Author: Jibril Qoobey

Dr. Cabdi Xasan wuxuu 1-dii Jannaayo 1948-kii ku dhashay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Dr. Cabdi wuxuu ahaa madi agoon ah bacdamaa uu aabbihiis, Xasan Jimcaale Samatar, uu isago yar dhintay. Cabdi hooyadiis waxaa la oran jiray Isniina Diiriye Liibaan. Waxbarashadiisii iyo heerarkii ay soo martay: Waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Macallin Jaamac Bilaal ee Muqdisho ku yaallay xilligii gumeysigana la oran jiray (Scuola Cardinale Massaia). Dugsigaasi Wuxuu ku oolli jiray meesha haatan ay ka dhisan tahay Xarunta Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda Golaha Murtida iyo Madadaalada – Muqdisho. Waxbarashadiisii dugsiga dhexe wuxuu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Qaraxii lagu weeraray xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, isagoona ka tacsiyeeyay Dadkii ku geeryooday Qaraxa, sidoo kalena dadkii dhaawacmay uu ku caafiyo. Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland. Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Read More

Shirka Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goordhow soo gaba gaboobay kaas oo laga soo saaray WarSaxaafadeed lagaga hadlayo Arimaha Doorashooyinka Jubbaland iyo faragalinta Dowlada Federaalku ay ku hayso. Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa looga hadlay warbixintii wargeyska New York Times, ee ku aadanayd in Qatar ay ka dambeysay Qaraxyo iyo dilal ka dhacay Puntland.

Read More

Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlada Puntland Maxamed c/raxmaan Dhabancad iyo wefti uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Dhahar ee Gobolka Haylan. Ujeedka socdaalka waftiga uu hogaaminayo Wasirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowlada Puntland ayaa salka ku haya u kuur galida xalada noolasha ka jirta deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Haylan. Wasiir ka ayaa salaan sharaf ka qaatay qaarka mid ah ciidamada daraawiisha iyo police ee Gobolka hayland, intaas kadib Wasiirka iyo Weftiga uu hogaaminayo ayaa booqday xarumaha Dowlada ee Gobolka, sida saldhiga Qaybta ee Degmada Dhahar, xarunta Gobalka iyo isbitaalka Degmada dhahar. Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulamo…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxan ayaa ka dhacay Hoolka Shirar xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, waxaana xilligii qaraxu dhacayay ka socday shir looga hadlayay amniga, oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka. Wararka ayaa sheegaya in dhaawac culus uu qaraxa kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/rixmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, sidoo kalena dhaawac iyo dhimasho uu soo gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka. Gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Asad iyo Gudoomiyaha degmada Waabari Mahad Cilmi ayaa la xaqiijiyay in…

Read More

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Gureyeynta Dowladda Puntland iyo Shirkadda ayaa maanta soo gabagabeysay qiimayntii waddada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ee roobku burburiyay. Qiimeynta wadadan ayaa waxaa Wasaaradda Howlaha Guud ku wehlinayay Shirkadda Chinaha ee CCECC, Maamulka Gobolka Gobolka Bari iyo Madax kale. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Gureyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ( Cirro), oo la hadlay qiimeynta kaddib warbaahinta ayaa xaqiijiyay inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabayaan dhismaha Wadada Boosaaso iyo Garoowe ee roobabku ku waxyeeloobay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay qiimeyntan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay dhisayso…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qarax xooggan uu goor-dhaweyd ka dhacay gudaha Xarunta maamulka gobolka Banaadir. Qaraxa oo ka dhacay Gudaha xarunta, ayaa warar qaar ay sheegayaan in uu geystay ruux isa soo miidaamiyay, waxaana ka dhasahy khasaare. Warar ayaa sheegaya in Qaraxan uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Masuuliyiin kale. Xilliga uu dhacayay Qaraxa ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ka socday shir looga hadlaayay Ammaanka Caasimadda. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Qardho, kulankaas oo looga hadlaayey doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka. Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar, Duqa degmada Qardho, dhallinyaro iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah oo dhallinyaradu ay kaga hadlayaan horurmarinta Puntland iyo sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada Puntland ay tusaale lagu daydo u yihiin dhallinyarada dhiggooda ah. Madaxweyne Karaash ayaa dhallinyarada ku booriyey…

Read More

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in liiska  Magacyada Odayaasha la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa, sidoo kalena musharixiinta aysan sidiiwaangelin Karin ilaa la soo xulo Xildhibaannada. Sidoo kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland kala Shaqeyso diyaarinta Odayaashii saxda ahaa ee u diiwan gashay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Wasaaradda ayaa ka digtay dhibaatada ka imaan karto hadii la guda-galo soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo aan si sax…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan uga qeyb galaya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som munaasabad tababar loogu soo xirayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo munaasabadda ka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Saldhiga turkiga uu ku leeyahay Magalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Munaasabada tababarka Saraakiisha loogu soo xirayay ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo saraakiil xigeenada tababarka la siiyay in waxyaabhihii la soo baaray Shacabka Soomaaliyeed ugu…

Read More

Shirkadda Batroolka ee dowladda Qatar (Qatar Petroleum) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Shirkaddaha Eni iyo Total, si ay saami dhan 25% ugu yeelato sahminta shidaalka saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha Kenya. Qoraal Twitter-ka ku shaacisay Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in 25% ay ka heshay Shirkadaha Eni iyo Total oo kala ah (13.75% Shirkadda ENI iyo 11.25% Shirkadda Total), waxaana meelaha sahminta shidaal ee ay heshiiska ku qaadatay ka mid ah saddex balloog oo kala ah L11A, L11B iyo L12. Shirkadda ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa horay loogu eedeeyay inay baaritaan sharci darro ah…

Read More

Xisbiga Conservativeka ayaa Talaadadii shalay u doortay in Boris Johson uu noqdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May. Arrintan ayaa waddada u sii xaareysa inuu Arbaca maanta ah marti qaad ka helo boqortaayada si loogu magacaabo RW-ha cusub ee Britain. Ninkan oo ah suxufi hore, marna soo noqda duqa magaalada London ayaa noloshiisa dhamaanteed ku taamayey xilkan uu hadda qabtay, hase yeeshee, ay shaqo aad u adagi hortaallo. Falaago xisbigiisa kula jirta oo uu hormood ka yahay mudane lagu magacaabo Philip Hammond ayaa isaga u caddeeyey in haddii uu isku dayo in Britain uu heshiis la’aan kaga saaro…

Read More

Dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Saldhiga la weeraray lagu tababarayay Ciidamo ka mid noqon doona kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada ilaalada ka haya Xarunta iyo Xubnaha Ururka Al-Shabaab ee weeraray. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana dadka Tuulada Ceel-Jaale ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay, hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraaha ka dhashay maadaama…

Read More

Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga. General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Taliyeyaashii uu la kulmay ayaa waxaa ay balan qaadeen inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan amniga Guud ee dalka Soomaaliya.

Read More

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa mar kale looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso. Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso. Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada kasoo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii…

Read More

Magaalada Qardho oo marti gelin doonta Shir looga hadlayo Mashaariicda JPLG. Xarunta Gobolka Karkaar Magaalada Qardho ayaa beri si rasmi ah looga daah-furi doonaa shir looga hadlayo mashaariicda JPLG oo ah kuwa ay iska kaashadaan Dawlada Dhexe ee Puntland, Hay’adaha deeq bixiyaasha ah iyo Dawladaha hoose. Mashaariicdaan oo ka socda degmooyin ka tirsan Puntland ayaa isugu jira dhismaha wadooyinka, dayactirka xarumaha dawlada iyo dhismayaal cusub. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si rasmi ah u daahfuri doona shirkaan, waxaana goob joog ka ahaan doono haduu rabi idmo gudoomiyayaasha degmooyinka Puntland qaarkood, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Madax ka…

Read More

Xubnaha Guddiga Wadada Bartamaha Boosaaso ee dib u heley xorriyadooda ayaa Goordhow la hadlay Warbaahinta, iyagoo ka warbixiyay waxyaabihii ay la kulmeen. Xubnaha oo kala ah Sh. Maxamed Macalin Axmed, Eng. Maxamud Maxamed Xuseen (Maalfo), Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax iyo Maxamed Faahiye, ayaa sheegay inay u hoggaansan yihiin Sharcigga.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jaamacadda PSU Garoowe si rasmi ah ugu daahfuray Bandhigga Buugaagta Garoowe #GIBF2019 oo sanadkii 5-aad la qabanaayo. Madaxweyna waxaa ku wehelinaayey daahfurka bandhigga masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Abwaano Soomaaliyeed, qalinley ka timid dhammaan geyiga Soomaalida, macalimiin, arday, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa mahadbalaadhan u jeediyey cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda Bandhigga Buugaagta Garoowe, waxa uu soo dhoweeyey marti sharafta kasoo qayb gashay munaasibadda, waxaana uu ka tacsiyeeyey waxyeeladii qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. • “Waxaan marka u horaysa ka tacsiyaynayaa qaraxii xanuunka badnaa ee ay ku dhinteen…

Read More

Maxkamada Darajada Koobaad ee Gobolka Bari ayaa xorriyadoodi dib ugu soo celisay Masuuliyiintii Guddiga dib u dhiska Wadada halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Masuuliyiinta oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, ayaa Goor-dhaweyd la soo taagay Maxkamadda Gobalka Bari, Iyadoona dhageysi Eedeeynta loo jeediyay iyo difaaca Qareenadooda, kaddib ay Maxkamaddu go’aamisay in dib xoriyadooda loo siiyo Masuuliyiintan. Sidoo kale, Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Bari ayaa go’aamisay in lacagtii ka timid Dowladda Federaalka ah lagu wareejo xukumada Puntland. Masuuliyiintan kamidka ah Guddiga dib u dhiska Wadada halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso,…

Read More

Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland. Kulanka labada dhinac ayaa ka dhashay casuumaadii uu guddigu u fidiyey musharaxiinta, waxayna labada dhinac ka wada hadleen habraaca doorashooyinka Jubbaland. Dhanka kale waxaa si habsami leh u socoto is-diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana maanta is-diiwaan geliyey ilaa 2 musharax.

Read More

Dowlada Qadar ayaa beenisay war lagu daabacay wargeyska New York Times oo ahaa inay ka dambeysay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso. War ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Qadar ayaa lagu sheegay in siyaasada dalkaas ay marwalba tahay mid abuureysa xasiloonida iyo horumarka. “Dowlada Qadar ma farageliso arrimaha gudaha ee wadamada kale,ciddii ku kacaysa fal arrinkaas la xiriirana ma aha mid ka wakiil ah dowlada Qadar.”ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay dowlada Qadar. Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay tahay tan doonaysa in ay ka faa’ideysato oo ay maamusho dalka Soomaaliya iyadoo dhaqaale ku bixinaysa.…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ka daah-furay Shirka dib u eegista Mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawlada Hoose iyo Dawlada dhexe. Madaxweyne karaash ayaa sheegay in inta uu socdo Shirka dib loogu eegayo Mashruuca Adeeg bixinta Degmooyinka Puntland, guulaha laga gaaray, caqabadaha jira iyo Hiigsiga Mustaqbalka. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Masuuliyiinta ka qeyb-galaya Shirka dib u eegista Mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawlada Hoose iyo Dawlada dhexe inay la yimaadaan Qorshe lagu gaarsiinayo Mashaariicda hormarineed Degmooyin cusub.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Warbixin uu saacadihii lasoo dhaafay baahiyay Wargeyska New York Times, taas ku saabsan Qalalaasaha amni ee jira Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso ay ka dambeyso Dowladda Qatar. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Xarunta Jaamacadda PSU Garoowe, oo uu kaga qayb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe, inay tahay dhab in Dowladda Qatar ay ka dambeyso Weerarada Qaraxyada iyo dilalka ah ee ka dhaca Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. “Waxaan qirayaa inuu xaqiiqo yahay warka lagu daabacay New York Times ee looga hadlayay dilal iyo qaraxyo…

Read More

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu baahiyay Wargeyska New York Times, warbixin ku saabsan Qalalaasaha amni ee jira Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso inay ka dambeyso Dowladda Qatar, ayaa waxaa haatan ka socda Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ka socda Shirar looga hadlayo arrintan. Wararka ayaa sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga arrimaha Dibedda ay u yeereen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Amb. Axmed Ciise Cawad, kaas oo ay wax ka weydiinayaan Warbixintan uu shaaciyay Wargeyska New York Times iyo waxa ay kala socoto Dowladda Federaalka Soomaaliya Xaaladaha amni xumo ee Qatar ka wado Soomaaliya. Wararka ayaa intaas ku daraya in…

Read More

Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Maamulka Jubbaland. Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada Jubbaland ee la shaaciyay ayaa gaaraya 135 Oday ,kuwaasoo la sheegay inay matalayaan Beelaha ay ka kooban yihiin dadka Soomaaliyeed.

Read More

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gelinkii hore ee Saaka soo gaaray Magaalada Qardho. Madaxweynaha waxaa ku weheliyay safarkiisa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland. Maamulka Gobolka Karkaar iyo Kan Degmada Qardho ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa. Waxa uuna si rasmi ah u daahfuri doonaa shir dib loogu eegi doono mashaariicda adeeg baahinta Baahsan ee Dawlada Hoose iyo Dawlada dhexe ay isaga kaashadaan. Waxaana sidoo kale mashaariicdaan dhaqaale ku taageera hay’adaha deeq bixiyaasha ah.

Read More

Baraha Bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Warar sheegaya in Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Puntland. Wararka oo hadal-heyntooda saaka laga dareemayo qeybo kamid ah Degaanada Puntland, gaar ahaan Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Shabakadda Idil News waxaa ay sameysay xiriiro ay ku xaqiijinayso run ahaanshahooda. Ilo-wareedyo rasmi ah oo ay ka ag-dhow Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa inoo sheegay in uusan jirin wax Mooshin ah oo laga keenay Madaxweyne Deni, balse wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in lagu jahwareeriyo Shacabka Puntland. Xildhibaano…

Read More

Ganacsade u dhashay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah Amiirka Qadar ayaa la dhagaystay taleefan uu kula hadlay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegaya weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso. Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in ay dhagaysteen sheekada dhex martay ganacsade Qatari ah iyo safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya. “Bambooyinka iyo dilalka waan ognahay kuwa ka dambeeya,”ayuu ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi yiri 18kii May ee sanadkan toddobaad kadib qaraxa ka dhacay Boosaaso. Ganacsadaha ayaa intaasi raaciyay in…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, loona diyaarinayo xoreynta deegaannada Al-Shabaab uga sugan yihiin dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan Al-Shabaab. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa reer Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda uga mahadceliyay dowrka ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si rasmi ah u shaaciyay Shirka Maal-gashiga Puntland, kaas oo dhowaan la filayo in lagu qabto Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Shirkan oo ay kasoo qeyb-galayaan Maal-gashadayaal caalami ah oo dalka iyo Dibediisa ka socda, uu qabsoomayo 15 bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaaladaas gaaray. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada Al-Shabaab uga sugan yihiim Galmudug. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna…

Read More

Maxkamada sare ee Dowladda Puntland ayaa mudaysay gar-maqalka Kiiskii Maxruumad Caasha Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo fal isugu jira Afduub, kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo Saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in Maxkamdda Sare ee Dowladda Puntland ay u fariisan doonto 17 bisha August ee soo socota, dhageysiga Racfaanka ay qaateen xukumanayaasha Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal iyo Maxkamadda Racfaanku ay ugu rideen Xukun dil ah.

Read More

Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho. Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, waxaana la arkayay qiic iyo uuro cirka isku shareeray. Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in goob ciidamada amniga ku baaraan gaadiidka uu qaraxa ka dhacay, uuna ka dhashay khasaare dhimasha Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta gaaray, kuwaasoo durbaba xiray, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxa. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur oo goor-dhaweyd Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa ka hadlay Ciidamo ka socda Puntland oo gaaray Gaalkacyo. Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyay warar saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay kuwaas oo sheegayay in la xirayo xubno kamid ah Guddiga Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale.

Read More

Howlgaladani oo lagu xaqiijinayaya amniga deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shababa ayaa ururka 31-aad ee guutada 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ka sameeyeen deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada Shabeelle. Waxaa howlgalkaasi hoggaaminayay taliyaha ururka 31-ad ee qeybta 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow,iyo saraakiil kale,waxaana la arkayayay ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka,kuwaasi oo sameynayay baaritaano ku aadan isu socodka dadka iyo gaadiidka wadooyibnka soo gala deeganaada ay gacanta ku hayaan. Sarajkiisha ayaa sharaxaad ka bixiyay deegaanada rasmiga ah oo ay Shababa ka saaraan iyo howlgaladii ugu dambeeyey,waxaa ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka…

Read More

Shiikh Maxamed Macalin Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Wadada dhexmarta Bartamaha Boosaso ayaa goordhow Ciidamada Amaanku ku xireen magaalada Boosaso. Wadaadka ayaa maalmihii u danbeeyay Safar oga maqnaa Boosaso, iyadoo ay horay u xirnaayeen Sadex xubnood oo ka tirsan Guddigaasi oo loo heysto Lacag ay u soo dirtay Dowladda Fedraalka ah.

Read More

Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulankii 11-aad kalfadhigisa 5-aad ee Aqalka Sare BFS, waxaana qeybta hore ee kulanka shir Guddoominayay mudane; Cabdi Xaashi Ca/llaahi, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajengada kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada halkaasi ka dhiibteen. Gabagabada kulanka ayaa waxaa soo xiray, Guddomiye kuxigeenka -aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmad (Bukhaari) oo qeeybti danbe ee kulanka shir guddominayay.

Read More

War-Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa mar kale waxaa Eedeyn kulul loogu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsan in dowladda Federaalka ku howlan tahay burburinta Dowlad Goboleedyada. War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay habdhaqanka hoggaamineed ee Madaxda dowladda Federaalka, kaas oo si cad uga hor-imaanaya geedi-socodka iyo horumarka dalka. Sidoo kale Puntland ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan doorashooyinka dowlad Goboleedyada, Galmudug iyo Jubbaland.

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuca Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama “Education cannot Wait”. Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland. “Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki. Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga. Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD,…

Read More

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay iskugu yimaadeen laamaha Amiga kaas oo looga hadlaayey dardar-gelinta iyo xaqiijinta nabadgelyada Jubbaland. Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Wasiir ku-xigeenka iyo Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland, Taliska ciidanka Jubbaland sida Daraawiishta, Booliska iyo Nabad-sugidda Jubbaland iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha ee dhanka amniga. Kulanka ayaa la isku raacay in lasii xoojiyo Ammaanka Magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso doorashadda maamulka Jubbaland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Guddiga Wada-hadalada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax lala yaabo uu yahay Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin dad aan u qalmin Matalaada iyo Wada-hadalada labada dhinac. “Gobollada Woqooyi Ee Sool Sanaag Iyo Cayn Ee Maamulada Puntland iyo Somaliland Kala Sheeganayaan in Khilaaf Ka Jiro Ma Inkirikarno, Lakiin Wixii Is Khilaafa Ayey Tahay in Ay Xal Ka Gaadhaan Waana Ku Baaqayaa Arinkaas in Xal Laga Gaadho, Lakiin Waxaa…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dowladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay, xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan. Xildhibaanada ayaa sheegay in xubnaha guddiga Maxkamadda sare ee Puntland ay dulmi iyo caddaalad-darro baahsan kula kacaan bulshada ay u qabtaan adeegyada garsoorka, islamarkaana ay musuq maasuq ku sameeyaan hawlihii garsoorka ee loo xil-saaray. Xildhibaananda mooshinka gudbiyay ayaa Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xubnaha maxkamadda sare ee Puntland maadaama sida ay sheegeen xubnuhu ay gabeen shaqadii loo igmaday.…

Read More

Duqa Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe Axmed Siciif Muuse ayaa xariga ka jaray Dugsi farsamo oo ay Xaafada Waaberi ee Degmada Garoowe ka hirgelisay Hay’adda Kaalo Nederland, kaas oo lagu magacaabo Shabeelle Skils Square. Munaasabadda lagu daah-furayay Dugsigan Farsamo ayaa waxaa ka qeyb-galay Duqa Caasimadda Puntland, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Kaalo Aid and Development, Marti sharaf iyo Bulshada Labada Xaafadood. Agaasimaha Hay’adda Kaalo Nederland Cabdisalaan Cali Karood, oo ka hadlay Munaasabadda lagu furayay dugsigan ayaa sheegay inay ugu tala-galeen dugsigan inay ka faa’ideystaan Dadka ku nool xaafadda Waaberi iyo Kaamka Shabelle. Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa uga mahad-celiyay…

Read More

Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho. Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad. Guddiggaan ayaa horay u tagay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya. Sidoo kale, waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli faahfaahin ka bixin sababta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho Guddigan, xilli ay jirto xiisad dhanka Badda ah…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga…

Read More

Qaar ka mid ah xildhibaanadda kasoo jeedda degaanada maamulka Somaliland ee ku jira labadda aqal ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Sare ee dalka oo ay ku eedeeyeen in ay Cunaqabateyn saareen maamulka Somaliland. Xildhibaanadda ayaa beeniyay hadalkii ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay fasaxday Markabkii ku xayirnaa Dekedda Jeddah ee Xoolaha siday. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaanadda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu cunaqabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo markii la doortay. Waxaa uu sheegay in dhammaan dowladda…

Read More

Waxgaradka degaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay faragalin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo Nabadgaliyadda ka jira degaanada Jubbaland. Odayaasha ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii soo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay xuseen in aysan aqbali doonin faragalinta ay dowladdu ku hayso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyntii Odayaasha waxa ay Caddeeyeen in ay taageersanyihiin sida ay guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan.…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu jawaab cad ka bixiyey guddi ay dhawaan dowladda dhexe ee Soomaaliya u magacaabeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay inaanay guddidaasi khusaynin Somaliland. “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya uu kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu…

Read More

NNAALILAAHI WAA INNA-ILAYHI RAAJICUUN إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ waxaa ku geeriyooday Magaalada Kismaayo 19-07-2019 Marxuum Maxamad-deeq Cabdullaahi Omaar kana mid ahaa Golaha Guurtida Jubbbaland Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim BoorleCol. Nuux Maxamad Axmed IsaakhSadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed CawarMaxamad Xasan GeelleXuseen Beynax BarreXuseen Xasan GeelleEng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif MuhdiCabdicasiis Xaaji Cabdullaahi QorraxeeyYuusuf-mahad Maxamad AadanXasan Xaaji BarreBashiir Suldaan Maxamuud HeybeDr.Asad Suldaan Maxamuud HeybeYuusuf Suldaan Maxamuud HeybeMuxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-GowsMaxamad Cabdi Xasan Eng.Maxamuud Beynax Barre Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani YuusufShugri Cumar GabooseDr. Cabdilxakiim Golongol Deyl Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon…

Read More

Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Kuunyabarow ee Gobalka Shabeellada Hoose, waxaana duqeynta lala eegtay Maleeshiyaad iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, xili ay saarnaayeen gaari marayay duleedka deegaanka Kuunyabarow. Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay saraakiil ka tirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Ilaaladooda. Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiish-ta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose. Howlgalka ayaa intii uu socday Khasaare xooggan lagu gaar siiyay Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Iyadoona lagu dilay ilaa 4…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday, hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdullaahi Deni, ayaa faray Golaha Wasiirada inay dhaqan geliyaan amar uu kasoo saaray Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Guddi hoosaad ka shaqeeya wixii la xariira arrimaha dhulka, guddigaas oo ay kamid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Howlaha Guud, Cadaaladda iyo Xanaanada Xoolaha.

Read More