Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo Kormeeray Qaar Kamid ah Xarumaha Dowladda (Daawo)
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo Kormeeray Qaar Kamid ah Xarumaha Dowladda (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Xarumaha uu kormeerka shaqo ku tegey Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wasaaraddaha, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland, xarunta Gobolka Nugaal, Xarunta Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland iyo Xarunta hay’adda wadooyinka Puntland (PHA).

    Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

    “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, Madaxweynuhu wuxuu Kula kulmay xarumahaasi masuuliyiinta wasaaraddaha, iyo dhammaan hawl-wadeenadooda, wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay warbixino kala duwan oo ay siiyeen shaqaalaha iyo Madaxda xarumaha uu booqday”.

    “Madaxweynuhu waxaa uu Kula dardaarmay dhammaan hawl-wadeenada dowladda, Isla markaasina uu kala hadlay qaabka shaqada ay u soconayso, iyadoo runtii ay maanta u ahayd, guud ahaan xarumaha dowladda, gaar ahaan kuwa uu booqday maalin ay soo bandhigayeen maxsuul ka shaqadooda iyo weliba mustaqbalka waxyaabaha ay hiigsanayaan” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/580791179001073/videos/636611263463562/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

    October 27, 2026

    Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

    October 27, 2026

    Akhriso: Ajandaha Baarlamaanka Puntland oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah

    October 27, 2026
    Latest Posts

    Puntland iyo Denmark oo ka wada-hadlay iskaashiga Amniga

    Madaxweyne Deni oo la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

    Akhriso: Ajandaha Baarlamaanka Puntland oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah

    Siciid Deni ma taageeri doonaa maamulka cusub ee Hiiran ?

    GAALKACYO: Puntland oo Galmudug ka sugaysa Rag dil ka geystay Gaalkacyo

    Deni oo qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Zambia

    DEGDEG: Ciidamo ku wajahnaa Balli-doogle oo duqeymo la kulmay

    Maleeshiyaadka Laftagareen iyo Xassan Shiikh oo ku dagaalamay duleedka Baydhabo

    Akhriso: Khudbadda Madaxweyne Deni ka jeediyay furitaanka Kalfadhigga 59aad ee Baarlamaanka

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.