GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa magaca ka Bedelay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Puntland. IDIL NEWS
Author: Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa ku sugan garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho. Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu wadaa in maanta marka salaadda Janaasada lagu tukado kadib lagu aaso qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Idil NewsWararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay. Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay. Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur. Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland, ahana Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Maarso, 10, 2019 daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyada iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaanada Puntland. Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayay guddiga abaaraha oo ka kooban Wasiirada wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Arimaha Gudadaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Tamarta Biyaha iyo Macdanta iyo Hay’adda HADMA, waxaa sidoo kale goob joog ahaa shirka masuuliyiin ka socday hay’addaha caalamiga ah. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed…
An Ethiopian Airlines Boeing 737 MAX has been involved in a fatal crash whilst operating ET302 from Addis Ababa. The Office of the Ethiopian Prime Minister released a statement not long ago with the following message: “The Office of the PM, on behalf of the government and people of Ethiopia, would like to express its deepest condolences to the families of those that have lost their loved ones on Ethiopian Airlines Boeing 737 on regular scheduled flight to Nairobi, Kenya this morning.” The aircraft involved is a four month old Boeing 737 MAX 8 registered ET-AVJ, which vanished from radar…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa ku hanjabay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya uu la bixi doono, haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u soo jeediyaan in la dhimo tirada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya. Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in asaga oo shakhsi ah uu ku wargeliyay Golaha Ammaanka in haddii Goluhu uu amar ku bixiyo in la dhimo Ciidamada Uganda uu la bixi doono 6,400 Askari ee hadda jooga Soomaaliya. “Waxa ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka in la dhimo tirada Ciidamadeenna,laakin waxa aan u sheegnay in dhimayo,balse aan soo saareynin ilaa aan dhammaantood aan soo…
Marka Umad La Gumaynayo Heerar Kala Duwan & Marxaladdo Midba Mid Ka Hooseyso Kana Liidato Ayaa Maalinba Mid Loola Soo Gole-fadhiista. Rahma Mohamoud Haybe Xadhiga Ay Bilooyinka Xidhan Tahay Waa Weerarkii Ugu Dambeeyey Ee Lagu Soo Qaado Qoomiyadnimadeena, Sharafkeena & Cisigeegeenaba. Xadhiga Marwo Rahma Waa Tijaabadii Ugu Dambeysay Ee Lagu Ee Lagu Cabiranayey Halka Qabkeeni & Qiyamkeenii Soomaalinimo Lagu Xabaalay. Xadhiga Inanteenu Shisheeyaha Hoga Madaw Ugu Xidhan Tahay Ma Xaq Baa Mise Waa Xaq-darro ? Rahmi Inaga “Umadda Soomaaliyeed” Hadey Dambi Gashay Maxaynu Degaankeena & Maxkamadaheena Ugu Xukumi Weynay ? Waaba Haddii Ay Dembi Inaga Gashay. Xadhiga Rahma In Badan…
KISMAAYO (IDIL NEWS)- Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo Maanta ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, kal-fadhiga 4-aad kulankiisa 67-aad ayaa ansixiyey xeer muhiim. Kulanka ayaa waxaa xaadiray 43 Mudane,waxana kulanka uu shir guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland ay Xildhibaanada dood dheer ka yeesheen Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland. Dood dheer kadib Xildhibaanada ayaa waxa ay ansixiyeen xeerka Biyaha Jubbaland, sida uu fadhiga ka sheegay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed. Sawirro. IDIL NEWS
TUNIS (IDIL NEWS)-Wasiirka Caafimaadka Tunisia Abderraouf Cherif, ayaa is casilay kadib markii ay ku dhinteen 11 caruur ah cisbitaal ku yaala Magaalada Caasimadda ah Tunis, sida ay sheegayaan wararku. Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Tunisia ayaa xaqiijisay Geerida 11 Carruurta ah, oo dhintay intii u dhaxaysay 7-8 Maarso. Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed, oo kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, ayaa sheegay in baaritaan lagu bilaabay hannaanka daaweynta caafimaadka, daawooyinka iyo nadaafada jirka ee Carruurta geeryootay. Mudane Cherif iscasilaadiisa ayaa imaanaysa afar bilood kadib markii uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed. Dadweynaha Tunisia oo ugu hadlaya geerida Carruurta…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Diyaarad ay lee dahay Shirkadda Ethiopian Airlins, oo nooceedu ahaa Boeing 737 kana duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey. Diyaaradan oo ay saarnaayeen Rakaab gaaraya 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaarada ah, kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ayaa gabi ahaanba burburtay, Iyadoona Dadkii saarnaa la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen. Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Re’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha, oo ku hadlaya magaca…
DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay gaareen Magalada Abu Dubai ee waddanka isutaga Imaaraadka Carabta,iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo ay ka mid yihiin, iskaashiga labada dhinac, Dhaqaalaha, iyo dhismaha Dekadda Berbera oo Saldhig Millateri Imaaraadka uu ka sameysanayo. Waa markii labaad oo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu safar ku tago waddanka Imaaraadka Carabta,waxaana tani ay bilaaw u tahay xiriirka cusub ee…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland. Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta wada shaqaynta wasaaradaha Jubaland iyo wasaaradaha federaalka si loo fududeeyo loona daadejiyo howlaha dawladda ee lagu dhaqan geliyo halbeegyada tubaha qaranka. Shirka ay yeesheen xoghaye Axmed Nuur iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka Jubaland ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyay isku tashiga, qorshaynta iyo curinta howlaha danta qaranku ku jirto ee loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed iyo in laga fogaado in lagu dhaqmo qorshooyin aan ka tarjumayn…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda saaka Qaban-qaabada aas Qaran oo loo sameynayo marxuum C/maan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowlada Federalka, kaas oo lagu waddo in maanta la keeno Meykooda. Allaha u naxarisitee C/maan Xoosh ayaa ku geeriyooday Jimcihii Magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana loo sameyn doonaa aas qaran oo ay ka qeybgali doonaan inta badan madaxda dalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo dad badana ay isu diyaarinayaan inay ka qeybgalaan aaska Marxuumka. Guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u duulay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii uu marti qaad ka helay Madaxda ugu sareysa dalkaas. Madaxweyne Biixi ayaa safarkiisa oo ah kii labaad oo uu ku tagayo Imaaraadka waxaa ku wehliya qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Waxaana Magaalada Hargeysa ka qaaday diyaarad khaas ah oo ay u soo dirtay dolwadda Imaaraadka. Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in Madaxda Imaaraadka carabta ay ka wada hadlaan dhameystirka arrimaha ku saabsan heshiiska DP World. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo horay loogu…
GAROOWE (IDIL NEWS)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay kusoo wareejiso Puntland qoondadii ay ku lahaayeen tirada Xujeyda ee sanadkan soo gudaneysa Waajibaadka Xajka. Wasiir Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in 11,500 oo qof ay sanadkan Soomaaliya ka xajinayaan, iyadoo geed fadhi ay dowladda uga yihiin soo gudbinta Saamiga ay Dowladda Puntland ku leedahay dadkaasi. Dhanka kale, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland ayaa sheegay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay oo ku aadan Xajka sanadkan, isagoo xusay inay ku…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan layeeshay Xubno katirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland. Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada Garoowe waxaana shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire waxana ka soo qayb galay Wasiirada hogaamiya Wasaaradaha ay ka mid yihiin,Kaluumaysiga,Qorshaynta,Ganacsiga,Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Hawlaha Guud. Shirkan ayaa looga hadlay wadashaqaynta Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale kuna aadan sooxeraynta dakhliga dhex mara Wasaaradahaasi. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirkaasi ka qayb gashay usoo bandhigay qoraalo kala duwan oo ku aadan dhanka dakhliga iyo wada shaqaynta. Dhinaca kale Wasiiradii kulan kaasi ka qayb galay ayaa soo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe. Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in saacadaha soo socda xilka laga qaadayo Agaasimaha Maamulka Maaliyadda Madaxtooyada Puntland Cabdnasir Maxamuud Gurey. Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyaddu ay Saacadaha soo socda baahinayso Waraaq lagu cadeynayo xil ka qaadista Mr. C/naasir Guure, taas oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Madaxweyne Deni,ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xilalka ka qaadayay Saraakiisha Madaxtooyadda ee aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo la sheego in xiligii olalaha ay taageero u muujiyeen Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa Musharaxii…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil la keeni doono maalinta berri ah islamarkaana isla beri la aasi doono. Qabanqaabada Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka socoto magaalada Muqdisho. Aaska Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda qaranka iyadoo uu baajiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo. Guddiga loo xil…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Magaalada Boosaaso ay qeyb ka yihiin Haween hubeysan. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayo Maalinta Haweenka Adduunka oo ka socota Garoowe, ayaa sheegay in haweenku haatan ay qeyb ka noqdeen ammaan darada Dalka. Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la helo Haween qeyb ka noqda Ciidamada amniga Dowladda Puntland, si loo xoojiyo amniga, isagoona ugu baaqay Haweenka in aysan ku Mashquulin xilalka Siyaasadda oo kaliya. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Ku Qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Maalmahaan Booqasho Ku Joogay Magaalada Mudisho. Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Burhaan ayaa iska xog-wareystay xaalada guud ee dalka iyo sidii dhaqanku ay u sii laba jibaari lahaayeen ka qeyb ahaanshahooda ee xoojinta xiriirka ka dhexeeya Bulshada Soomaaliyeed. Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho, ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Qaranka iyo Isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho. Boqor Burhaan ayaa Magaalada Muqdisho ka wada olale ku aadan shirweyne ay isigu imaanayaan Isimada dhaqanka…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Qoraal ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Dalka Itoobiya Dr Abiye Axmed ayaa loogu hambalyeeyey Wasiira arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu Negewo,kaasi oo loo magacaabay agaasimaha guud ee xafiiska QM ay ku leedahay magaalada Nairobi. Xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters ayaa Workeneh Gebeyehu Negewo u magacaabay in xafiiska Jimciyadad Qurumaha ka dhexeysa ee Nairobi agaasime guud ka noqdo. Raiisul Wasaare Dr Abiye AXmed ayaa sheegay in Workeneh Gebeyehu Negewo uu yahay shaqsi qibrad iyo waayo aragnimo badan leh,islamarkaana uu ka soo bixikaro shaqada loo dhiibay. Workeneh Gebeyehu Negewo ayaa mudo 20 sano ah xilal kala duwan…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Museveni, ayaa Mar kale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, xilli dhawaan lagu xasuusto in uu weerar ku qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay meel aysan ka jirin dowlad. Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in dadka dhaqanka xun oo Askarta ay qeyb ka yihiin ay u musaafirin doonaan Soomaaliya, halkaasoo uu sheegay in looga dhaqmo sidda ay rabaan. “Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin,…
TORONTO (IDIL NEWS)-Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa beeniyay warar ay isla dhex-marayay muddooyinkii u dambeeyay Warbaahinta Canada, kuwaas oo la xiriira inuu is casilaad sameynayo. Axmed Xuseen, Wasiirka Socdaalka Canada oo warbaahinta kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa sheegay inuu si buuxda ugu Kalsoonyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau. Wasiir Axmed ayaa tilmaamay inuu shaqada sii heynayo uuna aaminsan yahay in Justin Trudeau uu sii wado maamulka dalkiisa, xili uu wajahayo fadeexad dhinaca Siyaasada ah, taasoo Xisbi ahaan u heysata. “In la sameeyo iscasilaad waxba soo kordhin meyso, ma doonayo inaan ka tago shaqadeyda waayo kalsooni…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay Safar lagu waday in uu ku taggo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay in Maanta lagu waddo in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Wafdi Wasiiro ah oo loo xil saaray Aaska Wasiirka ayaa ku howlan diyaargarowga soo qaadida meydka Wasiirka, oo maanta lagu Aasi doono Muqdisho. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay u tagay wafdi ballaaran oo horudhac u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. IDIL NEWS
Waxaa xilkii wasiirka arimaha dibada ka tagay Dr. Workineh Gebeyow oo in muda ah xilkan soo hayay. Dr. Workineh oo kasoojeeda Qoomiyada Oromada islamarkaana ka mida Dadka ugu wakhtiga dheer dhanka siyaasada itoobiya,ayaa hada ka tagay xilkii uu hayay. Dhanka kale Dr. Workineh Gebeyow,ayaa loo magacaabay Kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay. Arintan ayaa imanaysa xili hal maalin ka hor uun uu soo baxay war sheegaya in Dr. Workineh Uu isu diyaarinayo qabashada xilka Raisul wasaaraha oo uu rabo inuu Abiy Ahmed Garbiyo. Wararka ayaa intaa ku daraya in talaabada hada ee xilka tagista Dr. Workineh Ay sii xoojinayso shakigii…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha unaxariistee Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha JFS Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka XFS marxuum, C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Sidoo kale ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha uxariistee Wasiirkii Dastuurka XFS. Sidoo kale Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa dhamaantood tacsi ka diray Geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka. Wasiirkii Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Marxuum Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo Saacado kahor lagu dilay Masjid ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntaln Madaxweyne Deni ayaa ku amray laamaha ammaanka Dowladda Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabtaan ninkii ka dambeeyay dilkii loo geystay Suldaan Bashiir Muuse Kowte, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga adkaado Argagixisada. Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. IDIL NEWS
DUBIA (IDIL NEWS)-Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Xoosh Jibriil, ayaa goor-dhaweyd ku geeryooday Magaalada Dubia ee dalka imaaraadka carabta. Wararka ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu maalmihii ugu dambeeyay ugu sugnaa dalka Imaaraadka carabta daaweynta xanuun hayay, kaas oo ugu dambeeyntii uu u geeryooday. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dubai, halkaasoo uga qeyb galayay arooska gabadhiisa. “Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii,…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa sheegay in goor-dhweyd masaajid ku yaalla Magaaladaas lagu dhex dilay mid kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland. Isimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan Bashiir Muuse Kowte, kaas oo kamid ahaa isimada sida weyn looga yaqaano Degaanada Puntland. Dilka Suldan Bashiir ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay Nin ku hubeysan Bistoolad, kaas oo ku dhex toogtay Suldaanka Gudaha Masjidka Mubaarak ee Xaafada laanta Hawada ee Magaalada Boosaaso. Wararka ayaa sheegay in Rasaastii lagu furay Suldaanka uu markii hore kasoo gaaray dhaawac culus, ugu dambeyntiina…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafti horu-dhac ah oo isigu jira Ilaalada Ra’iisulwasaaraha iyo saraakiil katirsan Xafiiskiisa ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo, si ay gogal xaar ugu noqdaan Mr. Kheyre. Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray Waddooyinka Magaalada soo gala, halka Ciidamo si weyn u hubeysana ay gaaf wareegayaan Xaafadaha Kismaayo. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa markii uu gaaro Magaalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu…
AF-URUR (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus ka sameeyay deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari. Ciidamada PSF-ta ayaa howladooda oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga si gaar ah uga fuliyay degaanka af-urur iyo degaanada ku dhow. Howlgalka kadib ayaa saraakiisha ciidamada PSF waxa ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur, waxana ay uga hadleen sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari. Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka inta uu socday, hayeeshee uu ahaa mid ka…
“Kenya sida ogtahay iyadoo xiriirkii goysay, muddo badan bad aan leenahay sheeganeysay oo dowladda Soomaaliyeed handadeyso ayaa waxaa dhacay filan waa in Madaxweynihii oo gacanta la haayo laga dejiyo Nairobi, iyadoo aan xiriirkii la soo celin, isla markaana aheyd heer Wasiiro inuu ku bilowdo wada hadalada oo si hoose loo hadlo, in Madaxweynihii oo astaantii qaranka inuu bilaabo waa wax aan habooneyn”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo wareysi siiyay Warbaahinta Mustaqbal”hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
NEW YORK (IDIL NEWS)-Ergada dowlada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa qoraal ashtako oo ay ku beeninayaan sheegashada dowlada Kenya ee ah inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada dowladood ku muransan yihiin u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay. Qoraalkan ay ergada gudbisay ayaa ku taariiqeysnayd 5ta bishan March 2019 oo ku beegneyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Kenya. “Dowlada Soomaaliya marnaba ma iibgeyn mana xaraashin dhul badeed aysan lahayn waxayna dowlada Soomaaliya sugeysaa natiijada ka soo baxda dacwada hortaal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ taasoo la rajeynayo in ay go’aan ka…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Maxkamada Racfaanka ee Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa xukuntay in xabsiga laga sii daayo carruur darbijiif ah oo hore loogu xukumay xarig. Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa hore ugu xukuntay min lix bilood oo xarig ah carruurtan oo laga soo ururiyay wadooyinka magaalada Hargeysa, balse garabka dhallinyarada xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo ayaa u qabtay qareen carruutan si uu ugu doodo . Qareenka u Doodayay Carruurtan oo lagu Magacaabo Mubaarik Cabdi Ismaaciil, ayaa saxaafada u sheegay in carruurtan aan lagu helin wax dambi ah. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii dad ka badan ay ku dhinteen ee 22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo weeraro dhowr ah oo ka dhacay Magalada Muqdisho. Ragga qaraxyadaasi loo heysto ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadam,waxaana Maxkamada Ciidamada ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa saaka oo ay taariikhdu tahay 7-3-2019 waxaa si toos ah uga bilaabatay dejinta Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/19 ee fasallaada sideedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo Afaraad ee Dugsida Sare, kaasoo ay gacanta ku hayso Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland. Macallimiin laga soo kala xulay guud ahaan deegaanada Puntaland oo khibrad u leh habka imtixaanaadka loo dejiyo ayaa kulankoodii ugu horreeyay loogu qabtay Hoolka Imtixaanaadka ee Wasaaradda kaasoo ay hadallo kookooban u jeediyeen Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Axmed Warsame (Axmed Zaahid), Khabiir ka socda Hay’adda…
TUNIS (IDIL NEWS)-Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kawar bixiyay Shirka wasiirada cadaaladda iyo arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada tuunis ee Dalkaasi Tunisia kaas oo Soomaaliya uu uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Cadaaladda. Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah amniga iyo cadaaladda dalalka Carabta, islamarkaana Soomaaliya uu sigaar ah muhiim ugu ahaa,iyadoo qodobadii lagu soo qaaday shirkaa la islagartay in lagawada shaqeeyo oo dalalku iska kaashadaan arrimaasi. Mr Xasan ayaa sheegay kulamo la qaatay qaarka mid ah wasiiradii ka qaybgalay shirka islamarkaana uu kala…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadd dawladda Puntland oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada amni ee Degaanada Puntland, Cadaalada, Dhismaha Golaha Degaanka Gaalkacyo iyo tayaynta Waxbarashada Degaanada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku amaanay Golaha Garsoorka Puntland sida ay uga howlgaleen kufsiyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Degaanada Puntland, gaar ahaan xukunkii lagu riday eedeeysanayaashii 5 ahaa ee geystay kufsi wadareedka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey qodobada looga hadlay shirka. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Qatar ayaa dhowaan ugu deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya 20 Milyan oo dollar, kaddib booqasho uu ku tagay Qatar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo casuumaad ka helay Amiirka dalkaas. 20 Milyan ee ay ugu deeqday Dowladda Qatar Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Qatar ay ku kabayso Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka, Iyadoona lagu soo wareejiyay Dowladda Soomaaliya. Maxaad kala socotaa Qorshaha lacagtan ee Dowladda Federaalka ? Waftiga Madaxweyne Farmaajo ee tagay Qatar ayaa waxaa uga horeeyay Magaalada Doxa ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, kaas oo sida la aaminsan yahay ubuc…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland, ayaa sheegaya in uu ku wajahan yahay Magaaladaas Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wafdi hor-dhac ah oo ka socda Xafiiska Ra’iisulwasaare kheyre iyo Ilaaladiisa, ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo si ay gogal xaar ugu noqdaan safarka Ra’iisulwasaaraha. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu Magaalada Kismaayo u tagi doono wada-hadal iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo ku kala irdoobay khilaafkii mudada soo jiitamayay ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Wararka ayaa sheegaya…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo ka dhacay goor-dhaweyd agagaarka Taalada Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako, waxaana uu sababay khasaare isigu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka Degaanka ayaa sheegay in gaarigan laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu markii hore ka yimid dhanka Koontaroolka Wadada Godka Jilacow. Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ku dhaawacantay, waa qaraxii labaad oo todobaad gudihiis ka…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu goor-dhoweyd ka dhacay Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan. Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Muqdisho, waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka Taalada Xaawo Taako. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako. Qiic iyo uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ku…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha federaaliga laga doonayo in ay ka shaqeysiiyaan barahooda internetka, isla markaana ay adeegsadaan emailo laga sameeyay xafiisyada ay maamulaan oo leh astaanta .gov.so ee u gaarka ah isticmaalka hay’addaha dowlada ee federaalka ah. Wasiir Cabdi Cashuur Xasan oo arrimahan ka hadlayay ayaa sheegay in Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ay ka caawineyso wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee federaaliga ah sidii ay u sameysan lahaayeen baro internet oo ay dadweynaha ugu soo bandhigaan howlaha dowladda iyo wacyigelinta. Isaga oo ka hadlayay arrimaha emailada, wuxuu wasiirku ku adkeeyay wasaaradaha…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa weli waxaa ay kasoo horjeedaa Go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika kaas oo sheegayay in qeyb ka mid ah Ciidamadooda laga saarayo Soomaaliya,Go’aankaas oo la gaaray bishii December Sanadkii tegay ee 2018. Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Go’aankaas kasoo horjeestay kaas oo loo qorsheeyey in 1,000 ka mid ah Ciidaamadooda ku sugan deegaanada Hir-=Shabeelle dib loogu celiyo dalkooda,waxaana xusid mudan in Madaxda Maamulka Hir-Shabelle ay dhankooda walaac ka muujiyeen. Horay ayaa sidoo kale waxaa u jirtay in dalkooda dib loogu celiyey 400 oo ka mid ah askarta Burundi ee joogtay Soomaaliya,hayeeshee xilligaas…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa looga hadlay Wada-hadaladii ay Magaalada Nairobi ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo Heshiis ay uga gaareen Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Xisbiga Wadajir ee uu Hoggaamiye C/rixmaan C/shakuur Warsame, ayaa si kulul u dhaliilay Heshiiska ay gaareen Labada Madaxweyne, iyo hanaanka ay uu u maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taleefishinka dalka Ethiopia ayaa baahiyay in Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen in lagu xaliyo si diblumaasi ah khilaafka xagga badda ee u dhexeeya Labada Dal. Telefishinka Itoobiya ayaa sheegay in Wada-hadalada labada Hoggaamiye oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisulwsaare Abiy ahmed ay kusoo dhamaadeen sida qorshuhu ahaa, ayna isku raaceen labada Madaxweyne inay ku dhameeyaan wada hadal iyo qaab dublamasi ah, muranka xuduuda badda ee u dhexeeya,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka Maxaa uu ka dhigan yahay Heshiiskan dhex-maray Madaxweymayaasha Somalia iyo Kenya ? Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysta…
KUWAIT (IDIL NEWS)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa maanta waxaa waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka wadanka Kuwait Shekh Sabah al Axmad Alsabah . Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi. Dawladda Kuwait ayaa ah mid aad u tixgalisa arrimaha Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaana noqonaya shaqsigii koowaad ee jagadaan loo magacaabo tan iyo markii ay burburtey Dawladii dhexe ee Soomaaliya, markaasi oo Soomaaliya Xiriir wanaagsan la laheyd dalka Kuwait. Sawirro. IDIL NEWS
BUURTINLE (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadeyaynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, Dib u dhis lagu sameynayo Laamiga bartamaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal, taas oo dhismaheeda la bilaabayo. Dhismaha Wadada oo la dhisayo 3 KM iyo 600 oo Mitir, ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda hoose, Shacabka iyo Shirkadda Kebarco, Iyadoona ay taageereyso Dowladda Puntland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay isku tashtaan Shacabka iyo Maamulka Degmada Buurtinle, isagoona sheegay inay Dowladda Puntland garab taagan tahay, ayna sidoo kale si dhow ula soconayso tayada dhismaha Wadada. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender. Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal. Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday. IDIL NEWS
QAAHIRA (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed, kaas oo ka furmay Magalaada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar. Soomaaliya ayaa sanadkaan la wareegtay wareegga 151,aad ee madaxtinimada Jaamacadda Carabta,waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa taageerida Nabadda iyo Horumarinta dalalka suudan iyo Jaziirada Comoros, Xadgudubka Israel ku hayso dhulka Reer Falastiin, iyo khilaafka dowladaha Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale. Geba-gabada shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan Celinta Dowlada Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay in wax laga bedelayo Qaabka ay ay u shaqeeyaan waxna u baraan Ardayda Dugsiyadda Qur’aanka eek u yaalla Degaanada Puntland. Wasiir Xaamud oo maanta ka hadlay Tababar ay Wasaaraddu u qabatay Macalimiinta Qur,aanka ka dhiga Dugsiyada ku yaalla Garoowe, kuna saabsanaa kor u qaadista Aqoonta Macalimiinta, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hakaajiyo tayada Aqoonta iyo Akhlaaqda carruurta Qur’aanka ka barata dugsiyadda ku yaalla Puntland. Wasiirka Wasaarada Cadaalada Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin Dowladda Puntland…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay War saxaafadeedkii Madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qoraalka Villa Somalia uu yahay xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliya, isla markaana aan la soo hadal qaadin xuduntii khilaafka. “Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Villa Somalia tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyee iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in waajib dastuuri iyo mid wadani ay tahay in…
NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo baayac mushtarka. Wada hadalladan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland. Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb…
BUURDHUUBO (IDIL NEWS)-Madaxwayne ku-xigeenka kowaad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Saaka gaaray magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka Magaalada Buurdhubo iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan. Safarka Madaxweyne Ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa ku weheliyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Iyo Saraakiil Ciidan. Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Magaalada Buur-Dhuubo ee Gobolka Gedo iyo qaybaha kala Duwan ee Bulshada iyada oo uu booqan doono xarumaha Ciidamada Daraawiishata Jubbaland ay…