Israaโiil, waxaa guul u ah ugu yaraan in aduunka meel ka mid ah rabitaan looga hayo,gaar ahaan Dhul Islaam Sunni ah,waliba Somaliya iyo geeska Afrika ee muhiimka ah.
Sidoo kale SL,waxaa guul weyn u ah in ay heshay aqoonsigii ay baadigoobaysay 40-kii sano ee udanbeeyay.
SL muhiim uma ah Wadanka ay ka helayso aqoonsiga diintiisa iyo aragtidiisa,waxaase macno usamaynaya danaheeda qaran.
Waa tusaale nool oo loosoo qaadan karo kala danaysiga siyaasadeed sida uu udhexmari karo bulsho loo arko in ay cadow diimeed,fikradeed iyo ummadeed uu ka dhaxeeyo.
Xaqiiqdu,waxay tahay in SL muujisay bisayl siyaasadeed iyo diblomaasiyad oo ay cidlo uga dhaqaaqday fikradaha xagjiriinta Islaamiga Carabtu maalgeliso ee aan ku qotomin diinta islaamka,isla markaana aan la jaanqaadi karin caalamka maanta jira.
Ku dhawaanshaha SL ee Israaโiil,waxay ka faa’idaysaa wax badan,waxayna unoqonaysaa difaac adag oo ay ka gasho khataro badan.
