Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweynaha Puntland “Gabadha Soomaaliyeed marna bulshada ay ku dhexjireen kama hoosayn” (Daawo)
    Puntland

    Madaxweynaha Puntland “Gabadha Soomaaliyeed marna bulshada ay ku dhexjireen kama hoosayn” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

    Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiim ka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

    “Marka u horaysaa waxaan u hambalyaynayaa dhammaan haweenka Adduunka, kuwa Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland, waa farxad runtii aan dareenkeenna idiin ku soo gudbinayno inaan idinkala soo qayb-galo maalinta caalamiga ah, haweenka waa laf-dhabartii bulshada, la’aantood dadka halkan joogaa ma aysan joogeen.”

    “Waxaa kaloo muhiim ah Soomaali haddaan nahay maalinta xusitaankeedu Soomaaliya kama dhalan, waa dhibaatooyin haweenka meelkastay joogaanba soo mareen, waana dhaqamo marka laga sheekaynaayo Soomaalidu aysan arag, gabadha Soomaaliyeed marka taariikhda dib loo fiiriyo marna bulshada ay ku dhexjirtey kama aysan hoosayn”

    “Dhaqankeenii marka la fiiriyo dabcan door aysan lahayn oo raggu ay leeyihiin waa jirtey, lakiin qudhiisana kaalin wayn bay kulahaayeen reer ka taladiisa iyo kobociisaba, balse markaad fiiriso haweenku waxay soo mareen, qaarbaa la aasijirey, qaarbaa nolosha loo ogolayn, tariikh aad u mugdi ah bay soo mareen oo weliba u badan wadamada reer Galbeedka, Soomaaliya Illahay waa ka koriyey dhaqankooda soo jireenka ah iyo diintooda suuban marka laysku daro ayay taas kaga gudbeen” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tibaaxay in talaabo sharci ah laga qaadidoono cidwalba oo isku-dayda inay tacaddi u gaystaan haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, waxaana uu ku booriyey Madaxweynuhu haweenka inay ku dhiiradaan ka qayb noqoshada siyaasadda dalka.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay falkii foosha xumaa ee lagu diley Suldaan Bashiir Muuse Koonte, isagoona ku amray laamaha amaanka in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo ciddii falkaasi geysatey, Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa mar labaad u tacsiyeeyey eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeedba geerida Alle ha u naxariistee labada marxuum ee kala ah Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dastuurka DFS Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/2285679544981078/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    September 7, 2026

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    September 6, 2026

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    September 6, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhismaha Hay’adda ururinta Taariikhda Puntland

    Puntland’s Emerging Maritime Security Role in the Horn of Africa

    XOG: Xubno katirsan NISA oo loo xiray lunsashada Malaayiin dollar

    Kacdoon ka dhan ah Turkey oo ka bilowday K/Soomaaliya

    GEDO: Itoobiya iyo Kenya oo Baarayaal u dirsaday Doollow

    XOG: Xassan Shiikh oo ku jira Isbitaal ku yaal Serbia

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.