Author: Jibril Qoobey

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Is-bedel cusub ayaa lagu sameeyay Hoggaanka Taliska Ciidanka xoogga dalka, iyadoo la baabi’iyay xilkii Abaanduulka oo ka mid ahaa xilalka ugu waa weyn ee Taliska Ciidanka xoogga dalka oo lagu bixin jiray qaabka awood qeybsiga. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge loo bedelay xil kale, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Lugta oo ahaa xil ku hoos jiray Abaanduulka Ciidamada. Xilkii Abaanduulaha ayaa loo bedelay qaab dhismeed Maamul oo Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Xijaar oo ka mid ahaa Saraakiishii hore, isla markaana dowladdii C/llaahi Yuusuf ka soo noqday xilka…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Ajandihii lagu waday in maanta looga hadlaayo kulankii Golaha Shacabka ee baaqday. Xildhibaanadda oo gaaraya 17 Mudane, ayaa dalbaday in kulanka looga hadlo Xaaladda Ammaanka ee dalka ee sii xumaaneysa, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhiggo ka hadlidda Arrimaha dastuurka. Waxaa uu sheegeen in loo baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muujiyaan matalaad rasmi ah oo aysan ka aamusin Xasuuqa ku socda Shacabka kunool Magaalada Muqdisho. Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, waxaana ka dhacaayay…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Haatan soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, Iyadoona soo dhaweyntiisu ka socota banaanka hore ee Magaalada. Maamulka Gobalka Bari, Kan Degmada, Waxgarad iyo Boqolaal shacab ah ayaa Madaxweynaha uga hortagay banaanka Magaalada Boosaaso, isagoona madaxweynuhu uu mid mid u gacan qaadayo. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa haatan kala hadlaya shacabka Magaalada Boosaaso goob loo diyaariyay oo ku taalla kantaroolka Magaalada, waxaana qadar kaddib loo galbin doonaa Gudaha Magaalada. Toos u Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta baaqday sidda uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka dib markii la waayay Kooramkii loogu tala galay in uu ku furmo kulanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa baaqashadda ka hor saacad dheeraad ah ku daray waqtigii furitaanka ee kulanka kadib markii kooramku buuxsami waayay, laakiin waa la waayay Xildhibaanadii buuxin lahaa. Kulamada golaha ayaa sida uu xeer hoosaadka dhigaya la doonaya iney ku furmaan 139 mudane. Baaqashadda kulanka ayaa timid sidoo kale xilli intii soo xaadirtay qaarkood ay banaanbax ka dhex sameeyeen xarunta Golaha, kaasoo looga soo horjeeday Ajandaha…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shir isugu yeeray Todaabkii tagay Madaxda Dowlad Gobaleedyada inay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho, kaas oo bar bar socday safarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku joogo Muqdisho. Shirkan ayaa la sheegay in Casuumaadiisa loo diray dhamaan Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Iyadoona ajandihiisa lagu sheegay shir wadatashi ah oo laga arinsanayo xal u helida khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo xaalada amni ee dalka. Shirkan ayaa la sheegay in uu fashilmay kaddib markii ay ka cudur daarteen Labo kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, taas oo la sheegay inay haatan xaalad cusub…

Read More

CARMO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay xaalada amni ee Gobalka Bari, Isagoona sheegay in Shacabka Puntland ay haatan la nool yihiin waxaan horey loogu baran. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in uu faraha kasii baxaya Sanadihii ugu dambeeyay amniga Gobalka Bari, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladda Puntland. Waxaa tilmaamay in Ganacsatada Puntland ay bilaabeen inay ka cararaan Hantidoodi iyo Degaankii ay ku noolaayeen, taas oo uu xusay inay tahay bahdilaad aan horey loogu baran Bulshada ku dhaqanka Mandiqada Puntland, oo ahaa Bulsho…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay ee kalfadhiga 5-aad, ka dib markii dhawaan si rasmi ah loo daahfuray Kalfadhiga Golaha Shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin badan oo ay qeyb ka yihiin dardargalinta Shuruucda doorashooyinka iyo la xisaabtanka Xukuumadda. Sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha Shacabka kulanka ayaa waxaa warbixin loogu dhageysan doonaa guddiga dib u eegista dastuurka. IDIL NEWS

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu wadaa in uu maanta hor-taggo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay dood ka lahaa Miisaaniyadda Dowladda ee 9 bilood ee ka hartay Sanadka 2019-ka. Xildhibaanada ayaa kulankoodii khamiistii warbixin ka dhageystay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Dowladda Puntland, taas oo ku aadaneed Miisaaniyadda hor-taalla, Iyadoona la go’aamiyay in Wasiirku hor-yimaado Baarlamaanka Maanta oo sabti ah. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay su’aalo ku aadan Qorshaha iyo Qarashaadka Miisaaniyadda weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Iyagoona intaas kaddib Cod gacan taag ah u qaadi doona. IDIL NEWS

Read More

Taariikh 27-kii bishaan maalinkii arbacada waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kalfadhiga shanaad ee gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida shaciga ah Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadda dastuuriga ee furitaanka Kalfadhiga u jeediyay xildhibaannada aqalka hoose.Waa noocee khudbadda Madaxweyne Farmaajo?! Khubaddaasi oo la dhagaysan karo wax ka badan 20 daqiiqo ayaa madaxweynuhu ma uusan kaga hadlin sida ay tahay in loo daweeyo boogaha rasmiga ah ee dalka, taas beddalkeedna madaxweyne Farmaajo wuxuu ka doorbiday ka hadlay arrimo aan quseeynin kalfadhiga gollaha shacabka. Qormadaydani oo aan ku eegayo xaaladda dalka iyo sida ay ahayd…

Read More

WAACIYE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti baaldhan oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Degmada Waaciye ee Gobolka KarKaar. Madaxweynaha oo saaka kasoo kici timay degmada Qardho ayaa ku soo hakaday magaalada Xiddo oo uu kusoo salaamay Xaaji Xuseen Gacayte oo ah odayaasha ugu waaweyn ganacsatada Puntland, caana ka ah mandaqadda Gobolka Barri. Madaxweyne Deni iyo Waftigii balaadhnaa ee la socdey ayaa soo gaaray degmada Waaciye, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey maamulka degmada kan gobolka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntlaland iyo boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Waaciye, waxaa uu Madaxweynuhu ka…

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Maamulka Somaliland ayaa ka Jawaabay hadalkii dhawaan uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada Soomaaliland. Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in ay diyaar u tahay Somaliland Wada-hadalo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan dhab ka aheyn dhinaca Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Marar badan wada-hadalo ay yeesheen labada dhinac ay gaareen is afgaradyo, kuwaas oo ka socon waayay dhinac Dowladda Soomaaliya oo aysan dhab ka aheyn sida uu sheegay Heshiis rasmi ah oo ay wada qaataan labada dhinac. Agaasimaha Guud…

Read More

WAACIYE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Goor-dhaweyd si diiraan loogu soo dhaweeyay Degmada Waaciye ee Gobalka Karkaar, Iyadoona soo dhaweyntiisa ay ka qeyb-galeen Maamulka Gobalka, kan Degmada, Waxgaradka iyo Shacab fara-badan. Madaxweyne Deni ayaa uga mahad-celiyay Shacabka Degmada Waaciye soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, isagoona sheegay in soo dhaweyntoodu muujinayso biseylka Dowladnimo eek a hanaqaaday Puntland. Waxaa uu ka hadlay xaalada ammaanka iyo mid abaareed ee ka jirta Mandiqada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay Shacabka Degmada Waaciye inay garab istaagaan Dowladooda si loo soo afjaro xaaladaha adag ee ka jira Degaanada Puntland. Madaxweyne Deni…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xisaabiyaha guud ee Dawladda iyo Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer ku tagey Dawladda Hoose ee Garoowe. kormeer kan shaqo ee Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Siciid Nuur iyo waftiga uu hogaaminaayay ay ku tageen Dawladda Hoose ayaa ku aadanaa ogaan shaha adeeg siga Barnaamijka FMIS ” Financial Managment Information System” ee Dawladda Hoose Garoowe laga hir galiyay. Xisaabiyaha guud iyo Masuuliyiinta kale ee kormeerkan ku weheliyay waxaa Xarunta Degmada ku soo dhoweeyay Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo Masuuliyiinta kale ee Caasimada. Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa daah furay Barnaamijka( FMS ) ee maaraynta Maaliyadda ee Wasaaradaha Dawladda Puntland. Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ayaa loo qaybiyay qalb ay soo diyaariyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda loona adeeg sandoono Maaraynta Maaliyadda ee FMS. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ee loo qaybiyay qalabkan kula dardaarmay in ay ku shaqeeyaan si ay isugu xirnaadaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale. Masuuliyiinta Wasaaradaha Dawladda ee qalabkan la gudoon siiyay ayaa Wasiirka Wasaardda Maaliyadda uga mahad celiyay soo gaarsiinta qalabkan waxayna sheegeen in ay hir galin doonaan ku shaqayntiisa Sawirro. IDIL NEWS

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka Dhagax dhigay garoon kubadda Cagta ah oo loo dhisidoono si casri ah. Dhagax dhigga garoonka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, Bahda ciyaaraha gobolka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dhagax dhigga ayaa sheegay in goobta loo asteeyey dhismaha garoonka tahay meel ku haboon oo siman, Madaxweynaha ayaa ku booriyey Maamulka degmada Qardho in dhulka ku hareeraysan garoonka laga dhigo dhul dowladeed si mustaqbalka looga faa’iidaysto. “farxad bay…

Read More

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Maamulka Galmudug, ayaa looga hadlay Nuxurka Wada-hadaladii Dhawaan Dhex-maray Madaxda Galmudug iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeedka kasoo baxay  Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu yiri “Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka. Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Wehliye iyo Isgoyska Dabka, gaar ahaan goob maqaaxi ah oo laga cunteeyo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale ay tilmaamayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana wararku ay sheegayaan inay ku geeryoodeen illaa 11…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku- xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay shirka golaha wasiirada dawladda Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe. Shirka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida ammaanka, Abaaraha ka jira Puntland oo goluhu ay biyo ku deeqeen, dhismaha goleyaasha deegaanka, Tartamada iyo horumarinta ciyaaraha Puntland. Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), ayaa warbaahinta u faah-faahiyay waxyaabaha kasoo baxay Shirka. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax xooggan ayaa Goor-dhaweyd ka dhacay agagaarka hotelka wehliye ee Magalada Muqdisho, Iyadoona jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari uu ku qarxay Maqaayad lagu Magacaabo Filsan oo u dhow Hotelka Wehliye ee Muqdisho ,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay. Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo Gaadiidka Ambalasta ayaa gaaray goobta,waxaana socda dadaalo lagu samata bixinayo dadka waxyeelaabay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News IDIL NEWS

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Isimada Gobolka Mudug ayaa go’aan ka soo saaray, dhaqammada xun xun ee ku soo kordhay dalka, gaar ahaanna kufsiga ,dilalka, maandooriyaha iyo is qabqabsiga dhulalka. Isimmada waxaa ay baaq u direen xukuumadda Puntland iyo shacabka gobolka Mudug, dhaqammada waxaa ay ku sheegeen in looga gudbi karo iyadoo shareecadda islaamka lagu dhaqmo. “Dadka gobolka Mudug waxa ay ku kala nabadgali karaan ,laguna suulin karaa dhaqammada xun xun iyo dilalka la caadeystay iyadoo shareecadda islaamka lagu dhaqmo… waxaa la qabtay guddi 25 xubnood ah oo soo diyaariya qaabka shareecadda loo fulin lahaa.” Ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Isimmada.…

Read More

NEW YORK (IDIL NEWS)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii Arbacadii shalay kasoo saaray qoraalo lagu cambaareenayo go’aankii Maraykanka kasoo saaray dhulka buuraleyda ah ee Golan Height oo ay Israel ka qabsatay Siiriya xiligii dagaalkii 1967dii. Kulankan deg degta ah ee Golaha Amaanka ayaa waxaa codsaday dowlada Siiriya oo taageero ka heshay 14ka wadan ee kale ee golahaasi oo ka kooban 15 dal. Dalka Maraykanka oo ah xubinta kaliya ee golahaasi ee go’aankan qaadatay ayaa lagu eedeeyey jabinta sharuucda Caalamiga ah. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii lasoo dhaafay saxiixay qoraal uu ku sheegay inuu u aqoonsaday Israel inay la…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Shir Deg deg ah oo looga hadlayo adkeynta amniga ayaa ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus. Shirkan oo ah mid Albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa ku sugan Wasiiro katirsan Xukuumadda oo uu kamid yahay Wasiirka amniga Dowladda Puntland C/samad Gallan, Maamulka Gobalka, Kan degmada iyo Saraakiisha Ciidamada. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, oo shirka guddoominaya ayaa la sheegay in uu ka dalbaday Masuuliyiinta Shirka ku sugan inay soo gudbiyaan araahdooda ku aadan xaqiijinta amniga Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay ay hareeyeen…

Read More

Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Puntland ku dhowaad sanad kaddib markuu xilka la wareegay. Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay inkastoo ciidan cusub aan la qorin. Taliyeyaal ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Puntland. Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin oo tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca ciidammada aan jirin ee Puntland loo bixiyay waa Caagleyaal. Markii dowladda federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka gadood…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhamestirtay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka iyo Dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada siyaasadeed oo muhiim u ah Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka wada xaajoon doonaan qaab dhismeedka Maqaamka Caasimadda iyo dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka dalka. Waa markii ugu horeysay Madaxweyne farmaajo uu ka hadlo arrimaha la xariira Maqaamka Magaalada Muqdisho, waxaana Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda jirta aysan ku guuleysan in la helo Maqaamka Caasimadda iyo hanaanka ay Federaaleynta ku dhex yeelaneyso. Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Taabit…

Read More

DAG-ALLAMO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya deegaannada dhaca xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday. Ciidamo katirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Jubbada Hoose, dagaal xooggan ayaa la sheegay in uu halkaas ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in Shabaab ay u suuragashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankii dagaalku ka dhacay. Inta uu socday dagaalka waxaa jiray khasaare ka dhashay,waxaama lasoo sheegayaa in laba askari oo ka tirsan Maamulka Jubaland ay ku geeriyoodeen…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Darawiishta Gobolka Cayn kulankan Wasiirku la yeeshay saraakiisha ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Waxaada Miisaaniyada. Wasiirka Maaliyadda ayaa Saraakiishu usoo gudbiyeen sida Mushaharaada ay uhelaan Ciidamada ku sugan aaga Gobolka Cayn iyo baahiyaha ay qabaan. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire ayaa Saraakiisha usheegay in Dawladda Puntland ay ku dadaali doonto sidii Ciidamadu uheli lahaayeen Daryeel iyo Xuquuqdooda. Daawo. IDIL NEWS

Read More

RABAT (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (26 Maarso) Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga. Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka. Xiriirka u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qayb-galay xuska maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay Biyaha Adduunka, taas oo laga xuso wadamada adduunka. Munaasabadda xuskan waxaa kasoo qayb-galay Wasiir ku-xigeenada wasaaradaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka, Tamarta, Macdanta & Biyaha, Qaar kamida Hay’adaha Caalamiga ah iyo Masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay Xuska maalintan ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin shacab waynaha Puntland iyo sida ay dawladdan uga go’an tahay in shacabkeedu ay helaan biyo ku filan. ” Maanta xuskeedu waxa…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xisbiyada siyaasadda sida UPD, Wadajir, Himilo Qaran iyo Ilays ayaa war saxaafadeed wadajir ka soo saaray xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay sii xumaaneysay xaaladeeda amniga. War saxaafadeedka Xisbiyadan ayaa walaac looga muujiyay xaalada amniga Muqdisho, oo ay sheegeen in xilliba xilliga kale sii xumaanaya, taasna ay ugu wacan tahay dowladda oo aan sameyn wax qorshe istiraatiijiyad Amni qaran. Sidoo kale Xisbiyada ayaa ka hadlay gadoodka ciidamada oo ay ku tilmaameen maamulo xumo ka jirta qaabka tirakoobka iyo xaqsiinta Ciidamada, waxaana ay intaa ku dareen inay dhacday Ciidamo hal goob jooga…

Read More

BURSAALAX (IDIL NEWS)-Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug, waxaa ka socda Dhismaha waddada bartamaha oo loo diyaarinnayo in laami la saaro, taas oo si isku-tashi ah ay u dhisanayaan dadka deegaanka oo gacan ka helaya shirkadda Kebarco ee dhiseysa Waddada. Maamulka Degmada ayaa ugu baaqay bulshada oo ay qurba-joogta iyo ganacsatada ugu horreeyaan inay ka qaybqaataan dhammeystirka jidkan. Guddoomiyaha Degmada Bursaalax Maxamed Sulaymaan Diiriye, ayaa sheegay in dhismaha Wadaadan oo socda, ay ku dhalisay Cabasho uga timid Shacabka Degmada, isla markaana aysan awoodin dhameystirkeeda. Guddoomiye Maxamed Suleymaan ayaa ugu baaqay Dhamaan Shacabka, Ganacsatada, Hay’adaha iyo Dowladda Puntland in laga wada qeyb…

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo mid amni ee Degaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa ugu horey mahad-celin u jeediyay Maamulka, Waxgaradka iyo Kumanaankii Shacabka ahaa isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona sheegay in taas muujinayso Muhiimada Dadka Reer Puntland u hayaan Hanaanka Dowladnimo ee Dalka. Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay xaalada siyasaadeed ee dalka iyo loolankii adkaa ee loo galay Doorashadii 8 Janaayo ee uu isugu ku guuleystay, ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Olalaha dalkuna uu yeeshay Xukuumad cusub, isagoona…

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho, waxaa ka qeyb-galay Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Qardho. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Labo Maalmood ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona kulamo la yeelan doona, Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo Hormarinta Qardho. Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Qardho la kulmi…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa shaaca ka qaaday in Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland ay dibin daabyo ku wadaan Hanaanka Canshuuraha Gaadiidka ee Dowladdda. Wasiir Xasan Abgaal ayaa sheegay in xubno katirsan Dowladda ay caadeysteen inay ka dhaga adeegaan Canshuuraha ku waajibka ah gaadiid aysan laheyn Dowladda Puntland, ayna hormuud u yihiin caqabadaha hor-taagan bixin canshuuraha gaadiidka. Waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in gaadiid aan wadan taarikada GD ah ee la siiyo Masuuliyiinta Dowladda uu canshuur la,aan maro Kantaroolada iyo gudaha Magaalooyinka, xitaa haday yihiin Gaadiid uu lee yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.…

Read More

DANGOROYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ku wajahan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa lagu soo dhaweeyay Goor-dhaweyd Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal. Soo dhaweynta Madaxweyne Deni ayaa waxaa ka qeyb-galay Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Degmada Dangoroyo, isagoona uga mahad-celiyay Madaxweynuhu soo dhaweynta balaaran ee ay u sameeyeen. Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda tagaan Magaalada Qardho, Iyagoona kusii xakan doona Degaanada u dhexeeyay Dangoroyo iyo Qardho, kuwaas oo Shacab fara badani u soo bexeen soo…

Read More

DHADHAAB (IDIL NEWS)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xireyso Xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin Kumanaan u badan Qaxooti Soomaali ah. Wakaalada wararka AFP ayaa baahisay inay heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, isla markaana Kenya ay xeri doonto Bisha Agoosto ee Sanadkaan. Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin. Sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Qardho, Iyadoo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay maalmihii ugu dambeeyay ka socotay Qardho. Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Labo Maalmood ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona kulamo la yeelan doona, Maamulka, Waxgaradka iyo Shacabka Magaalada, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta amniga iyo Hormarinta Qardho. Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho, kaddib fasax ka badan labo bilood oo ay ku jireen Xildhibaanadu. Munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad oo lagu qaban doono xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya) ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Waxaa aad loo adkeeyey Amniga Wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta Jeneraal Kaahiye, iyada oo xalay Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray Farriimo lagu ogeysiinayo in Maanta uu furmayo kal-fadhiga 5-aad ee…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna…

Read More

RIYADH (IDIL NEWS)-Dowladda Sacuudiga ayaa ka hor-timid go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel. Sacuudiga ayaa cambaareeyey tallaabadaas, kuna sheegay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah. “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA. Golan weli waa “dhul Carbeed Syria oo la haysto”, islamarkaana aqoonsiga ah in Israel ay leedahay “waxa uu xadgudub ku yahay xeerka QM iyo qaraarada caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo si wada jir ah u soo saareen Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa,Midowga Yurub,Midowga Afrika,Britain iyo Mareykanka, ayaa ku sheegay in ay ku taageerayaan qorshaha uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ee ku aadan sudigga nabadgeliyada dalka. “Waxaan bogaadinaynaa dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii loo xoojin lahaa horumarka laga sameynayo dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka,waxaana diyaar u nahay in aanu taageerno dadaaladaasi,waxaana indhaha ku haynaa shirka Banka addunka iyo IMF ee ka dhicidoona bisha April ee soo socota magaalada Washington,iyo sidii AMISOM loogala wareegi lahaa mas’uuliyad aamniga gud ee…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaardada Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Ciidamada Taraafikada, Ciidamada Turbataariyada iyo shirkadaha qaabilsan istiikarada iyo taarikada. Shirkan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada ee Garoowe, waxaana kasoo qayb galay Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda iyo Agaasimaha Guuud. kulankaasi intii uu socday ayaa looga wada hadlay dhibaatooyinka hor-taagan in Cashuurta laga qaado gaadiidka ay ku waa jibtay. Madaxdii ka qayb gashay kulan kaasi ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi usoo gudbiyay xog dheeraad ah oo ku aadan dhibaatooyinka hor taagan Cashuuraha Gaadiidka. shirkaasi ayaa qaatay saacado ugu dambayn…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hidaha Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), ayaa kuland deg deg ah isugu yeeray Guddiga sare ee Saxaafadda Puntland, inay isugu yimaadaan xarunta Wasaaradda ee Magaalada Garoowe. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in kulankan oo dhacaya 03-04-2019-ka, uu daaran yahay Is-xogwareysi iyo Dardar-gelinta Shaqooyinka Guddiga sare ee Dowladda Puntland, isagoona ku adkeeyay xubnaha Guddiga inay ilaaliyaan balanqaadka. Guddiga sare ee Dowladda Puntland ayaa ka kooban xubno isugu jira Ururka Saxafiyiinka Puntland ee MAP iyo Dowladda Puntland, waxaana kulankani uu kusoo aadamayaa xilli ay dhaliilo badan u jeedinayso Warbaahinta Degaanada Puntland Xukuumadda cusub, kuwaas…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa ku biiray dagaalka afka ah ee ka dhanka Haweeneyda asalkeeda Soomaaliga yahay ee katirsan Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar. Mike Pence ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga xiriirka dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka, isagoo arintaasna sabab uga dhigay inay dadka Mareykanka ka dhex bilowday isir neceyb iyo kala sooc. Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Israa’iliyiinta Mareykanka ee AIPAC ayaa ku eedeeyay Ilhaan inay wado sidii ay u kala fogeyn laheyd Mareykanka iyo Israa’iil. “Waxey ku…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay Xaafado badan oo katirsan Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka aargada KM4, iyadoo gaariga qarxay uu marayay wadada, waxaana halmar Qiic iyo uuro isku shareertay Cirka Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ku xirnaa gaariga, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qofka saarnaa gaariga qarxay. Daawo. IDIL NEWS

Read More

CEERGAABO (IDIL NEWS)-Waxgaradka iyo Isimada Dhaqanka Gobalka Sanaag ayaa Shirk u yeeshay Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, kaas oo looga hadlayay xalinta Xiisada dagaal eek a taagan Degmada Yubbe ee Gobalkaas, taas oo u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Somaliland. Shirkan oo ay ku sugnaayeen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Bariga iyo Galbeedka Gobalka Sanaag, ayaa hab-beeleed looga heshiiyay Xiisada Dagaal ee Degmada Yubbe, Iyadoona Waxgaradka Bariga Sanaag ay si cad u sheegeen in aysan aqbali Karin in beeli sheeganeysa Dowlad ay kusoo duusho Dhulkeeda. Odayaasha Dhaqanka ee labada dhinac ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in ciidamada Somaliland ee u dhashay…

Read More

YAAQ-DARWAAQO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Yaaq-Baraawe ee gobolka Baay, waxa ay ku toogteen 5 Nin oo ay sheegeen inay Sirdoon u ahaayeen Dowladaha Reer Galbeedka. Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Yaaq Baraawe, waxaana dadka la toogtay ay Magacyadooda ay Shabaab ku kala sheegeen. 1: Aadan Muuday Maxamad 2: Ayuub Xasan Maxamed 3: Maxamed Isxaaq Xasan 4: Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq. Xubno ka tirsan Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Baay oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka lagu fuliyey ay qirteen dambiyada ay…

Read More

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Wafdiga Wasiir Sabriye ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Xubno kamid ah labada Gole ee Maamulka Galmudug. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tegay Dhuusamareeb.. Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay,waxaaana uu bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taagan yihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada,…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Khudbad uu ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si aan horey loogu baran uga hadlay xaalada ammaan ee Soomaaliya iyo fashilada heysta Dowladda uu Hoggaamiyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday in Dowladdu ay ku fashilantay inay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ka xoreyso dalka, isagoona eedeeyn dusha uga tuuray Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo uu ku sheegay Axdi laa-waayaal. Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay in saraakiisha Ciidamadu ay khasbeen in uu been u sheego Shacabka Soomaaliyeed, maadama uu balanqaaday bilo kaddib doorashadiisii in uu al-Shabaab uga xoreynayo dalka 2 sanno Gudahoood. Maxaa…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in uu socdo dadaal la doonayo in uu isku casilo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wasiir ku-xigeen katirsan Xukuumadda Federaalka, ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in maalmihii ugu dambeeyay ay soo wajaheen Ra’iisulwsaraaha culeysyo fara-badan oo uga imaanaya Villa Soomaaliya iyo Baarlamaanka, kuwaas oo u soo bandhigay in uu is-casilo. Ra’iisulwasaare Kheyre oo Habeen hore kulan la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee la garabka ah, oo ay kamid yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ayaa la wadaagay dalabyada horyaala eek u aadan in uu is casilo. Kheyre ayaa xusay in…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inuu tagayaan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Wasiir Sabriye ayaa la filayay in shalay uu gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud, waxaana dib u dhigay soo dhowaynta Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dooneysa in Hoggaanka Galmudug ku qanciso inay ogolaadaan doorasho, kaddib markii ay dhowaan shaaciyeen muddada xilheyntooda uu ka soo bilaabanayo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug. Wasiirka ayaa la kulmi doona madaxweyne Xaaf,…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay leedahay laba cadaw oo kala ah mid uga yimid dibada iyo cadaw Gudaha ah, kuwaas oo ka Shaqeynaya burburinta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in cadawga Dibadda ay adeegsanayaan dad Soomaaliyeed, iyaga oo uga gol leh in Soomaaliya aysan ka dhalan wax dowlad ah,isla markaana Kheyraadkeeda lagu maamulo sida uu hadalka u dhigay. “Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, aduunka oo dhan waxa alla wixii…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa qalinka ku duugay Wareegto uu si rasmi ah Mareykanku ugu aqoonsanayo Buuraleyda Golan Heights dhul ay lee dahay Israel. Madaxweyne Trump ayaa saxiixa Go,aankan Madaxa ugu weyneeyay Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo sheegay in aan dalkiisu marna ka tanaasuli doonin Golan Heights, oo ay Suuriya uga qabsadeen Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda 1967-kii. Saxiixa Wareegtadan ayaa rumaynaysa war uu 21-kii Maarso Twitter-kiisa, kusoo qoray Donald Trump, kaasoo uu ku sheegay in la gaarey xilligii si buuxda Buuraleyda Golan loogu aqoonsan lahaa Israel. Sidoo kale, Aqoonsiga Trump ee Buuraleyda Golan Heights, ayaa loo arkaa in…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Golaha Degaanka Cusub Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa u doortay Saahid Maxamuud Cali Duqa Magaalada Gaalkacyo, kaddib doorasho gelinkii dambe ka dhacday Gaalkacyo. Xilka duqa degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali, waxana codeynayay 31 Xubnood ee Golaha deegaanka. Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne ayaa helay 7 Cod halka Saahid Sayn uu helay 23 cod, hal cod ayaana halaabay, waxaana sidaasi duqa degmada Gaalkacyo loogu doortay in uu noqdo Saahid Maxamuud Cali,waxana codeynta ay aheyd mid qarsoodi ah. Intaas kaddib ayaa loo gudbad Doorashada Duq ku-xigeenka Degmada…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Maxamed C/llaahi Cismaan, ayaa faah-faahin ka bixiyay Kulan dhexmaray Mas’uuliyiin uu horkacayo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada badda ee Isbaheysiga NATO. Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa Sheegay in kulanka oo ka dhacay Dekedda Boosaaso, uu ujeedkiisa ugu weyn ahaa isbarasho iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada NATO ay siiso Dowladda Puntland. Waxaa uu sheegay in NATO oo Puntland ka taageerta ka hor-tagga Dambiyadda Badda ay u balanqaaday Xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland inay xoojinayso taageerada ay siiso ayna si dhow ula shaqeyn doonto. Daawo. IDIL NEWS

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Yaasiin Ibraahim Ciise (Darmaan), iyo Wafti uu Hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wasiir ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Xasan Cali Samatar iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Siciid Axmed Fagaase. Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ka tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, waxaa socdaalkooda Gaalkacyo uu ku aadan yahay ogaanshaha Wax soosaarka dakhliga iyo hab usocodka shaqada. Wasiir ku-xigeenka iyo Waftigiisii oo ay weheliyaan Xisaabiyaha Wasaaradda…

Read More

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa 250 guri oo cusub ku wareejisey dadka ka soo laabtey Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Madaxwayne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere ayaa xariga ka jarey guryahan cusub ee ay Wasaaradu ka hirgalisey duleedka Magaalda Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren. Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xiriira hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland. Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga…

Read More

Al-Shabaab’s stunning attack in the bustling Mecca-Al Mukarama Street, the main artery of Somalia’s capital, Mogadishu, on February 28, carry a crucial and important message to Somalia and the International Community. President Mohamed Abdullahi Farmaajoand Prime Minister Hassan Ali Kheyre have failed to lead Somalia, and the country is heading in the wrong direction. Since Farmaajo and Kheyre came to power in 2017, Al Shabaab has been emboldened by weak and corrupt government and they have increased potency and frequency of deadly attacks. According to senior Somali government officials, despite rhetoric and carefully choreographed media blitzes, Farmaajo and Kheyre have…

Read More