Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xil. Cali Gaab oo hor istaagay Qoraal ay soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ee PL & JL
    Somalia

    Xil. Cali Gaab oo hor istaagay Qoraal ay soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ee PL & JL

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh (Cali Gaab), oo ay wehlinayaa Wasiirka kalluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru-dowlaha Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim, ayaa hor istaagay War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saari lahaayeen Xildhibaanada BFS ku matala Degaanada Puntland iyo Jubbaland, kaas oo ka dhan ah talaabadii uu ku joojiyay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Mashuuraca hormarinta Magaalooyin ay kamid yihiin Garoowe iyo Kismaayo.

    Qaraalka  ay diyaariyeen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku matala Puntland iyo Jubbaland, ayaa xambaarsan arrimo badan oo la xariira xogo daahsoon oo ku qotoma dagaalka beeleysan ee Dowladda Federaalku ku heyso labada degaan,  waxaana Ra’iisul wasaare kheyre uu arkaa mid quusin doona hadafyadiisa.

    Wararka ayaa sheegaya in kulamo lagu joojinayo qoraalkan ayaa illaa xalay ka socda Muqdisho, waxaana jira ballanqaadyo lacageed oo kor u dhaafaya 1 Milyan oo dollar, kaas oo uu u ballanqaaday Kheyre in uu siinayo Xildhibaan Cali Gaab, hadii uu hor istaago War-saxaafadeedkan wadajirka ah.

    Sidoo kale, Xildhibaanada labada dhinac ayaa ka biyo diiday dalab  ugu yimid Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, kaas oo ku aadanaa hakinta mashruucan oo sumcad darro ku ah matalaadooda.

    Qaar kamid ah Xildhibaanada kazoo jeeda Degaanada Puntland iyo Jubbaland ee diyaariyay War-saxaafadeedka ayaa inoo sheegay in hadii aan saacadaha soo socda la fasixin Mashruucan, uu soo bixi doono Qoraalkooda, aysana u joojin doonin danaha gaarka ah ee shaqsiyaadka uu hoggaamiyo Cali Gaab.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.