Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»18 ruux oo ku geeryooday dhul-gariir ku dhuftay Turkiga
    Somalia

    18 ruux oo ku geeryooday dhul-gariir ku dhuftay Turkiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ruxay bariga dalka Turkey, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhowaacay in ka badan 500 oo kale.

    Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la rumeysan yahay in 30 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka.

    Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, sida Falastiin, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin.

    Wasiirka caafimaadka Turkey, Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey.

    Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo guryahooda ay ku burbureen dhul-gariirka.

    Muuqaallo TV ayaa muujinayey kooxaha gurmadka oo dad dhaawac ah kasoo hoos saaraya dhismayaal burburay, degmada Gezin eee gobolka ku yaalla Bariga ee Elazig.

    Magaalada Elazig ayaa waxaa lagu dilay 13 qof, halka shan qofna ay ku dhinteen magaalada Malatya. Guud ahaan 553 qof ayaa la xaqiijiyey inay dhaawac yihiin, kuwaas oo 11 ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay.

    Qiyaastii 30 dhisme ayaa ku burburay dhul-gariirka oo saameeyey laba gobol, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Murat Kurum.

    Madaxweyne Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay twitter in la qaaday tallaabo kasta oo muhiim ah, si loo xaqiijiyo khasaaraha dhimasho ee in dhul-gariirka uu noqdo midka ugu yar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.