Halkaan hoose ka Akhriso Golaha wasiirada iyo Qabiilada ay kasoo kala jeedaan. 1- Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen, Isaaq, Cidegale 2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, ( Majeerteen , Ciise Maxmuud) 3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hawiye, Habargidr, Ceyr 4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda, ( Gada-Biirsi) 5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka, Leelkasce 6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga, Daarood, Warsangeli. 7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha, Beesha Jareer Weyne, Shiidle. 8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada, Baadi Cadde. 9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka,…
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/DoFzIlOvppQ
Dr, Maryan Qaasim Axmed ayaa loo magacaabay wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka oo ah wasaarada ku cusub marka la eego guud ahaanba gollaha wasiirada Soomaaliya. Magacaabista wasaarada cusub ayaa la oran karaa waa mid timid waqti xasaasi ah oo siweyn loogu baahnaa, madaama xiligan dalku uu wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay abaar saameyn weyn ku yeellatay dadka iyo duunyada, dhinaca kalana socdaan dadaalo la doonayo in loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay. Wasaarada ayaa sida muuqada ka shaqeyn doonta guud ahaanba isku daba-ridka arimaha gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka. Ugu danbeyntii Maryam Qaasim oo horay wasiir uga soo noqtay…
Mareykanka ayaa qorsheynaya in qalabka korontada ku shaqeeya ee sida laabtoobyada iyo tablets-ka laga mamnuuco in lala raaco diyaaradaha uga imaanaya wadammada Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika. Xog laga helay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga toban garoon oo ku yaalla dalkaasi. Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho. Baarayasha ayaa waxa ay…
Dabley Hubeysan Oo xalay Weerar ku Qaaday Xaruunta Wasaarada Gaashaandhiga Ee Ku taala Wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho Waxaana Weerarkaasi Ka dhashay Khasaaro. Gudoomiyaha Degmada Deyniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad Oo la Hadlay Idaacada Kulmiye Ayaa Sheegay in ay Soo Weerareen Lix qof oo Ku Hubeysan Qoryaha Garbaha laga Rido iyo Kuwa Fudfudud. Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Deyniile ayaa Sheegay in ay iska Caabiyeen Raggii soo Weeraray isagoona Xusay in aanay Dhankooda Wax Khasaaro ah soo Gaarin.
Agaasimaha FBI-da Mareykanka, James Comey, ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ay baarayaan eedaha sheegaya in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore. James Comey, ayaa guddiga mukhaabaraadka ee Kongareeska u sheegay in FBI-du ay baarayaan in uu jiray wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeysay kooxda maamuleysay ololaha doorashada Trump iyo dowladda Ruushka. Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku gacan seyray eedeymahaasi. Afhayeenka aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer, ayaa sheegay in baaritaan iyo xaqiiqo la hayo ay kala yihiin labo shey oo kala geddisan. Haddaba Eric Swalwell,…
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa goor dhawayd shaaciyey magacyada golaha wasiiradiisa. Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, ayaa af-hayeenka ra’isal wasaaraha oo uu barbar taaganyahay ra’isal wasaare Khayre, waxa uu warfidiiyeenka hortooda ka akhriyey liiska magacyada ra’isal wasaaruhu u soo xushay in ay ka mid noqdaan golaha xukuumadiisa. Wasiiradda magacyadooda la shaaciyey ayaa tiradoodu tahay 26 oo shan xubnood (5) oo ka mid ahi yihiin haween. Liiska magacyada uu ra’isal wasaare Xasan Cabdi Khayre magacaabay oo aanay ku jirin wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeennadu waxa uu u qornaa sidatan: 1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed…
Agaasimihii xilka laga qaaday ee la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweyne Gaas ,ayaa maanta ka hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyay. Ducaysane ayaa yiri”Waa sharci daro xilka ka qaadista madaxweynuhu igu sameeyay waxuuna baalmaray dastuurka Puntland”hoos ka dhagayso codka Ducaysane oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka Ducaysane
Labo nin oo lagu wareejiyay maanta Booliska Puntland ,ayaa Gawaarida kasoo dhici jiray degaanada Puntland,iyagoo deegaamada Cadaado ilaa Hiiraan. Taliyaha Qaybta Booliska gobolka mudug ee Puntland Cismaan Xasan Cuuke ayaa uga mahadceliyay Maamulka xaafada baraxley ee Gaalkacyo talaabada ay ku qabteen ragan burcada ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halka ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eZlYMwEOYAI
Dadkii ka badbaaday duqeyntii xeebaha Yemen oo la geeyay isbitaal ku yaalla dalkaasi. ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QXcnmztVwBY
Puntiland ayaa markii ugu horreysay waxay saluug ka muujisay qaabka ay madaxda cusub ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya u wadaan howlaha u yaalla. Puntland ayaa ku talisay in wax laga beddelo qaabkaas. Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdllaahi Camey oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladda cusub ay heysato taageerada shacabka, isla markaana loo qabo rejo aad u weyn; balse madaxda dowladdu ay hadda u muuqdaan kuwo waqti badan ku luminaya isku-mashquulsanaan iyaga dhexdooda ah. Camey ayaa ka digay in la lumiyo kalsoonidii iyo taageeradii ballaarnayd ee ay shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen doorashadii madaxweynaha cusub iyo dhismaha dowladdiisa.…
Qaab Dhismeedka Gollaha Wasiirada Beesha Daarood 1.Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ( Majeerteen , Ciise Maxmuud) 2.Wasiirka Cadaaladda C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir (Warsangeli ) 3. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Jaamac Mursal Geelle ( Ogaden , Cawlyahan) 4. Wasiirka Waxbarasha C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ( Dhulbahante) 5. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdi Xoosh ( Leelkase ) Beesha Dir 1. Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ( Godo-Biirse) 2. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamuud cabdi Xayir ( Isaaq Habar Jeclo) 3. Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Saalax Axmed Jaamac ( Isaaq , Habar Yoonis )…
Wali waxaa xeebaha dalka Yemen kusoo caarinaya meydadka dadkii badda ku daatay kadib markii Jicmihii doon ay sarnaayeen lagu weeraray marinka Baab Al-mandab ee Badda Cas. Dadkaan ayaa kusii jeeday dalka Sudan sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaawacyada laga soo badbaadiyey halka uu shilka ka dhacay. Dhinaca kalena Isbaheysiga uu sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay in aanay iyagu masuul ka aheyn weerarka tahriibayaasha Soomaalida ah lagu laayay.
Madaxa guddiga Congresska Maraykanka u qaabilsan sirdoonka ayaa sheegay in aanu hayn caddeyn muujineysa in ay wada shaqeyn dhexmartay Ruushka iyo ololihii doorashada madaxweyne Trump ee sanadkii tegay. Devin Nunes, oo waraysi siiyay telefishinka Fox News ayaa sheegay in sidoo kale aanay jirin caddeyn muujineysa in madaxweynihii hore ee Barack Obama uu amray in si qarsoodi ah loo dhagaysto dabaqa Trump Tower. Mr Nunes ayaa hadalkan sheegay ayadoo maalinta beri ah uu agaasimaha FBI, James Comey, hortagi doono guddigaasi, si uu uga jawaabo su’aallo ku aaddan in Ruushka uu farageliyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore. Mr Nunes ayaa dhanka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nThpY33TURk
Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maanta lagu soo bandhigay Markabkii ay dhawaan qafaasheen kooxdii burcad badeeda ahayd ee ay Ciidamada badda Puntland kasoo furteen.. Markabka ayaa muddo saddex cisho ah lagu baarayay dekeda magaalada Bosaso, ka gadaal markii uu soo baxay shaki ku saabsan inuu markabkan yahay maraakiibta kala gudbisa mukhaadaraadka hubka iyo jariifka. Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntland gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo…
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay inay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala la yeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna wal jamaaca. Hadaba wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya soo jeedinayaa; 1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay. 2-Maadaama ay Dawladda…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xil kaqaadis ku sameeyey Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda dowladda Puntland, kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday. Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowlada Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland Waxuu xeeriyey: Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday…
Canada will provide $119 million to help people in countries in the midst of food crises. Immigration Minister Ahmed Hussen told reporters in Toronto on Friday that the money will go toward those in Nigeria, South Sudan, Somalia and Yemen who are facing extreme food insecurity. “These 20 million people need humanitarian assistance now,” he said at the Keele Street Community Hub. “We know that Canadians care and want their government to respond to the needs of people in these regions.” UN humanitarian chief warns of famine crisis, urges global action He said Canada will provide $27 million to Nigeria, $21 million to…
Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku wargeliyey madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, in madaxweyne Donald Trump damacsanyahay inuu booqasho ku tago dalkiisa si loo xoojiyo isfahamka ka dhexeeya labada dawladood. Tillerson wuxu socdaal ku marayaa dalalka Aasiyada Bari waxaanu hogaamiyaha China kula kulmay magaalada Beijing. Madaxweyne Xi ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanaa horu socodka fiican ee uu sheegay kulankii uu la yeeshay Tillerson. “Waxaad sheegtay in xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanku uu mid saaxiibtinimo uun yahay. Arrinkaa in aan la dhacsanahay ayaan anna sheegayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray madaxweyne Xi in uu dhawr jeer tilifoon kula hadlay…
Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maanta lagu soo bandhigay Markabkii ay dhawaan qafaasheen kooxdii burcad badeeda ahayd ee ay Ciidamada badda Puntland kasoo furteen.. Markabka ayaa muddo saddex cisho ah lagu baarayay dekeda magaalada Bosaso, ka gadaal markii uu soo baxay shaki ku saabsan inuu markabkan yahay maraakiibta kala gudbisa mukhaadaraadka hubka iyo jariifka. Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntland gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.
Magacyada dadka ku dhintay duqeyntii Doonta ee Yemen waxaa ka mid ah:- 1-Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 2-Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 3-Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 4-Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho) 5-Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin. 6-Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay. 7-Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho) 8-Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho) 9-Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood. 10-Maareeye…
Dawlada Kanada ayaa ku dhawaaqday dhaqaale Gaaraya 119 milyan oo Dolar Dalal ay kamid yihiin Nigeria,Somalia iyo Yemen. Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay waxkaqabashada abaaraha daran ee dalalkaas aafeeyay,si gaar ah dhaqaalahan ay dawlada kanada ku yaboohday ayaa Somaliya waxay ka heshay qoondo gaaraya 21 milyan oo Dolar. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tioronto Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Kanada Axmed Xuseyn ayaa ku dhawaaqay lacagtan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CvS-f0M01Js
Alah ha unaxariistee waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ah Baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey Qarax gaarigiisa loogu xiray 8-dii bishan March isagoo kusugnaa magaalada Galkacyo. Gudoomiyihii hore ee barlamaanka ahna wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanka. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolka Mudug. Ururka al-Shabaab ayaa qaraxa kadib sheegtey mas’uuliyadda iskudayga…
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta kulan muhiim ahaa wada qaatay. Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen:- A.Xoojinta xiriirka Puntland iyo Dawladda Ethiopia, B.Xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada, C.La dagaalanka Argagaxisada D.Kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsiga. Dhanka kale Madaxweyne Gaas iyo wasiirka arimaha Dibada ee Itoobiya waxay kawada hadleen oo si qoto dheer uga wada xaajoodeen isbedelka doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Somaliya iyo sidii hore loogu sii socon…
Wasiirka arrimaha dibadda, C/salaan Hadliye Cumar ayaa si adag uga hadlay shacabka Soomaalida ah, ee habeenkii Khamiista lagu laayay meel 50 km u jirta Xeebta Hudaydah ee dalka Yemen. Wasiirka Hadliye ayaa sheegay in talaabada dadkaasi lagu laayay ay masuuliyadeeda qaadi doonaan isbahaysiga uu hogaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Madaxweyne Hadi ee dalka Yemen. Wasiirka ayaa sheegay in dhinacyadaasi looga baahan yahay in ay jawaabo ka soo bixiyaan falkaasi, lana aaso intii dhimatay, daryeelna loo fidiyo inta dhaawaca ah isla-markaana lala soo xiriiro qoysaska dhibane-yaasha. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa intaa…
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyata ayaa maanta booqday magaalada Dhoobley ee Gobolka jubada hoose oo ay kusoo dhaweeyeen ciidamadiisa ku sugan,majiro mas,uul Soomaaliyed oo la socday sida aad sawirka ka aragtaan ama goobjoog ka ahaa iyo dowlad ka war qabta toona. Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu madaxweynuhu la kulmay ciidanka Dowladda Kenya ka jooga halkaas oo uu uga mahad celiyay naf hurnimada iyo howlaha ay dalkooda u hayaan. Kenya inkastoo aan deris nahay hadana waxaan nahay laba Dal oo daris ah oo laba xuduuudood kala leh,isla markaana muran dhanka baddda iyo Bariga ahi ka dhaxeeyo, Hadaba Gudaha Somaliya…
Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa bisha April ee soo socota imanaya Magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in uu xarigga ka jaro Saldhig ay Dowladda Turkiga ka dhisatay Muqdisho. Saldhiggan oo lagu sheegay midka ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa ayaa waxaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Qaaradda Afrika ee Turkiga xiriirka la leh. Madaxweyne Erdogan waxaa Safarkiisa ku wehliya Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga Jeneraal Hulusi Akar,waxaana ay rasmiyan xarigga uga jari doonaan Saldhiggan oo la dhiosayay tan iyo 2015kii. Dhismaha Saldhiggan oo bed ahaan gaaraya 400 oo Hegtar…
Madaxweyne Gaas iyo waftigisii maalmahan Dubai u joogay shaqada waxay dib ugu soo laabteen maanta magaalada Adis-ababa ee Dalka Itoobiya ,halkaas oo la filayo in ay ilaa beri uga soo gudbi doonaan Puntland. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyayay garoonka diyaaradaha ee Bole Airport,waxaana kaga hortgaya garoonka masuuliyiin ka tirsan Dawlada Fadaraalka Itoobiya iyo safaarada Somaliya ee dalkaas. Dhanka kale safarkii shaqo ee madaxweyne Gaas ee ku saabsanaa maalgashi loo helo kaabayaasha dhaqaalaha,ayuu kula soo kulmay shirkado waa weyn oo danaynaya maalgashiga Puntland,si gaar ah Madaxweyne Gaas ayaa kulan muhiim ah ku la qaatay Dubai shirkada DW…
Mid ka mid ah xaalka Somaliya ee maanta”’ Nolol maal meedka ayay ka mid noqotay masiibooyinkan oo kale in ay arkaan ama maqlaan Umada Somaliyed maalin walba. Somali Dooni la degtay. Somali Gaajo iyo Haraad u le’day. Somali la xasuuqay. Somali Dukaamadoodi la boobay oo lagu dhex gubay. Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulkiisa eed malahan Badweyn dacdaro ah ayuu soo dhex istaagay meel uu isku qaado ma yaqaan in lagu eedayaa waa wax aan gadmayn. Mida kaliya ee la dhihi karo saakay waa ka gaabiyeen ayaa ah in ay ka hadlaan oo diirada kusoo jeediyaan xasuuqa dadkaas, In ay calanka hoos…
Eng Hashim Haji Gudoomiyaha Shirkadda Global Business iyo Qaar kamid ah Soomaalida Turkiga deggen ayaa ku dhaqaaqay sidii hay’adaha gargaarka ee dalka Turkiga in ay ka codsadaan sidii ay si dhab ah ugarab sitaagi lahaayeen bulshada Somaliyed ee walaalahooda abaarta darani saamaysay. Eng Haashim oo ka mid ah haldoorka u istaagay ka qayb qaadashada gurmadka abaartaas kulul, ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Somaliyed ee ku kala nool daafaha caalamka in ay i istaagaaan oo ay ka qaybqaataan qof walbaana isku xilsaaro ka gurmashada abaartaas Dad iyo duunyaba aafaysay. Eng Haashim ayaa qorshihiisa kasoo saaray Anbiil ku socda inta wax…
Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Wafdiga ayaa hada ku sugan xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo doorka Midowga Afrika ay ka qaadan karto u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Ujeedka socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Gudoomiyaha Muuse Faki uu…
Jiirkii ugu caansanaa dunida ee noloshiisa ku qaatay aqalka looga taliyo Britain ee Downing Streat ayaa mukulaal lagu magacaabo Larry ku hor cunay halka laga galo xafiiska ra’iisul wasaaraha UK Theresa May ee Number 10. Dhacdadaan ayaa si weyn ay ugu hadleen saxaafadda Ingiriiska, waxaana soo daabacay Daily Mail oo ku tilmaamay Mukulaashan nolosha dooligaasi soo gabagabaysay askari howl fiican qabtay. Mukulaashan cuntay Jiirkii in badan noloshiisa ku qaatay Downing Street ayaa lagu magacaabaa Larry, wuxuuna hor fadhiyaa xafiiska ra’iisul wasaare Theresa May ee Number 10,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6jPMW6v2svk
Dozens of Somali refugees have been killed off the coast of Hodeidah in Yemen after a helicopter attacked the boat they were travelling in, according to the International Organization for Migration. Joel Millman, spokesman for the Geneva-based agency, told the AFP news agency that 42 bodies had been “recovered”, after earlier reports on Friday had put the fatalities at more than 30. Mohamed al-Alay, a local coastguard officer in the Houthi-controlled Hodeidah area, told the Reuters news agency that the refugees were on their way from Yemen to Sudan when they were attacked late on Thursday by an Apache helicopter near…
Donald Trump has welcomed German chancellor Angel Merkel to the White House ahead of a meeting where he is expected to urge her to increase Nato spending. During a generally cordial press conference, they discussed Nato, trade and the president’s claim that Obama asked British intelligence to wiretap Trump Towers. The president also revealed he “very seldom, very seldom” regrets what he tweets, adding that otherwise he “probably wouldn’t be here right now. ” Mr Trump also strongly rejected the suggestion that he believed in isolationism. “I don’t believe in an isolationist policy, but the US has been treated very, very unfairly and that has…
Ugu yaraan 30 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen. Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada. Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.…
Laba nin oo waayeel ah ahaa ayaa Gaajo iyo Haraad dartii ugu geeriyooday deegaanka lagu magacaabo Baxdo ee hoostaga gobolka Galgaduud, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Deegaanka Baxdo, waxaa uu ka mid ahaa meelihii ay saameynta xooggan ay ku reebtay abaarta. Dhowr qoys ayaa hadda ku nool deegaanka, halka intooda badan ay dhawaan kasoo carareen. Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan, safmar ah,taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in.
Koooxo hubeysan ayaa gudaha magaalada Kampala ku delay afhayeenka ciidamada booliska Ugandha oo lagu magacaabi jiray Andrew Felix Kaweesi, waxaana la geeriyootay labo ka tirsanaa ilaaladiisa. Jariirada kasoo baxda Kampala ee New Vision ayaa baahisay in Andrew Felix lagu hor dalai meel aan ka fogeyn hoygiisa, iyadoo ay baxsadeen kooxihii dilka afhayeenka booliska geystay. Dhaawac hails ah oo qeybaha sare ee jirkiisa kasoo gaaray ayuu u geeriyooday Andrew Felix Kaweesi. Ciidamada booliska ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo cida ka danbeyso dilka afhayeenka booliska, waxaana si weyn ugu hadlaya warbaahinta dalka Uganda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/I3BoB3dJqz4…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho. Xasan Shiikh iyo qoyskiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo sii raacay dayuurada Turkish Airlines. Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku sii sagootiyey masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale. Xasan Shiikh oo looga guuleystay doorashadii madaxweynaha Somaliya ee dhowaan dalka laga qabtay ayaa waxa uu horey u sheegay inuu muddo kooban oo nasiino ah ka maqnaan doono dalka, uuna ku sii jiri doono siyaasadda. Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka…
Ciidamada Bada Puntland ayaa ku khasbey kooxdan dhalinyarada ah ee afduubatay markabka ganacsi ee sidey shidaal in ay ka degaan oo ku sii daayaan si nabad ah. Maalntii shalay ayaa is rasaaseyn kooban dhex martey ciidanka Puntland iyo kooxdii dableyda ahayd Ciidamada Puntland ayaa muddo laba maalmood ah ku hareereysnaa markabka oo godoomiyay kana jaray sahaydii uga imaan lahayd dhulka. Markab ay burcad badeed ku haysteen xeebta Puntland ayaa si nabad ah lagu siidaayey. Markabkan oo laga leeyahay dalka Imraadka Carabta islamarkaasna u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa xaley fiidki ay ka dhaadhaceen burcad badeed afduubka u haysatey tan iyo Axadi,hoos…
The Nairobi County Assembly has offered to train and enhance the capacity of the Jubbaland State Assembly to help it meet its mandate. “We are ready to cooperate with you in terms of manpower development,” Nairobi County Assembly Speaker Hon. Alex ole Magelo told his Jubbaland counterpart Hon. Abdi Mohamed Abdirahman, during a courtesy call on the speaker by members of Jubbaland regional assembly yesterday. “You can always send your staff here to learn, anytime. We are ready to partner (with you),” said Nairobi County Council Speaker. Hon. Ole Magelo suggested that with the help of AMISOM civilian division, the…
Banaanbaxa Alle lagu waydiisanaayey Raxmadiisa ayaa waxaa kusimaha Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, shacabka iyo waxgaradka Caasimada Garoowe. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keenaya alleh ka fogaansho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/UZ1SX9oqmXg
Waxaa xalay magaalada Khartuum ee dalka Sudan lagu xiray Fanaanka Nimcaan C/raxmaan “Nimcaan Hillaac” oo magaaladaasi u tagay inuu ku qabto bandhig faneed ay kala qayb galayeen dhallinyaro kale oo reer Suudaan ah. Fanaanka ayaa la soo xiray isagoo ku sugan Hool uu ka socday bandhig faneedka oo ay Soomaalida magaaladaasi ku daawanayeen heesihiisa oo ay Musigga u tumayeen dhallinyaro reer Sudan ah,hoos ka dhagayso codka Waraysiga. Halkan ka dhagayso codka Safaarada
Ciidamada badda ee Puntland iyo burcad-badeedda markabka afduub ahaanta ugu haysata xeebaha Berderbayla ayaa maanta waxaa dhex-maray is-rasaaseyn. Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen dooni yar oo sahay u siday burcad-badeedda markabka haysata, sida ay wararka sheegayaan. Illaa iyo hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay isku dhacan,hoos ka dhagayso codka Faadumo Yaasiin Jaamac. Halkan ka dhagayso codka Faadumo Yaasiin Jaamac
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/mi52Ar-qX2o
Reer Holand waa hadleen waxay muujiyeen in aysan cunsiriyiin ahayn oo ay raali ka yihiin wada noolaanshaha bulshada Caalamka dalkoodana uusan boos uga banaanayn Cunsuri. Donad Trump iyo kooxdisii waa lagu quustay aduunku waa ka fogaaday cunsiriyiin iyo koox aragti gaaban. Rw Holand ayaa yiri”Waxaan ku faanayaa shacabka Holand ee muujiyay in ay yihiin dad han leh oo aaminsan in ay yihiin hogaamiyayaasha caalamka qayb ka mid ah” Guusha Xisbiga Laybaraalka waxay ka dhigan tahay Fariin waxtar u ah isdhexgalka bulshada caalamka. Ra’iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo…
Xaakim heer fadaraal ah oo laad ku dhuftay amarkii mar labaad Trump ku hor istaagayay wadamada islaamka. Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah. Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii. Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga. Waa talaabo kale oo…
Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waftiga Madaxweynaha oo kasoo kicitimay Adis-Aababa oo ay maalmahan hawlo shaqo ujoogeen ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Dubai kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawlada Imaaraadka Carabta . Dhanka kale waxaa isaguna gaaray dubai oo ku biiray waftiga Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan Madaxweynaha iyo waftigiisa dawlada Imaaraadka Carabta iyo shirkado maalgashi oo Puntland ay la gali doonto heshiisyo waa weyn oo taariikhiya. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/z2yVUKsQzuA
Siminaarka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, saraakiil ka socotay AMISOM iyo mas’uuliyiin kale. Siminaarka ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo gaarayay ku dhowaad 40 mudane waxaa lagu barayay casharo ay kamid ahaayeen tayada kor u qaadida hanaanka shaqo ee baarlamaamka Jubbaland. “Waxaa farxad weyn inoo ah in maanta uu inoo soo gabagaboobay tababar socday muddo 6 maalin ah, tabababrkan waxaa inoo qabtay AMISOM, waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado…
Dhalinyarada jaamacadaha oo Bilaabay Gurmadka Abaaraha . Maa’ida gabar si gaar ah isu xilqaantay oo balanqaaday KUN Doolar,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/134IExwwQWc
Markabkan oo ay maalin ka hor afduubteen Burcad Badeed Somaliya, Ayaa La sheegayaa inuu Sido 1,800 Oo Tan, Sida Ay sheegtay Armi Shipping, oo Ah shirkad ka diiwaan gashan Panama, Oo Ah Jasiirad Yar. Ciidamada Bada Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa ku dhaqaaqay aaga lagu haysto Markabkaas,sida uu saxaafada u sheegayna Talyaha Ciidamada Badda Puntland Saacadaha soo socda ay ku qaadi Doonaan Howgal Qorsheysan burcadaas haysata markabka. Maleeshiyada heysta Markabka oo iska Fogeeyay iney Yihiin Burcad Badeedii Horay wax u afduuban jirtay oo kale, Ayaan ilaa iyo hadda sheegan wax lacag Madax furasha ah oo ay ka Rabaan Markabka…
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah. Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub. Madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in si dhaw ula…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xog-hayaha Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dalka iyo taageerada dowladda Ingariiska ee Soomaaliya. Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, diiradda waxaa lagu saaray kulanka xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa oo ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga, dagaalka ka dhanka argagixisada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska guud ee dalka. Kulanka kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wada…
Xoghayaha arrimaha dibedda Britain Boris Johnson ayaa maanta socdaal aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Johnson ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu kadib halkaas kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo xoghayaha arrimaha dibedda ayaa ka hadlay arrimo ay mid yihiin gargaarka loo fidinayo dadka abaaraha ay saameeyeen ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal. Xafiiska arrimaha dibedda Britain, weli war rasmi ah kama soo saarin booqashada Johnson ee Muqdisho. Britain ayaa gargaar u codsaneysa abaaraha ka jira Soomaaliya. Arbacadii…
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xarun ay u dhiseen Dawladda Turkigu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxana ay xaruntani soo saari doontaa Saraakiil loo tababarey qaabka casri ah. Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani. Mudane Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XK0x4tqEpEo
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2015 bixiyay 38 milyan oo canshuur ah isaga oo ay soo gashay in kabadan 150 milyan oo doolar, sida ay muujinayso canshuur celintiisii oo la dusiyay. Telefishinka MSNBC ayaa baahiyay qoraal labo bog ka kooban oo canshuur celin ah, arrintaas ayaana sababtay in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku uu si caro leh uga jawaabo. Aqalku wuxuu sheegay in ay sharcidarro tahay in la sii daayo canshuur celintaas. Trump ayaa diiday in uu baahiyo canshuur celintiisa intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada Maraykanka, isaga oo ka weecday dhaqan soo jireen ahaa muddo…
Hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn Netherlands ayaa yeeshay doodoodi ugu dambaysay ee Tv-ga, ka hor doorashooyinka guud ee Arbacada dhacaya. Waxaa in badan laga hadlay arrimaha socdaalka. Murashaxa xisbiga midig-dhexe oo ra’iisul wasaaraha, Mark Rutte, ayaa ku gacan sayray siyaasadaha siyaasiga midigta fog, Geert Wilders. Wuxuu ku tilmaamay qorshihiisa uu ku xirayo xuduudaha iyo masaajidda, uuna ku mamnuucayo quraanka inuu yahay “xal been ah”. Dhiniciisa yuu Mr Wilders sheegay in uu dareemayo in Netherlands aysanba “dhamaantood lahayn”. Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Loedwijk Asscher ayaa isna sheegay in Wilders uusan xal hayn. Saadaasha ugu dambaysa ayaa muujinaysa in taageerada Mr Wilders…
Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay heshiis saldhig Milatari looga siinayo Dekeda Berbera dawlada Imaaraadka Carabta ay la gashay,heshiiskaas oo xasaasiyad xoog leh ka dhex dhaliyay Dawlada Somaliya iyo Dawlada Imaaraadka Carabta ,sidoo kale kala qaybsanaan iyo muran xoog leh ayuu ka dhex dhaliyay gudaha Shacabka Somaliland. Dhanka kale waxaa jira heshiis Dekeda Berbera loogu wareejinayo maamulkeeda shirkad laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta. Hadaba labadaas heshiis ayaa shaki weyn galiyay shacabka Somaliyed iyo dawlada Fadaraalka,sidoo kale doorka Imaaraadka ee arimaha Somaliya calaamad su’aal saaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eH4qO-6S30c