Imaanshihiisa Xamar,waxay ku ahayd bahdil,sababtoo ah,waxaa la tusay in laga gobsan yahay oo hadana laga Dimuqraadisan yahay.
Farmaajo markuu awooda helay,wuxuu udhaqmay si foolxun oo ciilqabnimo ah….
1.Wuxuu diiday in la Shiro.
2.Wuxuu diiday in la banaanbaxo.
3.Wuxuu diiday in la hadlo.
4.Wuxuu ku weeraray Hotelkii ay daganaayeen oo isku dayay in uu dilo Xasan iyo Shariif Madaxweynayaal hore.
5.Wuxuu udiiday in ay safraan oo hawada,ayuu ku celiyay.
6.Wuxuu diiday in uu xataa salaamo,iyagoo tacsi iskugu yimid Madaxweynayaashii hore.
Taa badalkeeda si gobanimo leh,ayaa loosoo dhaweeyay oo aan loogu mashquulin,iyadoo awoodii la haysto lana awoodo in sidii jaafaajiriqa ahayd ee uu udagaalami jiray loola diriri karo.
Majirin Nin ku fariistay Kursiga Villa Somaliya oo Farmaajo ka liitay,isla markaana uga khatar badnaa Dalka iyo Dadka.
In saakay lasoo xauusto,waxaa sababay hogaaminta Xasan ee ka hoosaysay halkii laga filayay.
