Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow). “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda FederaalkaGuddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda FederaalkaMadaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda PuntlandGolayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer PuntlandMadaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland,Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida,Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradahaSiyaasiyiinta iyo waxgaradka,Isimadda, cuqaasha iyo culimadaHaweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Mudanayaal iyo Murwooyin, Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU. Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna…

Read More

Waxaa Magaalada Doxa ee Dalka Qatar ku geeryooday Guddoomiyihii Gobalka Banaadir Eng. C/rixmaanka Cumar Cismaan “Yariisow”, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay. Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Dowladda u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow. Marxuum Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar, halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisinimmo ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal…

Read More

Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowladda Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland. Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay. “Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay heshiiskii Shirkadda DP World iyo dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne Deni oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay mid kamid ah Shacanbka Puntland oo xalay ka qeyb-galayay Madaxweynaha iyo Bulshada Rayidka ah, ayaa sheegay inay jireen caqabo ka hor yimid heshiiskii dhismaha iyo balaarin Dekedda Boosaaso, balse haatan ay xaliyeen. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhowaan uu Dubia kula kulmay Madaxda Shirkadda DP World, ayna isla gaareen in la dardar-geliyo heshiiska dhismaha Dekedda, ayna rajeynayaan in bilaha soo socda la dhiso qeyb kamid ah Dekedda.

Read More

Waxaa si weyn looga dareemayaa Guud ahaan Degaanada Puntland, u diyaar-garowga Xuska 1-da August oo ah markii dhidibada loo taagay Dowladda Puntland, kuna began maalinimada berrito ah. Dhamaan Degaanada Puntland ayaa lagu qaban doonaan Munaasabado lagu weynaynayo 21 sanno guurada kasoo wareegtay dhismihii Puntland, Iyadoona Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhici doonto Munaasabad balaaran oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda sare ee Dowladda Puntland iyo Wafuud ka kala soco Gayiga Soomaalida iyo Caalamka.

Read More

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan yare) ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in jubbaland ay xilligaan joogto in loo madax banneeyo doorashada, isla markaana aan wax faragelin ah lagu sameyn. Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in jubbaland ay leedahay Ciidamo kala duwan, sida Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo kale, hayeeshee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo uu uga digayo in loo adeegsado doorashada, balse ay qaataan doorkooda oo ah la-dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo kaliya ay ku Shaqeyn karaan amarka Hoggaanka Jubbaland, balse aan…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dhawaan waxaa uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Magalada Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee uu safarkaasi ka baaqday. Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook waxaa uu ku sheegay sababta uu safarkaasi uga baaqday in uu ka fogaanayay in uu dhaco iska horimaad, hayeeshee aysan jirin cid ka hor-istaagtay waa sida uu hadalka u dhigay. “Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska horimaad u dhaco. Qof isku…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Kulanka Bulshada Rayidka ah, oo ah kulan uu kula hadlay Bulshada qeybaheeda kala duwan isla markaan dadweynaha uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen. Kulanka oo lagu soo aadiyey Todobaadka Puntland, waxaa soo diyaariyey Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxaana ka qeybgalay Aqoonyahano, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween iyo Siyaasiyiin. Madaxweyne Deni ayaa jeediyay Khudbad uu uga hadlay dhismihii Puntland, 21-sano oo Puntland jirtay waxa qabsoomay iyo qorshihiisa waxqabad oo uu Madaxweynuhu iftiimiyey tallaabooyinka muhimka ah ee illaa iyo hada uu qaaday. Dadweynaha ayaa si furan su’aalo u weydiiyay Madaxweynaha kuwaasi oo…

Read More

Xaalada caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa ka soo reyneysa, iyadoo dhaqaatiirta ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in isaga iyo dhaawacyada kale ay soo bogsanayaan marba marka ka dambeysa. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xuukumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah Guddiga Heer Qaran ee loo xilsaaray la socoshada Xaaladda dhaawacyada islamarkaana ku sugan Cisbitaalka lagu daweynayo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa caawa iyadoo la hadleysay Radio Muqdisho waxay ay sheegtay in ay aad uga soo reyneyso xaaladda caafimaadka Duqa Magaalada Muqdisho. “Xaaladda Caafimaadka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Bukaanadii kale ee lasoo qaaday wey kasoo reyneysaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wershed cusub oo soo saari doonta tuubooyinka iyo siligga, taas oo markii ugu horaysey laga hirgaliyey deegaanada Puntland. Madaxweyne Deni oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey ganacsatada maalgashiga ku samaynaysa dalka, gaar ahaan masuuliyiinta iska-kaashaday shirkaddan soo kordhisay samaynta tuubooyinka iyo siligga oo dalka siweyn looga isticmaalo. “Marka u horaysa waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadkii maalgalinta ku sameeyey wersheddan maanta halkaan lagu daahfuray oo aan rajaynaayo in ay wax badan qayb ka noqondoonto horumarka dalka ka socda”. “Waxaa bisha August la daahfuri doonaa qorshaha shanta Sano ee…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tagay laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS, Xafiiska Puntland, gaar ahaan Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ay wehliyaan, Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha laanta Puntland Col, Maxamed Faarax Qambi iyo Saraakiil kale. Kormeerkan oo Madaxweyne ku xigeenku uu ku eegatay bannaanka shaqo ee Laantan waxa uu indhaha indheeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Waaxaha Baasaboorada, Fiisooyinka, IT-ga iyo kuwa kale. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane ayaa…

Read More

Wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaya Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waftigan oo ka qeyb-galaya Xuska 1-da August oo ku beegan 21 sanno guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Dowladda Puntland, ayaa waxaa Garoonka Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed oo ay weheliyaan xubno katirsan Baarlamaanka Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay ganacsatada Puntland inay xoojiyaan Hal-abuurka Ganacsi si loo soo afjaro Shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay dadaal ugu jireen inay Puntland yimaadaan Maal-gashadayaal, si uu u kobaco Dhaqaalaha Dalka, dhalinyaradu u helaan Shaqo Abuur. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa uga digay ganacsatada Puntland inay qeyb ka noqdaan Nabaad guurka Dalka, isagoona soo hadal qaaday xirmeysi ay degaanka ku sameeyeen qaar kamid ah Ganacsatada.

Read More

Ciidanka amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Goor-dhaweyd la wareegay ammaanka Guud ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo. Ciidanka oo la sheegay inay ku hubeysan yihiin Gaadiidka Gaashaaman, ayaa Garoonka kala wareegay Ciidanka Itoobiya oo dhowaanahan ku sugnaa Garoonka. Wararka ayaa sheegaya in ujeedada Ciidanka ay ula wareegeen Garoonka ay tahay xogo soo baxay iyon dhaq-dhaqaaqyo ay sameeyeen Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha. Warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya ay doonayaan inay fara-geliyaan Doorashada Maamulka Jubbaland. Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News

Read More

Waxaa maanta laga bilaabay dekeda magaalada Kismaayo soo saarista maraakiib hore ugu degtey gudaha dekeda taasoo dhibaato ay ku qabeen maraakiibta ku soo xeranaysa dekeda.Injineero ajaaniib iyo Soomaali isku jira ayaa saakay ka bilaabay Marsadda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dadaalo ay maraakiibta ku degtay Dekadda Magaaladda Kismaayo ay uga soo saarayaan. Madaxweynaha Jubbaland Maxamed Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhowaan u jeediyay codsi beesha Caalamka in ay ka taageeraan sidii dekadda magaaladda Kismaayo uga soo saari lahaa yeen Maraakiibta ku bur burtay markii ay dhacday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Ganacsatada Kismaayo ayaa soo dhoweysay howlahan loogaga saarayo…

Read More

Talisyada Booliska iyo Nabadsugida heer Federaal ee qeybaha ka howlgala Galmudug ayaa soo rogay awaamiir iyo digniino dhinaca amniga ah oo ku socda shacabka ku nool magaalada Dhuusamareeb. Awaamiirta amniga ee la soo rogay ayaa ka kooban 10 qodob, waxaana ay yihiin amaro ku socda dadka ku nool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Amaradan la soo rogay ayaa waxay kala yihiin:- 1: Qofkii Iska iibinaya Garigiisa kuna Sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Diiwaangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis. 2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaarigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lamana ogolaan doono Gaari aan laheyn Taargo…

Read More

Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amray Hay’adaha ammaanka Puntland inay galaan heegan buuxa. “Dhammaan Ciidamada Puntland kuwa Xuduudaha jooga iyo kuwa gudaha ku sugan waxaa la farayaa in ay galaan diyaar garow dhamaystiran heegan-na ay ku ahaadaan goobaha loo qorsheeyey, dhammaan Shacabka Puntland-na sidii ay ula shaqayn jireen Laamaha Amniga inay sii dar-dar geliyaan oo gacan u siiyaan Ciidaanka” Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guriga uu Garoowe ka deganyahay ku booqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee Aasaaska Puntland.

Read More

Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad. Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale. Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Shir looga hadlayo isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland. Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay’adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Madaxda Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayaa soo saarey digreeto lagu wargelinayo Hay’adaha Caalamiga iyo Ururada Wadaniga ee ee ka hawlgala Gobolka Karkaar inay soo gudbiyaan Qorshahooda shaqo ee Gobalka ay ka hayaan, si loola socdo habsi o socod Shaqooyinka degaanka ay ka hayaan. Sidoo kale, Maamulka Gobalka Karkaar ayaa ku amray Hay’adaha iyonUrurada inay Maamulka Gobalka lasoo wadaagaan Shaqooyinka inta aysan ka bilaabin Degmooyinka.

Read More

Hay,ada UNHCR Xafiiskeeda Dadaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga Dadaab iyo tirada Dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday oo ay gaartay meeshii ugu hooseysay abid. Warbxin Billa ah oo ka soo baxday Xafiiska UNHCR Dhadhaab qeybtiisa Saxaafadda iyo arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in tirada Dadka ku sugan Xeryaha Xaqootiga ee Xarar dheer, Dhagaxleey iyo Ifo ay gaarayaan 2010,475 Qof, oo u dhiganta 44%, Boqolkiiba 57 ka mid ah waa Carruur gaartay heerka waxbarshada Iskuullada, 62,610 Carruur ah ayaa dhigata Dugsiyada , 49% ka mid ah ayaa aadda xarumaha waxbarshada halka inta dhimanna sababa…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loogu celiyay magaaladaas Ciidamo Dowladda Federaalku ay u dirtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo horey loogu daabulay diyaarado. Celinta Ciidamadan ayaa timid kadib markii Ahlusuna Ciidamo fara badan ay dhigtay garoomada diyaaradaha ay maamulaan, kuwaas oo wacad ku maray inay gubayaan Diyaarada sida Ciidanka. Askartan oo 100 ka badan ayaa lagu celiyay Hawada, waxaana qorshahooda uu ahaa inay ka degtaan magaalooyinka Cadaado ama Gaalkacyo, si ay safar dhanka dhulka ah ugu soo galaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, uu…

Read More

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan oo Sabtidii shalay gaaray Magalada Hargeysa ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Somaliland iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas, isaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah. James Swan ayaa markii uu ka degay Hargeysa waxaa uu booqday Xarun Xirfado kala duwan dadka lagu baro oo ay maalgelinteeda iska kaashadeen hay’adda qaxootiga ee UN-ka iyo Machadka Shaqaalaha rayidka Soomaaliland, kaas oo ay taageerayso Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee (UNDP). Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweynaha…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe xabsiga Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya uga saarayso Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Maansuur). Wararka ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in Abu Maansuur, oo kamid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-Shabaab, soona noqday ku-xigeenka iyo Af-hayeenka Shabaab ay galiso xabsi guri. Qorshaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa aad uga carooday Kooxda u olalaysa sii deynta Mukhtaar Roobow, iyagoona sheegay in Dowladdu ay dooneyso inay dayacdo amniga Roobow, si ay u beegsato Kooxda Al-Shabaab oo sanado badan uu dagaal kula jiray. Sidoo kale, Olaleeyayaasha sii deynta Roobow ayaa sheegaya in aysan aheyn mid la aqbali karro…

Read More

Shirkan oo seddexdii bil mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hadlo Xaaladda Bani’aadanimo ee Dalka iyo la socoshada iyo sixida hanaanka bixinta gargaarka bani’aadanimo. Shirka waxaa ka soo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul goboleedyada Dalka, madaxda hay’adaha qaramada midoobey, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa aan dowliga ahayn, deeq bixiyeyaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Shirka oo socday maalin barkeed ayaa lagu lafa guray 2 arimood oo aaad muhiim ugu ah gargaarka kuwaan oo ah: Daadajinta gargaarka heer Federaal, gobol, Degmo ilaa…

Read More

Taliska Ciidanka gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa digniin adag u diray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab, kaddib kulan looga hadlayo amniga oo ka dhacay Magaalada Baydhabo. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Taliska Booliska,waxaana digniin loogu diray ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya si aysan u qaadan amarkii dhawaan ay Al-Shabaab Ergada ugu yeereen deegaanadooda. Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Kornmeel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeedo oo kala ah inay lacag…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga. Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda, iyagoo soodhoweeyey magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshadu. Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi. “Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada Madaxweynihii dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi oo geeriyooday aroortii Khamiista, 25-kii bisha Luuliyo 2019. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Tuunis ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Muxammad Al-Baaji Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga…

Read More

Ku-simaha Agaasimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, ayaa loo diiday inuu ka qeyb-galo Shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho. Shirkan oo looga hadlayay xaalada amni ee Soomaaliya iyo Qaraxyada muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay Muqdisho, ayaa u dhexeeyay Beesha Caalamka, Khubaro amni oo Soomaali ah iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu tagay xarunta, balse Ciidanka AMISOM ay ku war-geliyeen in lagu amray in uusan soo geli Karin xarunta, iyadoona la sheegay inuu ka carooday arrintaas Mr. Fahad. Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu damcay…

Read More

Xaalad kacsan ayaa ka jirta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, kaddib dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo kamid degaanada hoos-taga Ceergaabo. Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland ayaa lasoo dhoobay Magaalada, Iyadoona gudaha Magaalada lagu arkayo Gaadiid dagaal oo lagu xiray waddooyinka muhiimka ah. Dadka Degaanka ayaa sheegaya inay ka cabsi qabaan dagaal ka dhaca Magaalada, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo Jabhadda Col. Caare oo ku sugan duleedka Magaalada.

Read More

Puntland maamul ahaan intii ay dhisnayd waxna waa u qabsoomeen , wax na waa lagu guul daraystay . Xilligaan , waxaa fiican in xooga la saaro waxyaalaha aan qabsoomin ama la gaarin iyo sababihii keenay in aanay qabsoomin . Dabcan wax yaalaha aanay Puntland ku guulaysan qaybtood waa arrimo awoodeeda ka wayan oo dawlad Soomaaliyeed oo taabo gal in la helo ku xiran, waxna waa wax ilduuf iyo maamul xumo loo qaban waayay. Wixii aan awood loo hayn eed malaha , balse wixii la qaban karo oo aan la qaban ama khasaaray ayaa u baahan in la baajiyo inay dib…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inay ka taagan tahay Dhuusa-mareeb Xiisad u dhexeysa Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Ururka Ahlu-sunna Macalin Maxamuud. Wararka ayaa sheegaya in xiisadan oo maalmihii ugu dambeeyay jirtay ay soo shaac baxday xalay, kaddib markii Ra’iisulwasaare kheyre uu ciidamo ka dalbaday Magaalada Muqdisho. Xiisadan ayaa timid kaddib markii Ahlu-sunna ay Ra’iisulwasaaraha u sheegtay in aysan aamin dambe u heyn, uuna isaga dhaqooqo Dhuusa-mareeb, maadama uu uga baxay Balamo ay wada galeen imaanshihiisii Degaanka kahor. Sidoo kale, Wararka ayaa tilmaamay in Khilaafkani uu salka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo Qaraxii arbacadii ka dhacay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, ee ay ku dhinteed Saddexda Guddoomiye degmo, ayna ku dhaawacmeen Masuuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in xarunta Gobalka Banaadir ay tusaale u aheyd Goobaha ammaankooda aadka loo adkeeyay ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, si sahal ahne loo gali karin. Waxaa uu sheegay in qaraxaas uu rajo la,aan uu ku riday umadda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu qeyb ka ahaa Weeraradii hore ee aadka u xumaa ee…

Read More

When Somalia’s largely-appointed parliament and senate elected Mohamed Abdullahi Mohamed, or Farmajo as he is better known, president, there was optimism in the West. Farmajo was young, he was a former prime minister and diplomat, and he had long lived in the United States. “This transition represents an important step forward for the country,” acting State Department spokesman Mark Toner said, adding, “The United States looks forward to the timely formation of a new government, and to working in partnership with the President and new government to advance reconciliation, drought relief, security, and build the strong institutions to deliver good governance and development for the…

Read More

Ciidamo cusub oo gaaraya 625 Askari ka mid noqonaya Howlka AMISOM, kana socda Dalka Uganda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay maalintii Jimcaha xafiiska Qaramada Midoobey ee (UNSOS) ayaa lagu sheegay in ciidamadani ka qayb qaadanayan ilaalinta Shaqalaha iyo Xafiisada qaramada midoobey ee ku yaal magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegay in Ciidanka cusub ay si deg deg ah u dalbatay Beesha Caalamka, kaddib kulan ka dhacay Xarunta Xalane oo ay ka qeyb-galeen Safiirada Beesha Caalamka, kaas oo la isku waaqay in xaalada amni ee Soomaaliya ay faraha kasii baxayso. Keenista Ciidanka ayaa kusoo aadaya xilli…

Read More

War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada Sucuudigu ayaa lagu sheegay in aan la siin doonin dal ku gal xujayda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ka tegi lahayd. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankaa lagu saleeyey go’aankii hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku sheegtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Koongo yahay halis caafimaad oo dunida saamayn karta. “Waxa la joojiyey fiiseyaashii ay dalka ku soo geli lahaayeen dadka ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, si loo ilaaliyo fayo qabka xujaajta” ayey tiri wasaaraddu. “Waxa jira dad sannado badan isku diyaarinayey in ay tagaan xajka oo xataa qaarkood…

Read More

Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Jabhadda Col. Caarre ayaa ku dagaalamay degaanka Karin ee gobolka Sanaag, Iyadoona uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaas. Wararka ayaa sheegay in dagaal oo ahaa mid culus uu yimid kaddib markii Ciidanka Jabhadda Col. Caare ay weerareen saldhig ciidanka maamulka Somaliland ay ku lee yihiin Degaanka Karin, waxaana la xaqiijiyay dhaawac hal askari. Dhaawaca Askariga ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee Magaalada Ceerigaabo, waxaana uu katirsan yahay Guutada 99-aad ee ciidanka Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay keenay degaanada Gobalka Sanaag, ciidamo fara badan, Iyadoona jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee…

Read More

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah inay yeeshaan Kulankoodii caadiga ahaa. Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wargaliyay dhammaan in ay soo xaadiraan xarunta Golaha si ay uga qeyb galaan Kulanka xildhibaanada Aqalka Sare. Ajendayaasha muhiimka ah ee Aqalka Sare horyaalla oo ay ka doodi doonaan ayaa waxaa ka mid ah Sharciga xaqsiinta Ciidamada iyo hindise Sharciyeedka Batroolka sidda uu sheegay Guddoonka Golaha Aqalka Sare. Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa horay u meel mariyeen hindise sharciyeedyo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Read More

Waxaa dalka Turkiga tababar loogu soo gabagabeeyay qeybtii labaad Ciidamo Kumaandoos ah oo muddo sanado ah tababar ku qaadanayay dalkaas. Munaasabad tababarka loogu soo xirayay Ciidamadan Kumaandooska ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Arrimaha Ciidamada ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Jen. Maxamed Maxamuud Garabey iyo Saraakiil ka tirsan Turkiga. Ciidamadan Kumaandooska ee tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa waxay tiradooda gaareysa 330 Askari, kuwaasoo noqonaya qeybtii labaad oo Tababar ku soo qaata dalka Turkiga, waxaana Ciidankan lagu wadaa inay dhowaan dalka dib ugu soo laabtaan. Turkiga ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana sanadihii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casho sharaf u sameeyey martida kasoo qayb gashay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay, waxay ka yimaadeen dhammaan geyiga Soomaalidu degto iyo qurbahaba. Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaban-qaabiyayaasha Bandhigga, abwaano iyo masuuliyiin kale oo madasha lagu casuumay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dardaaran iyo sagootin ah u jeediyey martidii kasoo qeyb gashay munaasabadda casho sharafta ah. Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay inay xoojiyan hal-abuurkooda iyo qoraaladooda. Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in buug laga qoro bandhigyada noocan oo…

Read More

Diyaarad ka timid dalka Qatar ayaa goor-dhoweyd Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka qaaday dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow. Dhaqaatiirta Turkida ee Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer) iyo Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa laga soo xigtay in xaalada Dhaawaca ah ee Guddoomiyaha la gaarsiiyay heer dalka dibaddiisa loo qaadi karo, kaddib saacado ay la tacaalayeen.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn waxaa golaha wasiiradu ay tacsi u Direen Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixisanimo ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir golaha Wasiiradu waxay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay. Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in Hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka. Intaas kadib waxaa golahu…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in sanadkaan uu aad u kordhay Ardayda natiijada wanaagsan ka keenay imtaxanka dugsiyada Dhexe. Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa sheegtay in Imtixaanka dugsiyada dhexe ee sanadkaan ay ku baaseen Arday gaareysa 1,814, waxaana aad u yar Ardeyda dhacday oo ah 23 Arday kuwaasi 15 wiil iyo 8 gabdhood. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa shaaciyey natiijada guud ee imtixaanka dugsiyada dhexe. Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Dowlad-goboleedka Jubbaland oo la qaaday 1 ilaa 4 bishii March islamarkaana lagu galay 14 xarumood oo ku…

Read More

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, ayaa fariin kulul u diray Maamulka cusub ee Gobalka Heylan. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Masuul loo Magacaabay Guddoomiye Gobalka ama Duq Degmo uu meel iska fariisto, oo uusan qaban shaqadii loo igmaday ee Bulshada uu hayay. Sidoo kale, Wasiir Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xusay inay doonayaan in Guddoomiyaasha Gobaladu ay noqdaan Madaxweyne, ayna yeeshaan Haybad iyo karaamo, oo ay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson ayaa xil cusub u Magacaabay walaalkiisa Jo Johnson, xili uu Maanta ku dhawaaqay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada, Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters. Boris ayaa walaalkiis Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga, tamarta, warshadaha iyo waxbarashada ee dalkaasi Britain. Xubnaha Wasiirada ah ee uu Magacaabay Boris Johnson aya la sheegay inay yihiin kuwo uu u adeegsanayo inay taageeraan qorshaha dowladda Britain uga baxeyso Midowga Yurub,isla markaana ay ku qanacsan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson aya balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay Midowga Yurub…

Read More

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan, oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay inay soo hagaageyso xaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow), isagoo ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan. “Waxaa illaah mahadii ah in xaalada Caafimaad ee Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ay aad usoo Hagaageyso, shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo Wanaagga Jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dejiyaan, isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa”ayuu yiri Saalax Dheere. Guddoomiye Yariisow ayaa dhaawiciisa ahaa mid culus, waxaana lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer, waxaana xaaladiisa la tacaalaya dhaqaatiirta Turkiga, waxaana…

Read More