Author: Jibril Qoobey

Dooxa weyn ee Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera aya laga soo sheegayaa in uu gaari iyo saddex qof oo la socday uu qaatay, taas oo hadda lagu jiro baadi doonta dadkaasi. Roobab waaweyn ayaa xalay illaa maanta ka da’ayey deegaanadda galbeedka Somaliland, waxaana xalay roob weyn ka da’ay magaalada Gabiley, Wajaale iyo Boorama ayaa iyagana laga soo sheegayaa roobab lagu diirsaday,hoos akd aawo muuqaalka.’ Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SSpTkCuWDWc

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 March 2017 Magaalada Garoowe ku daahfuray siyaasada daryeelka dadban ee caruurta dayacan ee ku dhaqan gobolada Puntland. Xaflada oo ka dhacday hoolka shirka ee jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka socotey haayadaha Save the Children, Unicefe , Eu iyo ururrada kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku aamaanay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha qoyska wax ka ogaanshaha  iyo daryeelida ay had iyo jeer la garab…

Read More

Xaasid iyo Damaaci (Sheeko Gaaban) Waxaa la wariyey waa waayada ka mid ah in kob ay ku wada noolaayeen Xaasid iyo Damaaci. Shakhsiba qofka kale ayuu ximiyaa. Ma jirinnin mid ka kale wax u oggol ama okobban. Hawlihii deegaanka ayaa xayirmay. Labadooda uun ayaa is eegta oo faylasha is jara. Bardooddankoodii baa beeshii ku burburtay oo ku ag baabba’day. Maalintii dambe, cuqaashii iyo caaqiliintii degmada ayaa Damaaci iyo Xaasid isugu yeerey. Waxaa loo qabtay shir weyn oo ay ka soo wada qayb galeen dhammaan guurtidii, isimmadii, islowyadii, malaaqyadii, suldaammadii, iyo culimmadii diinta ee deegaanka. La waraysay oo waxaa lagu yiri:…

Read More

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi galabta kulan kula qaatay xubno ka socday bahda waxbarashada ee gobolka Hiiraan, iyo aqoonyahanada magaaladaasi Ku dhaqan.  Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii u dhiiragalin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, iyo in uu ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ka qaadan karaan macalimiinta iyo maamulada dugsiyada waxbarasho. Aqoonyahanada iyo Xubnaha matalayay bahda Waxbarashada ayaa Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta, ayagoo ka dalbaday dowladda Hirshabelle in ay ka gacan siiso…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ee magaacaaban ayaa  ugu horayn booqday  fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji  Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari  oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaalka Blue  Star ee magalaadda Muqdisho. Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  fanaanida Seynab Xaaji Cali Baxsan   iyo  Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo    xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay  tahay  fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb…

Read More

Excellences and distinguished delegates: Presidents, Prime Ministers and Vice Presidents of the IGAD Member States; I would like to take this opportunity to thank H.E. President Uhuru Kenyatta, President of the Republic of Kenya for hosting this special Summit on Durable Solutions for Somali Refugees. I would also like to thank the head of the UN High Commission for Refugees, H.E. Filippo Grandi and Ambassador Alex Rondos of the European Union for co-organizing this important event. Most importantly, I want to express my deepest gratitude to the people and governments of IGAD member states and Yemen, who collectively host more…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan gudaha Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an in la abuuro jawi ay hay’adaha uga dhex shaqeyn karaan dalka gudahiisa”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Halkan ka akhriso khudbada Madaxweynaha :- Federal Republic of Somalia Statement by the President of the Federal Republic of Somalia On Special Summit of IGAD Heads of States and Governments on Protection and Durable Solutions of Somali Refugees Nairobi, 25 March 2017 Excellences and distinguished delegates: Presidents, Prime Ministers and Vice Presidents of the IGAD Member States; I…

Read More

Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku yeeshay kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayeen sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida. In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga. Madaxweyne Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan aqbeli karin in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ay hoy u noqoto ‘argagixisada’. Kenyatta oo dalkiisu uu martigeliyay qaxoooti badan oo Soomaali ah ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca amaanka ah Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si cad uga hor yimid golaha cusub ee wasiirada dhowaan uu ku dhawaaqay ra’isulwasaare Kheyre.   Jawaari ayaa ra’isul wasaaraha u diray qoraal uu kaga dalbanayo inuu kaga laabto magacaabista golaha wasiirada ka hor inta aan la horgeynin baarlamanka si ay u ansixiyaan ama u diidaan.   Qoraalka hoose ee guddoonka baarlamanku u diray raisul wasaaraha waxaa la socda qoraal kale oo xildhibaano 105 gaaraya u direen gudoonka kaasoo ay sheegayaan in raisul wasaaraha uu hareer maray nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5. Halkan ka akhriso:-

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadii uu madasha ka jeediyey uga hadlay kulamadii uu la yeeshay dhigiisa Kenya iyo weliba xaalada abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Farmaajo ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaalida taageeradooda isla markaana ka qeyb qaataan maalgashiga iyo weliba u gurmashada dadka ay saameysay abaarta dalka ka jirta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Sv24kLkd72E

Read More

Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Wadajir xoghayihii guud ee degmada oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada. Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ku raad joogaan sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilka ka danbeeya oo goobta ka baxsaday. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo sidoo kale dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in labada mas’uul gaari ay wateen lagu horgooyay gaari kale kaddib-na rasaas lagu furay, taasoo keentay dhimashada xoghayaha iyo dhaawaca guddoomiye waaxeedka.

Read More

Taliyaha taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya. Thomas Waldhauser ayaa ugu sheegay suxufiyiinta Pentagon in ay qaadi dooni doonaan howlgal ay si gaar ah u fuliyaan iyo sidoo kale kuwo ay kala kaashadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM. “Waxaan u baahan nahay awood badan si aan u wiiqno awooda Al-qaacidada Soomaaliya sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in aan helno awood badan oo aan ku qaadi karno Weeraro noo gaar ah iyo sidoo kale mid aan kala shaqeyn…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 March 2017 si racsi ah u daahfuray furashada Ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada badan ee Dawladda Puntland. Xaflada Furitaanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, gudoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka,  iyo martisharaf kale. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xaflada ka jeediyey qudbad taarikhiya ayaa ugu horayn mahad balaadhan u jeediyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo iyagu markasta ku heelan qabsoomida iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo sidoo kale cid…

Read More

Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayaan sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida. In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u heli doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan…

Read More

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare. Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka. In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Iv-qCdWX2E0

Read More

Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo muddo-kordhin loo sameeyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddo-kordhin loo sameeyo xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.   Xubnaha 15-ka ah ee golaha ammaanka ayaa -sidaas oo kale- isku raacay in dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo howlaha Qaramada Midoobay ee ka socda dalka Soomaaliya.   Dhinnaca kale, waxaa golaha uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isaga oo taageeray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya. Waxaana uu goluhu doorashadaas ku tilmaamay mid soo celisay rejadii ummadda Soomaaliyeed.   Kordhinta muddada uu shaqaynayo xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa…

Read More

Kulan Gogol-xaar ah oo ay Maanta isugu yimmddeen Wasiirrada arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay Ajandaha shirka Berito la filayo inay Madaxda Gobolka kaga wada hadlaan, kaasoo ka dhici doona Nairobi.  Shirka Berrito ayaa lagu wadaa in lagu Lafa guro arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya iyo abaaraha ka jira Waddamada Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi” Farmaajo” oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa Shalayto baaq u jeediyay beesha caalamka, kaasoo ku aaddanaa in si weyn loogu gurmado Dadka ay saamaysay abaarta ee ku dhimanaya gudaha Soomaaliya.

Read More

Dowladda Turkiga ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dajisay hal tan oo gaar gaar cuno ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysa gobollada dalka Soomaaliya. Gargaarkan oo ay ku deeqday hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa waxaa lagu wareejiyay gudiga gurmadka Qaran ee abaaraha si markaa uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay. Raashinkan ayaa u badan nafaqada caruurta, madaama baqdinta ugu weyn ee la qabo tahay macaluul ka dhalatay nafaqo darro soo food saartay carruurta ku dhaqan ilaa 11 gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee Soomaaliya, taa oo…

Read More

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Hotel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa meel aad muhiim ah oo dadka ay ku badan yihiin, oo ku dhow isgoyska Xaawo taako ee magaalada caasimadda ah. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah qeybta baabuurta la dhigto ee maqaayadda. Inkastoo uusan qaraxaasi geysan wax khasaare nafeed, haddana waxa uu sababay bur bur hanti, ayada oo baabuurka qarxa uu gebigiis burbaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ARE6jgjQ6ig

Read More

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay. Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray. Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira. Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011. Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin. Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xalay khudbad dheer ka jeediyey Shirka Golaha Amaanka Qaramada Midoobeey oo dhacay Dalka Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo oo hadda booqasho ku jooga Dalka Kenya si toos ah Aalada Internet-looga daawanayey ka jeediyey Khudbad Shirka Qaramada Midoobeey oo ka dhacay Magaalada Washington. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday waxyaaabo ay ka mid ahaayeen inay Qorshe dejisey ay Dawladiisa Nabad gelyada wax uga qabaneyso waxaana shirka looga hadlay Arimaha Amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab. Farmaajo ayaa sheegay inay ka xun yihiin weeraradii ugu dambeeyey Ee Qaraxyada ahaa oo Shacab badan lagu laayey inta uu xilka hayey isagoo…

Read More

Akhrista yaal sidaan wada ogsoonahay waxaa wadanka imaaraadku heshiis lagalay somaliland oo ku dooda in ay kamadax banaantahay Somaliya inteeda kaleeto, Heshiis kaas oo dhigaya ama ah mid wadanka imaratka u ogolaanaya inay saldhig ciidamada cirka ah ka samaystaan magaala caanka ah ee BERBERA, heshiiskaan oo baarlamaanka somaliland ansixiyey 15/02/2017, ayaa muran badan kadhashay kaas oo sababay in jaaliyadaha dibada iyo asxaabta mucaaradku naqdiyaan, UJEEDADA EBARAT KA (UAE) EE SALDHIGA Dawlada Emaratku  waxay qayb katahay xulufada gacanka Cadmeed ee dagaalka kula jira  jabhada xuutiyiinta ee yemen kadagaalanta inta badana gacanta ku haysa Yemen, taas oo imaaradku u arkay in…

Read More

Mahadin Idaylkeed  waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu Galadaystay nimcooyin  Fara badan oo aan xisaab lahayn iyo Ergigii Alle ee suubanaa Muxamed (N.N.K.H). Intaa kadib waxaan bariidinayaa guud ahaan ummada muslimka ah, si gaar ahna  kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh. Qormadeenu waxay ay daarantahay sida aad ka wada dheehateen ciiwanka kor ku xusan oo ah mowduuc  la xiriira Qabiilka iyo Qaranka, waxa aynu ka jawaabi doona inta aynu ku gudo jiro qormada afar su,aalood oo gun dhig u noqon doona qormadeena.:- Afarta waydiimood waxa ay kala noqon doona, ⦁ – Waa maxay Qabiil ? ⦁ – Fahanka saxda…

Read More

Maxkamada sare ee ciidamada dowlad gobolleedka Puntland ayaa mar kale maanta dhalinyaro ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab shan ka mid ah ku riday xukun dil ah, labo kalana lagu xukumay xabsi daa’in. Dhalinyarradan dilka lagu xukumay ayaa ku eedeysnaa in ay dilal kala duwan ka geysteen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Horay ayeey maxkamad ciidamada todobadan dhalinyarrada ah dhamaantood ugu riday xukun dil, hasse ahaatee racfaan kaddib ayeey maanta mar kale maxkamada sare ee ciidamada go’aan ka gaartay kiiska dhalinyarrada oo shan ka mid ah lagu riday xukun dil ah, halka labo kalana lagu xukumay xabsi daa’in.…

Read More

Booliska ayaa magaca ninkan ku sheegay Khalid Masood. Waxa uu jiray da`da 52 (Dhashay: 25.12.1964), waxaana uu ku dhashay magaalada Kent. Waxa uu waayadii u dambeysay degganaa West Midlands. Ninkan ayaynan boolisku uga shakisneyn ku dhaqaaqidda fal argagixiso, balse waxa ay hayeen macluumaadkiisa. Fal-dambiyeedkii ugu horreeyay ee uu ku koco ayaa la diiwaangeliyay bishii November ee sanadka 1983, waxaa kii ugu dambeeyay uu galay sanadkii 2003 markaas oo lagu qabtay adeegsiga mindi. Booliska ayaa sheegay in horay uusan ugu raad laheyn ninkan wax fal argagixiso ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/GtnOdYfZ2Gk

Read More

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya. Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya. “Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada fadaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay uga bilaabatay Dalka Kenya booqasho saddex maalmood qaadanaysa oo rasmi ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta maanta oo Khamiis ah.  Madaxweyne Farmaajo ayaa kala kulmay soo dhaweyn aad u saraysa Qasriga Madxtooyada ee kenya. Madaxweyne Faraamo ayaa loo riday 21-madfac waxaan slaaan sharaf iyo gaado ka ciyaar qurux badan u sameeyay Ciidamada salaan sharafta ee Dawlada kenya,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/aIeSD5L5IEw

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada fadaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay uga bilaabatay Dalka Kenya booqasho saddex maalmood qaadanaysa oo rasmi ah.   Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta maanta oo Khamiis ah. w   Labada Madaxweyne ayaa kulankoodii manata uga wada xaajooday arimo ay ugu muhiimsanaayeen,     A.Ammaanka,   B.Qaxootiga,   C.Abaaraha.       Labada madaxweyne ayaa si wada jir ah u qaban doona goor dhaw shir jaraa’id.   Waa booqashadii ugu horaysay ee rasmiay oo Madaxweyne Farmaajo ku yimaado Kenya tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha Fadaraalka somaliya.   Dhanka kale…

Read More

Dowladda Mareykanka oo ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ayaa soo dhaweysay magacaabista xubnaha cusub ee gollaha wasiirada dhawaan uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre. Sidoo kale, Mareykanka ayaa soo dhaweeyay saamiga haweenka ay ku yeesheen xukuumada cusub oo ilaa lix wasiir oo haween ah ay ku jiraan taasoo noqoneysa markii ugu horeysay oo haweenka tiro intaa la eg ku yeeshaan xukuumadihii soo maray dalka. ‘’ Barlamaanka waa in uu deg deg u meelmariyaa xukuumada la soo dhisay si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo amni ee ka jira dalka ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda…

Read More

The President of Somalia’s northeastern region of Puntland, DR Abdiwali Mohamed Ali “Gaas”, who is in a visit to Addis Ababa Ethiopia , was reported to have signed agreements with a Chinese company to conduct and Construction Roads and Ports Puntland region, Addis News Paper Reports. The company called China Engineering and Construction Company, and has constructed 19 African Countries Roads and Airport, a project which was funded by the government of Germany . The Chinese-based company, implemented various projects in Africa and has international offices in Ethiopia and Angola

Read More

Imaamka ayaa Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirada la socday kusoo dhaweeyay Hoygiisa, waxaana kulan ku dhax maray Guriga Imaamka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro katirsan Xukuumada, Xildhibaano iyo waxgarad kasoo jeeda Beesha Mudulood. Imaam Maxamed Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Wasiirada uu soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada in ay codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub. Beesha Mudulood ayaa si weyn u taageertay Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Siyaasiyinta iyo waxgaradka Beesha Mudulood badankood sheegeen in ay taageersan yihiin xukuumada cusub,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fPoVPSaynsM

Read More

Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen toddoba qof kadib weerarkii arbacada ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee magaalada London, kaasi oo saddex qof lagu dilay, soona dhammaaday markii sarkaal boolis uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday. Mark Rowley oo ah madaxa qeybta ka hortagga argagixisada ee booliiska London ayaa sheegay in xarigga uu yimid kadib baaritaan lagu sameeyey lix guri, islamarkaana baaritaanada ay weli ka socdaan, London, Birmingham iyo qeybaha kale ee dalka. Ma uusan sheegin haddii dadka la xiray ay si toos ah ugu lug lahaayeen weerarkii arbacada. “Waxaan weli rumeysanahay in qofka weerarka…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey guulo lixaadle oo ay ka soo gaadheen safarkoodii, isagoona shaagay wadahadal ay la yeesheen Dalka Itoobiya ay ka guul gaadheen laba mashruuc oo mihiima kuwaas oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo iyo wado laami ah oo isku xidhidoonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhowaan labilaabo doono labadaasi mashruucba. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaagay in Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso dhamaystirka dhimaha DFS isla mar’ahaantaana Balanqaaday in ay si dhaw ula shaqaynayso Dawladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. …

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo si weyn  loogu soo dhoweeyey. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid yahay Aadan Barre Du’aale  Aamina Maxamed wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya iyo madax kale, waxaana wehlisa madaxweynaha Marwadiisa. Madaxweynaha ayaa ka qeyb-geli doona shirka IGAD oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin abaaraha Soomaaliya ka jira iyo ajendeyaal kale. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah marti qaad uga heysta…

Read More

Roobabkii guga ayaa ka da’ay deegaano badan oo kamid ah dalka sida Puntland,gobolka Bari ayaa Roobabku ka da’een sida deegaano iyo tuulooyin dhowr ah gaar ahaana degaanada hoostaga degmada Qandala. Tuullooyinka Xarago Canjeel,Tuurmasele,Gaatir,Daramadow iyo deegaano kale oo dhulka miyiga ah iyagoona biyo dhigay toga jaceel. Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ayaa uga warbixiyay saxaafada xaalada Roobka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nb5Rcn0ILBk

Read More

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah illaa 68 Mudane oo ka soo horjeeda Xukuumadda cusub ee la soo magacaabay ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistii Wasiirada cusub, waxaana uu sheegay inay codka kalsoonida aanay siin doonin. “Nagalama tashan, dad gaar ah oo saaxibo yihiin oo hey’ado iskala shaqeyn jireen ayuu kala tashaday, anagana albaabada ayaa nagala celinayay, waxaa sameyn doonaa marka la hor-keeno Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida u diidi doonaa, mana la shaqeyn doono”ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay Muqdisho ku yeelan doonaan kulamo ballaaran oo…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 Marcha 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Casimada Dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo cashacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha. Ugu horayn, Madaxweynaha Dawladda…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono. Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee uu mid ka mid ah dalalka deriska ah ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ah, tan iyo markii xilka loo doortay bishii February ee sanadkan. Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga qeyb galaya magaalada Nairobi shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, kaasoo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kenya, iyagoo yeelan doona kulan gaar ah…

Read More

Mudulood ayaa leh kulan wadatashiya oo ay uga arinsanayaan qoondada laga siiyay Golaha wasiirada Cusub ee Fadaraalka.   Kulankan ayaa Maanta ka socda socda Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.   Xildhibaanada labada Aqall,Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,Ganacsatada iyo guud ahaan qaybaha bulshada ee Beelweynta Mudulood.ayaa kulanka iskugu yimdi oo goob joog ah.

Read More

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu ammaanay golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Ergeyga gaarka ah ee xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray qoraal uu ugu hambalyeynayo xukuumadda cusub, gaar ahaan doorka haweenka laga siiyey. “Hambalyo golaha cusub ee xukuumadda lamagacaabay oo ay kujiraan lix haween ah, waxaan rajaynayaa inay horay u socoto, kana shaqayn doonto baahiyaha, ammaan, horumar iyo wax ka qabashada abaarta kajidha Soomaaliya”, Ayuu yiri Keating. Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ra’iisul wasaare…

Read More

Hay’ad la socota dagaalka dalka Syria ayaa sheegtay in duqeyn la rumeysan yahay inay fuliyeen isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ay 33 qof ku dishay iskuul u dhow magaalada muhiimka ah ee Raqqa. Kooxda la socodka xuquuqda aadanha ee Syria waxa ay sheegtay in weerarka uu xilli hore maalintii talaadada ka dhacay xaafadda al-Mansoura, islamarkaana iskuulka la weeraray uu gabbaad u ahaa dad ku barakacay dagaalka Syria. Raqqa waa caasimada ay sheegtaan kooxda Daacish, waxaana qabsashada magaalada ay tahay muhiimadda koowaad ciidamada kala duwan ee la dagaalamaya kooxdaas. Isbaheysiga Mareykanka uu hogaamiyo oo ay ku jiraan dhowr iyo toban dal oo…

Read More

Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in tijaabo gantaal oo ay sameysay Korea-da Waqooyi ay fashil ku dhammaatay. Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Pacific-ga ayaa sheegay inay u muuqatay in ganataalka uu qarxay dhowr ilbiriqsi kadib markii laga tuuray jasiiradda Kalma, ee ku taalla qeybta bari ee dalkaas. Milatariga Korea-da Koonfureed ayaa iyaguna sheegay in bilowgii tijaabada ay u muuqata mid aan caadi ahayn. Labada dalba ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan nooca gantaal ee la tijaabiyey, waxaana labaduba ay sheegeen in weli ay wadaan inay taxliiliyaan wixii dhacay. Horaantii bishan, korea-da waqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Congo Jean-Pierre Bemba ayaa lagu wadaa maanta in ay xukun ku riddo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC, kaddib markii ay maxkamaddu ku heshay dambi ah in uu laaluushay markhaatiyada maxkamaddaasi. Bemba ayaa waxaa horey loogu xukumay 18 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha. Sanadkii la soo dhaafay ayaa Bemba iyo afar qof oo kale oo isaga aad ugu dhawaa waxaa lagu helay dambi ah in ay laaluusheen markhaatiyada maxkamadda si ay u beeniyaan caddeymaha la hayo. Dacwaddan ayaa ah tii ugu horreysay…

Read More

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas iyo waftigiisii ay Dalka dib ugu soo laabtaan .   Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa si xoog leh uga socota saakay magaalada Garowe oo uu kusoo wajahan yahay.   Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa maalmahan safar shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.     Kala soco wararkayaga danbe iyo soo laabashada Madaxweynaha.

Read More

Xasan Cali Khayre Ra’isalwasaaraha dhawaan la magacaabay ayaa maanta ku dhawaaqay golaihisii wasiirrada oo ka kooban 26 xubnood.   Xubnahan loo magaacabay wasiirada ayaa iskugu jira masuuliyiin xilal hore usoo qabtay iyo kuwo ku cusub masraxa siyaasada Fadaraalka.   Wasiirada ugu muhiimsan ee Dawlada khayre ayaa kala ah:-   A.Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo haatan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.   B.Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi faarax juuxaa oo loo magacaabay  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta.   C.Madaxii hore laanta Afka somaliga ee BBC-da oo loo magacaabay Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya.  …

Read More

Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland ayaa sheegay in abaaraha ka taagan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo ay sababeen dhimashada 26 qof, sida uu ku warramay raadiyaha dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho. Deegaannada laga sheegayo Abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku baaqay in gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool deegaanadaasi. Guud ahaan dalka Soomalaiya waxaa ka taagan abaar saameyn ballaaran ku yeeshay…

Read More

Madaxweyne Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa magacaabay mas’uuliyiin cusub oo ka mid noqonaya maamulka Madaxtooyada Soomaaliya. Xilalka la magacaabay waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Soomaaliya, Agaasimeyaal kale iyo la taliyayaal. Halkaan  ka Akhriso magacyada mas’uuliyiinta la magacaabay. 1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 2. Prof  Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda. 3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha 4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada. 5. Cabdinuur Maxamed Axmed,Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Read More

Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa ayaa galabta lagu qarxiyay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.  Inta la ogyahay 10-qof ayaa ku geeriyootay Qaraxa, tiro intaa ka badanna wey ku dhaawacmeen,iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxaasi loola cararay qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxeyna wadaan baaritaanno la xiriira qaraxaasi ku saabsan. Ururka AlShabaab ayaa looga bartay qaraxyada noocan oo kale ah. iyagoo la beegsada goobaha ay dadku ku badanyihiin. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/e73dljEqguE

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo Oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Soo Dhaweeyay Magacaabida La magacaabay Gollaha Wasiirada Cusub Ee Soomaaliya. Dhanka Kale Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Maanta Gelinka Dambe Waxaa la Filayaa in uu u amba baxo Magaalada Nairoobi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/d5SQE-5ya_Y

Read More