Author: Jibril Qoobey

Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Federalka ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa lagu eegay guud ahaan labadii sanadood ee uu xukunka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8-dii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, isagoo ololihiisii iyo khudbadiisii doorashadiisa ka dibna balan qaaday inuu isbedel weyn sameyn doono. Heritage ayaa sheegtay inay warbixinteeda ku jaan goosay, wixii ay dowladdu sheegtay inay qabaneyso iyo waxa ilaa iyo hadda ka hirgalay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

BRUSSELS (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharo looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay guddiga joogtada ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana ay ku go’aamiyeen xilliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxana xubnaha guddiga joogtada ay go’aamiyeen in 27 bishaan Maarso oo ku beegan Maalinta Arbacada in uu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka. Xildhibaanada Golaha Shacabka oo mudo laba bilood ah fasax ku jiray, ayaa waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan,sidoo kale inay ka hadlaan xiisadaha siyaasadeed…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2019, Abaaraha iyo arrimo kale oo muhiim. Shirka oo ahaa midka caadiga ee Golaha Wasiiradu yeeshay Khamiista, ayaa sigaar ah waxaa diirada loogu saaray arrimaha amniga iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan oo kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo Somaliland ay Ciidamo fara badan geysay. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa ka warbixinaya Shirka. IDIL NEWS

Read More

JARIIBAN (IDIL NEWS)-Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Mudug oo gaaray Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, ayaa saaka kulan la qaatay Waxgaradka Degmada. Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay Qabsoomida Doorashada Golaha Degaanka iyo sidii loo hormarin lahaa Degmada Jariiban ayaa waxaa ka qeyb-galay Isku duwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ee Gobalka Mudug Nadiir Cabdinuur, Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka iyo Masuuliyiin kale. Maamulka Gobalka Mudug iyo Waxgaradka Degmada, ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo in si cadaalad ah ay u dhacdo Doorashada Golaha Degaanka Jariiban. Sidoo kale, Dhinacyada ayaa wada gaaray in la dardar-geliyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Degmada, kuwaas…

Read More

CEELCAD (IDIL NEWS)-Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gaaray Degaanka Ceelcad ee Gobalka Sanaag, kaas oo duleedka bari ka xiga Degmada Yubbe oo ay dhowaan qabsadeen Ciidamo ku sumadeysan Maamulka Somaliland. Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa xalay ka baxay Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, Iyagoona la filayo in Saacadaha nagu soo aadan ay gaaraan Degmada Yubbe. Dadka Degaanka ayaa soo sheegaya inay jiraan Dhaq-dhaqaaqyo ay bilaabeen Ciidamada Somaliland ee dhowaan qabsaday Yubbe, waxaana jirta cabsi soo food-saartay Shacabka oo ku aadan in lagu dul dagaalamo. Ciidamada Somaliland oo kasoo baxay Magaalada Ceergaabo ayaa dhowaan qabsaday Degmada Yubbe, iyagoo sheegay…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaa ka socda Shir Albaabadu u xiran yihiin oo looga hadlayo amniga Gaalkacyo. Shirkan oo ah mid balaaran ayaa waxaa goobjoog ah Wasiir ku-xigeenka Amniga Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Duqa Gaalkacyo, Saraakiil Ciidan iyo Waxgaradka Gobalka Mudug. Shirkan ayaa lagu lafa-gurayaa Xoojinta amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay ka socdo Howlgal balaaran oo loogu magacdaray Caa’isho Maxay galabsatay iyo sidii mowqif looga qaadan lahaa dadka qeybta ka ah ammaan darada Gaalkacyo. Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo inay Magaalada Gaalkacyo ka dhacdo Doorashada Golaha Degaanka…

Read More

BALLI-BUSLE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Balli-busle ee Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysani ay dad shacab ah ku dileen Saddex Ruux oo Xoolo-dhaqato ah Tuulada Xaafoodle ee duleedka Balli-busle. Dadka la dilay oo rag ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay hal qoys ka soojeedeen islamarkaana midkood uu adeer u ahaa 2-da kale. Dadka Degaanka ayaa sheegay in Maleeshiyada dilkan geysatay ay ka yimaadeen dhinac Maamulka Galmudug, Iyagoona xalay saqdii dhexe soo weerar qoyskan oo dhowaan soo degay Degaanka, kana soo hayaamay Degmada Towfiiq ee Dowladda Puntland. Dhinaca kale, Guddoomiyihii degmada Towfiiq ee Gobalka…

Read More

BUULO-MAREER (IDIL NEWS)-Dagaalyahanada katirsan Al-Shabaab ayaa xalay Weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Buula-mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa Dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jugta daryankooda laga maqlayay tuulooyinka ka agdhow Buula-mareer. Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen. Illaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degaanka Buula-Mareer oo hoostaga degmada Kuntu-waarey ee Gobalka Shabeelaha Hoose. IDIL NEWS

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si qoto dheer uga hadlay Shaqo la,aanta baahsan ee heysata Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhalinyarada Degaanada Puntland ku nool. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada ay sabab u tahay in aysan dalka ka jirin Dugsiyo badan oo lagu barto Farsamada gacanta. Sidoo kale, Waxaa uu xusay in isla weyni iyo in aysan diyaar u aheyn qabashada Shaqooyinka qaar ay qeyb ka tahay arrimaha la xariira shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada, Isagoona ku nuux-nuuxsaday in Shaqo dalka ka jirto, taasna ay muujinayso Ajaanib u soo shaqo tagaysa Degaanka Puntland.…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu waddaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Magalada Muqdisho, iyaga oo uga hadli doona ,xilliga uu furmayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka. Guddiga ayaa shaacin doona waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Golaha Shacabka iyo ajandaha looga hadli doono, iyada oo Xildhibaanada mudo laba bilood ah ay fasax ku jiraan,sidoo kale uu dib u dhac ku yimid kulanka oo qorshuhu ahaa in la furo 10kii Bishaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo munaasabada lagu daahfurayo kal-fadhiga 5aad ee golaha…

Read More

Mar wax laga weydiiyey arrinka xagjirnimada ayaa waxay ku jawaabtay: “Ruuxa weerarka gaystay waa muwaadin u dhashay dalka Australia balse taasi micnaheeda ma’aha in dalka New Zealand aysan joogin dad haysta fikirka cunsurinimada”. iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: “Waxay mas’uuliyad naga saarantahay inan dalka ka sifeyno dadka qaba fikradaha noocan ah si aan u helno deegaan ka dhan ah xagjirnimada iyo cunsurinimada nacaybka ku dheehan.” “Balse waxaan caalamka ugu baaqaya inaan si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeesanno fikirkaas.” Ayey ku tiri Ardern. Dhanka kale, waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan in New Zealand ay…

Read More

Wafti uu hogaaminayay Wasiirka Amniga dowlada fadaraalka Maxamed Abuukar Islow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta,abaanduulaha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale,ayaa kulan la yeeshay saraakiisha horkacaysa ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka magaalada Balcad. Wararka,ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiisha ciidamada horkacaysa ay hordhigeen waftigii ka socday dowlada fadaraalka afar qodob oo kala ahaa:- 1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ka maqan 4 bil.2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay iyo4- Markaan ka hadalno waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa. Waftiga uu hogaaminayo Wasiir Ducaale, Wasiir Daahir Geelle iyo Abaanduulaha…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay masharuuca Wabarashadu Waa Iftiin wejigii sadexaad, kaasi oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan Euro. Daahfurka Masharuucani ayaa waxaa qayb ka ahaa Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Pencho Garndo Ruiz, Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, hay’addaha shaqo wadaagta la ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masiiliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay sare u qaadidda waxbarashada Puntland,…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa Sheegaya in Kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka uu hadda ka socda Xalane oo ah Saldhigga ugu weyn ee Beesha Caalamka iyo AMISOM. Kulankaan ayaa waxaa ku sugan inta badan Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM,waxaana looga hadlaaya kasoo bixitaanka Ciidanka dowladda ee degmooyin ka mid ah maamulka Hirshabeelle. Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid deg deg ah , Maadaama meelihii Ciidamada ay kasoo baxeen ay ku hareen Ciidanka AMISOM, Iyadoona wararku ay intaas ku darayaan in kulanka laga…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ciidamada gadoodsan ee saaka soo baneeyay Furimihii dagaalka ee Degaano kamid ah Gobalka Shabeellaha Dhexe. Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada siiyeen Mushaarkoodii, balse Ciidamada ka cabanaya Mushaar la,aanta ay yihiin kuwo Dhowr jeer qaadan jiray Mushaar, laakiin laga hor istaagay. “Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Mushaar ayay wada qaataan, qof seddex mushaar qaadan jiray marka mid lagu soo koobo xanuunka uu dareemayo weyla garaneysaan, xaaraan dambe oo dad qaadanayaan cidey doontaba ha noqotee waa soo dhamaatay mana dhici doonto” Wasiirka…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Dib-u-eegista Xeerka Ururka Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland ee loo soo gaabiyo Al-Gabal, ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirkan oo ah mid balaaran oo soconaya Maalmaha soo socda, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Mas’uuliyiinta 10 Degmo oo katirsan Puntland iyo Xubno ka socda Ururka Dowladaha Hoose ee Holland ee VNG. Axmed Maxamed Yaasiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa Sheegay in mudada uu socdo Shirkan dib u eegis lagu sameynayo Xeerka Ururka oo la sameeyay 5 sanno kahor, Iyadoona wax ka bedel lagu samey doono Dastuurka, maadama ururku uu xiriir…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa wafdi isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka u diray Degaano ay Saldhigteen Ciidamadii gadoodsanaa ee soo faarujiyay Furimaha Dagaalka ee Shabeelaha Dhexe. Xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage. Madaxweyne Farmaajo ayaa wafdigan Wasiirada iyo saraakisha Ciidamada ee uu u diray goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadan, kula balamay si ay wax badan uga ogaadaan cabashadooda la xiriira mushaar la’aanta heysta muddo lix…

Read More

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Iyadoo dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ay ku amartay Jaamacadaha ku yaalla dalka inaysan qaadan karin Arday aan soo marin imtixaanka ay qaado Wasaaradda, ayaa waxaa Go’aankaas kasoo horjeestay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland. Warqad kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Axmed Maxamed Cabdirisaaq ( Handal) ayaa lagu sheegay in Go’aanka dowladda aysan suuragal aheyn, isla markaana ardayda aan lagu xujeen inay galaan laba imtixaan. Sidoo kale, Warqada Wasaaradda waxbarashada jubbaland lagu sheegay in amarkaas kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ay la wadaageen Madaxeynaha Jubbaland, isla markaana uu ku amray in ardayda deegaanada Jubbaland gelin lama imtixaan,waxaana Wasaaradda…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay sugisa amniga dalka. Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu gef aad u weyn u geystay Ciidamada iyo saraaliisha ciidamada qalabka sida, isla markaana uu dayacay, kuna guuldareystay inuu daryeelo ciidamada, xaliyana mushaaraadkoodii iyo raashinka ciidamada. Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayaa sidan u qornaa:- Waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in uu si deg deg ah isag casilo xilka maadaama uu ku fashilmay sugidda…

Read More

BALCAD (IDIL NEWS)-Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milateriga Soomaaliya, kana soo baxay Furimihii dagaalka ee Degaanka Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Warbaahinta kula hadlay duleedka degmada Balcad, Iyagoona faahfaahin ka bixiyay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda. Saraakiisha ciidamadan iyo qaar kamid ah askarta gadoodsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay ugaga soo baxeen xarumahooda ay tahay markii ay waayeen mushaaraadkoodii iyo taakuleyntii kale ee ay ciidamadu ka heli jireen dowlada. Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxaa ay sheegeen inay la hadlayaan oo kaliya Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka. Gadoodkan…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha. Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macadanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha, dhismahan ayaa noqonaya xaruntii ugu horeysey ee laga…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay xukun ku ridday laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo inay ka dambeeyeen  weeraro iyo dilal ka dhacay Magalada Muqdisho. Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar ayaa Maanta Maxkamada Ciidamada waxa ay ku ridday Xukun dil toogasho ah, waxaana Maxkamada ay sheegtay in labaduba ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon Maalintii uu dhacay qarixii Tiyaatarka. Sidoo kale Maxkamada ayaa raggaas ku eedeysay inay soo abaabuleen weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi e e Magalada 9-kii…

Read More

BALCAD (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Sheegaya in cutubyo kamid ah Ciidamada Xoogga dalka ay soo faarujiyeen Fariisimo ay ku lahaayeen Degaano katirsan Degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe. Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay qeybtood gaartay Degmada Balcad, halka kuwo kalana la filayo inay gaaraan Saacadaha soo socda. Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamadan ayaa sheegay inay heysatay bilihii ugu dambeeyay Mushaar la,aan, Iyadoona haatan uu ka go’ay Saadkii dagaalka ee ay kaga hor-tagi lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab ama ay uga difaacan lahaayeen Fariisimahooda. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay yihiin Ciidamada ay…

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa Sheegaya in Ciidamada Boolisku ay xabsiga u taxaabeen Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen Warsame, Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay saaka waabarigii soo qabteen Mr. Cismaan Xuseen, kaas oo dhowaan isaga tagay Xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in Xariga Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Xuseen, ay amartay Maxkamaddu, Iyadoona xarigiisu uu kusoo aadayo xilli muddooyinkii ugu dambeeyay uu baaris ku waday Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland Wasaaradda Warfaafinta. Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News IDIL NEWS

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Guddiga Dayactirka iyo Dhismaha Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa shaaca ka qaaday halka uu marayo dhismaha Isbitaalka oo burbur kasoo gaaray Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay 2016-kii Gaalkacyo. Marwo Caasho Geelle oo kamid ah Hoggaanka Guddiga, ayaa sheegtay in uu meel gabo-gabo ah marayo Dhismaha Isbitaalka oo lagu sameyay Dayactir, Sidoo kalena lagu soo kordhiyay qeyb casri ah. Caasho Geelle, ayaa sheegtay inay lacag ku dhow hal Malyan oo dollar loo qorsheeyay inay ku baxdo Isbitaalka ayna bixiyeen inteedii badneyd oo ay ku deeqeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland, iyadoona xustay inay…

Read More

MUGDISHU (IDIL NEWS)-There is credible evidence that US military airstrikes in Somalia have killed or wounded nearly two dozen civilians, an international human rights group said Tuesday, charging that the Pentagon is not adequately investigating potential casualties. US Africa Command officials immediately disputed the allegations laid out in a report by Amnesty International, and insisted that the military has investigated 18 cases of possible civilian casualties since 2017 and found that none were credible. The seemingly contradictory information underscores the complexities of military operations against the al-Qaida-linked al-Shabaab group in Somalia, involving airstrikes by several allied nations in hostile, remote…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha  Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 18- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Aw-dheegle  oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas uu ku dilay Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee ay soo gaartay in dad rayid ah ay wax kasoo gaareen, balse ay dib u eegis ku sameyn doonaan. Sidoo kale Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dooda ka taagan xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada ee maamulka Galmudug oo hoggaanka maamulkaas ay isku khilaafeen xilligeeda. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in doorashada ay dhaceyso bisha Todobaad ee sanadkan, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo isla qaatay in doorashada noqoto sanadka 2021. “Mowqifka dowladda Feedraalkaa ayaa sheegi karaa, Annaga waxaan rabnaa in doorasho Galmudug ay ka dhacdo waqtiga loogu talagalay oo ah Bisha July ee sanadkan, mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Federaalka waxaa u yaala Galmudug arrinteeda in wada xaliyaan,…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Kooxda Aaran-jaan oo garwadeen ka ah ama gacanta ku haysa Dawladda Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Siciid Cabdulaahi Den ayaa waqti yar gudihii qaadatay qandaraasyo cusub ee oo ay isku naas-nuujinayso. Kooxda Aaran-jaan gaar haan hogaamiyahooda Maxamuud Shido ayaa si gaar ah u qaatay Qandaraasyada kala ah: Cunto siinta hay’adda dawladda, shirarka iyo siminaarada 2- Tigid jarista shaqaalaha dawladda marka ay dhoofayaan gudaha wadanka iyo dibadiisa Cunto siinta hay’adda dawladda; Shirkii Jiheynta Xukuumadda cusub ee Puntland ee sadexda cisho dhawaan ka socday Garoowe, ayaa waxaa qaatay shirkad uu leeyahay Maxamuud Shido oo la yiraahdo HRM. Qandaraaska…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjire Maxamed Nuur Caalim, oo falanqeeya Arrimaha Siyaasadda Geeska Africa iyo Caalamka, ayaa shaaca ka qaaday sirihii ku duugnaa Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Danjire Caalim ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlay safarkii Madaxweyne Geelle ee Muqdisho, ayaa sheegay in safarkaasi ay ku duugnaayeen siro siyaasadeed oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya iyo Dabeylaha Siyaasadeed eek a socda Gobalka Geeska Africa uuna Hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy ahmed. Waxaa uu sheegay in safarkan oo ahaa mid muhiimadiisa leh ay hareeyeen Carqaladaha Siyaasadeed eek a jira Soomaaliya gaar ahaan kala fogaanshaha ka dhex jira Hoggaamiyaasha…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah CAASH Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe. Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe, waxaa goob joog ahaa dhammaan Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyda, Madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland. Agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo hadal ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta ah ayaa ugu horayn u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu sheegay inay wanaagsan ula shaqeeyeen, waxaa kale oo uu ka warbixiyey shaqooyinka baaxaddale ee uu qabtay intii uu xafiiska joogay. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Madaxwaynaha waxaa Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee hormuud ka u yaahay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi. kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo madaxda Wasaaradda ayaa looga wada hadlay wax yaabo badan oo ku aadan Horumarka dalk. shirkaasi markii uu soo afmeermay ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay kulanka ay wada qaateen Madaxwaynaha. Wasiirka ayaa yiri “Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaallo ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo u dhexeeya dad walaalo ah oo deegaan wada daga. Wasaaraddu waxay mas’uuliyiinta Hirshabelle, Galmudug iyo waxgaradka deegaanka ugu baaqday inay si dhab ah ugu istaagaan daminta colaaddaas, waxaana ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay colaadaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay kaalin wayn ka qaadanayso dib u heshiisiinta bulshada oo ka mid ah hawlaha ay u xilsaarantahay. IDIL NEWS

Read More

DOXA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa wada hadalo ku leh qasriga Madaxtooyada, Iyagoona Wada hadalada labada dhinac ay diiradda ku saaraya xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa bilaawday howlgal lagu bur burinayo Dhismayaasha sida khaldan looga sameeyay Waddooyinka waa weyn ee Caasimadda, oo ay kamid yihiin Kadhadaha loo yaqaano Askari jiifa ee laga dhex dhiso Wadada. Howlgalkan lagu burburinayo dhismooyinka khaldan iyo Hakiyayaasha Gaadiidka ah ee laga sameeyay Waddooyinka, ayaa laga sameeyay Xaafada Wadajir ee Magaalada Garoowe, Iyadoona Dowladda Hoose ee Caasimaddu ay sheegtay inay sharci-darro ahaayeen. Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Garoowe Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in dowladda Hoose furi-doonto meel kasta oo si sharci darro ah loo xirtay, isla markaana dadwaynaha ugu…

Read More

BARIIRE (IDIL NEWS)-Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa shalay gantaalo ku dhuftay gaari noociisa lagu sheegay Saaruf, kaas oo kasoo baxay xarunta Maxkamadda Kooxda Al-Shabaab ay ku lee dahay Degaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Dadka la duqeeyay ay ahaayeen Shacab, kuwaas oo markoodii hore kayimid degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Maxkamadda Al-Shabaab ay ku amartay inay yimaadaan Degaanka Bariire, sida ay sheegeen Eheladoodu. Gaariga la duqeeyay ayaa waxaa saarnaa 3 qof, waxaana la sheegay in laba kamid ah ay dhinteen duqeynta, halka midka kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah,…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntuland, kaddib socdaal dheer oo uu ku tagay Dalka Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho. Guddoomiye Dhooba-daareed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid shaqo oo uu ugu adeegayay Shacabka Puntland, isagoona sheegay inuu shirar uga qeyb-galay dalka Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu faah-faah dheeraad ah ka bixiyo waxyaabihii ay ku saabsanaayeen shirarkii uu uga qeyb-galay Jabuuti iyo Muqdisho, balse waxaa uu xusay inay ahaayeen kuwo uu ugu adeegayo Shacabka. Daawo.…

Read More

BUUSAAR (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Buusaar ee Gobalka Gedo, ayaa sheegaya in dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ay saaka la wareegeen Degaankaas. La wareegitaanka dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ee Degaanka Buusaar, ayaa timid kaddib markii degaankaas ay aroortii hore ee saaka Ciidamada Dowladda Kenya oo fariisimo ku lahaa degaankaas. Dadka degaanka ayaa sheegay in daqiiqado kaddib bixitaankii Ciidamada Kenya, ay Shabaabku qabsadeen degaanka, iyagoona haatan isku fidiyay gudaha degaanka. Ciidamada Kenya ayaa sidan oo kale dhowaan baneeyay degaanka Faxfax-dhuun oo hoos-tagga degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyagoon ku war-gelin maamulka degaanka iyo kan gobalka Gedo, waxaana haatan cabsi soo foodsaartay Shacabka…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif ku cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degaanada Xeraale iyo Cadalle ee Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof. “Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Hey’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa warbixin cusub oo ay soo sartay waxaa ay ku sheegtay in ay Dad shacab ah ay ku dhintaan duqaymaha Mareeykanku uu Soomaaliya ka geeysto. Hey’addu Amnesty International ayaa sheegtay in dagaalka qarsoon ee Mareykanku uu ka wado Soomaaliya muujinayo in 14 shacab ah ay ku dhinteen, tiro intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen Shan duqaymood oo diyaaraha aan duuliyaha lahayn ay ka geeysteen Gobolka Shabeelaha Hoose qaybaha ay maamulaan Al-shabaab. “Dowladda Mareykanku waa in ay sameeysaa baritaan dhex-dhexad ah oo ay cadeeyn la aamini karo u keentaa duqaymaheeda sii…

Read More

BAGHDAD (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa shaaciyey in ciidamada Turkiga iyo Iran ay Isniintii shalay weerar wadajir ah ku qaadeen xarumaha xoogaga Kurdida ee loo yaqaan PKK oo ku sugan xaduuda u dhaxeysa labadaasi dal. Suleyman Soylu Wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga wax faah faahin ah kama bixin hawlgalkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey oo ay si wadajir ah u sameeyaan labadaasi dal ee jaarka ah. Xoogaga Kurdida ee ku sugan xaduuda u dhaxeysa dalalka Turkiga, Ciraaq, Siiriya iyo Iran ayaa u dagaalamaya wadan u gaar ah Kurdida. Tan iyo markii uu burburay wadahadalkii u dhaxeeyey dowlada Turkiga iyo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aanta heysata mudada 4-ta bil ah, kuwaasoo soo baneeyay deegaano ay difaacyo uga jireen. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada iyo Hay’adaha Amaanka, ayaa ka sheegay Ciidanka ay mushaaraadka ka maqan tahay iney yihiin kuwo aan wali la diiwaangelin. “Maalmahaan horta waxaa la lahaa Ciidamo ayaa mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xaququdiisa la siin majirto, Inta ay ka maqan tahayna waa inta…

Read More

BALCAD (IDIL NEWS)-Dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo xalay dagaal ku qabsaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa isaga baxay Degmadaas xalay saqdii dhexe, Iyadoona ay dib qabsadeen Ciidamada Dowladda. Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay muddo shan saac ku sugnaayeen gudaha degmada, iyagoo la wareegay saldhigga Booliska iyo xarunta Maamulka Degmada. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dib ugu soo gurteen dhanka Buundada, gaar ahaan Warshadda Dharka Balcad oo ay meel ku dhow saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay saaka caadi tahay, iyadoo xalay u aheyd habeen cabsi iyo walwal ah oo saacado…

Read More

DEG DEG Alshabaab oo Caawa la wareegay degmadda Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen,isla markaana uu dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay inta badan la wareegeen degmada,isla markaana ciidamada Dowladda isaga baxeen,waxana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay), ayaa maanta u amba baxay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad uu ka helay Madaxda saree e dalkaas. Wasiir Gabilay ayaa sheegay in inta uu ku sugan yahay Magaalada Roma uu kalamo la yeelan doono Madaxda sare ee Dalka Talyaaniga, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan Xoojinta Xiriirka Talyaaniga iyo Puntland iyo dhameystirka Mashaariic hormarineed ee talyaanigu ka fuliyay Degaanada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Dowladda Puntland, ayaa xusay inay Dowladda Talyaaniga si gaar ah uga wada-hadlayaan dhameystirka Wajiga labaad ee Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobalka Mudug, Isagoona warbixin ka dhageystay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cismaan Xasan Cuuke. Wasiirka ku-xigeenka amniga Dowladda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in kormeerka ay ku sameeyeen Taliska Booliska uu qeyb ka yahay koormeer ay ku marayaan Degmooyinka Gobalka Mudug. Wasiirka ayaa sheegay inay dadaal ku bixinayso Xukuumadda cusub daboolida baahiyaha ay qabaan Laamaha ammaanka Dowladda Puntland, si looga takhaluso kooxaha geysta falalka ammaan-darro. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si…

Read More

DOXA (IDIL NEWS)-Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, badbaadada iyo horumarinta Cuntada, dar dargelinta heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo sidii dalka Qatar loogu Dhoofin laha qaar kamida dalagyada kasoo baxa dalkeena Soomaaliya. Kulanka dhexmaray…

Read More

Xogta laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines ayaa muujinaya in ay jiraan isu ekaansho shilkan iyo kii ka horeeyay ee ka dhacay dalka Indonosia, taas oo ka dhigan in ay diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay tahay mid ciladaysan markeedii horeba. Wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa hadalkan laga soo xigtay, balse waxa ay intaas ku dartay in baaritaano dheeraad ah loo baahan doono. Itoobiya ayaa sanaadiiqda madmadoow u dirtay dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku taalo xarun lagu baari shilalka diyaaradaha oo aad casri u ah. Wasiirka Dagmawit Moges ayaa sheegtay in warbixinta koowaad ee rasmiga ah…

Read More

Waxaa isoodiray Madaxwaynahayga Si,aan Uga Wardoono Waxa Ka Socda Iyo Xaalada Somaliland”sidaa waxaa yiri Wasiirka arimaha dibada ee dalka Eretereya oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Hargaysa saakay. Wasiirku waxuu kaloo sheegay in ay Eretereya ku jirtay xaalada qalafsan 20-kii sano ee lasoo dhaafay,taasoo ku keentay in ay go’doon ka noqdaan fagaaryaasha caalamka. Booqashada Waftiga Eretereya ee Hargaysa lama oga haday Dowlada Fadaraalka Somaliya ka warhaysay. Somaliland ayaa ku faraxsan booqashadan iyo kuwa ka horeeyay oo ay ku gaareen Hargaysa Diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo. Inkastoo Eretereya aysan wax badan ku kordhinayan xaalka Hargaysa hadana ugu yaraan waa Jamhuuriyda haysata aqoonsi…

Read More

Gudoomiye Maxamed Saleebaan Diiriye mudo yar,ayuu ku muujiyay waxqabad,waxuuna markan hirgaliyay markii ugu horaysay oo ay Bursaalax yeelato Wado laami ah oo dhexmarta Magaalada. Wadadan oo ay dhisayso shirkada Kibarko,ayaa dhererkeedu dhan yahay 2-km,waxaana ku baxaya dhaqaale gaaraya 360.000 oo dolar oo ay bixinayso Dowlada Hoose iyo bulshada Degmada Bursaalax.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

UTRECHT (IDIL NEWS)-Nin hubeysan ayaa waxa uu rasaas ku furay dad ku sugan Goob laga raaco tareenada oo ku taalla Magalada Utrecht ee dalka Holand, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro kala duwan. Warbaahinada Caalamka ayaa waxa ay tebinayaan in Ninkaasi rasaasta uu ku furay dadka ku sugnaa Goobta tareenada laga raaco inay dad farabadan u geysatay dhaawacyo qaarkood halis ah. Saraakiil boolis ayaa waxa ay sheegeen in Ninka uu dadka isugu daray qeylo iyo rasaas taas oo dadka aragagax gelisay, waxaana Ciidamadu ay gebi ahaan xireen Goobta ay wax ka dhaceen. Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la geeyey…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in todobaadka ugu horeeya ee Bisha Apriil ay  baaqan doonaan duulimaadyadii Diyaaradaha Shirkadaas ay ku imaanjireen Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay  Shirkadda ayaa lagu sheegay in sababa la xiriira ka guurista Garoonka Ataturk Airport oo looga wada guurayo garoonka cusub New Istanbul Airport, isla markaana Shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay inay dul qaataan. Maalmaha ay duulimaadyada baaqan doonaan ee Bisha Apriil ayaa shirkadda waxa ay ku sheegtay. 06 April 2019 07 April 2019 08 April 2019 09 April 2019 11 April 2019 13 April 2019 Dad badan oo Soomaaliyeed…

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Somaliland ayaa war ka soo saartay socdaal uu maanta Hargeysa ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed, iyadoo safarka wafdiga Eritrea ka socday uu ahaa kii u horeeyay ee Somaliland ku tagaan. Kulan albaabada u xirnaa ayaa Madaxtooyada Ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, iyagoo ka wada hadlay arrimaha iskaashiga, xiriirka iyo nabadda Geeska Afrika. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa suxufiyiinta u sheegay in wafdiga uu qeyb ka ahaa La taliyaha madaxweynaha Eritrea, iyadoo la isku afgartay qodobadii ay ka wada hadleen labada dhinac. Daawo. IDIL…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Maxkamada Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa Maanta laashay Xukun dil ah oo Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Gobalka Nugaal ay horey ugu riday 5 Eedeeysane oo kufsi wadareed ka geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa 5 Nin ee horey ay Maxkamadda darajada koowaad ugu Xukuntay dil togasha ah, ku xukuntay Xabsi iyo Lacag Ganaax ah, Iyadoona u cuskatay in aysan dilin Gabadhii ay kufsadeen ee dhibanaha ah. Maxkamadda ayaa 3 kamid ah Eedeeysanayaasha oo lagu kala Magacaabo “Cabdirisaaq Cali Cabdi, Ugaas Mirre barre iyo Cismaan Maxamed Cadulahi”, waxay ku xukuntay 20 sano oo Xariga,…

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland. Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saakay un ka war heshay warbaahinta maxaliga. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal. Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxeynaha Eritrea uu soo diray si ay u ogaadaan waxaa ka socda Somaliland. Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo…

Read More