Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hoggaaminayaha kooxda Wagner oo shil diyaaradeed ku dhintay
    Somalia

    Hoggaaminayaha kooxda Wagner oo shil diyaaradeed ku dhintay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 23, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diyaarad ka kacday magaalada Moscow una socotay St. Petersburg ayaa burbrurtay Arbacadii, waxaana ku dhintay dhammaan 10-kii qof ee saarnaa, sidaasi waxaa soo tebinaysay wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay saraakiil ka tirsan kuwa gurmadka ee dalka Ruushka.

    Hoggaamiyaha kooxda calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa la sheegay inuu magaciisu ku jiray liiska rakaabka diyaaradda, hase yeeshee ma cadda inuu diyaaradda saarnaa.

    Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradda uu lahaa Prigozhin oo aasaasay shirkadda amniga ah ee gaarka ah ee Wagner.

    Wakaaladda wararka Ruushka ee Tass oo soo xiganaysay saraakiisha gurmadka ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen saddex duuliye iyo toddoba rakaab ah. Masโ€™uuliyiinta ayaa sheegay inay baarayaan burburka diyaaradda oo ka dhacay gobolka Tver oo ilaa 100KMs dhinaca Waqooyi ka xiga Moscow.

    Prigozhin, oo ciidankiisu ay ka garab dagaalamaneen kuwa Ruushka dalka Ukraine ayaa sameeyey kacdoon muddo gaaban socday bishii Juun kaasi oo ka dhan ahaa hoggaanka milatariga waddankaas. Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegya inuu masaafuris u joogi doono Belarus, kadibna ciidankiisu ay hawlgal noqon doonaan, ama ay u raaci doonaan waddankaas ama ay ku biiri doonaan milatariga Ruushka.

    AP/VOA

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.