Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyihii Daacishta Somaliya oo lagu dilay Buuraha Bari Ee Puntland
    Somalia

    Hogaamiyihii Daacishta Somaliya oo lagu dilay Buuraha Bari Ee Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee Puntland.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Somaliya.

    “Bishan January 25-keedii,ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Somaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

    Sarkaal sare oo Maraykanka ah,ayaa sheegay inay al-Sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale, inkasta oo Maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha Daacish, balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamadii Maraykanka ahaa ee hawlgalkaas ka qayb qaatay.

    Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

    “Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka.

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

    Dawladda Maraykanka,ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay Dowladda Somaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.