PRECONDITIONS TO THE TALKS BETWEEN THE TIGRAY AND THE PRIME MINISTER DR ABIY AHMED Grievances of the Tigray The Prime Minister Dr Abiy has to immediately put an end to the trilateral agreement between himself , Eritrea and the followers of the Menelik Ideology which stipulates the decimation of the Tigray people economically , politically and their existence. Mr Prime Minister you made a peace deal with Eritrea without discussing with people of Ethiopia first , the people of Ethiopia learnt of this peace deal first through a meeting between Eritrea and it’s own people , secondly through the media…
Author: Jibril Qoobey
Dowladda Puntland ayaa ugu digtay Dowladda Federalka Soomaaliya inay fara-gelin ku samayso Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Jubaland. Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa mid baalmarsan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ku tilmaamay Warsaxafadeedkii Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland ayaa ku talisay in la ixtiraamo Shuruucda gaarka ah Dowladaha xubnaha ka ah Federalka, si ay dadkoodu u soo dortaan cida ay doonayaan inay hogaamiso.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa ugu hanjabtey Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines in gabi ahaan-ba aysan wax duulimaad ah ka samayn doonin Degaanada Puntland, kaddib markii dalab ay Shirkaddu u gudbisay Wasaaradda. Shirkadda Daallo Airline ayaa la sheegay in Madaxda Wasaaradda ay u soo gudbisay codsi ku aadan in loo ogalaado in duulimaadyadeed qaar ay u soo wareejiso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, maadama Duruufo dhanka cimilladda ah ay billahaan kasoo wajahay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Wararka ayaa sheegay in Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ay iska diideen Codsiga Shirkadda Daallo…
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta diidey inay ansxiyaan Xisaab xirkii Miisaaniyaddii Dowladda ee 2018-kii, taas oo ay hor-geysa Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa Su’aalo weydiiyay Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland oo maanta Golaha Hor-tagay, waxaana Goluhu ay cod gacan taag ah u qaadeen Ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Dhooba-daareed, oo ku dhawaaqay Go,aanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa sheegay in Baarlamaanku uu diiday ansixinta Miisaaniyadda kaddib markii la hareer maray sidii la rabay in loogu dhaqamo Miisaaniyadda.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyada Al-Shabaab ay isku dayeen in ay xoollo baad ah ka qaataan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoollo baad ah. Qaar ka mid dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-Shabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray Al-Shabaab iyo dadka deegaanka. Degaanada Gobalka Hiiraan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay…
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka. “Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta sharuucda iyo soo…
Xujeyda Soomaaliyeed ayaa weli la’ Fiisooyinkii ay ku aadi lahaayeen Dhulka Barakeysan ee Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, kaas oo ay kusoo gudanayaan Rugniga Xajka oo kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka. Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan kordhisay Tirada Xajeyda Soomaaliyeed ee tagaya dhulka Barakeysan, kaddib markii cariiri badan uu sanadihii dambe ka dhashay Tirada Dadka doonaya inay Xajiyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay Qeybinta iyo soo kala saarista Shirkadaha qaadaya xujeyda, arrintaas oo meesha ka saartay daabulida Xujeyda oo horey ugu koobneyd shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa, uuna u xirnaa mashruuca lagu geynayo…
Booliska Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa soo bandhigay gabar xirneyd dharka raga , kuna hubeysneyd bastoolad. Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdulaahi Aadan ayaa waxaa ay xirneyd dharka ragga waxayna sheegtay inay u wadatay bastoolada inay ku ilaalsato dukaan ay ku lahayd Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Ee uu ka arimiyo maamulka Galmudug. Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib gabadha oo lagu Magacaabo Deeqo Cabdullahi Aadan balse ku qaraaban jirtay magaca Deeq la ogaaday inay tahay qof dumar ah balse iska dhigayay Rag,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay #KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay. Madaxweynahu waxaa kale oo uu goobtaas Khudbad ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu Aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii Sadexaad ee ay hirgaliso Madasha Maan kulan. Carwada bandhigga buugaagta Kismaayo…
Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu wadaa in maalinimada berrito ah uu soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Danjire James Swan ayaa kulan kula qaadan doono Garoowe Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyadda Puntland. Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ayaa ka wada-hadli doono Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland oo bishii May ee sanadkan joojisay Wada-shaqeyntii ay la laheyd, waxaana Puntland ay noqonaysa Dowlad Gobaleedkii ugu horeeyay ee uu tago Ergayga…
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa jawaab adag ka bixiyay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo looga hadlay habraaca doorashooyinka Jubbaland oo la doonayo inay Jubbaland u hoggaansanto. Warka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka koobnaa Shan qodob,iyada oo la farayay Dowlad Gobaleedka Jubbaland inay raacaan habraaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada. Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa jawaab ka bixiyay War-Saxaafadeedkaas, iyaga oo sheegay in gebi ahaan ay kasoo horjeedaan warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay maalmihii dambe caadeysatay faragelinta…
Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland, ayaa lagu wadaa inuu maanta hor-taggo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, si su’aalo looga weydiiyo Warbixin uu u gudbiyay Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha ee Golaha. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay kulamadooda uga doodayay Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, ayaa Hanti-dhowraha Guud ku eedeeyay inuu gabay Shaqadiisii. Guddiga Xisaabaadka ee Golaha Wakiilada oo shalay u gudbiyay Warbixintooda Xildhibaanada ayaa Sheegay in Hanti-dhowruhu uu soo gudbiyay Warbixin, taas oo uu ku cadeeyay in la hareermaray Miisaaniyadda, balse isagu gabay shaqadiisii. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka dalbaday Hanti-dhowraha Guud ee Dowladda Puntland inuu Golaha hor-yimaado…
Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay deegano dhaca Galbeedka degmadda Kismaayo gaar ahaan tuuloyinka Beerxaani iyo dhulka fog ee miyaga. Deeganadan masaafo dhan 90 Km ayeey Kismaayo u jiraan. Goob walba oo ay ciidanka shalay ilaa xalay gaaren waxaa iskaga cararay kooxda argagixisadda Al-Shabaab. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonla Jubbaland Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka deeganadaas kula hadlay fagaaro waxaa u gudbiyay fariinta dowlad nimada isagoo u sheegay in ciidanka Jubbaland ay halkan u soo gaareen xaqiijinta nabad galyada shacabka.
Shirweynehan oo magaalada Kismaayo uga furmay Waxgaradka, Salaadiinta, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa socon doona mudda 3 cisho ah. Waxaa shirka ka qayb galay Odayaal dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kala timid, dalalka Kenya, Ethopia, Maraykanka, Yurub iyo dalalka Khaliijka. Shirkaan watashiga ah waxaa lagu lafa-gurayaa masiirka iyo aayaha beesha, waxaana la rajaynayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ay ku caddahay natiijada shirka. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaan watashiga ah ayaa warbaahinta…
Xildhibaano,qurba joog iyo siyaasin kasoo Jubaland,ayaa gaaray Kismaayo. Ujeedka waftigaas ee Kismaayo ayay ku sheegeen in uu yahay ka qayb qaadashada doorashada Madaxtooyo ee qorshaysan in ay dhacdo August sanadkan. Masuulyiinta gaaray kismaayo waxaa garoonak kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dwolada Jubaland oo uu ugu horeeyo Wasiir Jire. Waftiga,ayaa saxaafada kula hadlay garoonka waxayna fariin udireen Dowlada Fadaraalka,iyagoo uga digay faragalinta ay ku hayso Jubaland iyo doorashadeeda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa dood adag ka taagan tahay xisaab xirka Miisaaniyada Xukuumada Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa dood adag ka yeeshay Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, taas oo dhowaan loo gudbiyay. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa Xildhibaanadu Dood adag ka yeesheen Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, waxaana eedeeyn kulul u jeediyeen Xildhibaanadu Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Wasiirka Maaliyada ee xiligan,ayaa ugu yaraan ku dadaalay beekhaaminta dhaqaalaha,waxuuna bixiyay inta badan shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada Dowlada mushahaarkooda. Balse Xasan Shire,ayaa lagu dhaliilayaa in uusan la imaan wax qorshe cusub…
Maamulka Cusub ee Gobolka Karkaar iyo taliska Ciidamada Booliska heer Gobol iyo mid Degmo ayaa si rasmi ah ula wareegay xilalkii loosoo magacaabay. Xil wareejinta oo ka dhacday Hool balaaran ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin katirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, kuwaas oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Mr. Dhabancad oo madasha xil wareejinta ka hadlay ayaa ammaan iyo Bogaadin u jeediyay Maamulkii hore ee Gobolka Karkaar iyo taliska Ciidamada Booliska heer Gobol iyo mid Degmo. Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay Maamulka cusub ee Gobolka Karkaar…
Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa diraasad ay soo bandhigtay ku sheegtya in hirgelinta Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay ku xirantahay tayada iyo xalaalnimada guddiga doorashooyinka Puntland ee la soo magaabi doono kadib markii guddigii hore is wada casilay. Hay’adda ayaa diraasaddeeda ku sheegtay in ay adagtahay bulsho ku dhisan qabiil in laga dhex sameeyi xisbiyo siyaasadeed oo leh mabaadii’ cad-cad Halkaan hoose ka akhriso diraasadda oo dhan Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan waxay ku xiran tahay “Tayada” iyo “Xalaalnimada” Guddiga Doorashooyinka ku-meel-gaadhka ah ee Puntland ee laga dhawrayo hay’adaha fulinta iyo xeerdejinta. Sawirka uu yeesho Guddiga cusubi…
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa lagu waddaa in maalinta Berri ah uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu tagi doono Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka Dowlad Gobaleedka Galmudug. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la kulmi doono Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u sharaxi doona Wajiga cusub ee Galmudug, maadaama dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dib u heshiisiinta iyo doorashadda Galmudug.
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Suudaan Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudan, waxaana uu sheegay in dhammaan Safiiradda ay isla garteen in la taageero heshiiskii dhawaan ay gaareen Golaha Milatariga Suudan iyo Kooxda Banaanbaxyadda wadda. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto Sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maalmaha soo socda la filayo inuu isku shaandheyn balaaran ku sameeyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Puntland. Warar saacadihii ugu dambeeyay kusoo dhacayay Warqabadka Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in Madaxweynuhu uu Agaasimayaal Guud iyo Agaasime-waaxeedyo uu Magacaabi doono qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, sidoo kalena xilka laga qaadayo hore. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu Agaasimayaal cusub uu u Magacaabi doono, Hay’addo ay kamid tahay Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay aan shaqeyn. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Agaasimayaal Guud…
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanay Xaruntooda Magaalada Garoowe, Iyadoona Xildhibaanada lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka. Kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, oo maalmihii ugu dambeeyay ay hareeyeen Doodo adag, ayaa maanta mar kale u fariisanaya ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, taas oo uu Golaha u gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland. Xildhibaanada ayaa Labadoodii kulan ee hore si adag uga dooday arrimaha la xiriira ansixinta Miisaaniyaddii 2018-kii, waxaana ay dhowaan u yeereen Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ay Su’aalo ka weydiiyeen. Xildhibaanada ayaa la filayaa inay maanta Meel-mariyaan ama ay Diidaan Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii.…
Dowladda Cuba ayaa xaqiijiysay in ay nool yihiin Labo dhakhtar oo Kubaan ah oo laga soo afduubtay xuduudda Kenya ee Soomaaliya bishii April ee sanadkaan sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Cuba. Wasiirka Caafimaadka ee Cuban Jose Angel Portal oo Shirkii jaraa’id ku qabtay magaalada Havaana wuxuu sheegay in Cuba ay samaynayso wax walba oo macquul ah si loo sii daayo dhaqaatiirka lagu heysto Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay in ay socdaan dadaallo ay waddaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Cuba iyo waliba Kenya. Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay wadahadal la furi doonto Kooxda dhaqaatiirka Gacanta ku haya. “Xukuumadda Cuba ma…
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta. Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan . Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.
Milatariga Suudaan iyo mucaaradka is beddel doonka ayaa ku heshiis awood qeybsi ah ku gaaray magaalada Addis Ababa sida uu sheegay Mohamed Hassan Lebatt, oo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta Midowga Afrika. Labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo madax bannaan, kaas muddo saddex sano ah talada dalka haynaya, iyagoo magacaabay gole ka kooban 10 xubnood oo isugu jira Millitari, rayid iyo hal hoggaamiye oo u dhexeeya dhinacyada. Golaha ku meel gaarka ah ee Millitariga iyo hoggaamiyeyaasha rayidka dalka Suudaan ayaa sidoo kale isku raacay in ay billaabaan baaritaan hufan oo madaxbannaan, si loo ogaado…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon), oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ku sugan dalka Guinea, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay Talaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xariirka ugu jartay Dalka Guinea. Wasiir Faratoon ayaa Sheegay in go’aanka ay qaadatay Dowladda Soomaaliya uusan waxba ka bedeli doonin xiriirka ugub ee haatan u bilowday Somaliland iyo Guinea, Sidoo kalena Guinea aysan u baahneyn Soomaaliya, balse ay iyadu u baahan tahay. Waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay go’doon ku heyso Somaliland, isla markaana ay kasoo horjeedo horumarkooda, taasina ay tahay mid…
Kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho ka fuliyay fagaaro ku yaalla degaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana ay ku fuliyeen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera. Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan. 5-ta Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah ayaa waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegeen. 1: Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen in uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay saraakil ka tirsan Bangiga Adduunka ee Puntland, masuuliyiinta Wasaaraddaha shaqo wadaagta la ah Bangigaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta Shir guddoomiyay Kulankii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Hirgelinta Wakaaladaha Biyaha iyo Koronta, Iyadoona Magaca looga badalay Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Puntland. Sidoo kale. Dastuurka oo awal hoos tegayey Madaxtooyadda waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha Diinta. Waxaana magacii Wasaaradda laga dhigay Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo Dastuurka.
Somalia has announced the severing of diplomatic ties with West African country Guinea. The decision was announced in Mogadishu today after a cabinet meeting. The development is linked to relations between Guinea and Somaliland – the semi-autonomous region of Somalia. Leader of Somaliland flew to Conakry earlier this week according to officials on official invitation from the president of Guinea, Alpha Conde. Foreign Minister of Somalia Ahmed Isse Awad whiles announcing the decision also cautioned other countries against violating the sovereignty and unity of Somalia. Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia.…
Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashoyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada Jubbaland. 1. Soo Xulista & Soo Gudbinta Xubnaha Baarlamanka 16-ka luuliyo ilaa 06 da Agoosto 2019 2. Diiwaan galinta Musharrixiinta Madaxweynaha 16ka ilaa 22-ka luuliyo 2019 3. Shaacinta iyo dhaarinta Xubnaha Baarlamanka 07-da ilaa 13 ka Agoosto 2019 4. Diiwaangalinta Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka 14ka ilaa 15 ka Agoosto 2019 5. khudbad Jeedinta Musharixiinta Guddoonka Baarlamanka 17ka agoosto 2019 6. Doorashada Guddoonka Baarlamanka 18ka Agoosto 2019 7. Khudbad soo jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha 20ka – 23ka Agoosto 2019 8. Doorashada Madaxweynaha 24ka – 30ka Agoosto 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, oo Goor-dhaweyd Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay dalka Guinea ee dhawaan qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland.
Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa Xisaabiyayaasha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo usoo xiray tababar ay ku jireen mudo afar cisho ah Madaxda Dawladaha Hoose ayaa qaadanaayay casharo la xiriira mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose. Casharada kala duwan ee ay qaadanaayeen mudadaasi ayaa waxa bixinnaayay macalimiin aqoon durug san uleh mideynta Madaxyo-xisaabeedyada ay adeegsato dowladda dhexe iyo dowladaha hoose. “Ujeedada Barnaamijkan ayaa ahaa in Dawladda Puntland ay istic maasho hal xisaab xir oo heer caalami ah sidoo kale waxa uu muhiim u yahay habka daah furnaanta iyo in…
Ururka Dawladaha Hoose Ee Puntland Ee ALGAPL , Ururka Dawladaha Hoose Ee Holand Ee VNG International, Daladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSA) iyo Midowga Yurub, ayaa Hotel Royal Palace ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ku yeeshay Kulan ku saabsanaa Talo bixin iyo Talo soo jeedin. Kulankan oo sidoo kale ay kasoo qaybgaleen Qaar kamid ah Maamulada Degmooyinka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha, ayaa u jeedadiisu aheyd xoojinta Wada-shaqeynta ka dhexeysa Ururadan. Wakiilka Hay’adda Caalamiga ah VNG International Eng. Guuleed Axmed, ayaa Sheegay in had iyo jeer ay u taagan yihiin inay tababaro siiyaan Ururka Dowladaha Hoose ee Degmooyinka…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo. Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo. sidoo kale Madaxweynaha waxaa bartamaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah. Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafada kula hadlay Aqalka Martida ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Dalka kenya uu ahaa mid shaqo oo halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla…
Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi. Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay…
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen. Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin kajirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka. Sidoo kale, Taliye Bariise ayaa xusay in kiiskaasi baaristiisa ay ka socoto Xarunta CID-da Natiijada kasoo baxdana loo gudbin doono Maxkamada awoodda u leh qaadista kiiskaasi lagu…
Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u…
Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa kasoo baxay Jiidaha hore ee Degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool, kaddib markii ay waayeen bilihii lasoo dhaafay Mashaarkoodii, haatan ay ka go’een Saadkii. Ciidanka oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, halkaas oo haatan ay ka socdaan shirar aan caadi aheyn oo looga hadlayo sidii Ciidanku ay dib ugu laaban lahaayeen Aagagoodii. Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidanka ayaa sheegay in Mushaar aysan helin Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, haatana uu ka go,ay Saadkii, Iyagoona tilmaamay in ay soo food saartay Xaalad adag oo aysan u sii joogi Karin Jiidaha hore ee…
Booliiska Dalka Kenya ayaa inta badan lagu eedeeyaa inay adeegsadaan awood xad-dhaaf ah oo sharciga ka baxsan marka ay ku jiraan howlgaladooda. Warbixin cusub oo la dabaabacay Arbacadii shaley ayaa hay’ada xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ay sheegtay in booliisku uu ku lug leeyahay dilalka ugu yaraan 21 qof, laga soo bilaabo bishii August ee Sanadkii hore ee 2018, dilalkaas oo ay ku jiran 2 qof oo ka soo jeeda xaafadaha Isku raranta ah. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray Tagsiile u xamaalan jiray laba Carruur ah,hayeeshee Booliska Kenya ay u arkeen Nin ay siweyn u doon doonayeen…
Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun waxaa ay ku riday Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana hubka u kala gudbin jiray. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka ay geystaan Al-Shabaab. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab. Ilaa…
Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo duqayntii dhanka cirka ahayd ee lagu qaaday xarunta dadka soo galootiga ah lagu xiro ee Liibiya ku taalla, halkaas oo ay ku dhinteen konton ruux oo muhaajiriin ah, sida ay sheegeen masuuliyiin dawladda ka tirsan. War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha ayaa weerarka ku tilmaamay “dambi aad u qaabdaran” wuxuuna ku sheegay in uu doonayo in lagula xisaabtamo dadkii weerarkaas gaystay. Mahamat ayaa ku baaqay in si degdeg ah xabbadda loo joojiyo, dhinacyada oo dhanna ay ku dadaalaan badqabka iyo ammaanka shacabka,…
Most of the designated terrorist groups in the US are right-wing extremists, not Muslim, according to a new report. A joint project by the Investigative Fund at the Nation Institute, a nonprofit media centre, and news outlet Reveal from the Center for Investigative Reporting took a look at the 201 designated terrorism incidents within the US from 2008 to 2016. The results: “right-wing extremists were behind nearly twice as many incidents” as terror acts associated with those identified as “Islamist domestic terrorism”. The report identified 63 incidents involving those “motivated by a theocratic political ideology espoused by such groups as the Islamic…
Wasiirka Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gammadiid, oo kormeer shaqo ku jooga Gobolka Mudug ayaa kulamo kor loogu qaadayo wax soo saarka Beeraha iyo ilaalinta Deeganka la yeeshay Bulshooyinka ku nool Degmooyinka Gobolka Mudug. Wasiirka Degaanka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa kormeer kooda ku tegay Deeganadda Bacaadweyn,Roox ,Taracaso, Ceel Jaalle ,Bur-Saalax iyo Galdogob, Iyagoona bulshada Degaanadaas kala hadlay dhowrista Degaanka. Wasiirka Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gammadiid, iyo Waftigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Faaiso Cali Ismaaciil ,Lataliyaal Sare ,Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda ayaa ujeedada…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta booqday xarunta Ciidanka Daraawiish-ta Puntland ee 54-aad, ayaa kulan kula qaatay xerada qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Pntland. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Ciidanka Daraawiish-ta oo ahaa mid qaatay Saacado dhowr ah ayaa looga arinsanaya tayeynta iyo Tirakoobka Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay kala daadsanaa. Madaxweynaha Puntland oo ay wehlinayaan Qaar kamid ah Janaraalada Puntland oo uu kamid yahay Gen. Maxamed Siciid Morgan, ayaa ku amray Saraakiisha Hoggaamisa Ciidanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keenaan Qorshaha dib u yagleelida Ciidanka Daraawiish-ta Puntland. Booqashada Madaxweyne Deni ee…
Illaa Saddex kun oo Nee foo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo laga kala keenay deegaanada Jubbaland. Xoolahan laga dhoofiyay Dekedda Kismaayo oo loo iib-geeynayo Dalka Yemen, ayaa baaritaan Caafimaad ku maray Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Kismaayo. Ganacstada Magaalada Kismaayo oo kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal ugu jira suuqgeynta xoolaha nool ee Jubbaland, taasi oo muhiin u ah sare u kaca dhaqaalaha Jubbaland islamarkaana kor u qaadeysa ka faa’iidaysiga wax-soo saarka dalka oo ay xoolaha nool kamid yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibeddda iyo Xariirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Xaqiijisay in dib loo dhigay Shirka Jaraa’id oo la filayay in Saacadaha soo socda uu qabto Wasiirka Wasaaradaas Axmed Ciise Cawad. Saxaafadda ayaa horey loogu war-geliyay in maanta oo arbaco ah, 2:00 Duhurnimo ay kasoo qeyb-galaan Shir Jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Amb. Cawad, kaas oo uu uga hadli lahaa arrimo soo kordhay, balse Wasaaradda ayaa goor-dhaweyd ku war-gelisay saxaafadda in dib loo dhigay kulanka. Wasaaradda Arrimaha Dibeddda ayaan shaacin sababta keentay in dib loo dhigo Shirka Jaraa’id ee Wasiir Cawad, iyo waqtiga kale ee dib…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama…
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan oo ilaalo u ah koox dadka tahriibisa, ayaa ka socda degaanka Mareero oo 10-KM dhanka bari uga toosan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceyn Ciidamada Ammaanka Dawladda Puntland oo waday howlgal ka dhan ah Kooxaha wax tahriibiya iyo Maleeshiyaadka ilaalada u ah, waxaana dagaalka ku dhintay laba ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen. Howlgalkaan ayaa ahaa Mid lagu baadi-goobayay Koox ka tirsan kuwa wax tahriibiya oo lagu tuhmayay dilka askari katirsanaa Ciidamada Madaxtooyada loogu gaystay Magaalada Boosaaso. Wararka…
Ugu yaraan 40 muhaajir oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya. Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah. Bayaan kasoo baxay Dowladda…
Rag ku hubeysan Mindiyo ayaa ku diley degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sh/hoose Siciid Cumar Xasan oo loo yiqiin Subeyr. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa saxaafada u xaqiijiyay falkan waxana ay sheegeen in gudoomiyaha uu dhaawac u geystay mid kamid ah labadii ruux ee weerartay, waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray. Xubno katirsan Ehelka Marxuumka iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay murmeen Saciid iyo labadii qof ee Mindida ku weerartay. Lama oga ujeedka ay ka lahaayeen labada nin ee mindida ku weerartay guddoomiyaha maxkamada gobolka…
Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 21aad ee howlgelinta oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Dhexe Cabduqadir Maxamed (Gasaawe) oo maalmo kohor gaarey deegaanka dhagtuur ayaa xaliyey xiisad ka dhex jirtay beelo deegaanka wada degan taas oo salka ku heysay baraago deegaanka laga qoday oo mid ka mid ah beelaha halkaa dagan ay ka biyo diiday. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire (qoodar) iyo saraakiil kale, iyaga oo ku guuleystay xalinta labadaasi beelood. Saraakiisha taliska iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Mudug ayaa labada…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta gaaray Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, Isagoona ka socdaalay Magaalada Jabuuti oo uu uga qeyb-galay xuskii 27-ka Juun ee Curashada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Axmed Karaasha ayaa la filayaa in Maalinta bari ah uu kulamo La qaato Masuuliyiinta ugu saraysa imaaraadka iyo Maalgashadayaal Caalamiya ah, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirka imaaraadka carabta iyo Puntland. Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirto sidii ay usoo jiidan laheyd dalalka Caalamka, islamarkaana loo heli lahaa maalgashayeyaal Caalami ah, si ay ugu faa’ideyso Bulshada Degaanadeeda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa…
Ethiopian Airlines Group announced the launch of its flight to Garowe, Somalia, via Bossaso, Somalia effective 15 July 2019. The flight schedule to Garowe, Somalia is as per the below: FlightNumber FrequencyDepartureAirport Departure time ArrivalAirport ArrivalTime Sub Fleet ET 0368 Mon, Wed,Sat. ADD 11:30 BSA 13:35 ET DH8 ET 0368 Mon, Wed,Sat. BSA 14:35 GGR 15:20 ET DH8 ET 0368 Mon, Wed,Sat. GGR 16:20 ADD 18:20 ET DH8 Regarding the launch of the flight, Group CEO of Ethiopian Airlines Mr. Tewolde GebereMariam, remarked, “It gives us a great pleasure to launch our flight to Garowe, Somalia. In addition to our…
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xal ka gaarista Doorashooyinka Galmudug iyo in dib u heshiisiin la dhex dhigo Bulshada Degaanada Galmudug. Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa sheegay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo. Ra’iisulwasaaraha ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb. Sidoo kale, Xildhibaan Indha-yare ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay Dowladda Federaalka…
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay iney dib u bilaabeyso Taageerada ay siin jirtay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo uu goostay ku dhowaad labo sanno kahor. Mareykanka ayaa sheegay in go,aankooda uu yimid kaddib markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay isbadal ka sameysay dib u habeynta nidaamka xisaabaadka iyo isla xisaabtanka. Dowladda Mareykanka oo taageerada joojiyey December 2017-kii ayaa waxaa uu ku celiyey inuu kalsooni ku qabo dowladda federaalka ah iyo xoogga dalka.
Boqolaal ka mid ah Shacabka iyo waxgaradka ku nool Magalada Cadaado ayaa Maanta waxa ay dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedeen go’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb. Dibadbaxayasha oo isugu soo baxay Wadooyinka waaweyn ee Magaaladaas ayaa waxaa ay qaarkood wataeen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku diidan yihiin Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Maqaamka Caasimadda. Qaar ka mid ah Waxgaradka Cadaado oo banaanbaxa ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka ay cadaalad darro ku sameysay dadka Magalada Cadaado,isla markaana…