Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxay Dalka Ereteriy
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo u amba-baxay Dalka Ereteriy

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay goordhow u ambabaxeen magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya.

    Madaxweynaha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada muqdisho waxaa kusii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,isaga oo ay wehlinayaan Wasiiro iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda.

    Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Magaalada Asmara ay Shir Saddex geesood ah ku yeelan doonaan madaxweynayaasha,Soomaaliya, Ereteriya iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

    Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xalada gobolka,xiriirka ka dhaxeeya Saddexda dowladood iyo dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in wada-hadallo ay Asmara uu kula yeelan doono,Madaxweynayaasha Soomaaliya,Ereteriya.
    Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah dhankeeda kaam soo saarin safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta ugu ambabaxay dalka Ereteriya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.