MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya shirar looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada, kaas oo soconaya hal maalin, isagoona khudbad ka jeedin doono. Socdaalka Mr. Kheyre ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib qaraxyo iyo weeraro dad badan ku dhinteen oo Al-Shabaab ka fulisay Magaalada Muqdisho, Sidoo kalena laga sugayo in Xukuumadiisu ay is-bedel ku sameyso Qorshaha amniga Muqdisho. Safarka Madaxda Sare ee dalka, ayaa kordhay Labadii todobaad ee u dambeeyay, Madaxweynaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo…
Author: Jibril Qoobey
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka socda howlgallo culus oo ay fulinayaa Ciidamo uu hoggaaminayo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Cismaan Xasan Cuuke, kaas oo loo xil-saaray Xasilinta Gobalka Mudug. Howlgalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya Ciidamada PSF-ta, Daraawiish-ta iyo Booliska Dowladda Puntland, kuwaas oo si wadajir ah u fulinaya howlgaladan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa amar culus ku bixiyay in lasoo gaba-gabeeyo Xasilooni darada Gaalkacyo, isagoona faray laamaha ammaanka inay si toos ah u hoos tagaan Gen. Cuuke oo ah Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland. Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa digniin adag u dirtay Dadka ka ganacsada Dhuxusha iyo Ganacsatada Barqo-maalka ah ee Geelle ku dhaqda Hareeraha Magaalooyinka, kuwaas oo ay sheegtay inay hormuud u yihiin Xaalufka Degaanka. Wasiirka Wasaarada Deegaanka Beeraha iyo isbadalka cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa sheegay in Wasaaradda Degaanka Dowladda Puntland ay la socoto xaaladaha adag ee uu wajahayo Degaanku, kuwaas oo ay ugu horeyso Is-bedelka Cimiladu. Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sheegay in Wasaaradu ay tilaabo ka qaadi doonto Dadka xaalufka ku haya Degaanka oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada Dhuxusha iyo Ganacsatada Caano-teelka…
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 2 Dumar ah, kuwaas oo loo qabtay Qarax xalay ka dhacay Beledweyne. Qaraxa ayaa la dhigay irida Guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ahaa Qarax laga soo buuxiyay Mooto Bajaaj. Wararka ayaa Sheegaya in labada dumarka ah ee ay Ciidamadu qabteen ay ahaayeen Haween katirsanaa Guriga Taliyaha, kuwaas oo tuhunku uu soo galay. Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaya Guryaha qaar halka Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga, sidoo kale baaritaano ay ku sameynayaan,waxaan dadka Magalada Baladweyne ay sheegeen…
JABUUTI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, iyo xubno ka socda Maamulka Somaliland, ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Jabuuti. Mas’uuliyiintan uu la kulmayo Madaxweyne Geelle ayaa waxaa Horkacaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Iyagoona shalayto tagay Dalka Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay inuu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya ee Somaliland inay aqbalaan in dib loo bilaabo Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Waxbarashada Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xassan, oo ku maqnaa dalka Dibediisa markii la Magacaabay, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe. Wasiir C/llaahi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, xubno horey uga tirsanaa Xukuumadii hore, kuwaas oo kamid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Abshir Aw-yusuf. Wasiirka cusub ee Waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo soo dhaweeyn kaddib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu xoojinayo horumarinta Waxbarashada Degaanada Puntland. Daawo. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo baaritaanka dilkii Caa,isho Ilyaas Aadan. Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sheegay in uu weli socda Baaritaanka Kiiskii isigu jira Kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan, ayna gacanta ku hayaan laamaha ammaanka Puntland, Guddi dhakaatiir ah iyo Hay’adaha kale ku shaqada leh. Wasiir Xaamud ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn inay kahor dhacaan Baaritaanka, Isagoona ugu baaqay Shacabka Degaanada Puntland inay ka war sugaan Dowladda ayna is-dejiyaan. Daawo.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Madaafiic ah oo kusoo dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda. Madaafiicdan oo gaaraysay illaa 5 Hoobiyayaal ah, ayaa kusoo dhacday hareeraha iyo gudaha Madaxtooyada, Iyadoona saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1-aad C/weli Muudeey. Sidoo kale, Hal Madfac ayaa ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka, halka madfac kale uu ku dhacay Gudaha Madaxtooyada. Dhanka kale, Madfac kale ayaa ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo…
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka hadlay u jeedada loo keenay ciidankan. Talyaha,ayaa hadalkan ka dhex sheegay shirka amniga ee Gaalkacyo. ka dhacay. ”Amar baan uqabnaa inaan xirno cidii kadaba timaada qof lasoo qabtay”ayuu yiri Talyaha Daraawiishta Puntland. Hadalka Cabdishukri Cabdullaahi,ayay bulshadu u arkaan mid mudan soo dhaweyn iyo la shaqayn. Kufsiga Haweenka,waxa ugu weyn ee baritaar unoqday,ayaa lagu tilmaamaa wada xaajoodka dhexmara beelaha ay kasoo kala jeedaan Gabadha dhibku gaaray iyo Ninka dhibka gaysta,taasoo keenta in xeer iyo Xajo laga kala qaato iyadoon Gabadha laga tala galin. In ay meesha ka baxaan Odoyaasha dhaqanka ee arinkan mar walba ka…
GAROWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya Wasaaradaha iyo Dagmooyinka la shaqeeya Mashruuca GPLG. Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kala qayb-galay Todobo dagmo oo kala ah, Garoowe, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Goldogob, Eyl iyo Bandar-Bayla. waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyadda, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Howlaha Guud & Garoomada, Haweenka, Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Macdanta, Tamarta iyo Biyaha. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Shirka…
Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 88,waxaana ku baaba’ay hanti lagu qiyaasay Hal Milyan oo Dolar. Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo maleeshiyo gashay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama. Dhinaca kale, afaafka hore ee dhismayaasha qaraxa uu saameeyay waxaa ka muuqda bur bur xooggan, Gaadiid goobta yaalla oo dadkii watay ay qaarkood yaalaan Isbitaalada Muqdisho, waxaana laamiga ku arkeysaa dhiig daadsan. Gaadiidka loo yaqaano Cagaf cagafta ayaa ku howlan faagida dhismayeyaasha burburay, waxaana sidoo kale warar qaar ay sheegayaan in ay wali jiraan dad…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 5 nin oo ku eedaysan kufsi la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday shan dhalinyaro ah oo kusfi wadareed 22 bishii la soo dhaafay ee February gabar ugu gesytay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xeer ilaalaiye ku-xigeenka guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa sheegay in eedeysanayaashadilka toogashada lagu xakumay loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeeraka kusiga iyo xeerka afka cinqaabtaSoomaaliyeed. Dhaliyarada…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu waddaa inay dhowaan ku kulmaan Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda. Labada Madaxweyne ayaa ka wadda-hadli doona Khilaafka Dublamasiyadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo salka ku haya Muranka Xuduud badeedka ay wadagaan Labada Dalka. Shirkan ay yeelanayaan Labada Hoggaamiye ayaa ka dhinac dhici doona Shirweynaha Africa Now Conference oo lagu waddo in la qabto 12-ka bishaan ayna waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda. Warbaahinta Dalka Uganda ayaa ku waramaysa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu xaqiijiyay in uu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 1-dii bishan gobolka Hiiraan, waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare. Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaalida oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaan ka tirsan gobolka Hiiraan, islamarkaana ay halkaasi ku dileen ku dhawaad 26 dagaallame. Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu burburiyay Gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Goobo Ganacsi iyo Xaafado ku yaalla Wadada Makka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay Dagaal loo dhan yahay oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xasuuq u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, Isagoona ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada hor-jeedsadaan Argagixisadu. Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa tacsi u diray Dadkii Eheladooda ku waayay Weerarkan, Isagoona alle uga baryay inuu u booga…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Howlgal Ballaaran ayaa wali ka soconaya dhismayeyaasha ku burburay weerarkii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab, ku weerareen Goobo Ganacsi iyo Hotelo ku yaalla Wadada Makka Al-Mukarama, waxaana suurtagal ah in ay jiraan dad Wali Meydadkooda ay ku hoos jiraan dhismayeyaasha. Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay dhismaha Maqaayadda Hilaac Uk ee Muqdisho, kasoo saaray Meydka ah Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kusoo dumay qol uu ku sugnaa. Gaadiidka loo yaqaano Cagaf cagafta ayaa ku howlan faagida dhismayeyaasha burburay, waxaana sidoo kale Warar qaar ay sheegayaan in ay wali jiraan dad la’yahay oo la baadigoobaayo. Ciidanka…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta), ayaa saacadaha soo socda howlgallo culus ka bilaabaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Ciidamada howlgalka maanta bilaabaya ayaa maalinimadii Khamiista aheyd tagay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal ammaan-darro oo isigu jira Kufsi iyo Dil. Howlgalkan ayaa lagu Magacaabay “Caa’isho Maxay Galabsatay”, waxaana hoggaaminaya Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. C/shukri C/llaahi Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland. Gen. C/shukri oo warbaahinta la hadlay dhowaan ayaa uga digay Odayaasha dhaqanka iyo Waalidiinta inay soo daba-galaan Dadka lagu soo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magalada Muqdisho. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin,isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay,waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan. Anigoo aad uga murugoonaya weerarkii ay argagaxisadu ku xasuuqeen dadka rayidka ah, ayagoo noloshooda caadiga ku jirana ku laayay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa murugada xanuunka badan ee soo wajahday, saameynta adagna nagu…
Inkasta oo aan wali si rasmi ah loo hayn tirada Dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxii Fiidnimadii caawa ka dhacay Muqdisho,gaar ahaan agaagrka Hotel Maka Almukarama hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan. Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya qaybo ka mid ah,ayaa noo sheegay in qaraxa caawa ay ku dhinteen Dad lagu qiyaasay 20-qof,sidoo kale 30-qof ay ku dhaawacmeen. Dawladda,ayaa wada sidii gargaar loogu fidin lahaa dhaawaca,isla markaana loo gaarsiiyn lahaa goobaha caafimaadka,hoos ka daawo warka oo faahfahasan. Halkan ka daawo muuqaalka
The Visit of the President of the Republic of Kenya, H.E. Uhuru Kenyatta to Ethiopia tomorrow (March 1) underlines the continued commitment of the two countries to further bolster their time-tested relations. H.E. Uhuru Kenyatta is the son of the Pan-Africanist and former Kenyan President H.E. Jomo Kenyatta, who together with HH. Emperor Haile Selassie I and other African leaders, made monumental efforts in the establishment of the Organization of African Unity (OAU). During his visit, President Uhuru Kenyatta will meet with H.E. President Sahle-Work Zewde and Prime Minister, H.E. Dr. Abiy Ahmed for talks on ways of further strengthening…
Khuburo iyo Saraakiil ayaa baaritaanno adag ku haya dilkii iyo kufsigii loo gaystay, Rabbi ha u naxariistee, Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno jir dhigata dugsiga Salaama. Saraakiil ka tirsan Ciidamada PSF-ta oo gacanta ku haya kiiska, Caasho Ilyaas Aadan ayaa su’aalo waydiinaya dad la tuumayo oo laga xir xiray xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Saraakiisha oo la hadlay Kasmaal Media ayaa been abuur ku sheegay qoraalo lagu faafiyay baraha bulshadda, iyaga oo ku tilmaamay kuwo lagu jahwareerinayo baaritaannada. Natiijada ayay sheegeen iney soo gudbinayaan marka ay is waafaqaan baaritaanka iyo natiijada Sheybaarka Hiddo Sidaha oo dheecaano kala duwan lagu qaaday.…
The much-heralded summit between President Trump and the North Korean leader Kim Jong-un has been dramatically cut short. While the leaders were in an expanded bilateral meeting, the White House said Donald Trump would give a press conference earlier than expected and it was unclear if there would be a signing ceremony. Just two hours before, Trump and Kim had held a press conference together on the second day of their talks in Vietnam. The message was there was “no rush” to get a deal done. The demeanour of both leaders was largely sombre even though both professed to be…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Bilowga dhismada jidka weyn ee isku xidhi doona Berbera iyo Itoobiya, ayaa maanta la dhagax dhigay. Munaasabadda dhagax dhiga, ayaa waxaa ka qeyb galay weftiyo ka kala socda Itoobiya, Imaaraadka iyo hay’adaha Caalamiga ah qaarkood, waxaana furay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Arrintan oo muddo dheer aan hirgelin, ayaa qayb ka ah heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee DP World, Itoobiya iyo Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Qarax aad u xoogan oo goordhaw lagu weeraray hotel Maka Almukarama Muqdisho. Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan badan oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Laamiga Maka Al mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoosyada Dabka iyo Shaqaalaha. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo lagu weeraray Hotelka Maka Al Mukarama, waxaana la maqlayaa rasaas aan wali la ogeyn cida rideysa. Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, qarax ayaana saameyn xoogan xitaa ku yeeshay guryo ka fog halka lala…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warbixin ay soo saartay Hay’ada Norwegian Refugee Council (NRC), ayay uga digtey tirada qoysaska ku barkacaya gudaha dalka Soomaaliya oo sanadkii aynu ka soo gudubnay gaartay 320,000, taasoo ah tiradii ugu badneyd afartii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda NRC oo Warbixinteeda Daabacday Arbacadii, ayaa waxa ay sheegtay in tirada barakacayaasha ay ku korotay sanadkii aynu ka soo gudubnay qoysas gaaraya 202,000. “Waxaa aad u sii kordhaya tirada sii kordheysa ee dadka rayidka ah ee lagu qasbo inay kabarakacaan guryahooda,khilaafkana wuu sii xumaanaya iyadoo kumanaan ruux ay wajahayaan hoy la’aan,haddii ay tan sii socotana waxa ay noqonaysaa masiibo”…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliyaha Cummounity Police-ka Puntland Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cadceed Geelle, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa Sheegay in 24 Kiis oo kusfi ah uu ka dhacay bishan Febuary Degaanada Puntland. Taliye C/rashiid ayaa sheegay in 24 kusfi ay ka dhaceen Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, Isagoona sheegay in Magaalada Gaalkacyo oo kaliya ay ka dhaceen 5 kufsi. Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cadceed Geelle, Taliyaha Cummounity Police-ka Puntland ayaa sheegay in badashada kufsiga ay sabab u yihiin Odayaasha dhaqanka, kuwaas oo u dooda garabna siiya dambiilayaasha. Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjiraha Urur Gobaleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Guyo, ayaa shaqadii uu ka hayay Soomaaliya la ballaariyay, isagoo loogu daray arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, taasoo dhalineysa shaki badan oo ku aadan damaca dalalka deriska ah. Shirkii 46-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo ka dhacay dalka Jabuuti ayaa looga hadlay baahida loo qabo in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadan. War murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu caddeeyay in howshii Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo oo u dhashay dalka Kenya la ballaariyay laguna daray arrimaha Badda…
GAROOWE (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA, ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caa’isha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir , dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo. Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday, si naxariis darro ahna loo dilay, ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo. Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA, ayaa iyada oo gudaneysa mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada, waxaana Warbixino lagaga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha, waxaana ka qayb galay Sarakiisha Ciidamada iyo gudiga shaqada iyo shaqaalaha. Ugu horayn waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed iyadoo ay goob joog ahayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana la faray in dhamaan Ciidamada Dowladu ay ku shaqeeyaan awaamiirta saraakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna. Sidoo kale golahu wuxuu isku raacay in…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir Gudoomiyey shirka Khamiis’laha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, kaas oo Goor-dhaweyd lasoo gaba-gabeeyay. Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ayaa intii uu socday waxaa si weyn looga hadlay ammaanka, Iyadoona si weyn loogu lafa-guray Xaalada ammaan ee Magaalada Gaalkacyo iyo dhacdadii isigu jirtay Kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa amray in gabi ahaanba la joojiyo hubka iyo Tuutaha lala galayo Garoomada Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, iyo Dalxiiska Cali Xasan Axmed, oo warbaahinta la hadlay markii Shirka Golaha Xukuumadda Puntland…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo Ciidamo Boolis ah, ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal isigu jira dilal iyo Kufsi. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland C/shukri C/llaahi Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska, waxaana la filayaa inay ciidamadu bilaabaan saacadaha soo socda Howlgal culus oo lagu baadi goobayo Dadka qeybta ka ah ammaan-darada Gaalkacyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa faray Laamaha ammaanka Puntland inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan Xaalada kasoo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM aya gebi ahaanba saakay waxa ay isaga guureen Xarunta Kuliyaddii hore ee jaalle Siyaad halkaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ay mudo tobanaan sano ah fariisin u aheyd. Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Kuliyadda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,taliyaha Xooga Indha-qarshe iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Madax kale,waxaana munaasabadaas dowladda Soomaaliya lagula wareejiyey Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in kuliyadan…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen Falal lidi ku ah amniga. Ciidamada amniga ayaa howlgaladooda ka sameeynaya Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo, Iyagoona Gudaha u galaya Guryaha qaarkood, Sidoo kalena baaris ku sameynaya gaadiidka. Howlgaladan ayaa ah kuwo amniga lagu adkeynayo, Sidoo kalena lagu soo qabanayo kooxo dhagar qabayaal ah oo ka dambeeyay dilal ka dhacay Habeen kahor Gaalkacyo. Dadka kunool Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay waddaan Ciidamada PSF-ta, waxaana ay sheegeen inay kala…
GIRILEY (IDIL NEWS)-Kolonyo katirsan Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa lagu weeraray inta u dhexeysa degaanada Giriley iyo Fax-faxdhuun oo ka tirsan Gobalka Gedo. Weerarkan oo ay Mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Al-Shabaab ayaa khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamada Kenya. Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in Ciidamada Kenya loogu dilay weerarkii ka dhacay Gobalka Gedo ku dhawaad 3 askari, halka Gaadiid dagaalna looga gubay. Ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka ka soo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheeganayaan weerarka lagu dilay askar katirsan ciidamada Kenya. IDIL NEWS
NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa dareenkeeda ku aadan muranka Badda eek ala dhexeeya Soomaaliya waxaa ay u gudbisay Qaramadda midoobay iyo Golaha Amniga eeMidowga Africa, sida ay baahisay Warbaahinta Capital FM. Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa u sheegtay Warbahinta Capital FM in wasaaradedu ay wargalisay Safiiradda Dalalka xubinta ka ah Goleyaasha Amniga ee Qaramadda midoobay iyo Midowga Africa si ay arrinta wax badan uga ogaadaan. “Waxaan Warbixin ka siinay Xaaladda inoo dhexeysa Annaga iyo Soomaaliya, xaqiiqda ayaan siinay Labadda Goleba si ay usoo saaraan dereenkooda arrintaan”ayey tiri. Waxaa jiraty kulan ay Wasiirku Jimcihii lasoo dhaafay…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM), gaar ahaan kuwa Burundi ayaa maanta la filayaa inay isaga guuraan Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho, halkaas oo mudo dhowr sano ah ay gacanta ku hayaan. Mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta tagaya Kulliyadda Jaalle Siyaad si Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya loogu wareejiyo. Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa waxaa ay ka mid tahay Saldhigyada ugu weyn ee Muqdisho ee Ciidamada AMISOM,waxaana AMISOM ay dhawaan sheegtay in ay dayactir ku sameysay maadaama dagaaladii sokeeye ay ku bur bureen dhismayaasha qaar ee Kulliyadda.…
DOXA (IDIL NEWS)-Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa qaatay kulan looga hadlayay dhinacyo badan oo dan u ah labada dal, xoojinta xiriirka, iyo iskaashika labada dhinac. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha sidoo kale kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal taas oo…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo xalay gaaray Magalada Hargeysa ayaa lgu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Mustafe cagjar ayaa ka hor kulanka muuse Biixi waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo munaasabad xariga looga jarayo wadada isku-xirta magaalooyinka Berbera iyo Wajaale tas oo loogu Magac daray (Berbera Corridor). Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo xalay Saxafada kula hadlayay Magalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Wafdiga Madaxweynaha dowlad deegaanka ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi,sidoo kale uu booqan doono…
Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,ayaa maanta ka qaybgalay kulan qado sharaf ahaa oo ay usameeyeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlada Fadaraalka Somaliya. Boqor Burhaan oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho,ayaa la filayaa in uu ka anba baxo maalmaha soo socda,waxayna xogo laga helayo safarkiisa sheegayaan in Boqorku kusii jeedo Dalka Turkiga. Boqor Burhaan,ayaa ka mahadceliyay soo dhaweyntii saraysay ee Muqdisho uu kala kulmay maalmihii uu ku sugnaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Duqa Kmg ah ee Magaalada gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad oo ka hadlay kulan ay iskugu yimaadeen qaybaha Bulshada Gobolka,ayaa sheegay in uusan musharax u ahayn sii haynta Xilka Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo. ”Waxay Dowladu soo saartay warqad ay ku sheegayso in la dhiso golihii Deegaanka Degmada mudo cayiman,balse anigu waxaan idin cadaynayaa in aanan ka qaybgalayn tartankaas,sababtoo ah Gole Deegaan oo musuq ku imaanaya hadhowna musuq ku joogaya qayb kama noqonayo tartana kuma galayo”ayuu yiri Yaasiin. Yaasiin Cabdisamad Duqa Kmg ah ee Gaalkacyo,ayaa umuuqda mid ka niyad jabay hab maamulka Dowlada dhexe iyo tan Gobolka,sidoo kale qawadsan sida ay usoo xulaan odoyaasha…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Maxamed Faarax Mire, oo kamid ahaa Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ku geeryooday Shil baabuur oo ka dhacay Wadada Xariirisa Degmada Waaciya iyo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Xildhibaan Maxamed Faarax ayaa Gaari uu saarnaa waxaa ay isku dhaceen Gaari Xamuul ah oo marayay Dalcada Al-xamduli laah, Iyadoona uu Xildhibaanku uu ku geeryooday Shilkan. Sidoo kale, Waxaa Shilkan ku geeryooday Qof la socday Xildhibaanka kaas oo Magaciisa lagu sheegay Saadiq. Marxumka oo kamid ahaa Xildhibaanada sanadkan soo galay Baarlamanka Dowladda Puntland, ayaa sidoo kale ku jiray guddigii Doorashada ee Madaxweynaha Dowladda Puntland. IDIL NEWS
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan oo soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo kutagay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan, ayaa Sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin, inay arkaan howlaha wanaagsan eek a socda Garoonka oo ah mid casri kana balaaran Garoomada Soomaaliya oo dhan, marka laga soot ago kan Muqdisho. Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah siin doonaan Garoonka caalamiga ah ee Boosaaso, sidii uu u labo jibaari lahaa shaqada uu bulshada u qabto iyo in la sii xoojiyo Hanaankiisa amni. Daawo. IDIL NEWS
QARDHO (IDIL NEWS)-Gudomiyaha Gobolka Karkaar iyo Masuuliyin uu horkacayo oo ay kamid yihiin Xafiiska Xuquuqul aadanaha Puntland, Isuduwaha Wasaarada Cadaalada Puntland , Xubno katirsan Wasaarada caafimaadka iyo Garsoorka Gobolka karkaar, ayaa maanta Kormeeray Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho Taliyaha Xabsiga weyn ee Magaalada Qardho Siciid Barre Cali (Siciid Bakaay), ayaa Sheegay in xaalad adag ay ka jirto Xabsiga, Isagoona tilmaamay in uu Gudaha Xabsiga ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay qaar kamid ah Maxaabiista. Guddoomiyaha Gobalka Karkaar iyo Masuuliyiintii wehlinaysay ayaa sheegay inay xabsiga ku arkeen Xaalad liidata, Iyagoona ugu baaqay Shacabka iyo Dowladda Puntland in loo istaago…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda iyo Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaana uu kormeeray Madaxweynuhu Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga, Wasaaradda Degaanka, Beeraha, iyo Isbedelka Cimilada iyo Xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa kormeerka uu ku sameeyey Xarumaha Wasaaraddaha iyo xarunta Hanti Dhawrka Guud ee Dowladda Puntland muhiimaddiisu ahayd…
HANOI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ayada oo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka. Kim iyo Trump ayaa is gacanq aaday, ayaga oo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam. Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, islamarkaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka.…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Yaasiin Cabdisamad Cumar, ayaa Shaaca ka qaaday in bishan aynu ku guda jirno Gaba-gabadeedii ay Gaalkacyo ka dhaceen 4 Dil iyo 5 Kufsi ah. Guddoomiye Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay dhamaan Falalkaas Dadkii geystay ay gacanta kusoo dhigeen laamaha ammaanku, marka laga soot ago kan barista lagu hayo ee Gabadhii yareyd. Sidoo kale, Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dil xalay ka dhacay magaalada, loona geystay Wiil yar ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyay, waxaana uu sheegay in Maleeshiyo katirsan Beeshiisa ay soo weerareen Xabsiga, kalana baxeen. Ugu dambeyn, Duqa…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray taliska guud ee ciidanka Booliska Puntland ee magaalada Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kormeerkiisa uga gollahaa Korjoogtayna hawlaha shaqo ee ay hayaan xafiisyada taliska Guud ee ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo kala ah Xarunta CID-da Puntland, Qaybta gobolka Nugaal iyo Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan kormeeray xafiisyada Taliska ciidanka Puntland, halkaasi oo ay ku sugnaayeen sarakiisha ciidanka Booliska, cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Madaxweynaha siiyey…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada…
BEYDHABO (IDIL NEWS)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen. Kulanka ayaa waxaa xaadiray 224 Mudane,waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye. Xildhibaano gaaraya 123 mudane ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Golaha Wasiirada,waxaana diiday hal mudane,sidoo kale majirin Xildhibaan ka aamusay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa kulanka Baarlamaanka ka sheegay in Golaha Wasiirada ay ansax yihiin,iyada oo isla goobta lagu dhaariyey. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo waxa uu u diray Madaxweynaha markale ku guuleystay doorashada dalka Nigeria ee Muhammadu Buhari. Madaxweynaha Nigeria ayaa ku guuleystay markale doorashadii ka dhacday dalkaas,iyada oo uu si weyn ula tartamayay hoggaamiyaha mucaaradka ahna ku xigeenkiisii Atiku Abubakar,wallow natiijada doorashada uu qaadacay. Muhammadu Buhari ayaa sanadkii 2015 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Nigeria,waxaana markale uu ku guuleystay Madaxtinimada dalkaas,waxaana uu xilkaasi heyn doonaa mudo 4 Sano ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dalka Nigeria uu yahay isbaheysi iyo xiriir wanaagsan oo taariikhi ah la leh dalka Soomaaliya,isla markaana ay xoojinayaan,kaidb qoraal uu soo…
KHASMIR (IDIL NEWS)-Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay soo riday labo diyaaradaha dagaalka ah oo ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay gudaha u soo galeen hawadeeda. Xiisada u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa soo xoogeysaneysay saacadihii u dambeeyay, markii diyaaradaha dagaal ee Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha Pakistan. Diyaaradaha dagaal ee Hindiya ayaa la sheegay inay soo galeen Hawada Kashmir qeybta ay Pakistan mamausho. Afhayeen u hadlay Milateriga Pakistan Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay inay soo rideen labo diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, isagoo tilmaamay in la xiray mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda Hindiya. Gen. Asif Ghafoor ayaa…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Guddi u saaray dhacdadii argagaxa laheyd ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Guddigan oo ah Wasiiro kamid ah Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni, kana soo jeeda Gobalka Mudug, ayaa kusii jeeda maanta Magaalada Gaalkacyo, Iyagoona kulamo la yeelan doona Maamulka Gobalka iyo Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ee Mudug. Madaxweyne Deni ayaa faray Guddiga inay dardar-geliyaan Howlaha baaritaanka ah ee ku socda kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ee ka dambeeyay Kufsigii iyo Dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan aheyd 12 sanno jiro. Sidoo kale, Guddiga ayuu amray Madaxweynuhu inay ka…
ABUJA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday. Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod. Xisbiga Abubakar ee PDP ayaa qaadacay natiijada. Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin. Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay. Dadka doorashada u…
MUQDISHO (IDIL NEWS)- Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in Ciidamad Dowlada Soomaaliya ay waqti xaadirkan u diyaarsan yihiin la wareegitaanka guud ahaan amniga dalka. Koox ka socotay AMISOM oo si gaar ah qiimayn ugu sameenayay ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in tirada guud ee ciidamada dowlada ay kor u dhaafeen 20,000 oo askari. Kooxdan oo warbixintii ay soo aruuriyeen ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya ayaa wasiirka amniga xukuumada faderaalka soomaaliya Maxamed Abuukar Islow waxa uu lawadaagay madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira. Qiimayntan ayaa laga sameeyay maamul goboleedyada dalka kajira sida Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntaland intii…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland, ayaa maanta howlgallo culus ka wadda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. Howlgalada oo ah kuwo ay Ciidamadu ka sameynayaan Jidadka iyo Xaafadaha Magaalada Boosaaso, ayaa yimid kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada Askari katirsanaa Ciidamada Difaaca Puntland. Askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Shuceyb Cismaam Caluula, waxaana dilkiisu ka dhacay mid kamid ah Gaadiidka Dadweynuhu raacaan, kaas oo istaagsanaa Isgoys Mashquul badan. Wararka ayaa sheegaya in Qof dilay Askarigan uu la saarnaa Gaariga, Isagoona Dilka kaddib goobta ka baxsaday Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib soo gaaray Goobta ayaana wadda illaa hada…
BAYDHABO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen, ayaa maanta oo Arbaco ah lagu waddaa in uu Golihiisa Wasiirada Cusub horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas. Kal-fadhiga 7aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa furmay isniintii la soo dhaafay,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu Xildhibaanada ku wargeliyey in Maanta oo Arbaco ah la horkeeni doono Golaha Wasiirada Cusub si ay u ansixiyaan. Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada ay noqon doonaan kuwo u adeega Shacabka,isla markaana meel iska dhiga danaha gaarka ah,waxaana Xildhibaanada uu ka codsaday inay ansixiyaan. Magalada…
DOXA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar ayaa Labada masuul waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta. Sidoo kale Mas’uuliyiinta safarka Madaxweynaha ku wehlinaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa…