Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka (Warbixin)
    Somalia

    Soomaaliya oo kaalinta 1-aad ka gashay liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inkastoo maamulka Madaxweyne Farmaajo uu mar weliba  sheego horumar laga gaaray dhanka maaliyadda,  isla xisaabtanka iyo dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha, xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo hey’adda IMF-ta iyo bangiga adduunka, hadana taasi kama saarin liiska ugu hooseeya musuqa adduunka ee 2019-ka. Waa sanadkii 3-aad ee maamulkiisu noqdo kan ugu musuqa badan dunida.

    Transparency International, oo soo saartay warbixinteeda 2019, kana sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah,  Soomaaliya waa dalka 180aad, dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska,  oo waxaa ay heshay 9 dhibic ee 100-ka dhibici ee cabirka CPA.

    Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu liita musuqa laakin dhibcaha ay heysatay waxaa uu ahaa 10/100 laakin sanadkan hoos ayey uga dhaceen oo waa 9 dhibic.

    Hey’addan waxaa ay la yaabtay madaxda Afrika oo qaarkood afka ka sheega ladagaalanka musuqa amaba kursiga kuyimid oo hadana iyagii ceebta dhex fadhiya.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii xafiiska qabanayey waxaa uu xildhibaannada hortooda ka balanqaaday in Soomaaliya ay noqon doonto sida Denmark, laakin 3 sano kadib waxaa uu dhex jiifaa ceebtii uu ka sheekeynayey.

    Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Baarlamaanka ka hor inta aan la dooran sanadkii 2017 ayaa sheegay inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay inuu yahay cadawga siyaasadda dowladeed.

    “Musuqmaasuqa waa cadowga  siyaasadda dowladeed waaye  sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin ayaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka  waxaa laba bil ka hor ay soo saareen  waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan  adduunka  176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark,  maxaa noo diiday inaan Denmark latartano?  maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida?  illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug  diinteena ma ogola  dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo ay yiraahadaan dadkaan  bani aadam maahaan”ayuu xilligaas yiri Madaxweyne Farmaajo.

    “mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa  xabsi dheerna waan u diraynaa “.

    Transparency International, waxaa ay ku talineysaa mar haddii doorasho la aadayo 2020-ka in Soomaaliya ay hirgeliso barnaamij isla xisaabtan oo dhab ah.

    Dhanka kale, 32 ayey 100 ka keeneen dalalalka saxaraha ka hooseeya. Dalalka ugu hooseeya waxaa kale oo ka mid ah Koonfurta Suudaan, Yemen.

    Waxaa diyaariyay: Abdiaziz Gurbiye.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.