Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»24 SANO KADDIB GO’AANKII SSDF KU JOOJISAY DHOOFINTA DHUXUSHA IYO XOOLAHA DHEDIG (Warbixin)
    Somalia

    24 SANO KADDIB GO’AANKII SSDF KU JOOJISAY DHOOFINTA DHUXUSHA IYO XOOLAHA DHEDIG (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 17, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Go’aan ka soo baxay Guddoonka SSDF iyo Maamulada Gobbolada Waqooyi Bari 10/12/1996, iyagoo tixraacaya go;aamo horay looga soo saaray dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dhedig.

    Iyagoo garowsan dareenka dadweynaha iyo laga marmaanimada badbaadinta degaanka iyo xoolaheena,
    Iyadoo ay guddiga u muuqato khatarta ku soo fool leh degaanka iyo xoolaha (protection of environment) waxaa la go;aamiyey

    1. In aan laga dhoofin Karin dhuxusha iyo xoolaha dhedig Dekedda Bosaso
    2. in lala wareego gaadiidka badda ee qaada dhuxusha iyo xoolaha dhedig
    3. Waxaa laga dhowraya dhaqan gelinta go’aankan, ciidanka ilaalinta dekedda, ciidamada kontaroolada iyo dadweynaha waxgaradka ah ee dareenka wadaninimo leh.

    Shirkaas aan caadiga ahayn waxaa ka soo qayb galay Guddoonka SSDF, Guddoomiyeyaasha Gobollada Waqooyi Bari iyo Guddoomiyaha Golaha Xeer dejinta Gobolka Bari.
    Go’aankaasi waa hirgalay waqtigaas,

    Waxaase is weydiin mudan mar kasta oo aad soo marto Kantaroolada Alxamdulilaah iyo Bosaso waxaa saf dheer ku jira Gaadiid fara badan oo dhuxul sida oo magaalada Bosaso loo wado.

    Marka ma go’aankii SSDF iyo kii Maamulka Puntland ayaa la joojiyey, mise arrimo kale ayaa ka jira Gobollada iyo Degaanada dhuxusha laga gubo, ee Sool, Sanaag iyo Bari oo aan sharcigaa u hoggaansamin ?

    Dhinaca Koonfureed waxaa dhuxusha amar lagu joojinayo laga soo saaray 2012, oo Qaramada Midoobay Gadaal ka riixayso, inkastoo ilaa hadda dekedda Ceel macaan iyo Kudha looga dhoofiyo dhuxusha Dalka Imaaraadka Carabta taaso sababtay xaaluf aad u badan, oo horseeday abaaro, daadad iyo in dad iyo duunyaba ay ku naf waayeen saameynta ka dhalatay.
    Maxaa la gudboon dowladda Puntland:

    1. Sidii loo heli lahaa badiil ka habboon dhuxusha oo ay dadka wax ku karsadaan si loo dhimo amaba loo joojiyo guud ahaan jarista dhirta.
    2. Iyadoo la og yahay Kormeer Madaxweynuhu uu ku marayey Degmada Dhahar oo ah meelaha ugu daran oo dhuxusha laga shido, ayuu ku dhawaaqay in Gaaska Cunta lagu karsado uu canshuur dhaaf yahay, taaso uu ku dhiirigelinayey joojinta dhuxusha.

    Xigasho: Wargayska Kaaha Bari

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.