Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Isimadda Isaaq, muxuu ugu soo dhiibay Muuse Biixi ‘Dhulbahante’ ?
    Somalia

    Faallo: Isimadda Isaaq, muxuu ugu soo dhiibay Muuse Biixi ‘Dhulbahante’ ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2023Updated:February 16, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wexay ila tahay Dhulbahante Nin ganay og, nin galadayna og, mana garan karo waxa Salaadinta Hargaysa la soo hor fariisan doonto Garaadada Laascaano?

    Xagee beey hadalka ka bilaabayaan?

    Maxay u wadaan beesha dhulbahante aan ka ahayn Soomaaliland ha kala dirina Dhulbahantow.

    Dhulbahante horay ma uga tirsaan Somaliland marka hor-galada dhulbahante laga reebo?

    15 Sano SL iyo Laascaanood?!

    1.Dilal qorshaysan oo Hal-doorka LC lagu waday.

    2.Ciqaab, Caburin iyo horumarkii oo laga hor-is-taagay LC.

    3.Isku dir iyo kala dil Beesha Dhulbahante dhexdeeda ah.

    Haatan?!

    11-Maalmood oo xasuuq shacab aan loo meeldayin,Caruur,Ciroole, Biri ma gaydo, Dumin Isbitaalo,Iskuulo,Masaajido,Guryo Shacab iyo Meharado.

    Dhulbahantow waxaan idiin wadnaa..

    1.Duug.
    2.Diyo laba jibaaran.
    3.Dhismihii dumay aynu dib u dhisno.
    4.Khasaaraha ka dhacay LC oo aan qaadano mid masuuliyadeed iyo mid Dhaqaale.

    Markale Dhulbahantow waxaan idiin wadnaa..

    1.Wasiirada Maalyada iyo Arimaha gudaha.

    2.Talyaha Ciidamada.
    3.30% Shaqaalaha Dowlada.
    4. 25% Mashaariicda dalka.
    5.Lacag Kaash ah oo xaal iyo Magdhow ah.

    Garaadada dhulbahante wexeey oran doonaan…

    “Intaad sheegteen oo dhan idin-kama rabno, wixii dhacayna cafa laahu camaa salaf, kaliya aynu ahaano dad walaalo ah, is dhalay, deris ah, Somali wada ah, muslin wada ah, kaliya aynaan wada ahayn Somaliland, anaga waanu tagnay,Maamul baanu dhisanay meeshii uu nala gaaraba ee raali naga ahaada,iyagoo fara maran ayay Salaadiinta Somaliland dib ugu noqon doonaan Hargaysa”.

    Maxaa xigi doona fashil kaas kadib?

    Waa uun Laba mid, in sidaa Sool ku weydo Somaliland una diyaar garoobaan dib ugu noqoshada Muqdisho iyo in ay iyagoo wada jira go’aan ku qaataan dagaal uu Isaaq u dhan yahay oo lagu soo qaado Sool iyo dhulbahante.

    Haday sidaa dhacdo waxaa suuragal noqon doonta in uu dagaalku balaarto waxaysan Isaaq ku talagalina halkaas kala kulmaan..

    Ismaaciil Cumar Geele oo fursad u arka arinta LC,ayaa ka faa’iidi doona si uu Ceel dheer ugu rido Nabada Somaliya oo uu dib ugu celiyo Somalida halkii 32-Sano ka hor laga yimi.

    Tolow mar kale Somali Dowlad ma loogu soo dhisi doonaa Carta oo Carta-2 mala arki doonaa?

    Xukuumada Somaliya muxuu doorkeedu noqon doonaa,?

    Ma fiirsan doonaa Xasan Shiikh dagaal sokeeye oo dib uga qarxa Qabaa’ilada Somaliyed dhexdooda ?

    Damaca Sxbkii Ina Geele ee Somaliya Gacan maku siin doonaa?

    Alloow ur u bixi.

    Jibriil Qoobey

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee Gobolka Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.