Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhuusa-mareeb: Dib u dhac ku yimid howlihii doorasho ee Galmudug
    Somalia

    Dhuusa-mareeb: Dib u dhac ku yimid howlihii doorasho ee Galmudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid hawlihii guddiga doorashada Galmudug, kadib markii ay isa soo diiwaangelin waayeen musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

    Maanta oo lagu balansanaa in ay noqoto maalintii ugu dambaysay ee is-daawgelinta, isla markaasina ay bilaaban lahayd dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweyne, ayaa ay baaqatay.

    Sidoo kale, maalinta berri ah oo loo balansanaa dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxwene ku-xigeenka, Ayaan Iyana jiri doonin, sida ku cad jadwalka doorasho ee horay loo soo saaray ayaan wax shaqo ah ka socon maanta.

    Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Ahlu-sunna horay u sheegtay in aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada, islamarkaasina ay ku dhawaaqday jadwal iyo doorasho iskeed ay u qabsan doonto.

    Dhanka kale, musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.