Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyihii Daacishta Somaliya oo lagu dilay Buuraha Bari Ee Puntland
    Somalia

    Hogaamiyihii Daacishta Somaliya oo lagu dilay Buuraha Bari Ee Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee Puntland.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Somaliya.

    “Bishan January 25-keedii,ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Somaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

    Sarkaal sare oo Maraykanka ah,ayaa sheegay inay al-Sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale, inkasta oo Maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha Daacish, balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamadii Maraykanka ahaa ee hawlgalkaas ka qayb qaatay.

    Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

    “Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka.

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

    Dawladda Maraykanka,ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay Dowladda Somaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.