abiy. TPLF,waxba iskagama tirinayso Abiy oo horay ayay iskugu jabeen,mana leh awood uu kusoo weeraro. Markan TPLF Siyaasiyan,waa ka hormarsan tahay Maamulka Abiy oo waxay isbahaysi la yeelatay Eretereya iyo Amxaarada. Abiy ma awoodo in uu isku mar weeraro Sadexdaas awoodood ee u Shirkoobay. Maanta Deegaanka Tigreega ma hoos yimaado Maamulka Abiy ee Adis-ababa. Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee TPLF Debreson,ayaa ku digtay Getachow Reda.…

Read More

Ballanta kulankan,waxaa usoo sameeyay RW Abiy. Ajandaha kulanku,waxa uu ahaa taageerada Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la rabo in la geliyo Shabeelooyinka. Abiy,ayaa kaga sii horeeyay oo usharaxay Imaaraadka qorshaha isaga iyo Xasan wataan ee ay kula dirirayaan AS. Qorshuhu,waxa uu yahay in si buuxda Ciidamada Itoobiyaanka ah ay gudaha Labada Shabeelle iyo Hiiraan usoo galaan,kadibna ay kula diriraan AS. Maalgelinta qorshahan oo Abiy aqbalay,waxaa laga dalbaday Imaaraadka mase cada in uu 100% aqbalay. Ciidamadii DFS ka Mushahaar qaadanayay,waa kala daateen,kuwii Beelaha,waxaa kasban waayay Xasan Shiikh.

Read More

Hal Shirkad Koronto ma anfacayso Magaalo laga rabo in ay samayso horumar oo Caasimad u ah Dhul gaaraya 212-kun KM isku wareeg ah. Sida dhacday marar badan oo Maantay ay ugu danbaysay,waxaa cilad qabsanaysaa Shirkada,kadibna Korontadii,ayaa maqnaanaysa Lix Saac oo isku xigta. Waxaa jarmay Intarneedkii. Waxaa damay Taleefoonadii. Waxaa istaagay wax kala iibsigii. Waxaa istaagay Shaqadii Isbitaalada. Waxaa xirmay Hoteladii iyo Maqaaxiyihii. Khasaaraha Maanta kaliya dhacay,waxaa lagu qiyaasay $60-$70-kun. Dhibku,waa Korontadii Magaalada oo uxiran Hal Shirkad,taasoo siday doonto yeelaysa oo aan ka taxadarin Bulshada adeega ay uhayso. Cid alaale iyo cidii isku dayda in ay keento Koronto cusub,waxay siinayaan Saami…

Read More

Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo haldoorka kale ee Siyaasada Puntland,waxay ka aragti duwan yihiin Shacabka Puntland markay noqoto aragtida Siyaasadeed ee Somaliweyn. Haldoorku,waxay qabaan in aan laga maarmin Dowlad Fadaraal ah oo Somali wada leedahay,gaar ahaan ay PL dani ugu jirto. Dooda oranaysa Xamar waxba lama sii lahaan karno ayay ganafka ku dhufteen,waxayna leeyihiin,waa lama huraan Somali Siyaasada kusii midaysnaata. Shacabka Puntland,way ka fogaadeen xamar iyo wax lasii lahaanshaheeda,waxayna ku doodayaan in ugu yaraan PL lagu mashquulo oo iyada laga shaqeeyo horumarkeeda ilaa laga helayo Somali kale oo udiyaarsan Dowladnimo. Reer Puntland,waxaa niyad xumeeyay lugooyada joogtada ah ee uga imaanaysa mar…

Read More

Waxa Beledweyne ka dhacay Maanta mahan wax caadiya xaqiiqdii. Hotel ay daganaayeen waxgaradkii iyo Siyaasiyiintii diyaarinayay Ciidamo cusub oo la hawlgeli lahaa kuwa Itoobiyaanka,ayay Cagta mariyeen. Waxaa niyad jabka xoojinaya,waa in Nisa ay ogaan wayday Gawaarida Qaraxyadu ka buuxaan ee ku jiray Magaalada. Sanbalooshe hawshan isagaa isku xirxiray oo Itoobiyaanka heshiiska lasoo galay,isla markaana Beelaha abaabulay,waana Deegaankiisii uu Maalmo ka hor joogay. Dadka ku Naf waayay,waxaa ku jira Nabadoono cuslaa oo hormuud u ahaa qorshaha dagaal ee dhanka qoraxsinka looga saari lahaa argagixisada. AS awooda cusub ee ay lasoo baxeen mahan wax la dhayalsan karo,waa khatar weyn oo guud ahaan…

Read More

Madaxtooyada Siiriya,ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala Saxiixdeen Dowladda Siiriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Siiriya ee loo soo gaabiyo SDF. Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan kuwa dowladda. Maamulka cusub ee Siiriya, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu kala diro kooxaha hubeysan ee maamula dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi, Bashaar al-Assad, bishii December, kaddib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.…

Read More

Garowe, Maarso 11, 2025 – Ciidanka Booliska Puntland,ayaa maanta xabsiga dhigay eedaysane lagu arkay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey, isagoo si xun u jirdilaya ilmo yar suuqa magaalada Garoowe. Eedeysanaha ayaa magaciisu yahay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax. Baaritaanka hordhaca ah ee Boolisku sameeyey,ayaa caddeeyey in eedaysanuhu uusan ka tirsanayn Ciidanka Booliska Puntland ama hay’adaha kale ee amniga. Sidaas darteed, wuxuu fal-dambiyeed ku galay isticmaalka dharka Ciidanka iyo xadgudubka xuquuqda ilmaha yar. Eedeysanaha ayaa ka mid ah waardiyeyaasha Suuqa Inji ee Garowe. Ciidanka Boolisku, iyagoo fulinaya waajibaadkooda sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, ayaa degdeg uga falceliyey dhacdadan, waxaana eedaysanaha loo gudbin…

Read More

Ugu yaraan Lix Qof, oo ay ku jiraan Laba Nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne,ayaa ku dhintay,Shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billowday oo Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay saaka aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee Magaalada Beledweyne,Xarunta Gobolka Hiiraan. Wararka ka imaanaya Magaalada,ayaa sheegaya in ilaa iyo caawa rasaas goos goos ah laga maqlayay Hotelka gudihiisa, halkaas oo ay ku hareereysan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda,Ciidamada Jabuti ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidamo Itoobiyaan ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

A powerful airstrike has targeted fleeing ISIS militants regrouping in the Miiraale Valley within the Calmiskaad mountain range. The operation carried out by Puntland’s allies from the United Arab Emirates marks a major escalation in the fight against terrorism in the region. The strike comes as part of the ongoing Hilaac Operation and Puntland Counterterrorism Operation aimed at eliminating militant threats. With ISIS forces attempting to regroup Puntland’s decisive action backed by the UAE sends a clear message that terrorist elements will find no safe haven. Security analysts see this as a strategic victory for Puntland and a sign of…

Read More

Duqeyn culus,ayaa Caawa lala beegsaday Xubno katirsan firxadka argagixisada Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay Togga Miiraale. Duqeynta,ayaa waxaa fuliyay Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka Carabta oo taageeraysa Howlgalka CiribtirkaArgagixisada ee Puntland. “Duqeyn ka dhacday Caawa Togga Miiraale,waxaa lagu beegsaday Firxadka Argagixisada Daacish oo is urursanayey, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada.

Read More