Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan. Afar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee lagu tiriyo inay yihiin mucaaradka ayaa diidey inay is diiwaan geliyaan kana qeyb galaan doorashada Galmudug ee ka socota Magaalada dhuusamareeb, hayeeshee waxaa is diiwaan geliyey laba musharax oo lagu tirinayo dhinaca dowladda. Sidoo kale, Maamulka Ahlu-sunna…
Author: Jibril Qoobey
United States President Donald Trump is expected to release soon his long-awaited Middle East peace plan – more than two years after his administration began drafting its vision for a solution to the Israeli-Palestinian conflict. The policy proposal has been delayed multiple times and has been kept largely under wraps. Here is what we know so far: The timing Trump said he will likely release details of his plan before holding separate meetings at the White House on Monday with Israel’s Prime Minister Benjamin Netanyahu and his rival in upcoming Israeli elections, Benny Gantz. The Palestinian leadership, which has rejected the proposal before it is even released, was not…
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Koore Shukri Doomey, ayaa iska casilay xilkii, kaddib khilaaf muddo soo jiitamay oo u dhexeeyay Masuuliyiinta Wasaaradaas. Ilo-wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idil News, u xaqiijiyay in Agaasime Koore uu is-casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisulwasaare Kheyre, isagoona uu ka aqbalay Kheyre. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Batroolka Mr. Koore Shukri, ayaa bishii June ee sanadkii tagay ee 2019, waxaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Mr. Hilaal, kaas oo ku eedeeyay inuu la shaqeyn waayay. Koore Shukri Doomey, ayaa kamid ahaa saaxibada Madaxweyne Farmaajo, isagoona ay isku fiicnaayeen Ra’iisulwasaare…
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Sooaaliya ay si qaldan u wado dhismaha Maaulka Galudug,isla markaana eedaha ugu badan ay uga imaanayaan qaabka loo soo xuley Xildhibaannada. Sheekh Shaakir oo la hadlayay BBC-da, ayaa in qaabka Xildhibaannada lagu soo xuley ay qeyb ka aheyd in Xildhibaannada laga ilaaliyo kuwa xiriir la leh Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, taasina ay tahay in waxa kaliya ee Ahlu-sunna xiriirka kala dhaxeyn ay yihiin Al-Shabaab. “Runtii waad aragtaa eeda weli ka jirta sida loo soo xuley Xildhibaannada, dowlada ayaana mas’uul ka ah waliba xildhibaannadaas xur a ahan…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay ka geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in…
Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeelay Wasiirka Waxbarashada XFS C/llaahi Goodax Barre, kaas oo ku aadanaa in aysan arday Reer Puntland siin doonin Shahaado. Wasiirka C/llaahi ayaa ku eedeeyay Mr. Goodax Barre inay ka buuxdo xumaan iyo naceybka Puntland, isagoona sheegay inuu ka tarjumayo Aragtida Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Maxaa la isku hayaa ? Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa intii uu socday shirkiisa jaraa’id soo bandhigay heshiisyo ay wada galeen Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay goordhow u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya. Madaxweynaha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho waxaa kusii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,isaga oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda. Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Magaalada Asmara ay Shir Saddex geesood ah ku yeelan doonaan madaxweynayaasha,Soomaaliya, Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed. Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xalada gobolka,xiriirka ka dhaxeeya Saddexda dowladood iyo dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka. Ra’iisul…
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo ciidamada dowoladda Yemen ayaa ka socda degmada Nahm, oo 60 kiilo mitir u jirta caasimadda Sanca. Waxaa jira warar sheegaya in khasaara badan uu jiro islamarkana ay sibataalada la daalaa dhacayaan tirada badan ee dhaawacyada. Abaanduulaha militariga dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa ay goobo cusub kala wareegeen Xuutiyiinta. Jimcihii waxaa soo baxayay warar sheegayay in mucaaradka ay si buuxda ula waregeen degmada Nahm. Sagaalkii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa dagaal adag uu dhex maray ciidamada dowladda Yemen oo taageero dhanka cirka ah ka…
Dalka Shiinaha waxaa si xowli ah u sii fidaya fayriska halista ah ee ka dillaacay dalka Shiinaha oo imika dalkaasi ay ugu dhinteen in kabadan 50 qof, halka ilaa 2000 oo kalena uu ku dhacay. Dowladda Shiinuhu ayaa maanta si kumeel gaar ah u mamnuucay kala iibsiga xayawaanka duurjoogga, si loo yareeyo faafista cudurka. Magaalada Wuhan ayaa wali ah halka ugu daran ee uu xanuunka sida ba’an u sameeyay. Magaaladaas waxaa ku nool arday Soomaali ah oo intooda badan ka barta kulliyadaha caafimaadka ee Jaamacadaha magaalada. Dr. Yahya Abdullahi Ali oo ka mid ah Soomaalida ku nool Wuhan ayaa wararki…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Jabuuti.
Qurba joog uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Australia Mukhtaar Aadan Seed,ayaa gudoonsiyey qalabka ciyaaraha kooxo ka dhisan Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug. Qurba joogta qalabka gudoon siisay Dhalinyarada Degmada Bursaalax,ayaa ka kala yimid Wadamada Australia iyo Maraykanka.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, oo khudbad ka jeediyay munaasabad Hay’adda USAID ku wareejinayso Mashaariicda laydhka Cadceeda iyo Guriga Faleenka ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay soo celinta Hormarkii dhinaca ganacsiga, adeegyada Bulshada iyo bilicda Degmada Qandala. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Qandala ay u baahan tahay inay u wada istaagaan Shacabkeeda, si loo soo celiyay taariikhdeedii muhiimka aheyd, isagoona intaas ku daray in dib ay Dowladdu u howlgalinayso goobaha loogu shaqeeyo bulshada, sida Isbitaalka iyo saldhiga Ciidanka Booliska. “Waxaan idiin soo gudbinayaa salaan kasocota madaxwaynaha…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay in dhawaan ay kulan yeelan doonaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kulankaasi oo ka dhici doona Magaalada Asmara. Waxaa uu sheegay in kulankaasi ka dhici doona magaalada Asmara looga wada hadli doonaan arrimo badan. Saddex waddan ayaa yeelanayay kulamo kala duwan Sanadyadii ugu dambeeyay tan iyo markii Itoobiya iyo Eritrea uu heshiis dhexmaray. “Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Ereteriya iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Maxamed C / llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan. Sida had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta ah…
Agaasimihii hore Waaxda Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlda Puntland Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid), ayaa dhowaan ka tagay shaqada Wasaaradda, waxaana booskiisii loo magacaabay agaasime cusub. Hadaba Maxay tahay sababta uu Wasaaradda uga tagay Axmed Saahid ? Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay in Mr. Axmed Mohamud Warsame (Axmed Saahid), uu ugu tagay shaqada Wasaaradda Waxbarashada Puntland, kaddib markii uu u yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Goodax Barre, kaas oo u balan-qaaday inuu u magacaabi doono La-taliyaha Wasaaradda. Axmed Saahid oo muddo ku dhow 10 sanno ahaa Agaasimaha Waaxda Imtixaamadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare…
Halkan ka daalaco hishiisyadii go’aan fududayn bixinta shahaadada Dugsiga sare ee Dowlada Federalka Soomaliyeed ay ku hishiiyeen labada Wasaradood. 19/ December/ 2015. Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxa ay la wadaagaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed jawaabteeda iyo heshiiyada hoos ku xusan sida wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Cabdullaahi Maxamed Xasan caddeyay 1. Heshiiskii 2015 Sida ku cad lifaaqa hoose waxaa warqad kasoo baxday xafiiska Wasiiradii xilligaa ee Maamo Khadro lagu heshiiyay in shahaadada Federalka laga bixiyo xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland si adeega loogu soo dhaweeyo ardada Puntland. (Fadlan eeg lifaaqa hoose heshiiskii 2015 oo 2 page ah iyo faahfaahintiisa). Waxaaa xusid…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Wasiirka Waxbarashada XFS C/llaahi Goodax Barre, isaga oo ku eedeeyay inuu iska indha tirayo heshiisyadii horey ay u galeen labada wasaaradood iyo Dastuurka KMG ah ee Dalka. Wasiirka Waxbarashadda Puntland ayaa intaas ku daray “Suurta gal maaha in Imtaxaan mid ah dalka ka dhaco, wasaarada waxbarashadu maba oga waxaan ardayda u dhigno sidee Imtaxaan u qaadi kartaa ? ilaa manhaj midaysan la helo Imtaxaan midaysan ma dhici karo.”
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Switzerland ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Rwanda, Burundi iyo Uganda Ambassador Siro Beltrametti. Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxa xafiiska iskaashiga Gobolka ee safaaradda Switzerland Mr. Thomas Oertle iyo u qaybsamaha safaaradda siyaasadda iyo dowlad wanaagga Nimco Jirde. Sidoo kale waxaa kulankaasi Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.
maanta oo kale, 26/Janaayo/1991, ayaa ay aheyd maalintii laga saaray Magaalada Muqdisho Madaxweynihii Dowladdii kacaanka “kali taliyihii” Soomaaliya Jaalle Siyaad Barre, kaddib 21 sanno oo xukunka uu ku heystay xoog. Hadaba, Halkaan Hoose ka Daawo Warbixin ku saabsan xukunkiisii.
Meydka Kalluumeyste u dhashay dalka Iran ayaa la keenay Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii uu dilay kamid ah ilaalada Doonta kalluumeysi. Wararka ayaa sheegaya in Kalluumeystaha geeryooday uu ahaa Mulkiilihii Doonta, uuna dilkiisu yimid kaddib markii uu muran soo dhex-galay asaga iyo ruuxa dilka geystay oo ahaa soomaali kamid ilaalada doonta. Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo bartamihii sanadkii tagay ee 2019, xeebaha Puntland lagu dilay kalluumeyste u dhashay Dalka Kenya, kaas oo uu dilay waardiyihii doonta uu ka shaqeynayay oo ahaa Soomaali. Doonyaha Kaluumaysi ee ka jilaabta Xeebaha Puntland ayaa intooda badan waxa ay ruqso ka…
Dawladda Shiinaha ayaa amar ka soo saartay cunista iyo ka ganacsiga hilibka duurjoogta dalkaasi, kadib markii uu dalka shiinuhu ka dillaacay cudur dilaa halis ah oo aan caalamku weli aqoonsan Shiinaha ayaa aaminsan in cudurkani uu ka dhashay qaar kamid ah shimbiraha duurjoogta ah ee dalkaasi oo ay cuneen dadka dalkaasi, inkasta oo aan sida rasmiga ah la ogayn halka uu ka yimi balse lagu soo koobay inuu yahay Fayras ku cusub dunida. Sidoo kale xukuumadda Shiinaha ayaa mamnuucday in ay dadku isku yimaadaa meelaha la isugu soo baxo, taasoo ay uga gol leedahay xakamaynta inuu faafo ama laysu gudbiyo…
Abwaan Yuusuf Shaacir oo kamid ah Guddiga loo xil saaray dhex-dhexaadinta Xukuumadda Maamulka Somaliland iyo Xisbiyadda nucaaradka ah, ayaa beeniyay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay oo ku aadan in la arruurinayo lacag la siinayo guddiga Doorashooyinka Somaliland ee doodu ka taagan tahay, si ay isku casilaan.
Inta la xaqiijiyay 10 ayaa u geeryootay illaa hada Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan iyo Degaanada ku dhow, sida uu sheegay mid kamid dhakhaatiirta Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Hirshabelle. Sidoo kale, In kabadan 40 ruux oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, una badan Carruur, ayaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne, kuwaas oo laga kala keenay xaafadaha Beledweyne iyo degaanada kale ee ku dhow dhow. Sidoo kale, Dhakhaatiirta Gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay diyaariyeen kooxo caafimaad oo ay u dirayaan degaanada ku dhow magaalada beledweyne cudurka shuban-biyoodka uu ka dilaacay.
Shilkaan gaari ayaa waxaa uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Caasimadda kenya ee Nairobi iyo Mombasa, waxaana shilkaasi uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca Xamuulka qaado ah, xili ay marayeen goobta loo yaqaano Kiongwani, waxaana ka kacay dab sababey dhimashada hal Ruux iyo dhaawac 5 kale. Qof goobjooge ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay in labada gaari ay so xowli ah ku socdeen,isla markaana isu dhacooda uu sabab u ahaa wadada qeybo kamid ah oo burbursan. Ciidamo ka tirsan booliska Kenya ayaa tegay Goobta uu shilka ka…
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay dhismaha Maamulka Galmudug. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay haatan wajaheyso xaalad adag iyo khilaaf xoogan taas oo sababi karto in Maamulo isdiidan laga dhiso Galmudug. “Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey Ra’iisul Wasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay…
Golaha sare ee Arimaha Islaamka dalka Itoobiya ayaa 60-sano kadib Golaha Wasiirada dalkaasi Ethiopia ka helay aqoonsi rasmi ah oo uu kaga shaqayn karo dalkaasi, taasoo noqotay guul usoo hoyatay bulshada islaamka ah ee ku dhaqan dalka Ethiopia. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen sharci mudo dheer qabyo ahaa kaasoo si rasmi ah u aqoonsanaya Golaha Sare ee Arimaha Islaamka oo ah golaha maamula arimaha Muslimka ee wadankaasi. Go’aanka ay meelmariyeen Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ka jawaabay dalabkii ay bulshada muslimiinta Ethiopia usoo jeediyeen xukuumadda kaasoo ahaa in…
Maxkamadda Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisey Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda,kaas oo la sheegay in uu horey u diley askari kale. Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Bakar Xassan,waxaana uu horey u diley askari ka tirsan Ciidanka jubbaland oo lagu Magacaabi jirey Siyaad Maxamed Xassan. Xeer ilaaliyaha Ciidanka jubbaland Gashaanle Dhexe Maxamed Axmed Yaasin ayaa sheegay in askariga manta la toogtey uu 27-kii Bishii November ee sanadkii tegay ee 2019 xilli habeen uu askariga ku diley Bartamaha magaalada kismaayo. Waxaa uu hadalkiisa inatasi…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada aka dhanka ah Al-Shabaab. Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in ay Al-Shabaab ka saaaraan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada. Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ,isla markana dagaalka xoogan kula jira Xubno ka tirsan Ururka dagaalamayaasha Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u…
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, ayaa manta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Ujeedada socdaalka Xildhibaan Jawaari ee Garoowe, ayaa la xariirta ka qeyb-galay Madasha 9-aad ee PDRCTalks, oo uu marti ku yahay, taas oo la qabanayo maalinta arbacada ah, oo taariikhdu ku began tahay 29-ka, bishan January 2020. Madasha Madasha 9-aad ee PDRCTalks, ayaa looga hadli doonaa “Ka gaabinta Dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya 2020-2021”, iyadoona inta ay socoto madashu lagu weydiin doono Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Prof. Mohamed Osman Jawaari, su’aalo la…
Waxaa weli ka soconaya qaar ka mid ah dalka Ciraaq dibadbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay dhigayaan shacab caraysan. Dibadbaxyadan ayaa la xiriira tuhun ay shacabku ka qabaan dawladu, in ay samaysay wax is daba marin iyo musuqmaasuq baaxad weyn, waxaana heerkii ugu sareeyay gaadhay shaqo la’aanta iyo faqriga isgarabsaday ee haysata shacabka iyo dhalinta dalkaasi. Waxaa jira meelaha qaar ay isku gacan saareen shacabka dibad baxyada wada ee aadka u cadhaysan iyo ciidamada ammaanka dalkaasi Ciraaq, kuwaas oo isku dayaya sidii ay uga hortagi lahaayeen dibadbaxyada kusii fidaya dalka intiisa kale
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid hawlihii guddiga doorashada Galmudug, kadib markii ay isa soo diiwaangelin waayeen musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Maanta oo lagu balansanaa in ay noqoto maalintii ugu dambaysay ee is-daawgelinta, isla markaasina ay bilaaban lahayd dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweyne, ayaa ay baaqatay. Sidoo kale, maalinta berri ah oo loo balansanaa dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxwene ku-xigeenka, Ayaan Iyana jiri doonin, sida ku cad jadwalka doorasho ee horay loo soo saaray ayaan wax shaqo ah ka socon maanta. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Ahlu-sunna…
Waxaa ka socda Degmada Qandala ee Gobalka Bari, munaasabad Hay’adda USAID ku wareejinayso mashaariic ay ka hirgslisay Magaladan Qadiimiga ah, oo ay ka mid yihiin Layrarka Cadcadeeda ku shaqeeya oo ay wadooyinka Qandala lagu xiray iyo dhismaha Guriga Faleenka. Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), Guddoomiyaha Gobalka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, Masuuliyiinta Hay’adda USAID iyo marti-sharaf kale. Guddomiyaha Gobolka Bari Abdisamad Abwaan, oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Mashruucan oo loo yaqaan TIS+) ayaa yiri “Degmeda Qandala waxay…
Taliska Hay’adda Nabadsugida degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu soo saarey amar ku socda dadka siyaabaha kala duwan u iibsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Amarkaan oo uu soo saarey taliyaha NISA ee Guriceel Maxamed Gaanyaco ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka kala iibsanaya Gaadiidka ay kusoo wargeliyaan laamaha Amniga gaar ahaan NISA si looga hortago fulinta falal amniga lidi Ku ah oo gaadiidka loo adeegsado. Sidoo kale, Amarkaan ayaa saameynaya qofka Gaadiidka iibsanaya iyo kan laga iibinaya intaba, waxaana la sheegay in cidii amarkaan u hoggaansami weysa tallaabo Sharci ah laga qaadi doono. “Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha…
Nin darawal ah ayaa gudaha Mareykanka lagu qabtay isagoo isku dayaya in qalfoof been abuur ah uu ka dhigto qof rakaab ah si uu u isticmaalo waddada ay maraan baabuurta sida rakaabka, sida basaska oo kale. Waaxda Badqabka Dadweynaha ee Arizona ayaa sheegtay in sarkaal ka mid ah shaqaalahooda uu gaari nin 62 sano jir ah uu watay ku amray in uu dhinac u baxo ka dib markii uu ogaaday in waxa baabuurka saaran uu yahay qolfoof laga soo dhigay sida qof rakaab ah, kaa oo xirnaa koofi isla markaana lagu xiray kursiga rakaabka loogu tala galay. Darawalkaasi ayaa tikidh…
Iiraan ayaa waxa ay dishay ganacsade weyn oo maandooriyaha ka shaqeysan jiray, kaas oo lagu naanayso ‘Yaxaaska Gacanka Beershiya’ sidoo kalena ay halkaas ku baabi’isay maandooriyihii uu tahriibinayay, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay. Ninkan loogu magac daray ‘Yaxaaska’ ayaa waxaa la qabtay isagoo kuguda jira dhoofinta in ka badan 100 tan oo maandooriye ah oo uu marsiinayay biyaha caalamiga ah, saraakiisha ayaa sidaas u sheegay warbaahinta gudaha ee dalka Iran. 36-jirkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgallo sirdoon oo lagu baadi goobayo. Waxayna Iiraan sanadwalba khaarijisaa boqollaal maxbuus. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha…
Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa ay dil toogasho ah ku fuliyeen Saddex Ruux oo ay sheegeen inay la Shaqeynayeen dowladda Fedearalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya. Goobta ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Kamsuuma,waxaana toogashada lagu fuliyey Saddex Ruux oo kala ah. 1: Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta,kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen wadada u dhaxeysa Walanweyn & degmada Afgooye. 2: Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in…
Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ee ku biirey Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka ay afduubatey howlaha doorashooyinka ee ka socda Dhuusamareeb,isla markaana ay baal martey hehsiiskii ay la galeen. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in howlaha doorashooyinka ee ka socda dadka Reer Galmuudg laga dhigey marti, sidoo kalena Dowladda ay ku xadgudubtey Dastuurka dalka. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Mustaqbalka dadka Reer Galmuudg uu Mugdi galay oo aan wax wada tashi ah lagala yeelan dhismaha Galmudug ee kaatan socota,waxaana ay sheegeen in Ahulsunna ay dhisi doonto…
Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya gaar ahaan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa ay ku dhawaqdey in si KMG ah loo hakiyey bixinta Baasaboorka Soomaaliya.Qoraal kooban oo kasoo baxey Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in bixinta baasaboorka la hakiyey laga bilaabo 27 Bisnaa ilaa 2 Bisha soo socota ee Febaraayo. Sababaha keenay in la hakiyo bixinta Baasaboorka Soomaaliya ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa ay ku sheegtay sababo la xiriira Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ku socota. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan horey u hakisay bixinta Baasaboorka Soomaaliya, waxaana talaabadaas ay saameyn balaaran ku reebtaa dadka Soomaaliyeed ee…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qeybgalay, Xuska Boqol-guurada kasoo wareegatay halgankii Daraawiishta. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka koowaad ee Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Hoggaan dhaqan, Haween, Dhallinyaro iyo kooxaha suugaanta. Madaxweyne Axmed Karaash oo munaasabadda khudbad ka ka jeediyay ayaa ku dheeraday muhiimada xuska 100 sanno-guuradii kasoo wareegtay Halgankii Daraawiish-ta, isagoona si kulul u weeraray Maamulka Somaliland oo dhowaan sheegtay inay Daraawiish ay Degaanadeeda kasoo jeeday.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas. Al-Qaadi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maanta ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere. Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa…
Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaarado dagaal ugu deeqay ciidamada dowladda Kenya, si ay ugula dagaalamaaan Al-Shabaab. Diyaaradaan oo ah nooca MD-530F ayaa gaaraya illaa lix, waxaana la sheegay in Kenya loo siiyey, si ay ugu adeegsato howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Stephen Townsen oo ah taliyaha ciidanka ee AFRICOM oo Kenya ku wareejiyey diyaaradahaan, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa sheegay inay arrintaan qeyb ka tahay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Kenya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageerada Militeri ee ay siiyaan ciidanka Kenya, isla markaana ay mar…
Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqanaya gobolkii uu Jimcihii ku dhuftay dhul-gariirka si uu ula kulmo dadkii ku waxyeeloobay. Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay kuwaasi oo intooda badan ku noolaa gobolka Elazig. Dhul-gariirka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 1200 oo qof. Shaqaalaha gurmadka ayaa waxaa burburka hoostiisa ka soo badbaadiyeen dad gaaraya 40 qof.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Taliyaha Amniga Gobolka Mudug u magacaabay G/le.Duraan Cabdi Xaashi, halka taliya ku-xigeenna loo magacaabay Dhamme.Mahad Axmed Warsame.
Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa Aragtidooda Ka Dhibtay, Hadalkii Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka oo aha Puntland Imtixanka Ha Isku Tashato.
Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo shir deg deg ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa ka hadlay Ciidamo Dowladda Federaalka ay ku daabulayso qeybo kamid ah Gobalka Gedo, waxaana ay ka digeen colaad ay Dowladda Federaalku ka hurinayso gobolka Gedo,
Maxamuud Ciise Siciid “Goodax xaq u malaha inuu maamulo waxbarashadda dawlad goboleed yada, dastuurka ayaana sidaas qaba.” Daawo.
La-taliyaha Ciidamada Boqortooyada Ingariiska ( Chief of the General Staff ) General Sir Huan Davies ayaa soo gaaray magaalada Hargeisa ee Caasimadda Maamulka Somaliland. General Sir Huan Davies, ayaa waxaa Hargeysa kusoo dhaweeyay Wasiirka Difaaca Somaliland iyo Jananka Ciidamada Somaliland General Nuux Taani, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay safarkiisa Somaliland. Laura Kuenssberg, oo BBC u ah tifatire siyaasadeed ayaa ku sheegtay Socdaalka Commander Sir Mark Carleron Smith mid lagaga hortagayo awoodda Shiinaha ee Geeska Africa. Ciidamada Badda ee Ingariiska ayaa uu sheegay joornaalka Daily Mirror in ay dhisi-doonaan Ciidamada badda ee Somaliland, taas oo iyada ka dambaysay…
Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Golayaasha Dowladda, Isimo, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo marti-sharaf, ayaa caawa kaga qayb-galaya munaasabad lagu xusayo 100 Guurada Halgankii Daraawiish oo Garowe ka socota hada.
Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dowladda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu kaga hadlay xariga Internet-ka (Fiber Optic), ee la marinayo xeebaha Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland, kaas oo dood badan ka dhex abuuray Degaanada Somaliland.
Khudbadii Ilhaan Omar oo mar kale u tartamaysa kursiga ay hada hayso ee Xildhibaanimo
Degaan xeebeedka Jilbas ee Degmada Maydh ee Gobalka Sanaag, ayaa waxaa ka kacay dab geystay khasaare, kaas oo sababay gubashada dhir muhiim ah, Dadka degaanka ayaana sheegay in dabkan uu ka dhashay dab ay shideen rag Geel jire ah.
Dowladda Puntland ayaa tababar uga furtay Xerada Ciidamada 54-raad, Ciidamada gaarka ah ee komaandooska Puntland, waxaana goojoog ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka amniga Dowladda Puntland. Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaa ku socda Diiwaan-gelin iyo dib u habeyn, waana dufcadii labaad ee tababar loo furay bilihii ugu dambeeyay, iyadoona Ciidamadan Kumaandooska ah la barayo casharo ay ka midyihiin; 1 Wadaniyada 2 Jirdhis 3 Xeeladaha daagaalka 3 adeegsiga Isgaarissinta 4 barashada Aqoonta hubka 5 Garagaarka degdega iyo casharo kale oo la xiriira dhanka Ciidamad
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika…
Dowladda Tanzania ayaa la saxiixatay Shirkadda Barrick Gold heshiis cusub oo macdan baaris ah, kaas oo shirkadan u sahlaya inay macdan ka baarto Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyadda Tanzania. Heshiiskan ayaa Dowladda Tanzania siinaya 16%, waxaana uu uga dhigan yahay Madaxweyne John Pombe Magufuli, inuu ku guuleystay mid ka mid ah saxiixyadiisa dib u habeynta dhaqaalaha. Sidoo kale, Heshiiskan oo ay goobjoog ahaayeen Madaxweyne Magufuli iyo Maamulaha Shirkadda Barrick Gold, ayaa soo gaba-gabeynaya saddex sanno oo khilaaf ah, una dhexeeyay shirkadda iyo Dowladda Tanzania. Madaxweynaha Dowladda Tanzania John Pombe Magufuli, oo ka hadlay saxiixa heshiiskan cusub, ayaa…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qado sharaf u sameeyay isimada dhaqanka ee Dowlad deegaanka Soomaalida , kuwaasoo maalamahan ku sugan Garoowe. Kulanka waxaa qayb ka ahaa, Xildhiibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo Hoggaanka dhaqanka Puntland.
Hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa booqashada ku tagay laba aqal ee gobolka Minnesota ee dalka Mareyakanka, kuwaas oo ay kamid yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Yurub Abiib Cabdi, oo Saxaafadda kula hadashay Magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in Maamulka Somaliland uu dacwad ka gudbin doono Gen. Cabdirixmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Dowladdii kacaanka, dhowaana sheegay inay aheyd sax duqaynti loo geystay Hargeysa.
Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoog leh oo ku dhuftay bariga dalka Turkey ayaa gaartay 21 qof iyadoo kun qof oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay saraakiisha gurmadku ku warramayaan. Shaqaalaha gurmadka ayaa wada baaritaanka 30 qof oo lagu waayay burburka dhismayaasha dumay hoostooda ee gobolka Elazing iyo gobolka deriska la ah ee Malatya, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Turkey-ga Fahrettin Koca. Waxa uu ka digay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto. Shaqaalaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka ayaa dadka u qeybiyay teendhooyin, sariiro iyo bustayaal iyadoo heerkulka habeenkii uu yahay mid aad u qabow dhulka ay dhibaatadu…
Tobonaan milyan oo qof ayaa awoodi waayay sanadkan in ay ka qeybgalaan dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha, kaddib markii ay dowladdu hakisay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha labo magaalo oo ku yaalla Shiinaha, sababo la xiriira virus dilaa ah oo halkaasi ka dillaacay. Guddiga Qaran ee Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in dhimashada caabuqan cusub ay hadda gaartay 41 qof, halka bukaannada uu soo ritay ay gaarayaan 1200 oo qof, iyadoo cudurku uu isaga tallaabay 29 gobol oo Shiinaha ah. Dadka uu cudurkani asiibay ayaa waxaa ku jira 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, hal dhaqtar isagu waaba uu u dhintay. Meelaha loo dalxiiska…
Professor. Xasan Sheekh oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay caqabaha hor-taagan Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, isagoona ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in la saxo khaladaadkii horey looga galay Somaliland, si loo helo Wada-hadal dhab ah.