Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dacwadda soo jeedinta xil-ka qaadista Trump oo Senate-ka ka billaabatay
    Somalia

    Dacwadda soo jeedinta xil-ka qaadista Trump oo Senate-ka ka billaabatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2020Updated:January 23, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado.

    Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

    Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha.

    Madaxweyne Trump ayaa loo heystaa eedeymo ay kamid yihiin ku takrifal awoodeed iyo in uu ka tallaabsaay sharciga Mareykanka, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas.

    Mar uu ka hadlayay madasha dhaqaalaha adduunka ee Devos, ee dalka Switzerland, waxaa uu madaxweyne Trump sheegay in eedeymaha loo heysto ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

    Xildhibanaada xisbiga madaxweyne Trump ee katirsan aqalka Senetka ayaa tiradoodu dhan tahay 53, halka kuwa kale ee dimuqraadigana ay gaarayaan 47, waxaana ay u codeeyeen in lasoo bandhigo dukumentiyo ku aadan eedeymaha loo heysto madaxweynaha iyo heshiiyadii dhexmaray Trump iyo Ukraine, balse waxaa laga codbatay dimuqraadiga, waxaana sidaas lagu hor-istaagay qorshihii dimquraadiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.