Cumar Faatax,waxaa reebi kara ama soo saari kara,waa Dadka aan Somalida ahayn,sida cadaanka,madowga iyo Isbaanishka.
Tirada guud dadka ku nool magaalada Minneapolis,waa 429-kun oo Qof oo ay Somalidu ka tahay 15-16-kun oo Qof.
15-16-kaas Kun,waxaa ka codayn kara 12-Kun,waxayna 6000 oo ka mid ah degan yihiin 8-dhisme oo hal Xaafad oo la yiraahdo Cedar Riverside ku yaal.
Xaafada go’aamisa Duqa Minneapolis, waa Xaafada South West oo ay degan yihiin Cadaanku oo ay ku yaalaan 480-Guri oo dhamaantood laga codayn karo.
Somalida 12-ka Kun ah xataa haday israacdo waxba ma badali karaan oo waxaa ka saamayn badan Cadaanka,Madowga iyo in Usbaanishka ah 90%.
Somalida Minneapolis ama guud ahaan Dowlad Goboleedka Minnesota ku nool maleh saamayn macno leh,sababo ay ugu weyn yihiin….
1.Midnimo la’aan.
2.Aqoon yari.
3.Dhaqaale yari.
Dhan walba oo laga eego Cumar,waxaa soo saari kara ama reebi kara dadka aan ahayn Somalida Minneapolis ee Somali kala taageerta ama wada taageerta waxba uma dhimi karaan mana ku tari karaan.
									 
					