Khudbadiisa,waa sugayay,waxaana looga fadhiyay Laba Qodob oo kala ahβ¦..
1.In uu aqbalo soo jeedintii Golaha mustaqbalka Somaliyed ee ahayd ka hor 20-ka Bishan in uu qabto Shir Qaran,mana samayn.
2.In uu SL hor keeno tanaasulaad la taaban karo,sida Caasimada Jamhuuriyada in la siinayo iyo wax la mid ah,mana samayn.
Sidii caadada u ahayd khudbad aan qiimo Qaranimo lahayn oo macno yar,ayuu jeediyay,waxaana lagu soo koobi karaa in ay ku koobnayd xigmadeeda Sadex Qodob oo kala ahβ¦.
B.In uu iska Indhotirayo xaalka Wadanka weli.
T In Reer SL Afxumadii iyo aragti yaridii uu ugu sii daray hanjabaad.
J.In uu Israa’iil udirayo tanaagood aan waxba yeeli karin.
Isku soo wada duuboo Khudbada Xasan jawaab uma noqon karto imaanshihii W.Arimaha dibada Israa’iil ee Hargaysa.
Sidoo kale xaalka Dalka ee cakiran xal uma ahayn,waxaana la oran karaa xalka bilowgiisa,waa Xasan oo aqbala iscasilaad.
