Author: Jibril Qoobey

Guud ahaan Ciidanka Badda Puntland waxay sameeyeen Gadood. Ciidanka gadooday waxay kasoo baxeen oo soo baneeyeen goobihii ay Cadawga ku hor fadhiyeen. Ciidanku waxuu ka gadooday markii shaqada laga cayriyay lagana jaray mushahaarkii Askartii uga naafoowday dagaaladii ay horay ula galeen cadowga. Ciidanka la ruqseeyay,ayaa gaaraya 70-askari oo kuligood dhaawac culus qaba. Sida warku nagu soo gaaray Ciidanka la ruqseeyay ee naafada ah,waxaa boosaskoodii lagu badalayaa kuwo cusub. Go’aanka cayrinta Ciidankan,waxuu kasoo baxay Madaxweyne Deni sida ilo xog ogaal ah ay noo xaqiijiyeen. Talaabadan waa mid laga xumaado oo niyad jab ku ah guud ahaan Ciidamada difaaca Puntland . Jibril…

Read More

Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay Heshiiska Dhoofinta Shidaalka DDS Ee Djibouti. Kulan uu maanta yeeshay baarlamaanka fadaraalka Itoobiya,ayuu ku ansixiyay heshiiska ay dhawaan gaareen labada dal ee itoobiya iyo Djibouti,kaasoo ku saabsan dhismaha dhuumaha shidaalka qaada. Heshiiskan,ayaa qayb weyn ka ah soo saarista iyo iibgaynta shidaalka kasoo bixi doona DDS kaasoo la filayo in sanadaha soo socda guduhooda dibada loo iib geeyo.

Read More

Wafdigii uu horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethopia oo gaaray Qalaafe Wafdigaan uu horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethopia Dr Amiir Aman oo socdaalka ku wahliyeen Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Ethopia, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, iyo xubna kale oo ka socda laamaha dowlada. Wafdigan oo galabta casir gaabadkii gaaray degmada Qalaafe ayaa booqday Xarunta Caafimaadka degmadaasi oo ah Xarun qadiimi ah waxa ayna halkaa xog waraysi kula qaateen Howlwadeenada Xarunta kuwaas oo wafdigan u gudbiyay baahiyaha xarunta ka jira. Socdaalka Wafdigaa ayaa ahaa mid salka ku hayay sidii ugu kuurgali lahaayeen baahiyaha Caafimaad ee ka jira Gobalka Shabelle waxana sidoo kale shalay booqasho tan…

Read More

Wax la fahmi karo mahan sababta loogu sii hayo Wasaarada muhiimka ah ee Amniga Gallan. Markii horaba khibrada amni ee ugu weyn ee loogu dhiibay Wasaarada amniga waxay ahayd dilkii uu dilay Ganacsade Xirsi Aduunyo. Maleeshiyadii uu isagu hogaamin jiray ee ku dilay Xirsi Aduunyo,ayaa isbaaro dhigatay oo uusan waxba ka qaban karin. Booliskii,ayaa dib uhabayn lagu bilaabay oo uusan waxba kala socon. Daraawiishtii,ayaa dib uhabayn lagu wadaa oo uusan warba uhayn. Qaraxyo iyo dilal isdaba joog ah,ayaa dhacay kuwana la fashiliyay. Hal bil waxuu jooga Nayrobi isagoo dagan Hotel qaaliya,sababta uu ujoogana waxay tahay kormeer uu ku samaynayo ganacsi…

Read More

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka dawlada Putland ayaa qaabilay wafti ka socda Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee dhowaan lasoo magacaabay Mr Adam Abdelmoula. Wasiirka,ayaa ku bogaadiyey waftiga shaqada Qaramada Midoobey ay ka hayso Puntland,wuxuuna usoo jeediyey in waxqabadka bani’aadanimo lagu saleeyo baahiyaha ka jira Deegaanada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee la darsay. Sidoo kale Wasiir Dinix waxuu kala hadlay waftiga Qaramada midoobey arimo ay ka.mid yihiin sida ugu haboon ee lagu Dhamaystiri karo Dastuurka Soomaliya iyo sidii Puntland looga taageeri laha hormarinta Hay’addaha Cadaalada. Waftiga oo booqday xarumo kala duwan,ayaa Puntland ku…

Read More

Waxaa Warbaahinta idilnews loo ixaqiijiyay in uu ka baaqday Madaxweyne Deni ka qaybgalka caano shubka Fiqiga. Badalka Madaxweynaha,waxaa tagaya Caano shubka 12-Wasiir iyo Xildhibaano Baarlamaanka Puntland ka tirsan. Si dhab ah looma sheegi karo sababta uu ubaaqday Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa beri la filayaa in uu beri gaaro Mudug. Madaxweynaha iyo waftigiisa,ayaa kasoo degi doona garoonka diyaaradaha ee Heemo. Madaxweynaha iyo waftigiisa sida aan ku helay xogta waxay ka qaybgalayaan caana shubka Fiqi-ga beesha reer Xirsi Faarax. Jibril Qoobey.

Read More

Dhismaha Laamiga bartamaha degmada Galdogob ee gobalka Mudug ayaa galabta la soo gaba gabeeyay, waxaana la dhamaystiray 1.6 KM oo qorshuhu ahaa. Laamiga ayaa laga dhisay Mashruuca TIZ PLUS ee Hay’adda USAID iyo isku tashi bulsho, waxaana gacanta ku haysay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco. Shirkadda Kebarco ayaa laamiyo casri ah ka dhistay degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle. Galdogob, Bursaalax iyo Jariiban oo ay la qorshaynayo in dhawaan loo dhiso. Kasmaal Media.

Read More

Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaallada jigjiga,ayaa isugu soo baxay Wadooyinka halbowlaha ah ee Magaaladaaas. Shacabka oo aad u caraysnaa waxa ay ku dhawaqayeen Takbiirta Alle waxayna wateen boorar. Shacabku waxay si xamaasad leh dareenkooda umuujinayeen siday oga xun yihiin Falalki foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Amxaarada ee lagu gubay 4-ta masaajid.

Read More

Goobo ganacsi oo ku yaal suuqa ugu wayn magaalada Jowhar ayaa gabi ahaanba gubtay, kadib markii xalay uu dab qabsaday. Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baakhaarro lagu iibiyo Qalabka dhismaha,farmashiyayaal jumlo iyo tafaariiq ah,Dukaamo lagu iibiyo Dahabka iyo Bagaashka.

Read More

Waxaa goor dhow Soo gaaray Magaalada Goday wafdi uu horkacayo wasiirka Caafimaadka Ethopia Dr Amiir Aman iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo si habsami leh halkaa loogu soo dhawayay. Wafdigaan ayaa ka koobnaa Wasiirka Caafimaadka Ethopia iyo Ku xigeenkiisa Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS wasiir ku xigeenka Madaxtooyada DDS iyo xubna kale. Wasiirka Caafimaadka DDS Dr Yuusuf Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in socdaalkooda la xariiro u kuurgalida xaaladaha Caafimaad ee Gobalka . Waxaan wafdigaan uu booqasho ku tagay Isbitaalka Magaalada Goday halkaa uu warbixin kaga dhagaystay howlwadeenada. waxaan sidoo kale lagu wadaa in uu…

Read More

Xildhibaanada baarlamaanka fadaraalka,waxaa loo kala diray dhawr fariimood. Fariimahaas waxay ku salaysnaayeen ajandaha baarlamaanka. Fariinta koobaad waxay ahayd in ajandaha beri foog uu yahay cod uqaadista sharciga doorashada. Fariinta labaad waxay ahayd in la badalay ajandihii hore oo laga dhigay ka doodista sharciga … Fariimahan iska daba imaanayay ee jahwareerka keenay waxa sababaya khilaaf xoog badan oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowlada Fadaraalka. Farmaajo waxuu qabaa in doorashada sharcigeedu uu noqdo kii hore ee baarlamaanka loosoo gudbiyay. Fikirkaas waxaa ku raacsan Farmaajo Gudoomiye xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad. Khayre waxuu rabaa in sharcigaas oo wax laga…

Read More

“Waxaan anigu aaminsanahay in doorasho qof iyo cod ah aysan xiligan dhici karin”ayuu yiri Laftagareen. Laftagareen oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri”Ilaa dadka la tirakoobo,dhulka la haystana la xoreeyo doorasho ma qabsoomi karto ee nidaamkii hore 4.5 halagu laabto maamul kastana haku soo doorto Xildhibaanada Deegaankiisa laga rabo”. Sidoo kale Madaxweynaha doorashadiisu ay dhiiga badan ku daadatay ee Koonfur-Galbeed,waxuu ganafka ku dhuftay mudo kororsi loo sameeyo Dowlada xiligan talada haysa,waxuuna sheegay in uusan taageersanayn mudo kororsi aysan cina dani ugu jirin. Hadalkan waxuu dhabarjab ku yahay hankii Farmaajo ee ahaa in uu wax loogu yeero doorasho qof iyo cod ah loo…

Read More

Ciidanka Booliska Puntland waxaa soo maray hogaamiyayaal lala duwan oo midba heer keenay hadana waxaa nooga qirshaysan dib uhabayn”sidaa waxaa yiri Madaxweyne. Markii lagu qiimeeyo 20-sano oo Puntland ay jirtay Ciidankeeda Booliska waxaa lagu tilmaami karaa kuwo dib dhacay. Qalab iyo tababarba aad bay uhooseeyaan Booliska Puntland. Hadalka Deni waxaa loo fasiran karaa in uu qorshaynayo wax ka badal uu ka samaynayo hogaanka Booliska. Khaliif Ciise Mudan iyo Talyihii Booliska Fadaraalka ee la badalay Bashiir,ayaa loo dhiibay gudi dib uhabayn ku samayn doona Booliska Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, ayaa daah-furay gurmad loo fidinayo dadkii roobabku saameeyeen. Caluula: 22 December 2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo…

Read More

Danjiraha Maraykanka ee Somaliya Yamamoto,ayaa kusoo wajahan Jubaland. Imaanshaha Yamamoto ee Kismaayo waxay ku salaysan tahay wadatashi uu la yeelanayo Madaxda sare ee Jubaland. Si rasmi ah nooma soo gaarin arimaha ay kawada xaajoon doonaan,balse imaanshihiisa,ayaa naloo xaqiijiyay. Jubaland waxaa kusoo qulqulayay waayahan danbe wafuud heer caalami ah,iyadoo Dowlada Dhexe ee Somaliya ay ku doodayso in aysan sharci ahayn doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe. Jibril Qoobey.

Read More

17-askarta Dowlada Fadaraalka ah iyo 7-Qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyooday.Qaraxii caawa ee Gaalkacyo. Sidoo kale 6-Alshabaab ah oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday,ayaa dhamaantood geeriyooday. Dhaawacu waxuu ilaa iyo hada gaaraya 30,waxaana lakala geeyay laba isbitaal oo Magaalada ah. Gaadiid laba ah oo ay lahaayeen Ciidamadu iyaguna waa gubteen. Ciidamada PSF ee Puntland,ayaa gurmad xoog leh sameeyay waxayna badbaadiyeen inta badan Askartii iyo shacabkii la weeraray. Qooje Dagaari iyo Cabdixamiid Dirir oo ah saraakiisha la weeraray way ka badbaadeen Qaraxaas,waxaana hada lageeyay Saldhiga Ciidamada PSF ee Gaalkacyo. Jibril Qoobey.

Read More

Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,ayaa lagu weeraray Hotel uu daganaa Talyaha Ciidamada Lugta ee Dowlada Fadaraalka. Hotel Golobal oo ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayay wararkii ugu danbeeeyay sheegayaan in uu isku qarxiyay qof naftii hure ahaa. Wararku waxay intaas ku darayaan Qofka is qarxiyay in uusan ku guuleysan Hotelka in uu gudaha u galo oo isku qarxiyay banaanka hore. Talye Dirir waa ka badbaaday qaraxaas sida warku sheegayo. Ciidamada amaanka,ayaa Rasaas xoog leh furay Qaraxa kaddib. Jibril Qoobey.

Read More

Qarax xoog badan,ayaa ka Gaalkacyo,gaar ahaan dhanka Koonfureed ee Baraxley. Qaraxa kadib waxaa goobta ka dhacaya Rasaas xoog badan. Wararka aan weli la xaqiijin waxay sheegayaan in lala beegsaday Qaraxa goob ay deganaayeen Ciidamo ka socda Dowlada Fadaraalka. Warka danbe la soco

Read More

Shirka Midaynta maaliyada Somaliya ee Kismaayo ka socday,ayaa soo afmeermay. Shirka waxaa kasoo baxay Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin dhamaan Wasiirada ka qaybgalay. Waxaa jira heshiis ay wada saxiixeen oo ka doodistiisu mudo soo socotay. Jubaland,ayaa shirkan martigalisay doorna ka qaaday guushiisa. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay casuumad uu ugu sameeyay duleedka Garowe Isimada Gobolka Bari,ayaa sheegay khilaafka Puntland iyo Dowlada dhexe ee soo noqnoqda uu sababayo dhamaystir la”aanta Dastuurka Fadaraalka. Sidoo kale Deni oo ka hadlay dhaqdhaqaaqa Somaliland ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn,ayaa yiri.. “Soomaaliland waxay ku soo ordaysaa Dal iyo Dad aysan lahayn”. Dagaalkii Degmada Towfiiq ayuu sheegay in ay ka danbeeyeen siyaasiyiin dad-isku-dir ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa umagacaabay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho Abwaan Shube oo kasoo jeeda Puntland horayna u ahaa Gudoomiyaha kooxda Waaberi Puntland. Ujeedka magacaabista Shube waa iska cad yahay oo waxaa ka danbeeya Cali Yuusuf Cali Xoosh oo aad ugu dhow Khayre. Ujeedka,ayaa ahin la helo sameecad loo adeegsado olalaha soo aadan ee Musharaxnimada Madaxweyne Khayre,gaar ahaan Deegaamada Puntland. Sida aan xogta ku helnay magacaabistan waxba kama oga Farmaajo iyo Madaxtooyadiisuba. Halkan ka akhriso magacaabista. Jibril Qoobey.

Read More

9-Qof ayay Ciidamada amaanku uqabteen Qaraxii la fashiliyay ee Bosaso. 9-ka Qof waxaa ku jira shaqaale ka tirsan Xukuumada,Ganacsato iyo maamulayaal Dugsiyo Quraan. Ilaa laba ka mid ah shaqsiyaadka la qabtay way qirteen danbiga,sidoo kalena waxay qirteen in ay horay ufuliyeen Qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo lala beegsaday masuuliyiin uu ka mid ahaa Talyihii Booliska Bari Muslin. Weli baaristu waa socotaa xogaha la helayaana waa sii kordhayaan. Jibril Qoobey.

Read More

Muxyidiin Talyaha Booliska waxa lagu haysto waxay tahay in uu xiriir la leeyahay koox khatar badan oo ilaa 9-Xubnood ka kooban. Sababta Muxyidiin kooxdan ugu xirnaa waxaa lagu micneeyay sadex arimood midkood,kuwaasoo kala ah.. B.In Booliska iyo kooxdan ka dhaxaysay xogo kala qaadasho qarsoon. T.In Boolisku kooxdan u adeegsanayeen khalkhalgalinta amaanka Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo . J.In golaha xukuumada dhexdeeda ay ka jirto koox adeegsata Xubnahan argagixisada ah. Yoolka Qaraxyada iyo dilalka qorshaysnaa ee la fashiliyay,waxuu ahaa xarumaha Laamaha amaanka iyo Hay”adaha Gargaarka sida PIS-ta iyo UNDP. Baaristu waa socotaa lagamana hordhacayo. Jibril Qoobey.

Read More

Saakay si rasmi ah ugu dhawaaqay in 50% la dhimay lacagtii adeegyada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo laga qaadi jiray. Waxaa la dhimay lacagtii Marka ay diyaaradu soo dagto laga qaadi jiray. Waxaa meeshaba laga saaray lacagtii laga qaadi jiray diyaaradaha ku dhaxa ama ku hoyda habeenkii garoonka. Waxaa la dhimay lacagtii HRM ay qaadan jirtay iyo kuwa kale oo fara badnaa. Guud ahaan kharashkii ka bixi jiray Diyaaradaha garoonka isticmaala oo gaaray 2010$ waxaa hada lagu soo koobay 934$. Goobta lagu shaaciyay dhimista kharashakan oo ahayd Galkacyo,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arimaha gudaha Dhabancad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada…

Read More

Haddii Saaka lagu guuleysto Satelite ETHIOPIA udireyso hawada sare ee lagu magacaabo ETRSS-01 Ethiopia waxay ka taqaluseysaa dhawr wax yaabood oo kala ah. B.In dhulka muranku kala dhexeeyo Wadamada dariska la ah oo dhan Khidada ay u dajisey ayadu ay ku guuleysato,waxayna la socon doontaa dhaq dhaqaaqa Xadadka. T.In ay ka faa’iideysato Biyeheeda iyo dhamaan macluumaadka Dhulka hoostiisa ku jira ee aysan ka war hayn hadda. J.In shacabkeedu ay helaan isgaarsiin Waafi ah oo dhamaan qaybaha loo baahan yahay ka dhameystiran. X.Gacan ku haynta xogaha Gobolka oo ayada marti looga noqon doono wax walba oo Gobolka ka socdana ay Khuburadoodu…

Read More

Kornayl Mukhtaar Shiikh Maxamed Suubane Madaxii Sirdoonka ee maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (ina Iley) oo maalmaha ka hor lagu qabtay Hargaysa kadib wada shaqayn dhexmartay laamaha amaanka ee labada maamul,ayaa Jigjiga loosoo dhaadhiciyay. Mukhtaar waa mid ka mid ah Ragii gaboodfalyada ka gaystay Deegaanka sida dhibka badana uciqaabi jiray Maxaabiista. Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa gaboodfalyadii ka dhici jiray gudaha Xabsigii caanka ahaa ee Jeel-Ogaadeen. Qabashadiisa waxaa soo dhaweeyay bulshada Deegaanka,maamulka Somalida iyo Dowlada Dhexe ee Itoobiya. Jibril Qoobey.

Read More

Madasha Xisbiyada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana aysan mid kale la geli doonin. Heshiiskaan,ayaa dhinacyadu ay gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somaliya ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh oo ka wakiil ahaa Madasha. Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Muqdisho, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada, islamarkaana uu heshiiskii hore jebiyey. Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha waxaa ka mid ah..“inuu sii wado inuu shacabka u diido…

Read More

Guud ahaan lacagtii saarnayd Dadka iyo Diyaaradaha kadaga ama ka dhoofa Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo way laashay Dowlada Puntland. Cabashadii shacabka way gaartay Madaxweyne Deni,wuuna ka garaabay. Si buuxda,ayaa loo amray in aan dib loo qaadin lacagtaas. Joojinta lacagtaas waxay Garoonka usoo celinaysaa duulimaadyo badan oo ka leexday. Garoonka Cabdulaahi Yuusuf waa mid ka mid ah garoomada ugu muhiimsan guud ahaan Somaliya. Jibril Qoobey.

Read More

Ilhaan Cumar waxay si weyn garab istaag ugu muujisay dadaalada socda ee lagu raadinayo cafinta daynta Somaliya uu ku leeyahay Maraykanka. Dayntaas,ayaa lagu qiyaasaa in ay cagacagaynayso ku dhawaad 5-Bilyan oo dolar. Shuruuadaha ku wareegsan in Somaliya dayn laga cafiyo,ayaa waxaa ka mid ah.. “Midaynta Canshuuraha dalka oo idil,la dagaalanka musuqa iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka”. Sidoo kale waxaa muhiim ah in Dowlada Somaliya ay kasoo dhalaasho oo ay waxkaqabato ilaalinta Xuquuqda Insaanka,Maamul Wanaaga iyo xasilooni siyaasadeed oo midaysan. Ilhaan waxay warkeeda kusoo gabagabaysay in ay kasii shaqayn doonto sidii loo heli lahaa,Somaliya nabad ah,Dimuqraadi ah oo ka xorowday…

Read More

“Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay weli mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri markale.. “Hadafyada Soomaaliya ay leedahay waxaa lagu gaari karaa iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dhammaan daneeyeyaasha, 2020 waa sanad Soomaaliya u ah mid taariikhi ah,” Booqashada Swan ee Kismaayo,waxaa ku weheliyay xubno ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan General Pervez Musharraf,ayaa maanta maxkamad gaar ah waxaa ay ku xukuntay in la dilo ka dib markii lagu heley dambi ah khiyaano Qaran isagoo ka maqan dalka.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka.

Read More

Ugu danbayn Wafti uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa gaaray Degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay Puntland in ay diyaar u tahay in nabada la xoojiyo oo aan dib loosoo celin colaadii Gobolka Mudug aafeysay. Puntland,ayaa lagu dhaliilay sida ay ula tacaashay colaadaas,isla markaana fursad siisay Dowlada Dhexe oo Ciidamadeedu weerarka kusoo qaadeen Degmada. Inkasta oo uu hogaan jilicsan yahay Wasiir Dhababcad hadana in uu Degmada gaaro waa loo baahnaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn…

Read More

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland mudane jaamac faarax muuse ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqday garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadio ee Magaalada Gaalkacyo. Wafdiga wasiirka ayaa waxaa Garoonka kusoo dhoweeyey maamulka gobolka mudug duqa degmada Gaalkacyo, gudoomiayah cayaaraha ee gobolka mudug, gudiga dhismaha garoonka cawaale iyo injineerada dhisaya garoonka. Halkan ka daawo Muuqaalka

Read More

Xariga Jeeniqaar boqolkiiba Sideetan waxaa lagu tuhmayaa in uu maleegay Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh. Mahan markii ugu horaysay oo uu shirqoolo masuul kasoo jeeda Puntland oo mansab ka haya Xukuumada Fadaraalka ah Cali Gaab. Horay waxuu umaleegay oo qayb uga ahaa xilka qaadistoodii masuuliyiinta kala ah… Juxa isagaa ka shaqeeyay In laga qaado Si uu Cawad oo ilma Abti yihiin loo siiyo Kursiga.Bashir Ciise Gudoomiyihii Bankiga Dhexe isagaa dacaayadeeyay oo ka baqay In Wasiirka Cawad ku fadhiyo la siiyo Cumar Maxamuud awood qaybsiga dartiis.Gabar lagu magacaabo Xamsa Isbariiije oo Qunsul ka ah Dalka Cumaan wuxuu abaabulay in lagu badalo…

Read More

Laba askari iyo qof shacab ah,ayaa dhaawac ka soo gaaray, Bam-gacmeed caawa lagu weeraray mid ka mid ah saldhigyada Booliska magaalada Gaalkacyo. Saldhigga,ayaa ku yaalla Bartamaha magaalada Gaalkacyo. Kooxihii weerarka gaystay waxay ka baxsadeen goobta,iyadoo dadkii dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee Magaalada.

Read More

Maalinka beri foog ah,waxaa dib ugu laaban doona Kismaayo caasimada Kmg ah ee Jubaland Madaxweyne Axmed Madoobe. Axmed Madoobe waxuu mudo ku sugnaa Nayrobi oo uu kula kulmay wakiilada beesha caalamka,Madaxda Kenya iyo Madaxda Somalida. Inta hawlihii uu Nayrobi utagay Madaxweyne Axmed Madoobe way usoo gabagabeen.sida warka aan ku helay. Imaanshaha Axmed Madoobe ee beri iyo Kismaayo waxaa xigi doona oo maalinka talaadada ah soo degi doona wafti balaaran oo maqaamkiisu sareeyo oo ka socda beesha caalamka. Sida ay ii xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Todobaadka soo socda dhamaadkiisa ama bishan dabayaaqadeeda Jubaland iyo Dowlada Dhexe khilaafkoodu dhinac buu udhici…

Read More

Guuleed Saalax waa Nin Dhalinyaro ah,karti badan,dadaal muujiyay sumcadiisa uu Bulshada ku dhex leeyahayna ay sarayso waxna bartay. Qoys ahaan waxuu kasoo jeedaa mid taariikh ku leh Deegaanka oo waxaa awoowayaashiisa Ganbool iyo Nuur Geedi. Guled mahan Nin loo laandheerayn karo markay timaado gudaha beeshiisa,sidoo kale mahan Nin loo digdiglayn karo oo cidna marti noqon kara. Aaran-jaan iyo Guuleed” Aaran-jaan oo ay markan matalaan Maxamuud Shido iyo Xasan Shire Abgaal si adag bay udiidanaayeen magacaabistiisa waxayna adeegsadeen culays walba oo ay ku lahaayeen Deni in ay kaga hortagaan,balse Madaxweynuhu waa ku adkaystay. Ragan waxa kaliya oo ay ku diidan yihiin…

Read More