Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee ku danbeeyay dagaalkii TPLF iyo Ciidamada Abiy
    Somalia

    Halkee ku danbeeyay dagaalkii TPLF iyo Ciidamada Abiy

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2022Updated:October 6, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    TPLF,ayaa dagaalyahanadooda dib ugu baxeen Magaalooyin ka tirsan Deegaanka Amxaarada iyo Canfarta oo ay gacan ku heyntooda la wareegen markay dagaal kaga awood roonaadeen Ciidamada Qaranka Itoobiya.

    Dagaalyahanada TPLF ee looyaqaano TDF Tigray Defence Force ayaa magaalooyinka Kobo,Gobiye, Kobo Robot, iskaga baxay ayagoona iskugu geeyay ciidankooda magalada Girakajo oo udhexeysa magaaloyinka Alamata iyo Koram.

    Magaaladan oo ah Buuralay istaraatiji ah oo usahleysa in ay kucaabiyaan dulaan kasta oo dhulka ah oo kaga imaan kara dhanka Deeganada Canfarta iyo Amxaarada,ayaa waxay hoostagtaa Degmada Jifra ee Gobolka Raya oo ay degaan Dadka isirka Amxaarada ah oo katirsan Deegaanka Tigreega. Taasoo cadeyneysa hadalkii TPLF ee ahaana anagu dhulkeena iyo isirkeena ayan difaaceynaa, ayagoona iska xaadiriyey miiska wada hadalka.

    Dib unoqoshada ciidamada TDF aya dabar jab kunoqoneysa xukumada abiyu ayadona indhaha caalamku qabanayaan xasuuqa iyo duqeymaha aan loomeel dayin ee ay diyaaradaha dagaalka iyo droneskiisu geysanayaan. Halka TPLF muujisay iney yihiin dad dagaalkoodu yahay isdifaac ee aan duulaan aheyn.

    TPLF oo lafteedu khilaaf siyaasadeed oo gudaha kajiray islamarkana hoganka ciidanka ee TDF general sedkan iyo hogamiyaha siyasada TPLF debresion aya iskudiiday nidamka heshiska dhanka kalena shacabka tigreega aya cadaadis saaray TPLF markay adkaatay noloshii iyo adeegi aasaasiga ahaa oo meesha kabaxay kadib cunaqabeyntii ay saartay dawladda dhexe ee abiyu hogaamiyo iyo xulufadiisa ayaa kuqasbeysa in wada hadalada ay degdeg ubilaaban. Dib ugurashada ay sameeyen aya soodhaweyn karta wada hadalada maadama TPLF ay kusugan tahay kaliya deegaanka tigreega.

    Madaxa warfafinta TPLF getachee Reda oo kahadlay dib ugurashada ciidamadooda aya sheegay ineysan aheyn awood yari balse ay uturayaan shacabka axmaarada ah iyi dhalinyarada uu abiyu dabka kushubayo. ( cududa ciidankeena iyo awoodooda waxa marqaati ka ah shacabka axmaarada) ayu yidhi.

    TPLF oo ay qodobada ay wada hadalka kugaleysay kamid ahaayen.
    1. In dhamaan maxabiistii dagaalka looga qabtay lasii daayo.
    2. In dhamaan maxabiista siyaasada uxiran ee qowmiyadaha kale lasiidaayo sida Cabdi iley iyo kuwa lamidka ah.
    3. In deegaanka tigreegu helo dhamaan taakulada dawlada dhexe iyo deeqaha caalamiga ah.
    4. In iskukood aayahooda ugu tashadaan ila iyo go’itaan.
    5. In aysan dawlada dhexe dhismaha maamulka tigreega aysan wax shuqul ah kuyeelan.
    6. In miisaaniyad dheeri ah oo dib udhis loogu sameeyo kaabayashi dhaqaale iyo adeegyadii hormarineed ee dagaalka kuburburay looqabto.

    Xukumaada abiyu oo u aragtay shuruuda TPLF Iney tahay awood sheegasho iyo quudhsi xukumadisa ah islamarkaana ay bahdil siyasadeed kutahay ayaa door biday dagaalka inu kuwiiqo kadibna mark uu gacanta sare yeesho inu fariisto miiska. Balse dhacdooyin badan oo iskuxigay aya bedeli kara goaankiisi hore.

    Dhanka kale xukumada abiyu oo dagaalkan kudaba dheeraaday islamarkaana kufashilantay iney guul kagaarto aya la daalaa dhacaysa cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo beesha caalamkaba kaga imaanaya, waxana usiidheer sixir barar, jabhada cusub oo laga aasaasay deegaanada shucuubta koonfureed, nolashii oo adkaatay shacabkuna waxyar ujiraan iney udaataan xarumaha dawlada, shaqaalahi rayidka aha oo aan qaadan mushaaraadkoodi muddo 3bilood ah marka laga reebo magaaloyinka caasimadaha ah.

    Wada hadaladi loobalansanaa iney kadhacaan jabuti dhamaadki bishi hore oo uu abiyu kamadax adeygay aya hadeer umuuqda xalka kaliye ubanaan abiyu iney tahay inu dib ubilaabo.

    Wada hadalada oo kadhacaya wadanka South Africa ayey TPLF waraaqdi casumada ee Midowga Africa usodiray 1di bishan October aqbashay ayagona codsaday in lashaaciyo doorka goob joogayasha, beesha caalamka iyo cida damaanad qaadayasha ah, siay udhaqan galaan qodobada lagu heshiyo, amniga ergada tigrega ah iyo sugida amaankooda iyo fududeynta hawlaha ee ubaahan yihiin ergada mataleysa TPLF

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.