Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS: Ma jiro Afgembi ka dhacay safaaradda Soomaaaliya ee Talyaaniga
    Somalia

    DFS: Ma jiro Afgembi ka dhacay safaaradda Soomaaaliya ee Talyaaniga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa beenisay war ay baahisay warbaahinta Talyaaniga oo ahaa in uu afgambi ka dhacay safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in uusan jirin Afgembi ka dhacay safaaradda Roma, balse Isbedel lagu sameeyay safiirkii u joogay Soomaaliya dalka Talyaaniga, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna bedelay Danjire Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

    Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga 02 bishii hore ee April taas oo lagu soo celiyey safiirkii hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, oo ah diblomaasiyiinta Wasaaradda kuwooda ugu khibradda badan, asagaana ah Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rome inta laga soo magacaabayo Safiir cusub.

    Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Talyaaniga.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

    Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

    Dhanka kale, wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga ee tibaaxaya in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, waa wax kamajiraan aan sal iyo baar midna lahayn, kuwaas oo ay faafiyeen danjirihii hore iyo shakhsiyaad leh dano gaar ah, iyagoo ku howlan in ay dhaawacaan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga.

    Danjirihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaa lagu amray in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u celiyo taariikhdu markii ay ahayd 06/04/2022 Aqoonsiga diblomaasiyadeed (Diplomatic Card), ilaa iyo haddana wuu diiddan yahay, taas oo tilmaan u ah dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo meel ka dhac ku ah curfiga Diblomaasiyadda.

    Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.