Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kheyre oo amar ku joojiyay heshiis lagu hormarinayo Magaalooyin ay ku jiraan Garoowe iyo Kismaayo (Akhriso)
    Somalia

    Kheyre oo amar ku joojiyay heshiis lagu hormarinayo Magaalooyin ay ku jiraan Garoowe iyo Kismaayo (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 18, 2020Updated:January 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho, kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar.

    Mashruucan oo uu maal-galinaya Baanka Aduunka, ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

    Hase yeeshee qoraal kooban oo goor dhow kasoo baxay ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo loo dusiyay Warbaahinta ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada.”

    Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”.

    Wararka ayaa sheegaya inuu Kheyre ka carooday sababta Magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusa-mareeb wax looga siin waayay Mashruucan, taas oo muujinaysa hanaanka qabyaaladeed ee uu lasoo baxay Ra’iisulwasaaruhu, waxaana uu go,aankiisu imaanaya xilli uu xun yahay xiriirka Villa Soomaaliya iyo Puntland iyo Jubbaland oo mashruucan qeybtooda ka helay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.