Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Donald Trump oo dib uga laabtay go’aankisii ku aadanaa Taiwan
    Somalia

    Donald Trump oo dib uga laabtay go’aankisii ku aadanaa Taiwan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping, in uu tixgelin doono siyaasadda dalkiisa ee “Shiine mid ah” taas oo si cad u xeeqaysa sheegashada Beijing ee Taiwan.

    Warbixin ka soo baxday Aqalka Cad ayaa sheegtay in labada nin wadahadal koodii u horeeyey ku yeesheen khadka Telefoonka oo intii uu socdayna Trump aqbalay in aanu ka leexan siyaasadii soo jireenka ahayd ee Maraykanka ee ku aadan Shiinaha, ka dib markii uu ka codsaday madaxweyne Xi.

    Xidhiidhka Washington iyo Beijin ayaa ilaa bishii Diisember yara hakaday ka dib markii Trump ka gudoomey madaxweynaha Taiwan dhambaal hambalyo ah oo uu khadka telefoonka u soo mariyey.

    Markaa wuu difaacay go’aanka uu hambalyadaa ku aqbalay, waxaanu sheegay in aanu garanayn sabab ku khasbaysa Maraykanka in uu u hogaansamo siyaasadda “Shiine mid ah”. Beijing waxay u aragtaa Taiwan in ay tahay qayb aan ka go’i karin Shiinaha.

    Labada madaxweyne Xi iyo Trump ayaa is weydaarsaday martiqaadyo uu mid ba ka kale ku casuumay inuu dalkiisa booqdo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.