Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni iyo Ganacsade Bashiir Saalax Deer oo kulan albaabadu u xiran yihiin yeeshay (XOG)
    Somalia

    Madaxweyne Deni iyo Ganacsade Bashiir Saalax Deer oo kulan albaabadu u xiran yihiin yeeshay (XOG)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isimada dhaqanka Gobalka Bari ayaa xalay ku guuleystay in kulan fool ka fool ah uu dhexmaro Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Ganacsade Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer, oo ah saamilaha ugu balaaran ee shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Mashruuca Logistic, ee Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

    Kulanka oo aha mid albaabadu u xiran yihiin ayaa qaatay saacado badan, waxaana diirada lagu saarayay xalinta muranka ka taagan Mashruucan, iyadoona ilo ku dhow ay sheegayaan in intii uu socday marar dhowr ah ku sigtay inuu fashilmo, balse ugu dambeyntii uu soo gaba-gaboobay is afgarad, laguna heshiiyay qodobo ay kamid yihiin;

    1: In Boqolkiiba Konton Dowladu qaadato Shirkadii PDG oo ay wakiil unoqdaan,Xasan Deni,Daahir Ayaanle iyo Kilwe.

    2: In Boqolkiiba Konton ganacsatada Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer hogaamianayo ay qaadato saamiga Shirkada adeega Ciidamada Badda.

    Sidoo kale, Weli ma cadda in magacii hore loo isticmaali doono shirkadda Mashruuca qaadaneysa (PDG), wararka ayaana intaas ku daraya in Mashruucan laga qadiyay kooxda Aaran-jaan ee garabka Madaxweyne Deni, taas rumowdo waji kale u yeelaysa xaalada Gobalka Bari, sida ay qabaan dadka ka falaado siyaasadda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.