NAIROBI (IDIL NEWS)-Hoggaamiyayaasha Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa lagu waddaa in uu goor-dhow u furmo kulan saddex geesood, kaas oo ka dhacaya Madaxtooyadda Kenya ee Magaalada Nairobi. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa xalay gaaray Nairobi, kaddib markii shalay ay ku Shireen Addis Ababa. Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadlay xalinta khilaafka Dublamasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, Iyadoona uu garwadeen ka yahay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Mr. Abiy, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay dadaalo ka waday Geeska Africa. Kulankan saddex geesoodka ayaa waxaa bar bar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay…
Author: Jibril Qoobey
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus weli ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga. Ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Magaalada ka sameeyay howlgallo qorsheysay, kuwaas oo ay kusoo qab-qabteen dad kor u dhaafaya 100 Qof, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin ammaan darada Gaalkacyo. Dadka lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu hayaa Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo, Iyadoona saraakiisha Ciidamadu ay sheegeen in lakala saari doono dadkan, loona gudbin doono Maxkamadda. Howlgalkan ayaa saameyn ku yeeshay howl maalmeedyadii dadka, Sidoo kale Ciidamada ammaanka…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa looga hadlay kulankii shalay ku dhex maray Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay in Madaxweyne Farmaajo uu garwaaqsaday kaalinta Somaliland kaga jirto arrimaha Gobolka Geeska Afrika. “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba, isla Markaana uu Aqbalay…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Banaan-bax looga soo hor-jeedo Go,aankii Dowladda Puntland ay ku xirtay Marsada iyo Suuqa kalluunka ee Dekedda Boosaaso, ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. banaan-baxayaasha oo saaka isigu yimid bartamaha Magaalada Boosaaso, ayaa xiray wadada halbowlaha ah ee Magaalada, iyagoona ku dhawaaqaya erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan tilaabada Dowladdu ku xirtay Suuqa kalluunka ee Necfish. Sidoo kale, Banaanbaxayaasha oo isugu jira rag iyo dumar ayaa xasiigyo ama darmooyin ay ku fariistaan dhintay wadada laamiga ah, gaar ahaan Aargada gaaca. Dadka banaan-baxaya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.…
NAIROBI (IDIL NEWS)-Iyada oo uu weli jiro khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo ka dhashay muranka dhinaca Badda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay cadeysay in marnaba ka tanaasuleyn Dacwadda Badda ee taalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dad badan ay shaki ku abuurtay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ay Maanta Nairobi ku yeelanayaan, kaas oo uu gar wadeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafti ka socodey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna. Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Seyid Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan Cali, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Hay’adda la’dagaallanka HIV/AIDS-ka Puntland ee (PAC), ayaa ka dalbatay laamaha amniga iyo xeer-ilaalinta Puntland in Virus-ka HIV laga baaro dhammaan dadka ku eedaysan arrimaha kufsiga ee ku xiran xabsiyada. Ha’adda PAC ayaa sheegtay inay jiraan dad la nool Cudur-ka HIV oo ku eedaysan arrima la xiriira kufsi, sidaasi darteedna ay muhiimtahay in xanuunka laga badbaadiyo dhibbanayaasha kufsiga loo geystay. Akhriso Qoraalka Kasoo baxay Hay’adda PAC. IDIL NEWS
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u duulay Nairobi si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay in wadahadal uu dhexmaro Soomaaliya iyo Kenya , kaasoo ku saleysan Muranka Badda ee ka dhex taagan labadda dal. Madaxweynaha Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, waxaana uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiyo kala hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya. Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la filayaa in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, isagoona garwadeen ka noqon doona Wada-hadalo…
Waxaa bilaamay isbahaysiga cusub ee AaranJaan-Damjadiid oo ku aadan (Campaing Election 2020) Deni Iyo Sambalooshe,ayaa ku shiray Hotel Eyl si Madaxweyne Farmaajo loo curyaamiyo oo mustaqbalka Raisulwasaaruhu u noqdo Nin reer Puntland ah oo ay wtaaan kooxdan isbahaysatay. Sanbalooshe oo aad ugu dhow Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh gacansaar xoog lehna la leh kooxda DamJadiid ayay Madaxtooyada Puntland waxay dejisay Eyl Palace Hotel. Sanbalooshe,ayaa Garowe u yimid isku xir isbahaysi mucaarad oo ka dhan ah Dowladda Fadaraalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay kooxda DamJadiid. Dhanka kale Shirkii lagu balamay in uu Garowe ka qabsoomo 20-ka bishan Maarso,ayaa u…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay Dagaal shalay ka dhacad Degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, Iyadoona beenisay Eedeeyn ay u jeedisay Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xasan Axmed Sarabeey, ayaa sheegay in aysan Puntland waxba kala socon dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Gambadhe ee u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Gobalka Sool oo ay lee yihiin Dadka degaanka. Wasiir Sabareey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeeyn ay u jeedisay Somaliland, oo aheyd in Dowladda Puntland ay soo abaabushay Weerarkan. Dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay Switzerland ayaa kormeeray dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, ayaa maamulka sare ee dekadda la qaatay kulamo looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda isaga oo faray in laga fogaado musuq-maasuq iyo maamul xumada. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maamulka dekadda ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo gaaray maanta Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa Wada-hadalo la yeeshay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika. Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa baahisay in Wada-hadalada labada Masuul ay kusoo dhamaadeen Guul, ayna ku gaareen is afgarad. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ay isla soo qaadeen xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.…
SAN DIEGO (IDIL NEWS)-Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Muna Kuri, ayaa meydkeeda laga helay guri ay daganayd oo ku yaalla State California Gaar ahaan San Diego, gobalka ee dalka Maraykanka. Ehelada Haweeneyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in la weysanaa ilaa Sabtidii,hayeeshee markii dambe meydkeeda laga helay hoygii ay deganeyd, iyada oo dhaawacyo culus ay ka muuqdaan qeybaha hore ee jirkeeda. Aamino Salaad oo la dhalatay Muno ayaa waxa ay sheegtay in ay tuhun san yihiin in Ninkeeda uu dilka ka danbeeyey, Booliska magaalada San Diego, ayaana Baaritaano ku haya Kiiska Haweeneyda. Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa qaar…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wasiirada waxbarashada maamul gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf. Arrimaha kulankan diirada lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta waxbarashada dalka, xoojinta xariirka ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo wasaaraddaha dowlad gobaleedyada. Wasiirada maamul Gobaleedyada jubbaland Koonfur galbeed Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa soo dhaweyay horumarinta waxbarashada dalka iyo in leeska kaashto si…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland waxay horgeysay xeerka biyaha Jubbaland. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa golaha ka hor akhriyey xeerka oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiirada. Golaha Baarlamaanka Jubbalnad ayaa ka dooday xeerka biyaha Jubbaland, iyadoo doodda kadib ay mudaneyaasha isku raaceen in xeerkaan go’aan looga gaaro fadhiga Baarlamaanka ee maalinta Sabtida. Guddoomiyaha guddiga habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Baahale ayaa markii kulanku soo idlaaday wuxuu sharraxaad ka bixiyey sida ay xildhibaanadu uga doodeen xeerka iyo xilliga la rajaynayo in la ansixiyo. Xeerka Biyaha Jubbaland oo ay…
CAMMAAN (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta. Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen xiriirka Labada Baarlamaan ee Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya. Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga dhigay Qdus…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Banaan-bax looga soo hor-jeedo go,aankii Dowladda Puntland ay albaabada ugu laabtay Marsada iyo Suuqa kalluunka ee Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa maanta ka dhacay Boosaaso. Banaan-baxayaasha oo isigu jiray Rag iyo Dumar, hor dhoobtayna xarunta Gobalka ayaa ku dhawaaqayay erayo ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin go’aanka Dowladda Puntland ay ku rareyso Marsada iyo Suuqa kalluunka Boosaaso. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa sidoo kale beeniyay in Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland ay diyaarisay Goobo cusub oo loo raray Marsada iyo suuqa kalluunka ee Boosaaso, taas oo uu maalin kahor shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Faarax Maxamed…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxaa Addis Ababa uga sii horeeyay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo u gogol xaaray safarka. Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay Wasiirka in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo uu ugu adeegayo shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in…
GARBAHAAREY (IDIL NEWS)-Maxkamadda Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo, ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi u geystay Gabar yar kadibna uu dilay. Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyey oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir,waxaana maalma ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey. Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in nin kaasi falka kufsiga ah uu qirtay sidaasna ay xukunka dilka ah ugu fuliyeen,waxaana tallaabadaas aad u soo dhaweeyay Bulshada Garbahaareey. Fulinta xukunkan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Maxkamadda darajada 1-aad…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay dalka Itoobiya,iyada oo ay maqan yihiin Madaxa kale ee dalka ugu sareysa sida Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in uu salka ku hayo arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika,waxana uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka. Axadii la soo dhaafay ee…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kullan la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiiro. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay hay’adahaas kaalintii ay ka gaysteen gargaarkii loo fidiyay dadkii birimageydada ahaa ee lagu laayay qaraxyadii iyoweerarkii ka dhacay Magalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in Qaraxyadii dhowaan dhacay ay ahaayeen Musiibo aan haatan bilaaban, balse soo socday 11 sanno ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay dhammaan dadkii kasoo qeyb galay kulankan in ay muujiyaan isku duubni,…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlayay muran baddeedka u dhaxeeya labada dal ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso Go’aankeedii hore,isla markaana lagu kala bixi doono Maxkamada ICJ. Mr. Khadar ayaa sheegay in marnaba Dowladda Soomaaliya wadahadal ka galeyn arrinta Badda,hayeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood. Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid xilligaan aan cago badan ku taagneyn ilaa laga xaliyo khaafka sababya muranka dhinaca badda ah. IDIL NEWS
DOOLOW (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur Janan, oo Warbaahinta kula hadlay maanta degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee degaanada Jubbaland iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo. Wasiir Janan ayaa ka codsaday musharixinta Madaxweynaha Jubbaland ee doonaya inay tartamaan in ay dhowraan, isla markaana ay ilaaliyaan nabadgelyada inta ay wadaan ololahooda doorashada. Waxaa uu sheegay in cid walba oo reer jubbaland ah sidoo kalena buuxisa shuruudaha musharixiinta ay qeyb geli karto doorashada,islamarkaana aysan jiri doonin cid sigaar ah looga hor-istaagi doono doorashada. Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur Janan, Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, iyo Masuuliyiin Ka Tirsan labada Gole Ee Dowlada ayaa maanta Kormeeray Qaybo Kamida Kastamaha Canshuuraha Gobolka Sool. Wasiir Xasan Abgaal ayaa Sheegay in u jeedada Kormeerkoodu uu ahaa inay soo arkaan qaabka ay u socdaan Shaqooyinka soo xareynta Dakhliga Dowladda iyo sida howsha u wadaan Shaqaalaha Kastamaha. Wasiirka ayaa sheegay in Gobalka Sool uu kamid yahay Meelaha ay dakhliga fiican kasoo xaroodaan, ayna tahay in la xoojiyo lana haggaajiyo Hanaanka Canshuur qaadista, taas oo uu sheegay inay kamid aheyd Balanqaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maalinimada berito ah uu safar deg deg ah ugu baxo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay Arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Dowladda Kenya ayaa shaki la gelinayaa inay waddo Qorshayaal ay ku wiiqeyso Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya. Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Socdaalo ku tagay Caasimadaha Addis Ababa iyo…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku tagay Hargeyso. Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisalwasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Degaanada Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Magaalada Hargeysa ee Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana…
GAROOWE (IDIL NEWS)- Dowladda Hoose ee Caasimadda Puntland ayaa dhagax-dhigtay Saylada Ariga ee Garoowe, oo laga dhisayo banaanka Magaalada, Waxaana dhulka sayladan laga dhisayo ku wareejiyay Dowladda hoose mid kamid ah Ganacsatada Magaalada. Dhulkan laga dhisayo suuqa Ariga oo baaxadiisu ay tahay 50-40, ayaa ah mid baahin weyn ay u qabtay Caasimaddu, sida ay sheegeen qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose oo dhagax-dhiga ka hadlay. Daawo. IDIL NEWS
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Yaasiin C/samad cumar, ayaa sheegay in howlgalada culus ee ka socda Gaalkacyo uu saameeyay Ardayda Waxbarata. Mr. Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabku ay qeyb ka noqdaan sugida amniga, isagoona xusay in aysan isku meel geli Karin in la yiraahdo Dowladdu may tilaabo qaado, kaddibna laga hor yimaado oo la sameeyo kacdoon. Duqa Gaalkacyo ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka inay u dhimriyaan Shacabka kuwooda wanaagsan, ayna gacan adag ku qabtaan kooxaha qeybta ka ah rabshadaha iyo ammaan darada ka dhacda Gaalkacyo. Daawo. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Shir looga hadlayey dhaq-dhaqaaqa kor u qaadista Nafaqada Puntland oo uu soo qaban qabiyey Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntlnd. Shirkan oo inta uu socday diirada lagu saaray kor u qaadista Nafaqada, ayaa waxaa ka qeyb-galay Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda ku shaqada leh ee Dowladda Puntland iyo Jaamacadaha ku yaalla Degaanada Puntland. Daawo. IDIL NEWS
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo habeenadii lasoo dhaafay ka socday Gaalkacyo. Col. Afdalow ayaa sheegay inay xaqiijiyeen amniga Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay gacan buuxda ku qabteen Magaalada Ciidamada howlgalada wadda oo isigu jira Daraawiish, Boolis iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta. Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa ammaan darada Magaalada Gaalkacyo, ayna soo taagi doonaan Maxkamad, Isagoona x laga mamnuucay in lala…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo Mukhalasiin ah oo dadka ka tahriibin jiray Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Gen. Muxyadiin ayaa sheegay inay dadka ay qabteen ku hayaan cadeymo muujinaya inay la shaqeystaan kooxaha loo yaqaan Magafaha, Isagoona tilmaamay inay jiraan kuwo kale oo ay Liiska Magacyadooda ay hayaan kuna dabajiraan. Waxaa uu sheegay in Dowladda Puntland aysan marnaba u dulqaadan doonin in dhalinyarada Soomaaliyeed laga ganacsado in dalkooda laga saaro, ayna tilaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo sal ku yeelata arrintan. Gen. Muxyadiin Axmed Muuse,…
GAMBADHE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, ayaa sheegay in Saacadihii lasoo dhaafay uu halkaas ka dhacay Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Milateriga Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Gobalada SSC. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkani uu yihim kaddib markii Jabhadda xoreynta Gobalada SSC ee uu hoggaamiyo Col. Feysal Falaalug ay weerar jidgal ah ku qaaday Kolonyo kamid ah Ciidamada Somaliland oo marayay duleedka Degaanka Gambadhe. Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkani uu ka dhashay Khasaare isigu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray labada dhinac, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu le egyahay. Wararka…
CAMMAAN (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane; Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan. Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri…
JUBBA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abi Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay booqashoku tageen Magaalada Jubba ee koonfurta Sudan. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magalada Jubba kusoo dhaweeyay Xubno uu hoggaaminayay Madaxweynaha koonfurta Sudan Salva Kiir. Wasiirka Arrimaha gudaha Eritrea, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in labada hogaamiye ay booqasho halmaalin ah ku joogi doonaan Magalada Jubba,islamarkaana kulan Saddex geesood ah ay la yeelan doonan Madaxweyne Salva Kiir. Kulanka ayaa waxaa ay diirada ku saaridoonan arrimo la xiriira danaha Wadadamadaas,waxaana xusid mudan in shalay Magalada Asmara ee dalka Eritrea ay kulan Saddex geesood…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii ka dhacay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka…
GENEVA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay waxa ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada , haweenka iyo xaquuqul Insaanka. Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka ee la filayo in uu dalkaasi ka qabsoomo. Daawo. Sawirro. IDIL NEWS
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland Faarax Maxamed Cawaash, ayaa sheegay inay Wasaaraddu diyaarisay Barnaamijyo cusub oo lagu hor-marinayo shaqada wasaaraddu u heyso Shacabka. Wasiir Cawaash oo ka hadlayay Fagaare lagu gubayay Shatiyo Xukuumadii hore ay siisay Doomo Kalluumeysi, ayaa sheegay in Shatiyadani ay ahaayeen kuwo qaabka loo sameeyay laga gudbay. Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga ay haatan diyaarisay Shatiyo casri ah, si loo kantaroolo Kalluumeysiga sharci darada ah oo uu sheegay in uu yahay aafo. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland Faarax Cawaash, ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarradu ay diyaarisay suuq cusub oo kalluumeysi iyo Marso lagu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Urur Goboleedka IGAD, ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho,. IGAD ayaa wacad ku martay in laga adkaanayo maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ,kaasoo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan. Urur Goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya dadaalka iyo geesinimadooda ku aadan siday u xakameeyeen khasaaraha shacabka ka soo gaari lahaa weerarkii argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama iyo goobaha kale ee ganacsiga ku yaala hareeraha wadada. “Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxay xaqiijiyeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan inaan marnaba…
”Somaliya inteeda kale doorashaa ka dhacday reer banaadir sidoo kale waa is dooranayaan,hanala daayo 5-sano kadib Somali intay kala nasato dib ha isku soo eegto in ay wax isku darsan karto iyo in kale”,sidaa waxaa yiri Cade Gaabow Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland,ayaa loo magacaabay masuulkan,waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdiladiif. Madaxii hay’ada SAVE CHILDREN ee Somaliya,ayuu ahaa fadhigiisuna ahaa Nairobi Kenya. Maxamed sida aan xogta ku helay waa shaqsi aqoon leh,oo sumcad ku dhex leh bulshada,waxuuna kasoo jeeda Gobolka Bari oo Madaxweyne Deni uu ka yimid. Maxamed Cabdiladiif waxaa looga fadhiyaa in uu hogaamiyo Madaxtooyo ay isha ku hayaan bulsho gaaraysa 4-milyan oo qof,kuwaasoo baahiyo kala duwan qaba.
Boqor Faysal Cismaan oo Kamida Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Qaadacay Shirkii Beelaha Direed ugu soo Dhamaaday Adis Ababa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
GARBAHAAREY (IDIL NEWS)-Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobalka Gedo ayaa bilaabay in ay ka baxaan degaanadaasi oo ay horay uga qabsadeen Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Kenya Saacaddihii ugu dambeeyay ay ka baxeen degaano dhowr ah, islamarkaana loo baahan yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqyadda Ciidanka Kenya ee Soomaaliya. Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Soomaaliya uga baxay Magaalada Faaxadhuun ee Gobolka Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen Al-Shabab. Sidoo kale, Waxaa jirta cabsi ah inay ciidamada…
IDILNEWS.Galkacyo. Maamulka Dowlada hoose ee Gaalkacyo,ayaa shaqadoodii hakad galiyay dhamaan Gaadiidka loo yaqaan (Mooto Bajaaj). Hakadgalinta gaadiidkan,ayaa timid kadib hawlgalka dib u xoojinta amniga iyo toosinta maamulka Degmada ee uu bilaabay maamulka Dowlada Hoose ee Gaalkacyo. Waxaa dib loogu samaynayaa sharciyadooda,iyadoo la hubinayo sharciga lahaansaha,kan Gaadiidka iyo kan Darawalka wada. Sidoo kale waxaa loo samaynayaa tare iyo uqaybin xaafadaha magaalada si nidaami ah,iyadoo meesha laga saarayo is dhex yaac horay ujiray. Talaabadan,ayay bulshadu aad usoo dhaweeyeen,waxaana la filayaa in ay door weyn ka qaadato sugida amniga caasimada Gobolka muhiimka ah ee Mudug. Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad oo jooga hada mudo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Xarumaha uu kormeerka shaqo ku tegey Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wasaaraddaha, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, xarunta Gobolka Nugaal, Xarunta Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland iyo Xarunta hay’adda wadooyinka Puntland (PHA). Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha. “Madaxweynaha Dowladda Puntland…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa amar deg deg ah ku bixisay in la xiro Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa kalluunka oo ku yaalla Gudaha Dekedda. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in la xiray Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa Kalluumeysiga. Wasaaradda Dekadaha Dowladda Puntland ayaa sheegtay in xiritaan Goobahan looga gol lee yahay Xaqiijinta amniga Dekedda, maadama Dekedda Magaalada Boosaaso ay tahay xudunta Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland. IDIL NEWS
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, waxaa ka socda Shirweyne u dhexeeya Beelaha Direed ee dega Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo la sheegay in ay uga arinsanayaan aayahooda. Shirweynahan oo loogu Magac-daray “Shirweynaha 1-aad ee Midaynta Direed” ayaa ah kii ugu horeeyay ee Beeshana isigu timaado. Wararka,ayaa sheegaya in Shirweynahan uu yahay mid looga soo horjeedo Hoggaanka sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana la sheegay in uu ka danbeeyay Abaabulkiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya Axmed Shide oo gacan ka helaya maamulka Oromada iyo xaafiiska ra’isalwasaaraha. Xubnaha Shirweynahan ka qeybgalaya,ayaa la sheegay in ay doonayaan in…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu Saacadaha soo socda soo saari doono Liiska Saraakiisha sare ee uu u Magacaabay Madaxtooyadda. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu diyaariyay Magacaabista Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Agaasime ku-xigeenka iyo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda. Madaxwaynaha Puntland ayaa la sheegay in uu Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada u Magacaabay Maxamed Cabdiladiif oo horay uga soo shaqeeyey Hay’addo Samafal, halka ku-xigeenkiisana uu Magacaabay Cabdiweli Timacade Sidoo kale,Taliyaha ciidanka Madaxtooyada ayaa isna loo Magacaabay Barkhad Caddilahi Yuusuf Magacaabista Saraakiisha…
Muqdisho, March 3, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaa si habsami leh uga soconaya Dhismaha Wadada Halbowlaha ee Magaalada, taas oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Maamulka iyo Shacabka Gaalkacyo. Dhismaha Wadada oo ay waddo Shirkadda Kebarco ayaa ah Wajigii labaad, Shacabka ayaana ka qeyb qaadanaya Dhismaha Wadada iyo Naqshadeyteeda. Qaar kamid ah Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo oo is xilqaamay ayaa bilaabay inay si iskood ah u caawiyaan Shirkadda Kebarco, Iyagoona marinaya qeybaha laamiga ee lasoo dhisay Caalamadaha lagu hagayo Gaadiidka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halka ka Daawo. IDIL NEWS
GOSOL (IDIL NEWS)-Xaalad abaareed ayaa ka jirta Degaano katirsan Gobalka Mudug, kuwaas oo ay haatan soo food saartay Biyo la,aan baahsan. Degaanada Xaalada Biyo la,aaneed ay soo wajahday ayaa waxaa kamid Gosol iyo Mindhiciraan oo tirsan Gobalka Mudug, Dadka Degaanka ayaana sheegay inay gureen Baraagihii Biyaha oo ay Dadku ku tiirsanaayeen. Dadka kunool Degaanadaas ayaa ugu baaqay Dowladda Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaarsiiso Gurmad, maadama xaalada Degaanadooda ka jirta ay tahay mid adag oo aysan u tabar heyn Shacabku. Daawo. IDIL NEWS
Maxkamada Gaalkacyo oo bilowday saakay Dacwada Kufsadayaal kufsaday Gabar. Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad oo goob joog ka ahaa Dacwada,ayaa sheegay in beri foog hadii eebe idmo lasoo gabagabyn doono xukunka Dacwadan. Waxaa si xoog leh uga socda guud ahaan Puntland olale ka dhan ah Kufsiga,kadib Kufsigii iyo Dilkii Caasho Ilyaas oo nqoday mid albaabka ufuray in ay soo baxaan danbiyo fara badan oo qarsoonaa. Gaalkacyo waxaa si gaar ah uga socda hawlgal amni xoojin iyo la dagaalanka falalka guracan maalinkii sadexaaad,kaasoo ay iska kaashanayaan laamaha amaanka Puntland ee kala duwan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey cisbitaalka weyn ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Jaamac Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira cisbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka cisbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu dambayn Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah masuuliyiinta cisbitaalka iyo…
Maxkamada Degmada Garbahaarey ,ayaa dil ku xukuntay Nin Gabar kufsaday kadibna ceejis ku dilay. Falkan,ayaa ka dhacay Deegaan hoos taga Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Bishii April ee sannadkii, 2015-kii haweeneeydan 31 jir ahayd oo ka soo jeedda Mugnano oo ku taalla banaanka Naples, ayaa waxa ay muuqaallo galmo ah WhatsApp ugu dirtay shan qof, waxaana ka mid ahaa saaxibkeed Sergio Di Palo oo uu markaasi ka dhexeeyay xiriir aan wanaagsanayn. Muuqaalada ayaa waxa ay muujinayeen iyadoo ficillo galmo ah la sameeneeyso rag aan heebtooda la garanaynin. “Aad ayay u quruxbadnayd balse qof nugul ayay ahayd ,” ayay tiri Teresa Petrosino, oo ay 15 sanadood saaxiibo ahaayeen. ” Waxaa u kulmay dad xun iyo xilli xun.” ayay intaa ku dartay. Muuqaalada ayaa durbadiiba lagu baahiyay…
JIGJIGA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxumed Cumar (Cagjar), ayaa si kulul u dhaliilay Shirweyne Magaalada Addis ababa uga socda Beesha Dir ee degta Degaanka Soomaalida. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in maanta Dadka Soomaaliyeed ee wada dega Degaanka Soomaalida Itoobiya ay is kala saaraan mid kamid ahna ay qabsato Shir beeleed. Waxaa uu sheegay in Dadka ka dambeeya Shirweynaha la sheegay inay lee dahay Beelaha dir ee dega Dowlad Degaanka, uu yahay mid laga soo abaabulay Meelo ka baxsan Degaanka, lana doonayo in la isaga hor-keeno dadka wada dega Degaanka ee…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Salaado Maxamed Xasan oo ah Hooyada Gabar 4 sanno jir ah oo Maalinimadii Arbacada lagu kufsaday Magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujisay Xaalada ay ku sugan tahay Gabadheeda. Salaado oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda uu kufsaday nin da’diisa ay tahay 35 sanno jir, waxaana ay sheegtay in ninkani gabadha uu ka watay Guriga ay degan yihiin hortiisa. Gabadha yar ee la kufsaday ayaa lagu magacaabaa Iqra Xasan Maxamuud, Ciidamada ayaana xiray ninka kufsaday Gabadhan, sida ay warbaahinta u sheegtay Salaado Maxamed oo ah Hooyada Iqra. Kufsiga ayaa ka dhacay Xaafada Juungal ee Magaalada Muqdisho, waxaana…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Iyadoo Ciidamada NISA iyo Ciidamada Kumaandooska ee DANAB, ay xalay la wareegeen Madaxtooyadda KMG aheyd ee Maamulka Gamudug ee Magaalada Cadaado, ayaa waxaa arintaas waxaa si kulul u cambaareeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Madaxweyne Xaaf, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ee qeybta 21-aad ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyada Cadaado. Madaxweynaha ayaa sheegay in aanan lagu soo wargelin sababta weerarkaas iyo inay la wareegaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in iyadoo ku fashilantay amniga Muqdisho inay u gudubtay in maamul goboleedyada ay qalqal geliso. Ugu dambeyn,…
BUURTINLE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Odayaasha dhaqanka inay saxiixaan Sharci cadeynaya inaan laga dabatagi Karin Qof kasta oo lagu helo in uu ku lug lee yahay Falalka kufsiga, si loo soo afjaro kufsiga joogtada ah ee ka dhaca Degaanada Puntland. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuqaraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo ka hadlay kulan dhex-maray Mas’uuliyiin Dowladda katirsan iyo Odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in aysan aqbali Karin in ay sii socdaan tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ee isigu jira kufsiga iyo Dilka. Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa tilmaamay in aysan Dowladda Puntland aysan ogalaan doonin in si…
WASHINGTON (IDIL NEWS)-Madaxweynha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa markale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaali ah kana tirsan aqalka Congresska Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano neceb Mareykanka xilli uu khudbad ka jeedinayey shir looga hadlayay siyaasadda, waxaana dadkii shirkaasi joogay ay ku dhawaaqeen Magaca Ilhaan Cumar. Waxa uu sheegay inay hayaan dad Xildhibaano ah kana tirsan Aqalka Hoose Mareykanka,isla markaana Neceb Mareykanka ,waxaana hadalkaasi uu noqday mid aad loo hadal hayo. Dhawaan ayaa waxaa jirtay dood adag oo u dhaxeysay Trump iyo Ilhaan Cumar taas oo u muuqata in markale…