Dacwad oogaha guud ee dalka Angola ayaa ballan qaaday inuu waddo kasta oo suuragal ah uu u mari doono sidii uu dalka dib ugu soo celin lahaa Isabel dos Santos kaddib markii baaritaan la sameeyey lagu helay dokumeentiyo muujinayo sida ay haweenayda Afrika ugu hantida badan dalkeeda u musuqday ee lacagta uga dhacday markii uu abaaheed uu madaxweyne ka ahaa dalkaas. “Waxaan adeegsan doonaa waddooyinka suuragalka ah iyo dadaallo caalami ah sidii aan Isabel dos Santos dalka aan dib ugu soo celin laheyn, waxaan taageero caalami ah weyddisannay dalalka Bortuqiiska, Dubai iyo dalal kale” ayuu yiri Dacwad oogaha guud ee…
Author: Jibril Qoobey
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Hoose, ayaa howlgallo lagu xaqiinayo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Howlgaladan oo ah kuwa 24 saac ee lasoo dhaafay ka soconayay Gaalkacyo, ayaa Ciidanku ku baarayaan gaadiid iyo guryaha ku yaalla qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin falalka Ammaan-darro ee ka dhaca Gaalkacyo. Taliyaha qaybta gobalka Mudug, Jaamac Maxamed Axmed, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in howlgaladan ka socda magaalada Gaalkacyo, ay uga gol lee yihiin xaqiijinta amniga, isagoona intaas ku daray inay kusoo…
Ugu yaraan sagaal ruux ayaa laxaqiijiyay in illaa iyo haatan ay u geeriyooden feeraska cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha, isagoona ku sii fidiya magaalooyin kale ooh or leh. Masuuliyiinta waaxda caafimaadka ee dowladda Shiinaha ayaa sheegay in kiisaska feeraskan ay gaarayaan 440 kiis. Sidoo kale feeraskan ayaa lasheegay in gudaha dalka Shiinaha uu ka gudbay isagoona gaaray dalal ay kamid yihiin Thailand, Japan iyo Koonfurta Kuuriya. Dowladda Shiinaha ayaana wali awood u yeelan in ay cadeeyaan feeraskan iyo waxa uu yahay iyo waliba sida looga hortagi karo.
Dalka Lubnaan ayaa yeeshay xukuumad cusub si loo dhameeyo bilooyin ay dalkaasi ka soconayaan dibad baxyo rabshado wato. Dalka Lubnaan ayaanan lahayn wax Ra’iisul Wasaare tan iyo bishii October markaas uu is casilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Sacad al-Xariiri. Madaxwaynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaasi uu u magcaabay Hassan Diab oo ah aqoonyahan dhanka dhaqaalaha ah. Madaxwaynaha Lubnaan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihiisa cusub oo aaminsan yahay in wax weyn uu ka qaban doono dhaqaala xumada liidata ee dalkaasi ka jirta. In kabadan 460 ruux ayaa ku dhaawacmay rabshadihii ugu danbeeyay ee…
Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubey Abshir Gaarane Axmed oo sheegtay inuu ka tirsanaa kooxda fanka Gobolka Banaadir. Abshir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay in la xiray ka dib markii lagu tuhmay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab. Abshir ayaa Muuqaalka ku sheegay in uu ka tirsanaa Al Shabaab uuna ku biiray Sanadkii 2013-kii, isagoona intaas ku daray inuu u qaabilsanaa Al-shabaab xuuraanka iyo Maaliyadda.
Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), ayaa waxaa Talaadadii furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana Puntland kala qeybgalay Wasiirada Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, xubno sare oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland kala shaqeeya dhanka Waxbarashada. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ka hadlayay shalay furitaanka Shirweynahan ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sanadaha soo socda ay Waxbarasho tayo…
Ciidanka Booliska Gobalka Bari, ayaa howlgallo balaaran ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib dil xalay loogu geystay Magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari. Dilka Guddoomiye Jaamac Maxamed Quurshe, oo ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan kuwaas oo goobta isaga baxsaday daqiiqado kahor inta aysan Ciidanka Boolisku soo gaarin. Saraakiil kamid ah laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu soo qab-qabtay Dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen Dilka Guddoomiyihii ee Degmada Qandala, iyo falal kale oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, kuwaas oo haatan baaris ku socoto.…
Wasiirrada Shaqada ee dalalka Soomaaliya ,Burundi, Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Ugaandha ayaa Magaalada Nairobi ku saxiixay qorshe howleed la jaan qaadaya siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka, kaddib kullan labo maalmood socday oo looga hadlay Siyaasadaha Socdaalka Shaqaalaha ee Bariga iyo Geeska Afrika. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa markii uu shirka soo dhammaaday saxiixay war-murtiyeed wadajir ah oo bilow u ah ” Hab-raaca Nairobi’ si loo meel mariyo siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka. Wasiir Sadiiq Warfaa oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la filayaa in…
Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inaysan ka qeyb galeen doorashada Madaxweynaha Galmudug ilaa iyo inta ay kala qeybsan yihiin Xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka. Musharixiintaan oo kala ah Cabdi Dheere, Kamaal Guutaale, C/raxmaan Odawaa iyo C/llaahi Faarax Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Guddiga doorashada Galmudug ay yihiin kuwo afduuban
Isimada dhaqanka Gobalka Bari ayaa xalay ku guuleystay in kulan fool ka fool ah uu dhexmaro Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Ganacsade Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer, oo ah saamilaha ugu balaaran ee shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Mashruuca Logistic, ee Ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Kulanka oo aha mid albaabadu u xiran yihiin ayaa qaatay saacado badan, waxaana diirada lagu saarayay xalinta muranka ka taagan Mashruucan, iyadoona ilo ku dhow ay sheegayaan in intii uu socday marar dhowr ah ku sigtay inuu fashilmo, balse ugu dambeyntii uu soo gaba-gaboobay is afgarad, laguna heshiiyay qodobo ay kamid…
Maxamed Khadar oo ahaan jiray wiil yar oo darbi-jiif ah, hadase helay daryeel iyo Waxbarasho, kana hadlayay maanta Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa yiri “Waxaa darbi-jiif inaan noqdo igu kalifay Nin Hooyaday qaba, marna wuu igu shaqeysan jiray, markii dambena wuu i soo ceyriyay”
Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGM oo shaaciyay shuruudaha laga rabo tartamayaasha Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug.
Wasiirka Waxbarashada Galmudug Axmed Deeq Maxamed “Marka dariskaagu dhaqan yahay, waxay ka fiican tahay marka dariskaagu abaar yahay, Waxbarashada Puntland waxay joogtaa heer ku dayasho mudan”.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland “Hormarka Waxbarashada Puntland waxaa sabab u ah doorasho weyn oo loo galo qofka hoggaaminaya Wasaaradda”
Zubayr Al-Muhaajir oo ka mid ah saraakiishii ugu saraysay ajaanibta ku biirtay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu kasoo goostay kooxda. waxaana uu sheegay inuu kasoo mid noqday golaha shuurada ee Xarakada Al-Shabaab. Halkaan Hoose ka Daawo Wareysi ay la yeelatay VOA.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari. Dilka Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn kaalinta shidaalka ee lagu magacaabo Alladii oo ku taalla Bartamaha Magaalada Boosaaso. Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaana gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoona haatan wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka geysatay. Marxuum Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ahaa Guddoomiyihii Degmada Qandala xilligii ay qabsatay Kooxda Daacish, sidoo kalena waxaa uu kamid ah saraakiishii hoggaaminaysa Ciidankii…
Wasiirka Waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan “Waxaa rajeynaynaa sanadaha soo socda in guri walba iyo geed walba oo ku yaalla degaanada Puntland aan gaarsiino Waxbarasho tayo leh”
Bayaan kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Cadeeyay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada boobka ah ee DFS ay dooneyso in maamul loogu dhigo Galmudug. Ahlusunna waxa ay caddeysay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay soo xushay Xildhibaanada Galmudug 69 ka mid ah,islamarkaana loo diiday Odayaasha dhaqanka in ay soo xulaan. Waxa ay sheegeen Ahlusunna in aysan qeyb ka ahaan doonin dhismaha maamulka Galmudug ee hadda socda, waxaana ay ugu baaqeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda Shir looga hadlaayo dhismaha Galmudug.
Wasiirka duulista iyo garoomada Dowladda Puntland Xuseen Cismaan Gibiley, iyo saraakiil katirsan Ciidanka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay Degmada Boocame ee Gobolka Sool, ayaa beeniyay in Ciidamo ay Somaliland kusoo bandhigtay dhowaan magaalada Laas-caanood ay yihiin Ciidamo ka goostay Puntland. Masuuliyiintu ayaa sheegay inay Somaliland degaanka Boocame ka kaxaysatay dhallinyaro aan wax shaqo ah ku lahayn ciiddan, balse loo galiyay darees kadibna Laas-caano lagusoo bandhigay. Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday diiwaan-gelinta Ciidankeeda, iyadoo ku diiwaan-gelinaysa Habka casriga ah (Biometric), waxaana jiray saraakiil iyo Ciidamo ay wataan oo laga saaray Liiska Ciidanka Puntland, kaddib markii ay diideen inay kusoo…
Xildhibaanada Ururka Ahlu-sunna ee ku matala Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa si cad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb. 5 Xildhibaan oo ka tirsan 13 Xubnood ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, kana mid ah kuwa Ahlusunna oo Saxaafadda kula hadley Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga ay fara-gelin ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xubin kamid ah Guddiga ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaaf la xiriira doorashada Guddoomiyaha & Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Madaxtooyada, isla markaana doorashadaas la hor istaagey. Xildhibaanka ayaa sheegay in faragelin toos ah ay…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland. Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), waxaa Puntland kala qeybgalay masuuliyiinta Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay furitaanka Shirwaynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, isagoona xusay in Waxbarashada Puntland ay tahay tan ugu sareysa ee Soomaaliya.
Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka kooban 13 Xubnood ayaa Maanta waxaa ay soo saareen Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Xubnaha Guddiga ayaa Maanta waxaa ay doorteen guddoomiye iyo kuxigeenkiisa,iyaga oo isla Maanta soo saarey jadwalka doorashada Madaxweynaah iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug. Qoraal kasoo baxey guddiga ayaa lagu shaaciyey in 24 ilaa 25 ay qabsoomi doono diiwaangelinta musharixiinta,halka 26 ilaa 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa. Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa ugu dambeyn sheegay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay dhaceyso 30-ka Bishaan Janaayo ee sanadkaan 2020.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa sheegay in dhaawacyada la geeyay dalka Qatar ay xaaladooda caafimaad soo hagaageyso, ayna heleen daryeel caafimaad oo dhameystiran. Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano ayaa tilmaamay in 23-ka qof ee la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, ay sideed ka mid ah xaaladooda caafimaad hagaagsanyihiin. “Qaraxu 28-kii ayuu dhacay 30-kii bisha ayaan soo qaadnay 23 qof oo dhaawac ah iyo 23 oo caawineysa dadka dhaawaca ah, sideed ka mid ah isbitaalka wey ka soo baxeen Hotel ayayna joogaan, laakiin waxay leeyihiin balamo kala duwan oo firiro looga bixinayo, daweyntooda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in la sugo amniga Shaqaalaha wada dhismaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah…
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Boosaaso. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay wehlinayaan xubno katirsan Golayaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, iyo Saraakiisha laamaha ammaanka. Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Jubbaland ayaa magaalada Boosaaso kulamo kula qaatay Madaxweyne Deni, Isimada, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana kulamadii ay wada yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Golihiisa Xukuumadda laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 16 qodob…
Diyaarad ka timid Dalka Turkiga ayaa saaka ka qaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga ee ku waxyeeloobay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Meel u dhow degmada Afgoooye shabeellada Hoose. Tirada Dhaawacayada Turkida ahaa ee la qaaday ayaa gaarayay lix, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayey Isbitaalka Erdogan, “Ex-Digfeer” ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ee qaraxaas ku dhaawacmay, iyagana loo qaaday dalka Turkiga. Kooxda Al-Shabaab ayaa 18-kii Bishaan, qarax ismiidaamin ah kula beegsadey Bar-koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye Shaqaalaha Turkiga ee u Shaqeynayey shirkadda…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu laabto Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, kaddib markii ay soo gaba-gaboobeen shirar maalmihii ugu dambeeyay u socday Puntland iyo Jubbaland. Shirarkan oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana looga hadlayay Iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasadd iyo xaalada Guud ee Soomaaliya, waxaana War-murtiyeed kasoo baxay Isniintii digniin adag loogu diray Dowladda Federaalka, iyadoona sidoo kale dhinacyadu ay qaadaceen Sharciyada Batroolka iyo Saxaafadda oo ay ansixiyeen Golayaasha…
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa war kasoo saaray duqeyn ka dhacday deegaanka Bangeeni oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo howlgallo qorsheysan maalin ka hor ku qaadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB. War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay saddex dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen in Ciidamada Danab ku soo qaadaan weerar. Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Amniga Soomaaliya ay hoggaanka howlgalada leeyihiin, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM, si Kooxda ku xiran Al-Qaacida ee Al-Shabaab loogala wareego dhulka ay…
Waxaa ka furmaya maanta Magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland, kaas oo sanadkiiba mar la qabto. Shirkan oo sida qorshuhu yahay uu furayo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada Waxbarashada Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Hanaanka Waxbarasho ee Puntland, waxa ka qabsoomay sanadkii tagay, Caqabaha jira iyo qorshaha sanadka cusub. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo…
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa ka warbixiyay qalabka Ciidanka PSF-ta iyo Booliska Dowladda Puntland u fashilmayeen qaraxyadii lagu diyaariyay Guri ku yaalla aaga Masjidu Rashiid ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Gudoomiyaha Degmada Bandar-Bayla oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegay in burcad-badeedii ay isu bedeshay Jariiflayaal xaalufiyay Khayraadkii badda, isagoona walaac xoog leh ka muujiyay waxa ka socda Badwaynta Hindiya oo uu tilmaamey in la geliyay qalab mamnuuc ka ah Caalamka in lagu kaluumaysto. “Badii waa la baabi’iyay, waxaa la geliyay boqolaal qalab ah oo aduunka laga mamnuucay, kuwaas oo laga keenay Dalka Cumaan, Burcad-badeedii laga sifeeyay waddanka waxay isu bedeleen kuwa ilaaliya doonyaha badda jariifaya” ayuu yiri Saciid Ateeno. Sidoo kale, Guddoomiye Anteeno ayaa Ciidamada Booliska Puntland iyo Wasaarada Amnigga ku dhaliilay in…
Ciidanka amniga ee sida gaarka ah tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, iyo Ciidanka Booliska ayaa fashiliyay Qaraxyo lagu diyaariyay guri ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Qoraal goor-dhaweyd lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta, ayaa lagu sheegay in qaraxyadan oo lagu diyaariyay guri ku yaalla aaga Masjidka Rashiid, la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Magaalada Boosaaso. “Ciidamada PSF oo iskaashanaya Ciidamada Police qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen inay Fashiliyaan Qaraxyo lagu diyaariyey Guri ku yaala Magalada Boosaso,qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo Shacabka Reer Puntland ee Magalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraalka…
Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa maanta gaaray magaalada Masqad ee Caasimada Dalka Cumaan. Boqorka iyo waftigiisa oo soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo loo sameeyay,ayaa kadib loo gudbiyey mid ka mid Qasriyada Saldanada Dawladda Cumaan oo loosii diyaariyay. Boqorka,ayaa la kulmi doona sida qorshuhu yahay Suldaanka cusub iyo Ra’isalwasaaraha Dalkaas. Sidoo kale Boqor Burhaan waxuu kulan balaaran la qaadan doonaa Jaaliyada Somalida ee dalka Cumaan.
Madaxwyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey kulankaasi masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda Global Education Partnership ayaa ka wadahadlay tayaynta iyo kor u qaadidda Waxbarashada, taageerada beesha caalamka ee arrimaha Waxbarashada iyo shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland. Sidoo kale masuuliyiinta hay’addaasi ayaa waxay bogaadiyeen qoondada Dowladdu ugu dartay miisaaniyad sanadeedka 2020 tayaynya…
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn ka dhacday degaanka Bangeeni ee Gobalka Jubbasa Hoose, waxaana ay sheegtay in duqayntaas lagu dilay seddax xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab. Duqeyntaas ayaa lala beegsaday xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay, iyadoona aysan wax ku noqon dad shacab ah, sida lagu sheegay Qoraalka Dowladda Soomaaliya. Duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, Waana duqeyntii seddaxaad ee ay ka fuliyaan Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkan 2020-ka.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku casuumtay inay shidaal ka sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay heshiis dhanka badda ah la gaartay Libya sanadkii tagay, waxaa sidaas weriyey taleefishinka NTV ee Turkey. Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey shir madaxeedka arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkey ay qaadi doonto tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah. “Waxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: ‘Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii loo geysatay howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka. Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo…
Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa Kulankooda caadiga ahaa ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaana uu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mohamed Osman Farah ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada QarankaWaxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada. Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee…
Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay Howlgallo culus oo lagu xaqiijiyo amniga, ka fuliyay Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ee Durduri iyo Ceelaayo ee Gobalka Haylaan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta. Qoraalka Ciidanka PSF-ta ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay, howlgallo Joogto ah oo Ciidanku ay ka wadaan buuraha Cal-madow oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab. “Ciidamada PSF waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay hawlgallo amni sugid ah ka sameeyeen Buuraleyda iyo dhulka xeebaha ah ee degaanada Durduri iyo Ceelaayo ee gobolka Haylaan, Puntland, Soomaaliya” ayaa lagu…
War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubbaland, oo labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Puntland iyo Jubbaland, ayaa looga hadlay xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka, Khilaafka kala dhexeeya DFS, qeybsiga Kheyraadka dabiiciga ah iyo deeqaha lagu helo Magaca Soomaaliya. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay Hindise sharciyeedyada Batroolka iyo Saxaafadda ee ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, waxaana ay digeen in la siyaasadeeyo Mashaariicda hormarineed ee caalamku uu siiyo Soomaaliya. Sidoo kale,…
Guddiga Amniga Gobalka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe loogu wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Ciidamada PSF-ta, PMPF-ta iyo Ciidanka Madaxtooyada. Guddiga amniga Gobalka Nugaal oo kulan maanta ku yeeshay Garoowe, ayaa sheegay in talaabadan ay timid, kaddib markii la xareeyay Ciidanka Booliska Caasimadda iyo guud ahaan kuwa Gobalka Nugaal, si loogu sameeyo dib u habeyn iyo diiwaan-gelin. Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in Baraha koontorool ee laga soo galo Magaalada Garoowe si deg deg ah loo geeyn doono Ciidamo ka socda PSF, PMPF iyo Ciidanka Madaxtooyada, si loo…
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Sakariye Xaaji Siciid, oo sheegtay Af-hayeenka Beesha Cali Saleebaan, kaas oo qeyb ka ahaa falal Ammaan-darro oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Ciidanka Booliska ayaa ninkan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, isagoo doonaya inuu dalka ka baxo. Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo haysto Afla-gaado uu u geystay Hanaanka Dowliga ah ee Puntland, lana horkeeni doono Maxkamadda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News
Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda soomaaliya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen. Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma. Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka inat uu socday ee 9 mino…
Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee shalay lagu dhawaaqay ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay yeelanayaan Kulankoodii ugu horeeyey,kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan jadwalka doorashada Madaxweynaha & kuxigeenkiisa. Guddigaan oo ka kooban 13 Xubnood ayaa laga soo xuley Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug,waxaana ka hor ku dhawaaqista jadwalka ay dhexdooda iska dooran doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn. Xubnaha guddiga Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa wada kulamadii ugu dambeeyey oo ay ku dooranayaan doonaan Guddoomiye, Kuxigeen iyo Xogheyn si loo shaaciyo jadwalka doorashada. Inta badan musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo maalin ka hor la…
Bangiga adduunka ayaa waraaq digniin ah u soo diray Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas Og. laga siiyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, waxaana uu Bangigu sheegay in laga doonayo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka in sida heshiisku ahaa loo fuliyo Mashruuca SUPR 2, oo ah mid loogu talagalay Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Qoraalka Bangiga, ayaa lagu xusay in dhaqaalaha gaaraya $112 Milyan ee dollar oo uu bangigu ansixiyay (9-12-2019), uu yahay wajiga labaad ee Mashruuca SUPR, laguna xoojinayo awooda Dowladaha Hoose ee magaalooyinkaas, balse uusan aheyn mid Siyaasadeed. Sidoo kale, Bangiga adduunka…
Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland Gashaanle/Sare Bile Faarax, ayaa sheegay in xarunta guud ee taliska ciidamada booliska Puntland ee Garoowe ay ka bilaabatey diiwaan-galinta Ciidamada Booliska, isagoona intaas ku daray in sanadkii ay jirtay xukumada Madaxweyne Deni ay bixisay musharkii booliska.
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay is hor-taagay dhaqaale gaaraya 112 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, kaas oo uu ugu deeqay Bangiga adduunku in lagu hormariyo 4 Magaalo oo kamid ah kuwa ugu waa weyn Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa u sababeeyay is hor-taaga Lacagtan oo magaalo walba helayso 28 Milyan oo dollar, in aysan ku jirin Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Jowhar ee Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo beel ahaan uu ku abtirsado Ra’iisulwasaare Kheyre, sidoo kalena Madaxdoodu ku xiran yihiin Xafiiskiisa. Hadaba Maxaad ka og-tahay Lacagtan ? Bangiga…
Gudiga doorashada Galmudug ee uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa soo saaray liiska Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in uu xiligaan ka socdo dagaal ay Shabaab ku qaadeen oo qaraxyo ku bilowday. Qaraxyada ayaa ka dhacay saldhigyo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee dhanka bari magaaladaasi , kadibna dagaalka tooska ah ayaa socda illaa xiligan. La soco wixii faah faahin ah.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo wakhtiyo adag soo garab istaagay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dhinac walba uu dalku ka burburay waxa kaliyah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku fara adaygeen ay tahay tacliinta sida uu Madaxweynahu sheegay. Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Waxbarashada dalku uu Wali u baahan tahay in lasii hormariyo si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo dhisan oo aduunka la jaan…
Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Abanduula-yaasha Ciidamada Daraawiishta ayaa maanta booqday Taliska Ciidamada Difaaca Puntland ee Bixin. Madaxda ku hawlan saxida Ciidamada ayaa halkaasi kula la kulmay Saarakiisha iyo Ciidamada Taliska Bixin waxana ay kala hadleen habka diwaan galinta iyo tababar loogu furi doono Xerada 54aad ee Garoowe. Waxaa xusid mudan in Taliska bixin ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta la geeyay Kooxaha Baarista Caafimaadka iyo Diwaan galinta Ciidamada Dawladda Puntland. Dhamaan Ciidamada Dawladda ee ku…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa maanta oo Axad ah waxaa uu xafiiskiisa ku qaabiley ku- xigeenka Wakiilka, Barnaamijka UNDP Soomaaliya. Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda UNDP iyo Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya. Ku xigeenka Wakiilka Barnaamijka UNDP Soomaaliya ayaa balanq aadey inay xoojin doonaan xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa kulan ka dhacay xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb waxaana shir guddoominaayay GudoomiyahaBaarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal. Guddiga doorashada Madaxweynaah iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 13 Xubnood,kuwaas oo laag soo xuley Baarlamaanka cusub ee Galmudug,waxaana guddigaan ay dhawaan soo saari doonaan jadwalka doorashada.
Shirkada Turkiga ee ku Howlan dhismaha Wadada dheer ee Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye ayaa maanta Qalabkeeda dismaha usoo daabuleyso Muqdisho. Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inta badan qalabkii ay isticmaaleysay Shirkada Turkiga ee ku howlan dhismaha Wadada Xiriiirisa Caasimada Iyo Afgooye in loo daabulayo Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkayay Gaadiidka qaada Xamuulka ama Gawaadirada waaweyn iyo kuwa Cagaf cagafta oo kusii jeeda Muqdisho. Wararka aya intaasi ku daraya in Shirkada dhismaha wadooyinka ee Turkiga iney Sababa cabsi la xiriirta uga guurtay goobihii gaadiidkeeda yaaleen ama iney gabi ahaamba iska joojisay Dhismaha Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye.…
Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh (Cali Gaab), oo ay wehlinayaa Wasiirka kalluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa hor istaagay War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ku matala Degaanada Puntland iyo Jubbaland, kaas oo ka dhan ah talaabadii uu ku joojiyay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Mashuuraca hormarinta Magaalooyin ay kamid yihiin Garoowe iyo Kismaayo. Qaraalka ay diyaariyeen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku matala Puntland iyo Jubbaland, ayaa xambaarsan arrimo badan oo la xariira xogo daahsoon oo ku qotoma dagaalka beeleysan ee Dowladda Federaalku ku heyso labada degaan, waxaana…
Weerar xoog leh oo kooxda xuutiyiinta ay ku qaadeen xero militeri oo ku taalla dalka Yemen ayaa lasoo sheegayaa inay ku khaarijiyeen in ka badan 60 askari, tobanaan kalena ay dhaawacmeen sida uu baahiyay telefeshinka Al-Ekhbariya oo laga leeyahay dalka Sucuudiga. Xerada militeri ee la weeraray ayaa waxa ay ku taallaa magaalada Maarib ee dalka Yemen, iyadoona weerarka la xaqiijiyay in loo adeegsaday gantaallo iyo dayaarado aan cidina wadin. Dowladda Sucuudiga ayaa ku eedaysay weerarkan in Xuutiyiinta ay ku garab siisay dowladda Iran. Sanadkii 2014-kii, Xuutiyiinta ayaa xukunka ka tuurtay dowladdi uu caalamku aqoonsanaa, waxayna la wareegeen caasimada dalkaas ee…
Waxaa sii xoogeysanaya Dibad-baxyada ka soconaya magaalada Bayruut ee caasimada dalka Lubnaan, kaas oo shacabka dalkaasi ay ku doonayaan isbadalo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Ciidamada ammaanka oo isku dayaya inay kala eryaan dibadbaxayaasha ayaa adeegsanaya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo biiyo kulul. Inta la xqiijiyey 12 ruux ayaa dhaawacyo culus ay ka soo gaareen faageereyaasha isu soo baxyada ay ka socdaan. dowladda ayaa lagu eedaynayaa inay awood u adeegsaneyso shacabka. Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Internet-ka iyo korontada dalka oo dhan la jari doono, hadii shacabka aysan dib ugu laaban guryahooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Injineero u dhashay dalkaas shalay lagula eegtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabelelaha Hoose,qaraxaas oo ay waxyeelo kasoo gaartey muwaadiniin Turki ah. Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga aysan hakin doonin weerarada lala beegsanao muwaadiniintooda ku sugan Soomaaliya,isla markaana ay siiwadi doonaan.“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda…
Maamulka Gobalka Mudug ayaa ku wareejiyay 100 qoys oo barakacayaal aha, guryo cusub oo ay dhistay Hay’adda UNHCR, kuwaas oo laga hir-galiyay xaafada wadajir ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur, oo madasha lagu wareejinayay guryahan ka hadlay ayaa ugu baaqay Qoysaska la dajiyay Xaafada wadajir ee Magaalada Gaalkacyo, in ay ilaal sadaan Guryaha la siiyay, kana shaqeeyaan amniga iyo nadaafada. Dadka Barakacayaasha ah ee lagu wareejiyay guryahan oo loo sameeyay biyaha iyo waxyaabaha kale ee aas aaska u ah nolasha bulshada, ayaa u mahad-celiyay Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR.
Xildhibaannada Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo dhacdey maalin ka hor. Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaana Arrimo dhowr ah,waxaana Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen in Maanta ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay Xildhibaannada dhexdooda iska soo xuli doonaan. Saacadihii la soo dhaafey waxaa Dhuusamareeb ka socdey kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaannada Cusub ee baarlamaanka Maamulkaas. Ku dhawaad ilaa iyo 7 musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaana musharixiinta…