Author: Jibril Qoobey

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu kala diray masuuliyiintii rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Banaadir. Ciidanka Hay’adda NISA ayaa habeen kahor xabsiga dhigay Guddoomiyihii rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir oo lagu soo eedeeyay inay Al-Shabaab xilkan keensatay, iyo ku-xigeenkiisii.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay, in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan Puntland. Dikreeto ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland, ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi u qaabilsan Puntland. Dikreetada ayaa laga tixraacay, qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska hay’adda Socdaalka…

Read More

Ciidanka Booliska Dowlad Gobaleedka Hir-shabeelle ayaa gacanta ku dhigay Aabe Wiilkiisa jimcihii ku gowracay Magaalada Jowhar, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Jowhar Maxamed Siyaad Cali (Canjeex). Ninkan oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa gelinkii dambe ee shalay, ku gowracay Xaafada Faanoole ee Magaalada Jowhar, wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim, dadiisuna aheyd 14 sanno jir. Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali (Canjeex) ayaa sheegay in markii uu dilka geystay Ninkan uu goobta ka baxsaday, islamarkaana howlgal ay sameyeen Ciidanka gacanta lagu soo dhigay. Lama oga sababta keentay in aabaha dhalay wiilka dhalinyarada ah uu…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xasan Cali Kheyyre ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga. Mudane Xasan Cali Kheye oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay , ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan.

Read More

Taliyaha Guud ee ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa jimcihii gaaray gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Gen. Tigabu Yilma ayaa markii uu tegay Jubbada Hoose booqday Saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Taliyaha ayaa halkaa kulamo kala duwan kula qaatay saraakiisha ciidamada ku sugn saldhigyada ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin degmada Dhoobley. Kulamadaas ayaa waxaa la sheegay in intooda badan looga xaalada nabad galyo ee gobolada Jubbooyinka oo ay qeybo badan uga suganyihii ciidanka Kenya, sidoo kale waxaa la isla…

Read More

Nin ayaa waxa uu toogtay lix qof oo ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan labadiisa waalid. Toogashada ayaa waxay ka dhacaday magaalada Rot am See oo ku taalla koonfur-galbeed Jarmalka sidaasi waxaa sheegay booliska deegaankaasi. 26 jirkan ayaa adeegyada gargaarka deg-deg ah u yeeray xilliga qadaha isagoona u sheegay inuu maqaaxida ku dhex-toogtay dhowr qof. Ninkan oo ay haystay qori sharciyeysan ayaa la xiray. Waxaana meeydadka oo ka koobnaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah laga helay gudaha maqaaxida waxayna da’doodu u dhaxeeysay 36 ilaa 69 sano jir, sida ay sheegeen booliska gobolka Baden-Württemberg. Waxaa sidoo kale weerarkaasi…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah muwaadin soomaaliyeed oo dalka Ethopia loo dhiibay mudo ka hor balse markii danbe kasoo baxay. Madaxweyne Deni iyo Qalbi-dhagax ayaa intii kulankoodu socday iska xog-wareystay xaalada Guud dhulka Soomaalida, iyadoona Madaxweynuhu kaga tacsiyeeyay falkii ay kula kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2017-kii, xilligaas oo loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya. Sidoo kale, Qalbi-dhagax ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland qaabilaadiisa, isagoona sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay garab istaagii Dowladda Puntland iyo Shacabkeedu u muujiyeen.

Read More

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi,  ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda ee Puntland Maxamed Cabdi Faarax,  isagoona u wareejiyay xarunta dhexe Hay’adda. Sidoo kale, Wareegto kasoo xafiiska Agaasime Koofi ayaa loogu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha laanteeda Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil.

Read More

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay iney dagaal kula Wareegeen deegaanka Far-libaax ee Gobalka Hiiraan,  kaddib weerar ay aroortii hore ee saaka ay ku qaadeen. Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka oo degaanka Far-libaax ku sugnaa iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab,  waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamadii Xoogga ee ku sugnaa deegaanka ay u soo baxeen dhanka Baladweyne. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo bixin Taliska Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab oo ku aadan dagaalka Degaanka Far-libaax. Deegaanka Far-libaax ayaa Qiyaastii 45-KM u jira Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Read More

Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa ah Hindise-Sharciyeedka duulista hawadda. Xildhibaanada g ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada. Xildhibaananada Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Read More

Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ruxay bariga dalka Turkey, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhowaacay in ka badan 500 oo kale. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la rumeysan yahay in 30 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka. Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, sida Falastiin, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin. Wasiirka caafimaadka Turkey, Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey. Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo. Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, waxaa looga…

Read More

Allaha u naxriistee waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay dalka Itoobiya. Ra’iisul Wasaare ayaa tacsi u diray dhammaan umada Soomaaliyeed oo uu ka baxay Fanaanku, waxaana uu sheegay in uu waqti badan ku bixiyay horumarinta Fanka. “‎‬Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda fanka iyo ehelkii uu ka baxay Daa’uud Cali Masxaf. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane…

Read More

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee kala ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cabdi Dheere, Kamaal Gutaale iyo C/llaahi wehliye ayaa war murtiyeed ay wadajir u soo saareen kaga hadlay hannaanka doorashada Galmudug. Musharaxinta ayaa soo saaray sida ay suurta gal ugu noqon karto si ay uga qeyb galaan doorashada muranka badan ka taagan tahay iyagoo soo bandhigay illaa 7 shuruudood. Sidoo kale, Musharixiinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamulka Ahlusunna uu qeyb ka noqdo hanaanka dhismaha maamulka Galmudug si loo xaliyo dhibaatooyinka ka taagan, iyagoona intaas ku daray inay doonayaan helitaanka Guddi doorasho oo madax banaan iyo korjoogto Saddexaad.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

Read More

Hey’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xabsi dhigtay Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa, sida ay sheegayaan wararka ka imaanay Muqdisho. Xarigga ayaa yimid kadib markii uu soo baxay warar sheegaya in magacaabista gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir ay Shabaab ku lug lahaayeen. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa kula kulmay magaalada Nairobi ee dalkaasi Safiirka dalka Maraykanka ee SoomaaliyaAmbassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan Safaaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda USAID. Danjiraha dalka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Donald Yamamoto iyo saraakiisha wehelinaysey ayaa Madaxweyne Deni kusoo booqday rugta uu ka degan yahay magaalada Nairobi, waxaana ku wehelinaayey kulankaasi Madaxweynaha masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha…

Read More

AUN Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa. Marxuum Axmed Cabdi Kaahin, oo xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, ayaa soo noqday laba jeer soo noqday Xildhibaan, sidoo kalena wuxuu soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada. Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka qeyb galay Aaska oo loo sameeyey Marxuum Casood, ayaa ugu tacsiyeeyay Ehelkii, Golaha Wakiilada iyo Guud ahaan Shacabka Somalinad, isagoona xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey Somaliland.

Read More

Waxaa wali ay dood ka taagantahay qabsoomidda doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, kaddib marki ay hannaanka doorashada kasoo horjeesteen Ahlu Sunna iyo qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka. Sidoo kale, waxaa hanaanka diidan madaxweynaha hadda xilka haya ee Axmed Ducaale Geelle Xafa oo ka laabtay heshiis uu horey ula galay dowladda dhexe, sida uu sheegay. Ururada Bulshada Rayidka ah ee magaalada Muqdisho ayaa iyagana araktidooda ka dhiibtay, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashada madaxweynaha Galmudug.

Read More

Golaha wasiirrada Somaliland oo kulan ku yeeshay Magaalada Hargeyso, ayaa maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, kaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta. Sidoo kale, Kulanka Golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbixin ku aadan waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba looga dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, golaha wasiirada Somaliland ayaana go’aamiyay in mudnaan gaara la siiyo. Waxaa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka. Ugu danbayntii, Golaha Wasiirada Somaliland ayaa dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka. Ujeedda sharcigan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya…

Read More

Shaqaalo Mareykan ah ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Australia. Diyaaradan oo ka qayb qaadaneesay daminta dabka ka holcaya qaybo badan oo kamid ah dalka Australia ayaa lasheegay in qudheeda uu dab qabsaday. Sadax ruux oo saarnaa diyaarada ayaa laxaqiijiyay in ay dhamaantood dhinteen iyadoona masuuliyiintu ay sheegeen in aysan jirin cid ka badbaaday. Sababta loo aaneenayo bur burka diyaarada ayaa ah in ay dul mareesay buuraha barafka ee Koonfurta Wales. Muwaadiinta shilka diyaaradeed ku dhintay ayaana dhamaantood kasoo jeeda dalka Mareykanka.

Read More

Inkastoo maamulka Madaxweyne Farmaajo uu mar weliba sheego horumar laga gaaray dhanka maaliyadda, isla xisaabtanka iyo dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha, xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo hey’adda IMF-ta iyo bangiga adduunka, hadana taasi kama saarin liiska ugu hooseeya musuqa adduunka ee 2019-ka. Waa sanadkii 3-aad ee maamulkiisu noqdo kan ugu musuqa badan dunida. Transparency International, oo soo saartay warbixinteeda 2019, kana sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waa dalka 180aad, dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska, oo waxaa ay heshay 9 dhibic ee 100-ka dhibici ee cabirka CPA. Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yukio Yamomoto. Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda hormarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Mareykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland. Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha Jubbaland iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro. Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo…

Read More

R’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Cimraan Khaan ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in dhax dhaxaadin loo sameeyo iyaga iyo dowladda Hindiya. Labadan dal ee dariska ah kuna hubaysan hubka aadka wax u gumaado ee Niyukleerka ayaa waxaa ka dhaxeeyo muran dhuleed. Ra’iiul Wasaare Khaan oo Arabacadiia ka hadlayay Shirka Dhaqaalaha Dunida ee Daafos, ayaa sheegay in lajoogo waqtigii Beesha Caalamka ay u isataagi lahaayeen wax ka qabashada xiisada kala dhaxeeso dalka Hindiya. Xiisada u dhaxeeso dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa sara u kacday bishii August kadib markii dowladda Hindiya ay gobolka Kashmir kala laabatay hab maamuuskii uu sida goonida u lahaa.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah kula qaatay magalaada Garoowe wefti Isimmo ah uu hogaaminayo Garaad kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Wiil-waal, kuwaasoo kasoo kicitimay dowlad deegaanka Soomaalida. Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo iyo masuuliyiin kale. Weftiga Isimada ah ayaa safarkoodu daaranaa dhamaystirka Heshiis Beelo Walaalo ah oo 2 sano ka hor diriri ku dhexmartay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool.

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland Mudane, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Xildhibaano, Wasiiro & Isimada reer Puntland ayaa Dooxada Bixin ku soo dhaweeyay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal oo ka mid ah waxgaradka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia. Waftigan oo uu hogaaminayey Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-waal ayaa u yimid deegaanada Puntland dhamaystirka heshiiskii la dhex-dhigay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool. Gudoomiyaha Golaha Wakillada Dawladda Puntland iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, oo ka hadlay soo dhaweynta Garaad Kulmiye, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshihiisa Caasimadda…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa Agaasime KMG ah u magacaabay Waaxda imixtaanaadka Wasaarada Waxbarashada, kaddib markii uu Is-casilay Agaasimihii hore ee Waaxdaas Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid). Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), loogu magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Waaxda imixtaanaadka Wasaarada Waxbarashada. Sidoo kale, Wasiirka ayaa amray dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland inay si dhow ula shaqeeyaan Agaasimaha KMG ah ee Waaxda imixtaanaadka.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta shir guddoomiyaha kulanka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo todobaadkan looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Amniga Guud iyo u diyaar-garowga Xuska Halgankii Daraawiish-ta oo 100 sanno ay kasoo wareegtay. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xasan Axmed (Sabarey), oo kulanku markuu soo dhamaaday ayaa sheegay in Xuska Halgankii Daraawiish-ta oo 100 sanno ay kasoo wareegtay, ay degaanada Puntland ka qabsoomi doonaan 25 bishan janaayo. Sidoo kale. Wasiir Sabarey ayaa sheegay in kulanka Xukuumadda Puntland warbixino looga dhageystay Wasiiro, kuwaas oo ka warbixiyay howlaha shaqo ee Wasaaradahooda.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu kulan kula yeesho Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya Masuuliyiin katirsan Dowladda Kenya, Ganacsato Soomaali iyo Kenyaan ah iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan Nairobi. Madaxweyne Deni oo Arbacadii gaaray magaalada Nairobi, si weyna looga soo dhaweeyay, ayaa sheegay in maalmahan uu ku sugnaan doono Nairobi, uuna la kulmayo Bulshada, kuwaas oo uu kala hadlayo xaalada dalka, warbixina uu ka siin doono. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Soomaalida iyo Kenyaanka ah ee uu kula kulmayo Nairobi, uu soo bandhigi doono fursadaha maal-gashi eek a…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, xubno kamid ah Beesha iyo Saraakiil kamid ah AMISOM. Kulakan ayaa waxaa loogu hadley Doorashada la filayo in ay ka dhacado Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqynta labada dhinac.

Read More

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maadey ayaa qalinka ku duugay kamid noqoshada isbahaysiga wayn ee la magac baxay Isbahaysiga Fadaraalka iyo Dimuqraadiyada (Alliance for Democractic Federalism – ADF) ee dhawaan dalkaas Itoobiya laga aasaasay. Heshiiska aasaaska isbahaysigan ayaa manta oo Khamiis ah lagu sixiixay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Isbahaysigan oo ah kii ugu horeeyay ee abid ka hirgala wadanka Itoobiya waxaa ku bahoobay ururo badan oo aaminsan nidaamka federaalka, xurriyada, sinnaanta, cadaalada iyo dimuqraadiyada. Ururadan isbahaystay oo dhamaantood aaminsan aayo ka tashiga dadkooda waxaa kamid ah isbahaysigii PAFD kaas oo ay kamid ahaayeen…

Read More

Donald Trump oo khudbad ka jeediyay magaalada Davos, ayaa sheegay in la ballaarin doono dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay tagaan Marekanka , isagoo tallaabada ku sheegay inay ku qasbeyso waxa adduunka ka socda iyo xasilloonida Marekanka oo sii jirta. Dalal reer Yurub ah, Afrika iyo Aasiya ayaa lagu warramay liiska cusub ee la sheegay in dhowaan la shaacin doono inay ka soo muuqaan doonaan. Warbaahinta Marekanka waxay sheegtay in dalalkaas ay yihiin Belarus, Myanmar, Eritrea, Kyrgyzstan, Nigeria, Sudan iyo Tanzania , iyada oo waddamadan ay ka mid noqon karaan kuwo horey looga mamnuucay Marekanka oo Soomaaliya ay ku jirtay.

Read More

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay xilliga ay bilaabanayaan xulista Xildhibaannada labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas iyo doorashada hoggaanka Sare ee Hir-Shabeelle. Waare oo Baladweyne kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Ambasador Staffan Tillander ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xulista Xildhibaananda Hir-Shabeelle ay bilaaban doonaan Bisha september ,sidoo kalena doorshooyinka Guud la guda geli doono Bisha Octoober. Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada maamulka Hir-Shabeelle ay waqtigeeda ku dhici doonto,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uu diyaar garoow ugu jiro sidii doorashadaas ay ku qabsoomi laheyd.

Read More

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa isugu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo si kala gaar gaar ah u gaaray saddexdii maalin ee u dambeysay. Wararka ayaa sheegaya in saddex Madaxweyne ay kulamo qarsoodi ah ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi, kuwaas oo ay uga tashanayaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Doorashiyinka 2020 illaa 2021, sida ay inoo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaas ku daraya in hadii dhinacyadu ay is afgarad ka gaaraan wada-hadalkooda ay kulan wadajir ah la yeelan doonaan Xubnaha Beesha Caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo haatan kulamo gooni gooni…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda goboleedka Jubaland ayaa lagu qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka, waxaana ay sheegtay in aysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021. “Waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaararayo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay, in aysan ka qaban karin Jubbaland wax shaqo ah oo la xiriira doorashooyinka 2020-2021.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland. Sidoo kale, War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu yiri“Waxaan la socod siinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in Dowladda Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qaadato doorkeeda dastuuriga ah, si waafaqsan qaraarkii Baarlamaanlca Federaalka Soomaaaliya ee…

Read More

Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu isugu yeeray kulan deg deg ah oo dhacaya barqanimada maanta ah. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in farriin uga timid Guddoonka Baarlamaanka laguna wargeliyey in kulankaas deg dega ah ay soo xaadiraan kana soo qeyb galaan. In kastoo ajandaha kulanka Maanta ee Baarlamaanka galmudug la isugu yeeray aan la shaacin ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay ka hadli doonaan Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee muranka uu ka dhashay. Xaalka siyaasadeed ee Galmudug ee ku saleysan doorashada ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan, waxaana hoggaana Ahlusunna oo diidan sida ay…

Read More

Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Manyanmar . Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas. Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta. Inta badan warbaahinta…

Read More

Shirkaasi ayaa waxaa shir Gudoominayay Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) shirkaasi ayaa Waxaa looga hadlay Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka Gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo Laguna dardargeliyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada kunool magaalada Caasimadda ee Mogadisho. Sidoo kale Shirka inta uu socdey ayaa waxaa looga hadley dardar galinta Nadaafada , bilic soo celinta caasimada iyo xoojinta Amniga caasimada,waxaana Guddoomiyeyaasha degmooyinka ay duqa Muqdisho uga warbixinyeen amniga Caasimadda iyo Shaqooyinka ay qabteen. Ugu Dambeyntii Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah musharixiinta Galmudug ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda Federaalka inay kala qeybin ka wadaan deegaannada Galmudug. Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu yimid deegaannada Galmudug, iyada oo ay dhisneyd Galmudug mid ah,hayeeshee haatan ay jiraan dhowr Galmudug sida uu hadalka u dhigey. “Ra’iisul Wasaaraha juhdiga uu ku bixiyey Galmudug waxaa ay dhashay in Xaaf uu Maamul Cusub Gaalkacyo ka dhisayo iyo Hoggaanka Ahlusunna oo diidan waxa socda iyo msuharixiinta ugu tunka weyn mucaaradka oo iyana ka hoyimid qorshaha ay wado dowladda,marka Kheyre…

Read More

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Magaalada muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulan looga hadleyey Arrimo dhowr ah. Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa kulamo joogta ah oo xog isweydaarsi ah lana xiriira doorashada qof iyo codka ah ee qorsheysan 2020, waxaana inta badan diirda lagu saareyey sida ugu macquusan ee arrimaha doorashada. Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa saaxiibada Soomaaliya iyo deeqbixiyeyaasha caalamka, waxaana looga hadlay qodobada muhiimka u ah doorashada ee ku jira sharciga doorashooyinka oo ay ku jirto matalaadda haweenka.

Read More

Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado. Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado. Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha. Madaxweyne Trump ayaa loo heystaa eedeymo ay kamid yihiin ku takrifal awoodeed iyo…

Read More

Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu soo gaba-gabeeyay maanta Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, kaas oo labo maalin ka socday Garoowe, sidoo kalena ay ka qeyb-galeen Wasiirada Waxbarashada Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Jubbaland, Hay’adaha caalamiga ah ee ka taageerada Waxbarashada Puntland iyo Khuburo ka shaqeysa hormarinta Waxbarashada.

Read More

18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer. Sida uu wargeysku kasoo xigtay ilo xog-ogaal ah, kooxda Al-shabaab ah aya si adag waxay ugu ololeeyeen in xildhibaannadaan lagusoo daro baarlamaanka Galmudug. “Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama qaban karto xilligan xasaasiga ah ee doorashada,” ayuu yidhi odey dhaqameed magaciisa qariyay oo u waramay Hor Observer. Ujeedadda Al-shabaab ku doonayso inay saameyn ugu yeelato barlamaanka Galmudug, ayaa ah, iyagoo raba in ay helaan hoggaamiye daacad u ah awaamiirtooda. ”…

Read More

Waxaa dib uga bilowday dhowaan Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, dhoofinta xoolaha nool ee laga rarayo, kuwaas oo loo rarayo dekeddaha dalka Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa muddo shan sano ka badan waxa ay hakad gelisay in xoolaha nool ee ka iman jiray Soomaaliya loo raro dalkeeda. Agaasimaha guud ee Maxjarrada Puntland Cabdiraaq Maxamed Xasan, oo maanta booqday maxjarrada ku yaal magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay dadaal u gashay dib u furitaanka xoolaha Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray inay dadaal ugu jirto Puntland furitaanka dhoofinta xoolaha ee Boqortooyadda Sacuudiga. Sidoo kale, Agaasimaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheye ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya. Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka. Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha…

Read More

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Farax Juxa, oo wareysi bixiyay ayaa markii ugu horeysay si faah-faahsan uga hadlay go,aankii Golihii Wasiirada Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre ee uu kamid ahaa ay Jabahadda Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax iyo ONLF ugu aqoonsadeen Argagixiso iyo Doodii ay ka keeneen Wasiiro saddex ah oo uu kamid ahaa.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo gaaray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaas. Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Nairobi kusoo dhaweeyay Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Kenya, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Masuuliyiin kale, waxaana uu intaas kaddib la yeeshay kulan. Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi, kulamo la qaadan doona Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya. Sidoo kale,…

Read More

Waxaa kulan gaar ah ku wada yeeshay dalka Swezerland madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo raysal wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan. Kulankoodan gaar ah ayaa waxa ay uga arrinsanayeen labada masuul xaalada guud ee gobolka, gaar ahaa khilaafka mudada dheer socday ee u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya, sidii lo dardargelin lahaa xal u raadinta dagaalkaasi. Sidoo kale waxa ay iskala soo qaadeen xaalada wada hadalada Washington iyo Taalibaan ee mudada soo taagnaa, waxaana ay tani kusoo beegmaysaa, iyadoo dawlada Pakistan ay horay u balanqaaday inay kaalin ka gaysan doonto joojinta dhiigga faraha badan ee ku daatay dalka Afghanistan.

Read More

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Hoggaanka Beesha Habar-gidir, ayaa amray in looga codsaday Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug in la joojiyo dhismaha iyo Doorashada Galmudug ee ka socota Magaalada Dhuusa-mareeb, maadama ay hareeyeen Khilaafyo xooggan, aysana muuqan in Maamul wax ku ool ah uu ka dhismayo haatan Dhuusa-mareeb. Halkaan Hoose ka Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Hoggaanka Beesha Habar-gidir.

Read More

WDowladda Federalka Somaaliya, Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Bani’aadamnimada ayaa maanta daah furahay qorshaha arimaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya ee 2020. Qorshahan ayaa ubahan 1.03 bilyan oo doolar, si loo caawiyo loona tageero noolal maalmeedka 3 milyan oo qof. “Dowladda federalka ee Somaaliya ayaa waxaa si buuxda ugu go,an iney la shaqeeyso hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya dalka si loo hirgeliyo qorshaha ka jawaabita xaaladaha bina’aadamnimada,” sidaasi waxaa yir Xamza Siciid Xamza, wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. “Qorshaha gurmadka ayaa dhameystiraya dadaallada socda ee dowladda fedaraalka ee wax looga qabanaayo dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee dalka. Dadka u baahan gargaarka waxaa kamid ah…

Read More

Xubnaha Ahlu-sunna ee ka midka ah Guddiga doorashada Galmudug ee dhowaan ka goostay guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwal cusub oo ah Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug. Jadwalkan oo ay soo saareen illaa 5 kamid ah Guddigii doorashada Galmudug ee labo u qeybsamay, ayay ku sheegeen in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug la qaban doono 5-ta Febraayo ee sanadkan taasoo ah dhowr maalmood kadib jadwalka hore ay guddiga doorashada Galmudug u soo saareen.

Read More

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kormeer ku maraya Gobolka Nugaal ayaa maanta gaaray magaalada Taariikhga ah ee Eyl. Xubnaha Golaha Wakiillada oo u kuur-galaya xaaladda bulshada deegaamada, ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Eyl, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa booqday Xaafadaha waxyeelada ka soo gaartay roobabkii xogganaa ee ka da’ay Degmada Eyl. Kormeerka ayaa qeyb ka ah socdaal Xildhibaanada Puntland ay ku marayaan Gobolada Dalka si ah warbixintada iyo baahiyaha ee deegaamadaas ugu soo celiyaan Golaha Guud.

Read More

Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsanaa Abshir Gaarane Axmed ururkooda, kadib markii hay’ada sirdoonka NISA ay shaacisay muuqaal laga soo duubay Gaarane oo uu ku sheegtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa daabacday iyadoo xiganaysa sarkaal ka tirsan Al-shabaab in Abshir Gaarane Axmed uusan marnaba ka mid noqon Al-shabaab. Sarkaalka u hadlay Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay dowlada federalka in ay hore dad badan oo rayid ah ay ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab qaarkoodna xukuno lagu ridey. “Sirdoonka Soomaaliya waxaa ay caadeysatay inay been faafiso,waxaana ka mid ah beenta ay faafisay in dhowaan qaraxii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaw la filayaa inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaas ee xarunta Gobalka Bari, isagoona ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Safarka Madaxweyne Deni ee Kenya, oo ah mid deg deg ah ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxaana wararku ay sheegayaan inuu magaalada Nairobi kulamo kula qaadan doono Safiirada Beesha caalamka ee Soomaaliya, oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, sharciga Batroolka ee ay ansixiyeen Golayaasha DFS iyo qeybsiga deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya. Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Deni uu kulamada…

Read More

Halkani waa Bursaalax. Waa magaalo cammiran kana mid ah magaalooyinka ugu dadka badan uguna hormarsan gobolka Mudug! Magucu waa Bur iyo Saalax oo la isku daray. Waxa uuna ka soo jeedaa Oday Saalax oo ka mid ahaa oo ganacsade ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee deegaanka dega! Dadka deegaanku ogaantay waxa ay lahaayeen magac guud oo loogu yeero kaas oo looga maarmi jiray in qabiillo loogu yeero, kaas oo ahaa “Camaanyo” mar aan baaray sababta loogu bixiyey magacaasna waxa aan soo helay in Bursaalax ay ka beddelnayd deegaannada ku xeeran kuwaas oo jifooyin hoose oo isku reer ahi u…

Read More