Author: Jibril Qoobey

Diyaarad gaar ah oo sidday wafti ka socda Wasaaradda Difaaca ee dalka Qatar ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdiggaan ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa. Kulan saaxafaddu dibed joog ka tahay ayay la qaadanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb. Ma jirto cid si rasmi ah u og u jeedada Socdaalka Waftiga ee Magaalada Dhuusa-mareeb, balse wararka ayaa sheegaya in Kheyre uu u yeeray Masuuliyiintan, maadama uusan dhawaanahan tagi doonin Magaalada Muqdisho.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey. Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa.…

Read More

Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo. Afhayeenka Xoghayaha guud Stephene Dujarric, ayaa sheegay in Guterres uu canbaareeyey weerarkii lagu dilay dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isagoo tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaartay halkaas. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobey ay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.

Read More

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacday Deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Iyadoona lala beegsaday Saldhigyo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta oo ka dhacday degmada Saakow lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xusay in ilaa iyo dhowr qof lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah ee ka dhacday degmada Saakow. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda weli ka hadlin duqeynta la sheegay inay xalay ka dhacday degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, waxaana inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya…

Read More

Waxaa goor dhow furmay kulanka 26-aad kalfadhiga 5-aad ee golaha shacabka. Kooramka kulanka ayaa ah 146 xildhibaan, waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Ajendaha kulanka ayaa ah saddex qodob. 1. Akhrinta koowaad hindise sharciyeed wadooyinka. 2. Akhrinta koowaad hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadeynta cabirka baabuurta. 3. Sii wadista aqrinta labaad hindise sharciyeedka hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaalad deg-deg ah uga dhawaaqay Gobolka Louisiana, iyadoo ay kasii dareeyso duufaan awoodeedu weyn tahay. Duufaanta Barry ayaa kasoo karaar qaadaneysay Gacanka Mexico maalmihii lasoo dhaafay. Maasuuliyiinta ayaa sheegay in dabeylaha duufaantu ay ku socdaan 65 kiiloo-mitir Saacadiiba waxaana laga baqayaa in ay sii xoogeeysato. Roobka ay duufantu wadato ayaa la filayaa in uu biyo dhigo Magaaldda New Orleans taas oo horayba uu daad dhigay roob gugac iyo dabaylo watay. Waaxda Qaranka Mareykanka ee Saadaasha hawadda ayaa soo saartay diginiin ah in Daadadka ay ka dhalan karto khatar weyn. “Socodka gaaban ee duufanta Barry waxaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Argagixisadu ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen. Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka Kenyan 3 qof.Canadian 1 qof.British 1 qof.American 2 qof.Tanzanian 3 qof. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.…

Read More

Ciidamada amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo, ayna haatan iyaga gudaha u galeen hoteelka. Ilaa haatan lama xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi balse warar hordhac ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka dhaawac badan oo aan tiradiisa la xaqiijin la dhigay Isbitaalka maagaalada Kismaayo. Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac leh oo ay ka mid tahay Hodan Naaaleeye iyo seeygeeda Jaamac Fariid. Weerarka ayaa waxaa uu biloowday 6-dii fiidnimo ee xalay kaasi oo ay mas’uuliyaddisa sheegteen ururka Al-Shabaab.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud…

Read More

Guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, kuna dhawaaqay in ay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka 2020. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan lasoo Afjaray Khilaafkii labadda Aqal, islamarkaana loo diyaar yahay u shaqeynta Umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Cabdi xaashi ayaa sheegay in howlaha Sharci dejinta ay yihiin qabyo hadii aysan wada shaqeyn labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in dhibaato badan lala kulmay intii uu Khilaafku…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka ka soo qayb galay kalankaasi ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay iyadoo habeena inuu la kulmo bulshada magaalada, kalana xaajoodo nabadgelyada, horumarka iyo xasiloonida Boosaaso, waxa uu xusay in Boosaaso amni tahay, horumar ka socdo, intaasina ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hada booqanaya Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin. Waxaa Madaxweynahu uu…

Read More

Weli waxaa socda hawlgalka sifaynta ee Hotel Cas-Caseey Kismaayo. Ciidamada Jubaland,ayaa kula dagaalamaya Maleeshiyaadka gudaha ugalay Hotelka. Senatar Iftiin Xasan Baasto iyo Xildhibaan Caano Nuug,ayaa ka mid ah dadka laga soo badbaadiyay Hotelka ilaa iyo hada. Ururka Alshabaab waxuu si rasmi ah usheegtay in uu ka dznbeeyo weerarka Hotel Cas-Casey sida uu u sheegay Reuters Afhayeenka kooxda Abuu Muscab. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga Puntland, Xuska Kowda Ogosto, Iyadoona warbixino Shirka looga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada. Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa intii uu shirku socday Meel-mariyay Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiiro ka tirsan Dowladda Puntland oo ay Wehlinayaah Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo ayaa Dhagax dhigay Wajigii 3-aad ee Garoonka Kubada Cagtaa ee Cawaale Magaalada Gaalkacyo oo ay Dhisayso Shirkada Kebarco. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda ee Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo ka hadlay dhagax-dhiga Wajiga 3-aad ee Garoonka Cawaale ayaa sheegay in Garoonkani uu yahay mid muhiim u ah Shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Wasiir Dhabancad ayaa xusay in Garoonkan oo lagu soo dhisay labadiisii waji ee hore, lagu dhameystiri doono isku tashiga Shacabka iyo Dowladda Puntland. Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta Puntland C/fitaax…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada. Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay”adaha amaanku uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka, iyadoo loogu baaqay shacabka ree Jubbaland sidii lagu yaqaanay in Ciidamada amaanka ay gacan buuxda ku siiyaan sugida amaanka. Arimaha Doorashooyinka ayaa la isku raacay in wakhtigooda ay ku dhacayaan qof walbana uu xor u yahay in uu ka qaybqaato iyadoo la marayo hanaanka iyo sharciyada Jubbaland u yaala. Shacabka ayaa loogu baaqay in ay Midnimo iyo wadajirkooda adkeeyan maadama ay u baahan yihiin howlaha…

Read More

Beesha Digil iyo Mirifle oo Shir Wada-tashi ah ku yeelatay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa digtay in Fara-gelin lagu sameeyo Doorashada Jubbaland. War-murtiyeed kasoo baxay Shirkan oo ay yeesheen Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Aqoon-yahanada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Digil iyo Mirifle ee Degaanada Jubbaland, ayaa lagu sheegay in Nabad iyo Hormar uu ka jiro degaanada Jubbaland, loona baahan yahay in la wada ilaashada. Ugu dambeyntii, Beesha Digil iyo Mirifle ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay isha ku heyso Doorashada Jubbaland, ayna ka qeyb noqoto in laga baaqsado Fara-gelin lagu sameeyo Doorashada. Akhriso War-murtiyeedka Kasoo baxay Doorashada…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, kadib safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug ayaa Sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah. Weerarkan oo ka dhacay Nawaaxiga Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug, ayaa sababay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee gaariga saarnaa. Wararka ayaa sheegaya in Shan Ruux oo shacab ah ay ku geeryoodeen Weerar, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, Dadka Degaanada oo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Weerar ku qaaday Gaariga dadka Shacabka ay ka yimaadeen dhinaca Galmudug. Wixii Kasoo Kordha kala soco Idil News

Read More

Hay’adda Transparency International , ayaa soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan maalinta musuq maasuqa Caalamka,waxaana ay si gaar ah ugu eegtay Qaaradda Afrika. 47,000 oo qof oo Dadka ku nool 35 Dal oo ah Qaaradda Afrika ayaa lagu sameeyay sahan ku saabsan musuqa iyo sida ay ku helaan adeegyada dowladda sida Caafimaadka iyo waxbarashada. Ra’iyi ururinta ayaa muujisay in 47% dadkaas ay sheegeen in ay bixiyeen Laaluush si ay u helaan adeeg dowladeed. Dadka ayaa sheegay in Booliska ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaqaalaha ka hela laaluushka iyo musuqa. Waxaa soo raaca Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka, iyo xubnaha kale…

Read More

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal heynta warbaahinta saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan kulanka labada Madaxweyne. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Adis ababa sida ay baahisay Warbaahinta. Axmed ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay, waxaana uu intaas ku daray in uusan u jawaabi karin dad isaga ka xog ogaalsan, xilli uu wareysi siinayay BBC-da. Warbaahinta Soomaalida,tan Kenya iyo midda Itoobiya ayaa baahiyay in Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hormaro badan laga sameeyay dagaalka ka dhanka Kooxda Al-Shabaab eek a dagaalanta Soomaaliya. Gen. Thomas D. Waldhauser, oo ah Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee (AFRICOM), ayaa sheegay in Guulo badan laga gaaray dagaalka Shabaab, taasna ay horseedi doonto in la helo Soomaaliya amni iyo Dhaqaalo leh. Gen. Thomas D. Waldhauser, ayaa sheegay inay si wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu taageerayo Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM. Hadalka Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee (AFRICOM), xilli Dowladda Mareykanku ay dib u cusbooneysay Howlgalada Cirka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdifitaax Xaange, ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay saacad joogay Waqooyiga Gaalkacyo uu ku tuntay Hab-maamuuska Madaxda ee ay ku caan baxday Dowladda Puntland. Wasiir Xaange ayaa sheegay in wax lala cajabo ay tahay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu door biday in Dhalinyaro iyo Durbaan, uu dhaafsado Hab-maamuuskii loogu tala-galay, balse Puntland horey uga dharagsaneyd qorshihiisa. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland Cabdifitaax Xaange, ayaa tilmaamay in socdaalka Kheyre ee Galmudug uusan aheyn mid lagu dhisayo Galmudug, balse uu yahay mid lagu burburinayo  hanaanka Dowladeed ee dadkaas ay heleen.

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo Agaasime-waaxeedyo katirsan Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo ay wehliyaan Agaasime-waaxeedyo katirsan Mdaxtooyada Qaranka iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha JFS. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka. Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya. Danjiraha Ruushka Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan. Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Danjire Mikhail Golovanov ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Nicolas Berlanga Martinez. Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Mashaariic ay Midowga Yurub ka fuliyaan Degaanada Dowladda Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulanka ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha Dowlada, waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland. Safiirka Dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina ayaa sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan. Dhanka kale, Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay taageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.

Read More

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa fariin adag u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay Siyaasadeysa Mustaqbalka ku dhawaad 5000 oo arday oo Reer Puntland ah, taasna ay tahay arrin aysan aqbali doonin. Wasiir C/llaahi ayaa tibaaxay in wax lala cajabo ay tahay Qorshaha aan jihada la heyn ee in dhaweydba uu waday Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre. Ugu dambeyntii, Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in laga feejignaado in la wax yeeleeyo Mustaqbalka Ardayda Reer Puntland, ayna tahay arrinta…

Read More

Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Calasow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov. Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo. Si kastaba labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa qaar ka mid ah wadamada Caalamka ay safiiro…

Read More

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa ku dhaqday manta Natiijada emtixaankii shahaadiga aha ee dugsiga ee deeganada puntland. Madaxa Imtixaanaadka ee Wasaarada Waxbarashada Puntland axmed Saahid oo ku dhawaaqay Natiijada ayaa sheegay in imtixaanka oo ay u fariisteen 4093 arday, ay dhaceen 82 arday. Sidoo kale, 205 arday ay ku baaseen A, halka ay A- heleen 286 arday, waxaana Kaalinta kowaad ee Imtixaanka Shahaadiga ah ku guuleystay Khadar Siciid Salaad oo dhameeyay Dugsiga sare ee Boosaso Punlic. Akhriso Liiska 10-ka arday ee ugu saraysa Imtixaanka Puntland ee Fasalka 4-aad.

Read More

Wararka naga soo gaaraua Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaal culus uu ka socdo Magaaladaas. Dagaalkan oo ah mid culus ayaa u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Dadka Reer Somaliland, kaas oo uu Hoggaaminayo Col. Caaro. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Jabhadda uu Hoggaamiyo Col. Caare ay saaka weerareen Magaalada, waxaana wararku sheegayaan in Jabhaddu ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada. Wararka ayaa intaas ku daraya in Khasaare xooggan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkani. Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

Read More

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magalada Marka eeCaasimadda Gobolka Shabeellada hoose. Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha degaanka Ceel-jaale. Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmahanba ku sugnaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Shabeellada hoose.

Read More

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddexda nin oo loo heystay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho sanadkii 2017. Saddexda Nin ee saaka Maxkamadda xukunta dilka ah ku fulisay ayaa kala ahaa Farxaan Maxamed Samatar,C/naasir Dhaqane&Abshir Maxamed Xaaji. Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen weerarkii Hotel Naasahablood 2 lagu qaaday 28kii October 2017kii, xilligaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof. Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada iyo midda sare ee Ciidamada ayaa waxaa ay dil hore ugu xukumeen ragga saaka la toogtay ee lagu helay in ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan Sarakiisha kala duwan ee Ciidamada iyo xubno kale ayaa halkaas khudbad ugu jeediyay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland isagoo ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan xoraynta Dalka iyo sidii nabadgalyada ay usii adkayn lahayeen. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Amaanka ka jira Magaalooyinka waa weyn ay saldhig u yihiin Ciidamada ku sugan Deegaanada fog fog ee halkaas Argagixisada ku horfadhiya waxaa uu intaas ku daray in dhamaan Shacabka ree Jubbaland ay ku jiifaan oo ay yihiin halyeeyo…

Read More

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xoogeystay, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Deni ay isku maandhaafeen Doorashada Degaanada Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in is fahan waa uu kusoo dhamaaday Wada-hadal dhinaca khadka Taleefoonka ah oo dhex-maray Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada Doorasho ee Jubbaland. Madaxweynaha Puntland ayaa xogo hoose sheegayaan in uu uga digay Madaxda Dowladda Federaalka in la fara-geliyo Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada ee Jubbaland, taas oo si habsami leh uga socota Magaalada Kismaayo.…

Read More

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Maanta Booqdey Xeryaya Ciidamada dowladda ee ku yaalla Koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Taliyaha Xoogga S/Gaas Daahir Aadan (Indha-Qarshe) ayaa Boqolaal Askari oo ka tirsan Ururka Guulwade ee Qaybta 21aad kula hadley Xarunta Bangiga ee Gaalkacyo, waxa uuna ku Amaaney  Ciidamadaas isku dhafka ah Shaqada wanaagsan  ay ka qabteen Nabadgalyada Magaalada Gaalkacyo Tan iyo Markii la  aas’aasay. Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo martay Xerada Ciidanka Booliska Koonfurta Gaalkacyo, Xarunta Daraawiishta, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Ciidanka Asluubta. Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa ayaa Amaaney Qaybaha kala…

Read More

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Kenya inay ka fogaadaan Khilaafka Diblumaasiyadeed oo ka dhasha muranka Xuduud baddeedka ee labada dal u dhexeeya. Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ay ku wareysatay wakaalada wararka ee ANADOLU magaalada johannesburg ee dalka Koofur Afrika ayaa xusay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya aysan cadow isku noqon karin oo ay ka dhexeyso xiriir dheer. Sidoo kale Proff Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in qaxooti ka badan shan boqol oo kun oo Soomaali ah ay martigelisay dowlada Kenya kadib markii ay burburtay…

Read More

Dowladda Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday in lagu qabto Shirarka iyo Barnaamijyadda la xiriira Arrimaha dhallinyarada ee aan fasax looga haysan Dowladda. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa looga digay dhalinyarada inay jabiyaan Dastuurka iyo Jiritaanka Dowladda Puntland, ayna qabtaan kulamo loogu adeegayo waxyeelaynta Hanaanka Dowliga ah ee Puntland. War-saxaafadeedka Wasaaradda Shaqadda iyo Dhalinyarada Puntland, ayaa imaanaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen in Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland lagu qabanayo kulan lagu soo dhaweynaya Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Sheegay in Af-Soomaaligu uu ku dhow yahay inuu ka dhabar go’ Caalamka, uuna kamid noqdo Luuqadaha dunida ka jiri jiray ee haatan dhabar go’ay. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Aqoon-yahanada inay u istaagaan Ilaalinta iyo Uruurinta Afka Soomaaliga. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo hadalkan ka sheegay casho sharaf uu u sameeyay xalay Qorayaasha ka qaybgalaysa Bandhiga Carwada Buugaagta Kismaayo, ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in Qora-yaashu ay ka digtoonaadaan inay qoraan Buugaag loogu gafayo Qof ama Bulsho.

Read More

Ururka Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad, kaas oo sida la sheegayo horey uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab. Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017. Al-shabaab ayaa laga saaray Magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Axmed Maxamed Dhooba-daareed, ayaa si adag uga hadlay Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa sheegay in Puntland lagu aas aasay Shan Gobal oo xor ah iyo Degmada Buuhoodle, balse maanta la heysto qeyb kamid ah Degaanada Puntland. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay tahay waxaan la aqbali Karin in Maamulka Somaliland uu sii heysto qeybo kamid ah Dhulka Puntland, Iyadoo Dowlad balaaran oo awood leh ay Mandiqada Puntland ka dhisan tahay. Mr. Dhooba-daareed ayaa tilmaamay in Dowladda Puntland ay damaanad qaaday markii la aas aasay kow sugida amniga iyo Xuduudaha Dhulkeeda,…

Read More

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ee loo soo gaabiyo ICC ayaa maanta hogaamiyihii hore ee fallaagada dalka Congo, Bosco Ntaganda ku heshay dhamaan 18 dacwadood oo lagu soo oogay oo isugu jiray danbiyo dagaal iyo danbiyo ka dhan ah aadanaha. Isaga is difaacayay inti uu socday dhageysiga maxkamadeyntiisa oo ka dhacday magaalada Hague ee dalka Holland, ayuu Ntaganda beeniyay inuu yahay dilaa iyo danbiile dagaal. Wuxuu ku adkeysay inuu ahaa askari balse uusan aheyn danbiile dagaal. Dacwad oogayaasha maxkamadda ICC ayaa sheegay in Ntaganda uu hogaaminayay jabhaddii Union of Congolese Patriots ((UPC)), taasoo gobolka Ituri ee badiga dalka Congo ka…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii. “Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah shalay gelinkii dambe uga ambabaxay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay kulamo ka waday Gudaha Magalada Gaalkacyo, iyaga oo la kulmay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo kala hadli doona tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo dhismaha Galmudug…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta u yeeray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, si wax looga waydiiyo Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan xasaasi ah yeeshay, ayaa ka hadlay xaalada Gobalka Sanaag iyo Sool, iyo Badeecadaha ka yimaada Somaliland ee soo gala Degaanada Puntland. Xildhibaanada ayaa dood dheer kaddib go,aansaday in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku ay hor-yimaadaan Baarlamaanka si wax looga weydiiyo  Arrimaha Sanaag iyo Sool iyo Qorshayaasha Xukuumadda ee ku wajahan dhulka maqan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa la filayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka cusub ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Madaxweynaha Deni iyo Danjire James Swan ayaa ka wada-hadlay Xoojinta xiriirka Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyo sidii loo dardar-gelin lahaa Wada-shaqeynta labada dhinac. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Danjiraha Qaramada Midoobay, ayaa ka wada-hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland oo bishii May ee sanadkan joojisay Wada-shaqeyntii ay la laheyd. Madaxweynah Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Wakiilka cusub…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta safarkii labaad muddo bil gudaheed ah ku tegay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si uu u qanciyo bulshada ku nool Magalada Cadaado oo maalmahaan qabay tabashooyin kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in uu balan hore uga baxay Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana aysan la kulmeyn. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu tegay Cadaado waxaa uu la kulmay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Magaladaas si Odayaasha Dhaqanka ay ugu qanciyaan inay la kulmaa Ra’iisul Wasaaraha balse taasi ay suurtageli…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u Magacaabay Saalax Xabiib Jaamac Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Saalax Xabiib Jaamac ayaa horey Madaxweyne Deni ugu magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Magacaabistiisan cusub ay timid kaddib markii Madaxweynuhu uu dhowaan Magaca ka bedelay Wasaaradda Cadaaladda uuna ku daray Arrimaha Dastuurka oo horey loo hoos-geeyay Madaxtooyadda. Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, ayaa kamid ah Xubnaha yar ee ka hartay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu xiligaas ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.

Read More

Wararka ka imaanay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidan careysani ay xireen Wadada isku Xirta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Galinsoor. Ciidamada oo wata Gaadiid dagaal ayaa diidan Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Saraakiisha Hogaminaysa Ciidankan oo la hadley Saxaafadda ayaa Xaqiijiyay inay kasoo horjeeddaan imaatinka Ra’iisulwasaare Kheyre ee Gaalakcyo. Maamulka iyo Shacabka Koonfurta Gobolka Mudug, ayaa uga digay Ra’iisulwasaare Kheyre inuu yimaadoKoonfurta Gaalkacyo, waxaana wararku sheegayaan inuu Kheyre iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ay ka dhaga adeegeen dalabka Dadka Koonfurta Gaalkacyo. Wixii…

Read More

President Said Abdullahi Deni of Puntland was an outsider of Puntland politics. He is not well versed in the history of Puntland governance and its struggle during the Regime of Siyaad Barre. He is not deeply rooted in its vision for New Somalia. In ideology, he is hailing from religious groupping of Al-Islah orientation, whose members are International Muslim Brotherhood, the Salafists. By tradition, Somali religious sects aren’t well-known for paying much attention to modern statecraft beyond opposing secularism, while lacking any inclusive world outlook and experience in modern world interconnectivity. That is because politics and political power are off-limits…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 35 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Siciid Faarax Maxamuud (Yare) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, waxa ay ku toogtay Afar ruux oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd. Al-Shabaab ayaa saddex kamid ah dadkaas ku eedeeysay inay la Sahqeynayeen Ciidamada Dowladda iyo dowladaha taageera. Boqolaal ka mid ah Shacabka degmada Jamaame ayaa tegay goobta toogashada, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay goobta tagaan si ay u daawadaan, waxana dadlka la toogtay Magacyadooda lagu kala sheegay. 1: Sulaymaan Maxamed Saciid oo da’diisa lagu sheega 21 sana jir ayaa Al-Shabaab ku sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya…

Read More

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha ah ee ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo maleeshiyaadkii ka tirsanaa Ahlusunna ee dhawaan lagu biiriyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa soo dhaweeyay qodobda ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna oo ay ka mid ahaayeen ku daristii Ciidamadii Ahlusunna kuwa Dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay tahay mid dowladda Soomaaliya ka saacideysa Guud ahaan sugida amniga dalka oo dhan. Sidoo kale, Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD  Maxbuub Macalin, ayaa intaas ku daray in Urur Goboleedka IGAD uu garan-istaag u muujin doono howlaha…

Read More

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020, warbixintan lagu salleeyay hab cilmi baaris ah oo la xiriira taxanaha doorashadii hore dalka uga dhacay. Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh. Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda PuntlandWaxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee MaxjarkaWaxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.Waxaa Cumar Saalax…

Read More