Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Donald Trump oo dib uga laabtay go’aankisii ku aadanaa Taiwan
    Somalia

    Donald Trump oo dib uga laabtay go’aankisii ku aadanaa Taiwan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, in uu tixgelin doono siyaasadda dalkiisa ee “Shiine mid ah” taas oo si cad u xeeqaysa sheegashada Beijing ee Taiwan.

    Warbixin ka soo baxday Aqalka Cad ayaa sheegtay in labada nin wadahadal koodii u horeeyey ku yeesheen khadka Telefoonka oo intii uu socdayna Trump aqbalay in aanu ka leexan siyaasadii soo jireenka ahayd ee Maraykanka ee ku aadan Shiinaha, ka dib markii uu ka codsaday madaxweyne Xi.

    Xidhiidhka Washington iyo Beijin ayaa ilaa bishii Diisember yara hakaday ka dib markii Trump ka gudoomey madaxweynaha Taiwan dhambaal hambalyo ah oo uu khadka telefoonka u soo mariyey.

    Markaa wuu difaacay go’aanka uu hambalyadaa ku aqbalay, waxaanu sheegay in aanu garanayn sabab ku khasbaysa Maraykanka in uu u hogaansamo siyaasadda “Shiine mid ah”. Beijing waxay u aragtaa Taiwan in ay tahay qayb aan ka go’i karin Shiinaha.

    Labada madaxweyne Xi iyo Trump ayaa is weydaarsaday martiqaadyo uu mid ba ka kale ku casuumay inuu dalkiisa booqdo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.