Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo diyaarado dagaal siiyay Kenya (Sawirro)
    Somalia

    Mareykanka oo diyaarado dagaal siiyay Kenya (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020Updated:January 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaarado dagaal ugu deeqay ciidamada dowladda Kenya, si ay ugula dagaalamaaan Al-Shabaab.

    Diyaaradaan oo ah nooca MD-530F  ayaa gaaraya illaa lix, waxaana la sheegay in Kenya loo siiyey, si ay ugu adeegsato howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Stephen Townsen oo ah taliyaha ciidanka ee AFRICOM oo Kenya ku wareejiyey diyaaradahaan, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa sheegay inay arrintaan qeyb ka tahay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageerada Militeri ee ay siiyaan ciidanka Kenya, isla markaana ay mar kale ugu deeqi doonaan diyaarado kale.

    Saraakiil sare sare oo ka tirsan Militeriga Kenya oo madasha ku sugnaa ayaa ka mahad celiyey diyaaradaha loogu deeqay, waxayna sheegeen inay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan Kenya iyo Soomaaliya.

    Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.