Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo Itoobiya oo ku heshiiyay is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Puntland iyo Itoobiya oo ku heshiiyay is-dhaafsiga Xogaha Sirdoonka (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo shirar kula qaatay Madax ka socotay Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

    Shirarka Labada dhinac ayaa looga hadlay iskaashiga Amniga iyo Dhaqaalaha, Adkeynta Nabbada xuduudaha Puntland iyo Itoobiya, iyo sidii gacan la isaga siin lahaa ka hortaga iyo maaraynta Qulqulka Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee u soo tahriibaya gudaha Puntland.

    Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray la dagaalanka Argagixisada, furitaanka Kastanka Tuur-dibi iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen nabad-galyada xaduuda oo marar qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyo, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/2450413691751981/

    Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya xuduuda ugu balaaran ee ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay tan Degaanada Puntland, uuna ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, isagoona sheegay inay heshiis ka gaareen dhamaan qodobadii ay ka wada-hadleen Labada dhinac.

    Sidoo kale, Ku-xigeenka hoggaanka Nabad-galyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Maxamed Cabdi ayaa sheegay inay Dowladda Puntland ku heshiiyeen wadaaga xogaha, si loo adkeeyo amniga xuduuda, iyo in shirar noocaan oo kale ah la qabto saddex biloodba mar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.