Author: Jibril Qoobey

Ciidanka Daraawiish-ta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa dagaal kula wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Jubbaland. Degaannada ay howlgalka kula wareegeen Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa waxaa kamid ah degaannada Araare iyo Maleeleey oo u dhow degmada Jamaame oo Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay muddoo ku sugnaayeen Al-Shabaab. Idiris Kuusow Sheekh Cabdi, oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka war-heleen in Kooxda Al-Shabaab qorsheynayeen weeraro ka dhan ah, sla…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Axmed Siciid Yuusuf u magacaabay mareeye cusub ee Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in magacaabista Mareeyaha cusub ee Garoonka caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso, ay ku timid baahida loo qabo horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada xafiiska Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.13 January 16, 2020, ku magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa caawa Magaalada Garoowe ka daah-furay Golaha xirfadlayaasha caafimaadka Dawladda Puntland. Golahaan oo ah mid Dastuuri ah, uuna xeerkiisa meel-mariyay Barlamaanka Puntland, ayaa waxaa horey magacaabay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana uu ka shaqeyn doonaa Hubinta ,Ruqsad siinta Diiwaangalinta ,Kormeerka,Tayaynta Dhawrista iyo Ilaalinta xushmada Caafimaadka. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Farax Xasan, ayaa soo dhaweeyay daah-furka golaha xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo ah mid dawli ah, waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaana ay la socon doonaan shaqadooda, sidoo kalena ay ilaalin doonaan inaan lagu xad-gudbin xirfadlaha iyo xarumaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si xirfadeysan u soo gaba-gabeeyay muran bilihii ugu dameeyay ka taagnaa Mashruuca “Logistics” ee Ciidanka Badda Puntland, sida ay shabakadda Idil News u xaqiijiyeen xubno ku dhow xafiiska Madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa qandaraaska ku wareejiyay ganacsato cusub oo kasoo jeeda beesha Cali Saleebaan, oo ah beesha horey mashruucan u hoggaaminaysa, waxaana meesha laga saaray koox ganacsato oo uu hoggaaminayay “Saalax Deer” oo ahaa saamilaha ugu weynaa shirkadda PDG ee qandaraaskan horey u heysatay. Mashuuracan oo bishii ay ku baxdo 1 Milyan oo dollar, ayna bixiso Dowladda Imaaraadka carabta, oo taageerta Ciidanka PMPF…

Read More

Taxanaha Mashruuca Horumarinta magaalooyinka iyo xilliga uu soo bilowday, Ra’iisul Wasaaraha ma ogaal la’aan ayuu ka ahaa heerarka uu soo maray ? Mashruuca Horumarinta magaalooyinka waxa uu soo bilowday 2015 (Somali Urban Investments Planning Project- SUIPP) waxaana markaas laga bilaabay magaalada Muqdisho. Mashruucan waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiiski ugu horeeyay oo ahaa February 2016, xilligaas lacagta Muqdisho loogu tala galay waxay aheyd 800,000$ halka Garowe 600,000$ lacag ku dhaw, waxaana loogu tala galay in magaalo kasta Muqdisho iyo Garowe in loo dhiso koox Khubaro ah oo fuliso Mashruucyada World Bank iyo magaalada laga tala galiyo waxa mustaqbalka loo…

Read More

Shirkada CCECC ee Shiinayska ah iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland,ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Macdan baaris ka waday Buuraha Calmadow ee Sanaag. Wararka ayaa sheegaya inuu sahan ahaa hawlgalkan laguna xaqiijiyay Macdan fara badan oo halkaas dhex ceegaagta. Wasiirada Puntland iyo Macdan baarayaasha Shiinayska ah waxay dib ugu soo laabteen Magaalada Boosaaso, iyagoo xogta Macdantaas u gudbin doona Xukuumada. Al-Shabaab oo ka war helay baarista macdantaas, ayaa markii danbe gubay Gaari kuwa qoryaha la saaro ah oo markuu uga xumaaday Uulxaleed ay Qorigii kasii furteen ilaaladii la socotay Wasiirada iyo Macdan baarayaasha. Sida xogtu tilmaamayso waxaa jira qorshe balaaran oo…

Read More

Saddex ruux ayaa ku dhimatay, halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Magaalada Muqdisho. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhowr shaqaale Turki ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo sida ay sheegtay ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen lix qof oo Turkish ah, ayna dhaawaceen afar ka mid ah, sida ay hadalka u dhigeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Turkey, oo ku aadan…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho, kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar. Mashruucan oo uu maal-galinaya Baanka Aduunka, ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar. Hase yeeshee qoraal kooban oo goor dhow kasoo baxay ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo loo dusiyay Warbaahinta ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha…

Read More

Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba. Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay. Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo baahan yahay. Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal,…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta booqday Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale oo Dowladeed. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa booqday goobo ay kamid yihiin Xarunta Wasaarada Dekedaha Puntland, Taliska saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso iyo Xarumo kale, iyagoo u kuur galaya sida ay shaqooyinku u socdaan, waxaana uu kormeerkan ayaa ahaa mid khibrad wadaag ah iyadoo Masuuliyiinta Kale ee Madaxweynaha la socotay ay la kulmeen dhigooda xarumahan ka howlgalaya. Sidoo kale, Magaalada Boosaaso waxaa ka socda shirar saacado qaatay oo dhexeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo…

Read More

Saddex ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay hanaanka doorashadda maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan in lagu shubto doorashadda. Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa ku baaqay in doorashada ugu yaraan 21 Cisho dib loo dhigo si loo helo Waqti Ololo. Waxa ay sheegeen in wali Handaad lagu hayo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, islamarkaana hadii ay sii socoto Handadaada ay iska hari doonaan doorashada.

Read More

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay halka loo yaqaan bood boodka oo ku dhow koontaroolka Baar ismaaciil ee degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare nafeed, sida ay ku waramayaan dadka degaanka. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan Ismiidaaminta ah oo loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, lala beegsaday Askar katirsan Ciidanka dowladda iyo shaqaalle Turki ah oo saarnaa gaari Cabdi bille iyo gaari kale. Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Muqdisho, iyadoo si kale ay jiraan dad dhintay oo tiradooda ay ku socoto hubin..

Read More

Shirka u dhexeeya Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, ayaa hada ka socda xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, waxaana shirkan looga xaajooniyaa arrimo ay kamid yihiin; 1.Wax wada qabsiga labada maamul. 2.Dowlada Dhexe iyo la shaqaynteeda. 3.Beesha caalamka iyo xiriirkeeda labada maamul. 4.Amaanka iyo la dagaalanka argagixisada. Shirka Golaha Wasiirada labada dhinac, ayaa gogol xaar u noqonaya kulan gaar ah oo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Kulanka ayaa marka uu soo gaba-gaboobo la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed lagu cadaynayo mawqifyada labada maamul ee arimaha guud ahaan Soomaaliya iyo kuwa gaarka…

Read More

Shirka u dhexeeya Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, ayaa hada ka socda xarunta madaxtooyada Puntland ee magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, waxaana goobjoog ah Madaxweynayaasha Puntland “Dr. Deni” iyo Jubbaland “Axmed Madoobe”. Shirkan oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarka guud, ayaa looga hadlaya arrimaha Siyaasadda dalka, sida Doorashooyinka, dib u eegista Dastuurka, Shidaalka iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya. Kulanka ayaa la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo laga soo saaro War-saxaafadeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Read More

Shirkadda Facebook ayaa shaacisay in ay hakisay islamrkaana ka mamnuucday shirkadda SPINNER adeegga Facebook 7 WhasApp, SPINNER ayaa hay’adaha xukuumadda Israil kala shaqeysa arrimaha Basaaska iyo Maskax-dhaqidda dadka isticmaala baraha bulshada, SPINNERwaxa ay barnaamij gaar ah u sameysatay saameynta Wacyiga iyo beddelidda dhaqanka dadka. Barnaamijyeynta Shirkadda SPINNER ee Taleefoonada gacanta qaarkood si gaar ah I PHONE ayaa sababtay in shirkadda Facebook la kulanto dhibaato kaddib markii ay SPINNER diidday in Facebook hubiso ololaha iyo Nuxurka SPINNER u gudbineyso adeegsadayaasha Facebook, taas oo keentay in Facebook guud ahaanba hakiso islamarkaana mamnuucdo SPINNER. Facebook oo ah shirkadda ugu ballaaran ee leh Baraha bulshadu ku xiriirto oo Mareykanku leeyahay ayaa sidoo kale waxa ay adeegsiga…

Read More

Hoggaamiyaasha todobo waddan oo Afrikaan ah ayaa shir laba maalmood socday ku yeeshay maagalada Lome ee caasimada dalka Togo, shirkaas oo looga hadlay waxyeellada ay daawooyinta been abuurka ah u geysteen dadka. Madaxweynayaasha dalalka Senegal, Uganda, Gambia, Niger, Congo Republic, Ghana iyo madaxweyaha dalka Togo Faure Gnassingbe oo martigeliyay shirka ayaa ka qeybgalay kulankan labada maalin socday. Madaxweynaha dalka Togo ayaa sheegay in daawooyinka been abuurka ah ay yihiin khatar bini’aadanimo oo maalinlle ah, haseyeeshee lasoo gaaray haatan waqtigii wax laga qaban lahaa. Dhanka kale khabiiro caafimaad ayaa sheegay in ilaalinta xuduudaha oo jilican ah iyo nidaamyada caafimaadka dawladaha Afrika…

Read More

Feeras cusub oo ka dilaacay gudaha dalka Shiinaha ayaa la shegay in ay ku saamoobeen boqolaal ruux sida masuuliyiinta dalkaasi ay u sheegeen warbaahinta. Iilaa 41 sheebaar oo la marsiiyay Feeraskan ayaa lagu xaqiijiyay in uu yahay mid cusub. Iyadoona illaa iyo haatan sheegay in ay u dhinteen labo ruux. Feeraskan ayaa ka dilaacay magaalada Wuuhaan ee dalka Shiinaha halkaas oo lasheegay in ay ku suganyihiin boqolaal ruux oo cudurkani qaba. Garoonka caalamiga ah ee magaaladan ayaa waxaa adeegsada dad gaaraya 19 milyan oo ruux balse 3,400 oo ruux ayaa maalintii ka sameeya safaro caalami ah. Qaar kamid ah kiisaska…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, ayna sababtu tahay in mas’uuliyiinta Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayaan inay awoodda la wareeggaan. Madaxweyne Axmed  Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in hanaanka lagu dhisay Soomaaliya, burburkii kaddib uu yahay mid Federaal ah  islamarkaana Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doonayso in ay meesha ka saarto. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah,…

Read More

Ugu yaraan 11 ruux ayaa ku dhaawacantay Bambo-gacmeed lagu weeraray xalay guri ku yaalla Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir, sida ay kusoo waramaya Dadka degaanka. Bambo-gacmeedka ayaa lagu weeraray Guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo, kaas oo ay ku sugnaayeen dad isugu jira rag iyo dumar, waxaana la sheegay in Labo kamid Dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidato. Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxdii ka dambeysay weerarkan Bam-gacmeedka ah ay goobta ka baxsadeen, Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaana gaaray goobta lagu weeraray Bambo Gacmeedka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in xubno kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka si looga soo hor-jeesto Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay kulan qado ah oo uu ugu sameeyay duleedka Boosaaso, Madaxweynaha Jubbaland iyo Odayaash dhaqanka Gobalka Bari ayaa sheegay in aysan heynin tabar Dhaqaalle, mid Amni iyo horumarin midna, laakiin ay diyaar u tahay waxa dhisan inay burburiso oo meesha ka saarto. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso adkeynta Ammaanka , iyo Midnimada Shacabka…

Read More

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo. Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Aweys Axmed, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Cape town. Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday. Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkii tegay ee 2019 waxaa lagu diley dadkii ugu…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Kunyo-barrow ee goobalkaas, Duqeymahan oo ahaa kuwo culus ayaa lala beegsaday saldhigyada Kooxda Al-Shabaab ee degaankaas, waxaana jira warar sheegaya in goobta la beegsaday ay ku sugnaayeen xubno sare oo katirsanaa Al-Shabaab. Ma jirto, wax war oo ku saabsan duqeymahan ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka shabeelada Hoose, oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, iyo Ururka Al-Shabaab, waxaana uu imaanayaa iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay diyaarado dagaal duqeymo ka fulinayeen degaano ka tirsan gobolada dalka qaar oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug, ayaa Guddoomiye u doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal, kaddib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. Hoos Ka Akhriso Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Maanta loo doortey Baarlamaanka Maamulka Galmudug. 1966, ayuu ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud • 1987, ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho • 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho • 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan • 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika • 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka…

Read More

Go’aan ka soo baxay Guddoonka SSDF iyo Maamulada Gobbolada Waqooyi Bari 10/12/1996, iyagoo tixraacaya go;aamo horay looga soo saaray dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dhedig. Iyagoo garowsan dareenka dadweynaha iyo laga marmaanimada badbaadinta degaanka iyo xoolaheena, Iyadoo ay guddiga u muuqato khatarta ku soo fool leh degaanka iyo xoolaha (protection of environment) waxaa la go;aamiyey In aan laga dhoofin Karin dhuxusha iyo xoolaha dhedig Dekedda Bosasoin lala wareego gaadiidka badda ee qaada dhuxusha iyo xoolaha dhedigWaxaa laga dhowraya dhaqan gelinta go’aankan, ciidanka ilaalinta dekedda, ciidamada kontaroolada iyo dadweynaha waxgaradka ah ee dareenka wadaninimo leh. Shirkaas aan caadiga ahayn waxaa ka soo…

Read More

Doorashada oo aad u kululeyd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan Cismaan,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Galmudug loo doortey Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal. Ka hor doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa tartanka isaga harey Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod, hal cod ayaa halaabey,waxaana codeeyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug. Daqiiqadaha soo socda ayaa waxaa la guda…

Read More

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo jimce ah ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. 7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow. Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada maanta dhaceysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka socday Kulamo kala duwan oo loogu loolamaya…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo shirar kula qaatay Madax ka socotay Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Shirarka Labada dhinac ayaa looga hadlay iskaashiga Amniga iyo Dhaqaalaha, Adkeynta Nabbada xuduudaha Puntland iyo Itoobiya, iyo sidii gacan la isaga siin lahaa ka hortaga iyo maaraynta Qulqulka Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee u soo tahriibaya gudaha Puntland. Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray la dagaalanka Argagixisada, furitaanka Kastanka Tuur-dibi iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen…

Read More

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, xubno kamid ah labada gole ee Dowladda. Maamulka Gobalka, kan Degmada, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo boqolaal shacab ah. Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne Axmed Madoobe safarkiisa Boosaaso oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado intii uu xilka hayay, waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay garab istaaga Xukuumadda iyo Shacabka Jubbaland, oo ay ka dhexeyso walaalnimo iyo iskaashi buuxa. Madaxweynaha Jubaland…

Read More

Somali militant group al-Shabab recently said it does not intentionally target Muslims – but a new report indicates that whatever its intentions, the group has a lot of Muslim blood on its hands. More than 4,000 civilians have been killed in al-Shabab attacks since 2010, according to records compiled by the independent group Armed Conflict, Location and Event Data Project, or ACLED. The majority of the deaths were in Somalia – where the population is almost entirely Muslim – with smaller numbers stemming from attacks in Kenya, Uganda and Djibouti. More than 3,000 of the deaths have occurred since…

Read More

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa gaaray magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, isagoona kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Danjire Ben Fender  iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, arrimaha Doorashooyinka Somaliland oo haatan khilaafyo badan ka taagan yihiin, iyo sidii Dowladda UK u kordhin laheyd taageerada ay siiso Somaliland ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, iyo Waxbarashada. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka UK ay isla soo qaadeen dib u soo celinta wada-hadalada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo aan qabsoomin tan iyo markii la doortay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa cafis u fidiyey 34 dhalinyaro oo ku xirnaa xabsiga wayn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, kuwaas oo laamaha ammaanku bil kahor gacanta ku dhigeen kuna eedeeyeen khalkhal gelin amaan . Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa cafis u fidiyay, dibna u helay xoriyadoodii Shan nabadoon oo ay kamid yihiin Nabadoon Cabdicasiis Baydhabood, Nabadoon Cabdulaahi Yusuf iyo Nabaddoon Cawad Ceel iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo dhawaan maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Bari xukuno xarig iyo ganaax isugu jira ku riday. Odaashan xukunada kala duwan lagu riday ee dib xoriyadooda u helay…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda, kaasoo looga hadlay arrimo muhiim ah. Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa intii uu socday diirada lagu saaray Arrimaha Amniga, La-dagaalanka Ayaxa,Daah-furka ururka xirfadlayaasha caafimaadka, Xuska halgankii daraawiishta iyo soo bandhigidda Istaraatiijiyadda wacyi-gelinta iyo arimo kale, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska dowladda Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo markii uu soo dhamaaday kulanku la hadlay Saxaafadda.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa goor-dhaweyd soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, xubno kamid ah labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobalka, kan degmada Boosaaso, iyo boqolaal shacab ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta kuu ku sugan Boosaaso, kulamo la yeelanaya Madaxweyne Deni, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka.

Read More

Ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa soo booqday Soomaaliya isagoo rajo ka muujiyay horumarka dalka maadaama ay Soomaaliya sannad muhiim ah u tahay 2020. Sarkaalka UN-ka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay wakiillo kala duwan oo heer qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga gobolka, doorashooyinka, horumarka, gargaarka iyo arrimo kale.Kulamada Mr. Onanga-Anyanga waxaa ka mid ahaa kulan uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Balal Mohamed Usman, kuwaas oo uu…

Read More

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran (GMDQ) iyo xubno ka ka tirsan Beesha Caalamka ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (xaliimo yarey) iyo ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga. Kulanka ayaa intii socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo sanadkan 2020/2021. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in doorashada dalka ay ku dhacdo si nabdoon oo qof iyo cod ah…

Read More

Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya. Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya.

Read More

Masar ayaa maalinnimadii Arbacada ahayd bilawday in ay gaaska dabiiciga ah ka soo dhoofsato ceelasha gaaska dabiiciga ah laga qodo ee Levanthian ee uu gacanta ku hayo guumaysiga Israaiil. Talaabadan ayaa daba socota heshiis ay xukuumadda Masar iyo Shirkadaha Noble energy ee uu fadhigeedu yahay dalka Maraykanka iyo Delek Group wada saxiixdeen sanadii 2019ka. Heshiiskan ayaa dhigaya in ay labadan shirkadood Masar usoo dhoofiyaan 85 trilyan oo litir oo gaaska dabiiciga ah 15ka sano ee fooda inagu soo haya gudohood. Gaaskan ayaa Masar loo soo marin doonaa dhuumaa shidaal ee isku xidha koonfurta Israaiil iyo jasiiradda Sinai kuwaas oo harabtoodii…

Read More

Baarlamaanka Ruushka ayaa maanta bilaabaya in u ka doodo ansixinta musharaxa uu madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, u magacaabay xilka raysul wasaare ee dalkaas. Putin ayaa madixii hore ee waaxda canshuuraha federaalka Ruushka Mikhail Mishustin xilkan u magacaabay kadib is casilaadii lama filaanka ahayd ee uu maalinnimadii Arbacada ahayd soo gudbiyay raysul wasaarihii hore ee dalkaas Dmitry Medvedev iyo golihiisa wasiirrada kadib markii uu Putin ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo uu doonayo in uu isbadallo balaadhan ku sameeyo dastuurka dalkaas. Putin ayaa sheegay in uu qorshaynaya in uu dastuurka dalkan ku sameeyo is badalkii u waynaa ee lagu sameeyo tan iyo…

Read More

Ugu yaraan 18 ruux oo shacab ah ayaa dhimatay kadib markii laduqeeyay suuq iyo aag warshadeed oo ku yaalo gobolka Idlib ee dalka Suuriya gaar ahaan qaybta ay haystaan kooxaha falaagada. Kooxaha indha indheeya xaalada Suuriya ayaa sheegaya in weerarka ay si wada jir ah u fuliyeen diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Suuriya. Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo ay bur burtay xabad joojin ay horaantii bishan ku dhawaaqeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga. Magaalada Idlib ayaa caasimad u ah gobolka waqooyi galbeed ee dalka Suuriya oo isla magacan loo yaqaano, waana goobta ay ugu xoogan yihiin falaagooyinka ku kacsan dowladda madaxwayne Bishaar…

Read More

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaas, maadama uu yahay Musharax u taagan qabashada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug. Mr. Wehliye ayaa u mahad-celiyay Madaxda dowladda Federaalka, isagoona sheegay in si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen inta uu xilka hayay. Musharax Cabdullaahi Faarax, Wehliye, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalay eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Federaalka ee uu ka tirsanaan jiray, waxaana uu sheegay inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, isagoona ka digay in Galmudug dib loogu celiyo meeshii ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maanta soo gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana socota qaban-qaabada soo dhaweyntiisa. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo boqolaal shacab ah ayaa la filayaa inay kusoo dhaweeyaan Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso, iyadoona intaas kaddib loo galbin doono Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso. Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaalada Boosaaso ayaa kulamo la yeelan doono Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa…

Read More

Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday Masuuliyiin kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas buuraha Cal-madow ee Gobalka Sanaag, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka Amniga Puntland. Weerarkan oo ahaa mid kooban ayaa shalay ka dhacay degaanka Ulxeed oo ka tirsan Buuraleeyda Calmadow, gaar ahaanna dhulka loo yaqaanno Macagta ee hoos yimaada gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in uusan ka dhalan khasaare nafeed, marka laga soo tago gaari CABDI-BILE ah oo ka carareen Masuuliyiintu, kaddibna ay gubeen Shabaabku. Dadka Degaanka ayaa sheegay in Masuuliyiinta Puntland ee la weeraray ay la socdeen rag cadaan ah, ayna guranayeen macdan,…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay , Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Danjire Cawad iyo Adam Abdelmoula ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Qaramada Midoobey uga mahad celiyey taageerada joogtada ah oo ay…

Read More

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo gaaraya 7 Musharax oo shalay is diiwaan-galiyay. Musharixiinta oo taariikh nolaleedkooda la wadaagaya Xildhibaanada cusub ee Galmudug, ayaa 3 kamid ah u sharaxan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha, halka 2 ay u taagan yihiin Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad u sharaxan 2 Xildhibaan. Musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kala ah; Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug ayaa sida qorshuhu yahay dhacaysa maalinimada berrito ah, waxaana aad loo adkeeyay amniga…

Read More

Raiisul Wasaarah Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ku dhawaaqay in dowladda oo dhami ay is casishay, saacado uun kadiib markii khudbadiisii sanadlaha aheyd uu jeediyay Madaxweynaha Ruusha Vladimir Putin. Madaxweyne Putin ayaa aqbalay iscasilaadooda, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirrada shaqadooda adag wuxuuna ka codsaday inay sii shaqeeyan ilaa mid cusub laga dhisi doono. Go’aanka iscasilaada ah oo hadal-heyn badan abuuray ayaa loo maleynayaa inuu yimid, kadib markii Madaxweyne Putin uu soo jeediyay in wax laga baddalo dastuurka Ruushka, si loo xaddido madaxweynaha inuu laba waqti xafiiska yimaado. Qorshaha Putin, ayaa in aqalka hoose ee baarlamaanka – la siin doono awood ay ku…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa lagu wadaa in maalinta berrito ah kuspp wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo yeelan doono Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Deni oo isagu ku sugan magaalada Boosaaso, iyagoona ka wada-hadli doona xaalada guud ee Soomaaliya. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in si gaar ah diirada lagu saari doonaan Doorashada Dalka ee 2020/2021, iskaashiga Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, iyo sidii Puntland iyo Jubbaland qorshe mideysan uga yeelan lahaayeen xaalada kala guurka ee dalka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan…

Read More

Shirkadda Ethopian Airlines ayaa shaacisay inay ka dhisayso Magaalada Addis Ababa Garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo noqon doona midka ugu weyn Qaarada Africa. Madaarka cusub, oo ku yaal agagaarka Magaalada Bishoftu, ee Koonfur-bari ee caasimadda Addis Ababa ayaa dhererkiisu yahay 35-KM oo laba-jibbaaran dhul ahaan, waxaana la sheegay inay ku baxayso 5 bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Group, Tewolde Gebremariam, ayaa sheegay inay dhammaystireen aragtidooda ku aadan qorshaha dhismaha garoonkan oo ah (2025), toddobo sano kahor. Gegada diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa ah mid kamid ah garoomada ugu mashquulka…

Read More

In its quest to become Africa’s gateway into the world, the national flag carries Ethiopian Airlines set to build new massive airport this year with an outlay of 5 billion USD. The new airport, which is located around the town of Bishoftu, South East of the capital Addis Ababa spans 35 square kilometer of land and is reportedly the biggest airport in Africa. In an exclusive interview with ENA, Ethiopian Airlines Group CEO Tewolde Gebremariam said that Ethiopian have completed its vision 2025 seven years ahead of time. He added that it was a remarkable progress especially during the very challenging operating…

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland ayaa  dooxooyinka u dhexeeya deegaanka Hadhwanaag iyo Degmada Boocame ee gobolka Sool, ka wada dadaalo ay kula tacaaleyso Ayaxa ku habsaday Dhuldaaqsimeedka iyo Beeraha qaarkamid ah deegaanada kala duwan ee Puntland. Kooxaha ka socda Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa istimcaalaya Sunta baabi’inta Ayaxa oo ah Sun aanan saamayn ku lahayn dadka iyo Beeraha, waxaana howlgalkan uu ka socda Degaano badan oo katirsan Puntland, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Puntland. Wasiir Ismaaciil Diiriye Gamadiid, oo booqday degaanada uu howlgalka la dagaanka Ayaxu ka socda, ayaa sheegay in Ayaxa ku habsaday Degaanada Puntland  iyo Guud…

Read More

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa shaaciyay waqtiga kama dambeesta ah ee qabashada waraaqaha Musharrixiinta Guddoonka Barlamaanka Galmudug, isagoona xusay in illaa hada ay diiwaan-geliyeen 7 Musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xubnaha isa-soo shaaraxey ee ay diiwan-geliyeen ay kala yihiin Saddex Xubnood oo u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, laba u sharaxan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo laba u taagan guddoomiye ku-xigeenka labaad. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ugu dambeyn waqtiga ay ku eg-tahay…

Read More

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen. Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la sheegay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab,hayeeshee ay kasoo baxeen. Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Shabaab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la geeyey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab. Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka AYAAN iyo Xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhim u ah Bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo Maxaabiista ku jirta.

Read More

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dr Penelope Canbel madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Puntland iyo  madaxa caafimaadka UNICEF ayaa ka wada-hadlay wada shaqaynta u dhaxaysa Wasaaradda Caafimadda iyo Hay’adda UNICEF iyo qorshaha sanadka bilawday in la isla meel dhigo. Wasiir Jamac Faarax ayaa uga mahad-celiyay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda iyo sida ay muhiim ugu tahay, waxaana uu la wadaagay wixii qabsoomay sanadkii dhamaaday iyo waxa aan qabsoomin ee sanadkaan la doonayo in la qabto. Sidoo kale, Wasiirka Caafimaaka ayaa la wadagaay waxyaabaha ay doonayaan…

Read More

Shir u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Itoobiya, ayaa ka furmay Magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo, kaas oo looga hadlayo xariirkii u dhexeeya labada dhinac. Shirkan ayaa waxaa Puntland ku matalaya Puntland Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorshaynta, ganacsiga,Wasiir ku-xegeenka Amniga, La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxwaynaha,iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland. Dowladda Itoobiya ayaa shirkan waxaa ku matalaya Wafti heer Federaal ah oo uu hoggaaminayo Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland, ku-xigeenka Hogaanka Nabad-galyada Dowlad Degaanka, Gudoomiyaha Gobalka Doollo iyo taliyayaasha Ciidamada ammaanka DDS. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha Amniga, Ganacsiga, isdhexgalka Bulshada 2 daraf,Iyo dhismaha Kastamka…

Read More

Xukuumadda Somaliland ayaa dil-toogasho ah ku fulisay 6 Nin oo horey loo xukumay, kuwaas oo horey Maxkamadaha Somaliland ay ku rideen Xukun dil toogasho ah. Raggan oo toogashadoodu saaka ka dhacday xabsiga Mandheera ee duleedka Magaalada Hargeyso, ayaa kasoo kala jeeda Gobalada Sool, Sanaag Iyo Gabilay. Raggan ayaa lagu soo eedeeyay kiisas kala duwan, waxaa ay kala ahaayeen. 1- Farxaam Maxamed Xasan 2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd 3- Axmed-Guray Ibraahin Faarax 4-Khadar Aleel 5- Xasan Muxumed Cismaan 6- Caydaruus Khadar Haybe.

Read More